7 Qaab Online Lacag Kaga Samee

adigoon gurigaaga ka tagin shaqeyso lacag dheeraad ah!

0
117

Haddii aad raadineyso siyaabo aad lacag uga sameyso onlineka  markaa waxaad timid meesha saxda ah, Maqaalkan waxaad ku ogaan doontaa 7-da siyaabood ee ugu wanaagsan ee qofkasta uu dakhli uga soo saari karo onlineka.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee internetka ayaa ah inaad naftaada ganacsi ka dhex aasasan karto internet-ka Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad haysato khad internet ah, waxaadna lacag kaga heli kartaa khadka tooska ah internetka ayaa kaa xoreyn doona shaqada maalin laha ah ee 9 ilaa 5 saac maalintii aad shaqayso waxaadna heli doonta waqti aad ku safarto, ku dalxiisto ama waqti aad qoyskaga la qaadaato.

Mid kale oo lagu daray ayaa ah inay jiraan siyaabo badan oo kala duwan oo lacag looga helo internetka. Si aad u bilawdo, waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso ayaa ah inaad aqoonsato  suuqa waxtarka kuu leh  ee kugu habboon. Intaas ka dib, looma baahna in la shaqaaleeyo shaqaale, la kireeyo boos, ama la iibsado alaab qaali ah (ilaa aad rabto mooyee).

Sidoo kale, shaqooyiinka kaagama baahna in aad guriga ka baxdo, ama wakhti badan aad geliso waxa aad sameyneyso. Haddii aad haysato internet awood leh oo aan googo’eynin, ma jiro wax kale oo ku hor istaagi kara.

Halkan ka akhriso 7 qaab oo aad lacag dheeraad ah ku shaqeysan karto:

1. Kaydka ganacsiga Internet-ka

Waxaan ku nool nahay duni uu ku sii kobcayo bakhaarada internet-ka ah ee ganacsiga – wuxuu ganacsigan ku baahayaan daafaha caalamka.

Dadka waxay ka adeegtaan internet-ka, waxaana alaabta loogu geeyaa fadhigooda. Waxaad noqon kartaa isku xiraha dadka iyo shirkadaha alaabta sameeya, waxaadna heleysaa lacag dheeraad ah.

Haddii aad wax ka garaneyso iibinta iyo suuq-geynta, waa in aad isku daydaa arrintan oo aad la macaamishaa shirkada Amazon, eBay, iyo wixii la mid ah.

Sidoo kale, waxaad sameysan kartaa bog internet-ka oo kuu gaar ah, si alaabtaada gaarka ah aad u iibiso. Waxa keliya ee aad u baahan tahay waa in aad si wanaagsan u maareyso wakhtigaaga iyo dadka kula shaqeynaya.

2. Lacag shaqeyso adigoo waxa hadda aad sameyneyso sii wadaya

Waxaa suuragal ah in la yaab ay kugu noqoto, balse waxaa jiro bogag internetka ad oo lacag kugu siinaya in aad warbixinnadooda akhrisato ama muuqaalladooda daawato.

Tusaale, waxaa jiro website-yo lacag siiya qofkii dhageysta heesahooda, ama ciyaara game-kooda, kuwo lacag kugu siinaya in aad wax ka cunto iyo kuwa xitaa socodkaaga kaa iibsanaya.

3. Noqo Blogger

Iyadoo dad badan ay adeegsanayaan internetka markasta, waxaad sameysan kartaa bog, taas oo fursad wayn kuu noqon karta oo lacago dheeraad ah aad ka heli karto.

Haddii aad jeceshahay wax qoridda ama sheekeynta, arrintaas waxaa ka dhigan kartaa shaqo kuu gaar ah. Waxa keliya ee aad u baahan tahay waa akhristayaal wanaagsan oo daacad kuu ah.

Qaababka aad lacagta uga sameyn karto waxaa ka mid ah in aad xayeysiis ku xirto, in aad dadka waydiisato in lacag ay bixiyaan si ay u akhristaan xogtaada ama in aad jaamacado ka caawiso daabacaddad cilmi-baaris ka dibna lacag ka qaadato.

4. Noqo lataliye dhanka internet-ka ah

Haddii aad shaqooyiinka qaar ku wanaagsan tahay sida maamulka iyo maareynta, suuq-geynta, waxaad aqoontaas u adeegsan kartaa in aad dadka kula taliso dhanka internet-ka, waxaadna ka heleysaa lacag wanaagsan.

Latalinta noocan ah waa qaab fudud oo lacag aad u badan lagu sameeyo. Shaqadan ma ahan mid aad loo xakameeyo, waxa keliya ee aad u baahan tahay waa in aad ogaato baahida dadka.

5. Macalim

Haddii aad aqoon u leedahay dhanka macallimnimada, waxaad taas u adeegsan kartaa in aad lacag dheeraad ah ku shaqeysato, adigoo shaqadaada aan ka tagin.

Hadda, in luqadda English-ka barto ardey waa mid ka mid ah shaqooyiinka ugu lacagta badan, mana kaaga baahno how badan – keliya waa in aad wakhti gaar ah heshaa.

6. Bilow kanaal kuu gaar ah oo YouTube ah

YouTube waa barta ugu way nee muuqaallada laga daawado xilligan, waxaana laga helaa xog aad u badan – aqoon, madadaalo iyo iska maalaayacni, intaba. Taas waxay ka dhigtay barta loogu daawashada badan yahay, waxaana lacag ka sameeyo dad aad u badan.

Bartan waxaa lacag looga sameyn karaa qaabab kala duwan – markasta oo tirade daawashada iyo kuwa kugu xiran ay sare u kacdo, waxaa sii badaneysa lacagta aad ka sameyneyso.

Akhriso: Dadka Ugu Taajirsan Caalamka 2021

Haddaba ka fikir sida aad u sameysan karto kanaal kuu gaar ah, sida cunto-karin ama madadaalo iyo aqoon-kororsi. Sidoo kale waa muhiim  in aad sameyso muuqaallo aad u faafi kara oo dad badan kugu soo xiri kara.

Haddii aad ku guuleysato, waxay kuu noqon kartaa shaqadaada joogtada ah oo aad dhaqaale badan ka hesho, sida dad badan oo Soomaali ah ay hadda sameeyeen.

Maalgashi

Maalgashiga waa mid ka mid ah arrimaha ugu wanaagsan ee lacag laga helo, adigoo aan shaqeynin. Marka aad shirkad ka iibsato saami yar, waxaad xaq u yeelaneysaa in lacag aad ka hesho bil kasta, ama sannad kasta.

Sikastaba, waxaad jiro caqabado badan oo dhici kara. Haddaba waa in aad maskaxda ku haytsaa in aan la saadaalin Karin maalgashiga iyo faa’iidada laga helayo – waxaa dhici karta in aad ku qasaarto.

Waxaa dhici karta in saamigaaga uu hoos u dhaco, haddii uu yaraado dhaqaalaha meesha aad maalgashatay. Marka waxaa wanaagsan in marka hore aad aqoon wanaagsan u yeelato arrintaas, baaritaan wanaagsanna aad ku sameyso.

Dhammaad:

Way iska caddahay in ay jiraan qaabab badan oo lacag dheeraad ah aad ku shaqeysan karto adigoo aan ka tagin shaqada aad hadda hayso. Haddaba, culeys kasta oo ku haysta ama mashquul kasta oo aad tahay, in aad lacag dheeraad ah shaqeysato fikrad xun ma ahan.

Leave a Reply