7 Dhibaato Oo Laga Dhaxlo Dhafarka Badan

0
32

Dhafarka iyo hurdo la’aanta habeenki waxay ku dhaxalsiin karaan dhibaatooyin caafimaad oo badan.

Waqti xadirkan la joogo caalamku wuu is badalay oo habeenkii iyo maalintii isku mid bay noqdeen xaga dhaqdhaqaaqa dadka iyo saxmada waxaa soo batay dhibaatooyin fara badan oo la xiriira hurdo la’aanta ama dhafarka habeenkii taasoo sababta dhibaatoyin aan la koobi karin.

Dhafarka iyo soo jeedka xili dambe habeenki waxay ka soo horjeeda sunadii alle ugu tala galay bini’aadanka, alle wuxuu quraankiisa ku xusay dhowr ayadoon in habeenkii loogu talagalay daganaan iyo hurdo, maalintiina in la shaqaysto, qofka bini’aadanka ahna kama maarmi karo hurdo iyo inuu shaqaysto.

Waxa jirto fikrada khaldan oo ay dadku qaar aaminsan yihin taaso ah hadii qofku habeenkii soo jeedo, maalintiina seexdo in ay hurdada maalinti ku filan tahay oo booski hurdada habeenki u buuxinayso.

Akhriso: 10-Kan Dabeecood Waa Qasab in Caruurta La Baro

Fikirkaasi sax ma ahan, daraasado badan ayaa laga sameeyey arinkaas, waxaa la ogaaday in qofka bini-aadanka ah jirkiisu uusan isku si u shaqaynin habeenkii iyo maalintii, maadaama habeenki loogu tala galay nasinada iyo hurdada, unugyo badan oo jirka ka tirsan waxaa alle uu ku programiyay in ay shaqada yareeyaan ama hakitan iyo unugyada qaar in ay yareeyaan wax soo saarkooda sida qanjirrada soo daayo hormoonada iyo dheecaanada jirka uu u baahan yahay, maalintiina waa cagsi oo unugyo badan oo habeenkii nasado ayaa maalintii la howl galiyaa, sidaa darteen hurdada maalintii ma gudi karto mida habeenkii.

Dadka xiliga habeenkii ah shaqeeya ama dhafra waxay wajahaan dhibaatooyin ka dhashay waxyeelaynta jirkooda oo u baahnaan lahaa xilli nasasho waxayna dhalisaa dhibaatooyin dhowr ah, waxaana ka mid ah:

1. Difaaca Jirka Oo Daciifa

Hurdadu waxay kobcisaa difaaca jirka waxay awood dheeri ah siisaa unugyada jirka ee alle ugu tala galay inay jirka ka difaacaan waxyaabaha jeermiska ah, sidaas daradeed dhafarka iyo hurdo la’aanta habeenki ah waxay sabab u noqota in qofka jirkiisu uu iska difaaci kari waayo xanuunada.

2. Misaanka Jirka Oo Siyaado

Hurdadu waxay yareysaa miisaanka qofka, halka dhafarkuna keeno cayil, waxay cilmi baarayaashu waxay ogadeen in dadka dhafro ay 30% boqolkiiba kaga halis badan yihiin cayilka dadka aan dhafrin habeenki, taasna waxay cilmk baarayashu ku saleeyen in hurdo yaridu ay yareyso maado loo yaqaan “leptin” taasoo qofka dareensiiso dhereg marku wax cuno, halka dhefarku kordhiyo maado loo yaqaano “Gherlin” taaso qofka dareensiisa gaajada.

3. Xanaaq Iyo Niyad Jab Joogto Ah

Hurdadu waxay kobcisaa caafimaadka iyo dareenka maskaxda, qofka dhafra habeenki wuxuu subaxdii dareema daganaansho la’aan xanaaq badan maadaama ay unugyadiisu kacsan yihiin oo habeenkiiyo dhan shaqaynayeen, hadii qofku dhafarka u barto wuxu ku keena niyad jab, diiqad iyo welwel, daraasad lagu sameeyay dadka laga daaweeyay niyad jabka in ay badankood aysab helin hurdo ku filan ama ay dhafraan habeenkii.

4. Halis Dhanka Cudurka Macaanka

Hurdadu waxa ay ka hortagtaa Sonkorta iyo Kaadi macaanka, waxaa la ogaaday in dadka dhafra ay halis ugu jiraan cudurka macanka noociisa 2-aad taasoo sababta wareer ku yimaada qaabka jirku u isticmaalo ama u kontaroolo sonkorta cunada ku jirto.

5. Himada Ama Dareenka Oo Yaraada

Dhafarku waxa uu yareeyaa himada ama dareenka qofka, waxaa la ogaaday in dadka dhafra ka dareen yaryihiin dadka aan habeenki dhafrin.

6. Garaaca Wadnaha Oo Siyaada

Dhafarka habeenki wuxuu sababaa in garaaca wadnuhu kor u kaco, taasina waxay sabab u noqotaa in cadaadiska dhiiga uu kor u koco taaso cadaadis saari karta wadnaha, sidaas darteed wuxuu qofka dhafraa halis ugu jiraa xanuunada ku dhaco wadnaha.

7. Wuxu Sababi Kara Ma Dhalaysnimo

Dhafarka badani wuxuu raga iyo dumarkaba si isku mid ah hoos ugu dhigaa hormoonada qaabilsan taranka, hadii dhafarkaasi joogto noqdana dhakhaatiirtu waxay ka digaan in qofku ma dhalays noqon karo dhafarka aawadiis.

Talooyin:

1. Hadad ka mid tahay dadka dhafro habeenkii ku dadaal sidii aad habeenkii u heli lahayd hurdo kugu filan adigoo ka dheeranaya waxyaalaha dhafarka kuu keeni kara.

Waxaa dhici karto in aad aamisan tahay inaad u baahan tahay saacado yar oo hurdo ah si aad u dhafarto subaxdiina shaqadada u aado.

2. Hadaad shaqayso habeenkii, ku dadaal inaadan joogto ka dhigan shaqadaas, waxaadna sifo sharci ah awood ugu leedahay inaadan shaqo habeen si joogto ah lugu qori karin iyadoo ay suura gal tahay in aad maalintii shaqeyso ama aad is badashaan shaqaalaha kale ee aad isla shaqeysaan.

3. Hadaad tahay dadka dhafra ka fogow waxyaalaha kugu keeni karo in hurdadu kugu yaraato xiliga habeenkii sida coffeega iyo cabitaanada energy-ga ah, waxayalaha aan kor ku soo xusnay waxay kugu siyaadin karaan dhibaatadii dhafarka, waxaad jirkaaga saraysa cadaadis dheeri ah, Iska ilaali in aad maandooriye ku darto dhafarka sida qaadka iyo waxyaabo kale oo laf ahaantoda halis ku ah jirkaga.

4. Dhaqaatiirtu waxay sheegaan in dhibaatoyinka dhafarku sababay jirku ka soo kaban karo asbuucyo ilaa bilooyin gudahooda, dhaawaca jirka soo gaaray wuxuy ku xiran yahay inta saac eed dhafarki jirtay iyo waxad ku dhafri jirtay, hadii qofka shaqada habeenkii uu qabtaa ay tahay mid badan ama ay u baahan tahay in jirka iyo maskaxda aad looga shaqeysiiyo waxay soo dedejisaa dhawacyada dhafarku kuu geysan lahaa.
Waxay dhaqaatiirtu kula taliyan dadka dhafarku dhibaato u geystay in ay kordhiyaan xiliga ay habeenki seexdaan si ay si dhaqso ah ugu soo kabtaan.

5. Hadii aad habeenki ku dhafarto isticmaalka telefanka ama daawashada televisionka ogow in fiirinta shaashadaha ay waxyeelo u geysan karto aragaaga waxayna kugu sababi kartaa inaad aragaga weysid.

Leave a Reply