14-Kan Dawo Ha cunin

Ha isticmaalin dawo uusan dhakhtar kuu qorin

0
101
Weligaa ha isticmaalin dawo uusan dhakhtar kuu qorin ama aadan kala tashanin. In aad dawo iska isticmaasho waxay kuu geysan kartaa dhibaato xun.

Sidoo kale, in lagu baaro ka hor inta aan dawo lagu siinin waa muiim, waana xaalad la isku halayn karo. Sababtoo ah, waxaa dhici karta in dawo kaa tan-badan aad adeegsato ka dibna ku xanuunsato.

In kastoo cilmi-baarisyo badan loo baahan yahay, si loo ogaado dhammaan dawooyiinka iyo saameyntooda, haddana 14-kan ayaa baaritaankan si gaar ah diiradda loogu saaray:

1. Dawooyiinka hurdada

In aad iska isticmaasho dawo hurdo leh, waa arrin halis ah. Hal-mar ama laba mar, waa suuragal in aysan waxba kaa dhibin.

Balse haddii aad si joogto ah u adeegsato, waxaa dhici karta in jirkaaga uu la qabsado, ka dibna aad u baahato dawo ka sii xoogbadan, sidoo kale in aad iska joojiso ayaa kugu adkaaneysa. – La’aanteed ma hurdi doontid.

Haddaba, dawadan haddii uusan dhakhtar kuu qorin, iska ilaali – ma ahan talo wanaagsan in aad si joogto ah u isticmaasho.

2. Diuretics

Dawada Diuretics waxay jirka ka caawisaa in uu biyo dheeraad ah soo saari si kelyaha ay taageero u helaan. Haddii aad in muddo ah adeegsato, waxay jirka ka dhammeyneysaa biyaha muhiimka ah sida potassium iyo magnesium.

Sidoo kale waxaa dawooyiinkan lala xiriiriyay wadne-xanuun iyo heerka dhimashada oo sare u kacda.

Sidoo kale dawadan diuretics waxay six un ula falgashaa dawooyiinka qaar ee laga yaabo in aad adeegsato. Waxaa ka mid ah kuwa loo isticmaalo xanuunka sokorta ama dhiig-karta.

3. NSAIDs

14-Kan Dawo Ha cunin
NSAIDs Products

Dawooyiinka loo adeegsado ka hortagga caabuqyada ee yareeya xanuunka, waa kuwo aan u fiicnayn in muddo dheer la liqo ama la adeegsado.

Si gaar ah, dadka waaweyn way u daran tahay, waxay u keenaan in dheef-shiidka xanuunsado, Gaas ama ulcers oo ku dhaca, iyo dhiig-bax caloosha ah.

Dadka dawooyiinkaas aadka u adeegsada waxaa ku badan dhiig-kar ama in kelyaha ay shaqeyn waayaan. Sidoo kale, wadnaha ayaa howlgab noqda.

4. Antibiotics

Dhowaanahan, dhakhaatiirta way joojiyeen in bukaannada la siiyo antibiotics, haddii aysan ahayn muhiim. Haddii muddo dheer la adeegsado, waxay dhaliyaan saameyn xun iyo caafimaad darro kale, waxayna saameeyaan hannaanka difaaca jirka, waxaada u adkeysan doono jeermiskii lagula dagaallamayay.

5. Xanax

Xanax waa dawo caan ah oo loo adeegsado yareynta xanaaqa iyo walwalka iyo cabsida. Sannadkiiba, illaa 50 milyan oo dose ayaa la siiyaan bukaanno. Valium, oo la mid ahna, aad ayaa loo isticmaalaa.

Balse dadka ma oga in ay yihiin dawooyiin halis ah, haddii la iska badiyo. Waxay sababaan in qofka uu ku tiirsanaado oo la’aantood aysan maskaxda shaqeynin, waxayna dhalin karaan xusuusta oo lunta.

6. Prozac

Boqollaal milyan oo qof oo daafaha caalamka ku kala nool ayaa adeegsada dawada ka hortagga walwalka. Balse badankooda ma oga in loogu talagalay in maskaxda ay shaqadeeda wax ka bedesho.

Waxaa loogu talagalay in sanad ama labo la adeegsado, ka dibna la joojiyo. Haddii qofka uu iska isticmaalo, wuu qabatimi doonaa, waxayna sababeysaa in uu joojin waayo.

Waxay sidoo kale sababi karaanin biyaha jirka ay yaraadaan, iyo dhinac-qalal.

7. Estrogen

Dumar badan, marka uu dhiigga caadada ku dhaco oo xanuun badan ay dareemaan, waxay adeegsadaan dawoowyiin kala duwan oo sare u soo qaada strogen-ta jirkooda.

In muddo dheer la isticmaalo dawooyiinka xoojiya estrogen, waxaa ka dhasha caqabado caafimaad darro sida in sare ay u kacdo halista kansarka horaadada iyo asaasaq.

8. Nasal Sprays

In qofka uu caburo oo sanka uu xirmo waa xanuun saa’id ah, balse waa in aadan adeegsanin dawo badan si uu sanka kugu furmo. In dawada aad iska badiso waxay sii laba-jibbaareysaa caburka.

Waxaa wanaagsan in aad isku deydo in si dabiici ah aad sanka u furto, sida in aad hawo wanaagsan qaadato.

9. Benadryl

Benadryl waxaa inta badan loo arkaa allergic, in kastoo dadka qaar u adeegsadaan in ay ku hurdaan. Sikastoo aad u isticmaasho, ha adeegsanin muddo dheerm sababtoo ah dhibaato ayey kuu geysan doontaa.

Dadka qaar way qabatimaan, jirkaaga ayaana ku tiirsanaan doono.

Waxaad dareemi doontaa, hurdo la’aan, daal, xanaaq, walwal iyo astaamo kale oo halis ah sida jahwareer badan.

Akhriso: 7 Qaab Online Lacag Kaga Samee

10. Methotrexate

Methotrexate iyo daweynta kale ee kiimikada ah, waxay qofka isticmaala u geysan karaan dhibaato caafimaad oo waarta. Wax kasta ayaa lagu daweeyaan illaa xitaa kansar, balse waa halis wayn.

Waxay dishaa dhammaan unugyada jirka – waxba uma aabo-yeesho. Waxay u daran tahay hooyada uurka leh iyo canugga caloosheeda ku jira.

Sidoo kale waxay halis xun ku tahay dadka isticmaalo dawooyiinka NSAIDs. Lafaha, kelyaha, beerka, mandhicirada iyo hannaanka difaaca jirka ayey dhaawac xun u geystaa dawadan.

11. Laxatives

Waa suuragal in ay tahay dawo loo baahan yahay, balse ma noqon karto mid si maalinle ah loo isticmaalo. Waa halis. Jirka haddii uu la qabsado, ma joojin kartid.

Haddaba, sida ugu wanaagsan waa in aad iska joojiso ama aadan isticmaalin.

12. Dawooyiinka dhiigga khafiifiya

Dawooyiinka loo adeegsado khafiifinta dhiigga ama in ay ka bixiyaan xinjirada, waxay qofka u geysan karaan dhibaato. Waxaa jiro dad loo qoro oo muddo dheer adeegsada, balse kuwaas waxaa laga difaacayaa wadna-xanuun ku soo wajahan.

Mid ka mid ah arrimaha fajaca ah ee dhibaatada ah waa in dhiig-baxa uu fudud yahay. Maadaama dhiigga uu khafiif yahay, waxyar haddii qofka ay saran, waa halis wayn oo halmar ayuu soo daadanayaan. Adigoo Garka xiiranaya, haddii aad isa sarto, halisteeda ayey leedahay.

13. Adderall

Waxaa sare u sii kacaya tirade dadka ee dhakhaatiirta ay u qorayaan dawadan – illaa 40% ayey sare u kacday – 2007 illaa 2011. Sannadkaas ugu dambeeya waxaa la bixiyay illaa 50 milyan oo dose.

Illaa boqolkiiba 10% ka mid ah carruurta ayaa la siiyaa dawadan, waxaana lagu daweeyaan walwalka iyo cabsida ka dhalata ka dib marka uu qofka la kulmo arrin argaxa ah, sida kufsi, jirdil, qof la dilay iyo wixii la mid ah.

Haddaba Adderall waa kiimiko walaac badan leh. Waxay sare u qaadaa kiimikooyiin jirka ku jira oo keena farxad iyo dhiiranaan. Maskaxda waxay joojineysaa in kiimikooyiinkaas ay sameyso.

Haddii aad joojiso dawadan, maskaxdaada waxay joojineysaa shaqada.

14. Opiates

Cudurka opiate haddii uu qofka ku dhaco, wuxuu halis u galayaan dawo aan la jiijin Karin abid. Awood kasta oo jirkaaga uu leeyahay, waxaad ku tiirsanaaneysaa dawada.

Dawada markaas sii joogteysada, waxaa la qabsanaya jirka, waxaana sii siyaadaya xanuunka, wuxuuna qofka u baahanayaa in loo kordhiyo.

Waxay sidoo kale sababi kartaa dhibaato dhanka beerka ah iyo calool istaag.Waxay sidoo kale saameyn kartaa maskaxda.

 

Leave a Reply