MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Cilmi-baadhis: Ubadka La Naas-nuujiyo Hal Sanno Waxay Yeeshaan Maskax Fiican, Aqoontana Way ku Ficnadaan

Ubadka naaska la nuujiyo muddo ka badan hal sanno waxay noqdaan qar fahanka maskaxdoodu (IQ) aadu sarreeyo, waxbarashadana way ku fiicnaadaan sida ay soo bandhigtay cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro Brazil u dhalatay.

Daraasadan cusub oo lagu baadhay 3,500 ubad ah oo markaas uun dhashay, isla markaana la daba socday ilaa inta ay 30 jir gaadhaayeen, waxa lagu ogaaday in caanaha hooyada ee naasku faa’iido badan u yeesheen, kana dhigeen dad maskaxdoodu aad u sarrayso.

Dr. Bernado Lessa oo ka tirsan Jaamacadda Federal university ee dalka Braziz oo ka mid ah khubarada daraasadan hoggaaminaysay, ayaa sheegay in caanaha naaska hooyadu aanay faa’iido oo kaliya u lahayn maskaxda, balse qofku uu ku fiicnaado xagga aqoonta iyo inuu noqdo mid caqliga  u saaxiiba marka uu koro.
“Waxa cajiibka ah waa in cilmi-baadhistan ay ka soo baxday in dadkii aanu daraasada ku baadhnay ay noqdeen qaar xagga aqoonta ku sarreeya, bulshada ugu dhaqaalaha badan, xataa ka mid noqday dadka lagu tiirsan yahay,” ayuu yidhi Dr. Bernado.

Kooxda cilmi-baadhista samaysay ayaa sidoo kale fallanqayn ku sameeyey macluumaadka laga hayey 6,000 ilmo yar oo ku dhashay magaalada Pelatos ee dalka Brazil markay taariikhdu ahayd 1982kii, gaar ahaan dhinaca naas-nuujinta, waxa u soo baxday in markay 30 jir gaadheen ay noqdeen qaar aqoonta ku wanagsan, bulshada wax tar badan u yeeshay.

Daraasadu waxa kale oo ay heshay in sida ay u kala badan tahay muddada la naas-nuujiyo ay u kala maskax badan yihiin carruurtu, halka cilmi-baadhis hore bedka soo  dhigtay in caanaha naaska hooyadu ilmaha ka difacaan calool xannuunka, caabuqaha  laabta ku dhasha, asmada amam xiiqda iyo waliba cun-cunka, marka ay koraana noqdaan qaar caafimaadkoodu aad u wanaagsan yahay.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada