MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Ammaanta Laga Badiyo Ubadka oo Sababta Kibirna Xad-dhaaf ah

Waa arrin dabiici ah, caafimaadkuna ku jiro in ubadka la ammaano marka ay wax wanaagsan qabtan iyo mar kastaba khubaro badana waxay kula talisa waalidka in ay sidaa sameeyaan, balse waxa hadda soo baxday daraasad laga sameeyey arrintaas oo tilmaantay in haddii ubadka buunbuuninta iyo ammaanta laga badiyo ay keento kibir marka ay koraan la soo baxaan, una qataan in ay carruurta filkooda ah ka sarreeyaan.

 Cilmi-badhayaal u dhashay dalka Netherland iyo Maraykanka, ayaa sheegay in ay ogaadeen in ammaanta tirada badan ubadka ku keento qab weyni iyo kibir xad-dhaaf ah oo ay la soo baxaan noloshooda dambe.

Khubarada oo daraasadooda ku baadhay 565 ubad ah iyo waalidiintooda muddo sannad iyo badh ah, kuwaasoo doonaayey in ay wax ka ogadaan sida ay u dhaqmaan, waxa ay heleen in ubadka waalidkood u sheegaan in ay yihiin qaar aad u wanaagsan oo ubadka kale ka sarreeya, waxa ay noqdaan qaar anaaniyiin ah amma jeclaada in ay wax kasta kaligood helaan.

Cilmi-badhayaashu waxa ay cabireen sida waalidku ubadkooda ugu bogsan yihiin, iyadoo la eegaayey sida  ay u aqbalaan qoraal loo dhiibay oo ay ku qornayd  odhaahdan; “Ilmahaygu waxa uu tusaale u yahay ubadka kale  in ay ku daydaan.”

“Inaad ubadkaaga jeclaato waa caafimaad iyo shay wanaagsan, balse inaad u malayso in ilmahaagu ka fiican yahay ubadka kale waxay keenta inuu noqdo mid isu haysta inuu kaligii cid walba ka sarreeyo” ayuu yidhi Brad Bushman oo ah khabiir cilmi-nafsiga ka dhiga Jaamacadda Ohio University ee dalka Maraykanka, daraasadana khubarada wax ka qortay ka mid ah

Khubarada daraasada samaysay waxa ay doorteen in ay baadhitaan ku sameeyaan ubadka da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 11 jir, waxaanay sheegeen in calaamadaha ugu horraysa ee anaaninimada amma kibirku ka soo muuqato 8 jirka marka ay galaan, balse inta ka horraysa  ubadka oo dhan ay calaamada kibirka ee leeyihiin, waxaannu yidhi Bushman; “Haddii aad gasho fasal 5 jir ubad ah wax  ku dhiganayaan, waydiisana kuma ku wanaagsan xisaabtay dhammaantood gacantay wada tagayaan, laakiin waxa la kala garan kara marka ay 8 jir gadhaan oo ay bilaabanto marka la ogaan karo anaaninimada iyo kibirka ilmaha.”

 Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada