MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Magaalada Hargeysa

Hargeysi waa caasimada Jamhuuriyada Somaliland, waxay dhacdaa dooxada Galgodon ee deegaanada Oogo, waxayna magaaladu ka saraysaa biyaha bada joog dhan 4,377 mitir. Juquraafi ahaan magaalada Hargeysa waxay saaran tahay buuro, dooxyo iyo deegaan caro bataax leh si la mid ah magaalooyinka kale ee ku yaala Somaliland. Hargeysi waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisa lagu qiyaasay 33 km2 (13 sq mi) waxaana ku nool bulsho lagu qiyaasay ilaa 1,200,000 (1.2 milyan).

Magaalada Hargeysa waxa soo gaadhey burbur aad u baahsan ka dib dagaaladii ka qarxey Gobolada Waqooyi ee Dawladdii Soomaaliya taasi oo ay jabhadii SNM (Somali National Movement) kaga soo horjeeday maamulkii Siyaad Barre. Dagaalkaa ka dib waxa Hargeysa dib loogu soo laabtay sanadkii 1991 kii halkaas oo ay muddo yar dabadeed dib uga bilawdeen dagaalo sokeeye oo dib u naafeeyay koritaankii magaalada.

Isku daygii u horeeyay ee magaalada Hargeysa loogu sameynayey maamul ( Mayor) waxa uu ahaa 1991 balse laguma guuleysan inuu maamulkaasi shaqeeyo dagaaladaa dib usoo kacay awgood.  1995 ayaa loo magacaabey Eng Maxamed Xaashi Cilmi inuu noqdo duqa caasimada Hargeysa, halkaas oo uu aad loogu hawl galay dib u habeynta caasima Hargeysa iyo dib u dhiskeeda, dawladii markaas jirtayna waxey awooda saartey sidii loo sameyn lahaa xeerarka iyo nidaamyada u dejisan gollaha deegaanka. Ilaa sanadkii 2000 cod aftiya lagu ansixiyey dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo ay ku jireen qodobo khuseeya dawladaha hoose iyo golaha deegaanka.

Qodobada u muhiimsan  ee taabanaya arrimaha aynu kor kaga soo hadalnay waxa kamida qodobada 109, 110, 111, 112 ee dastuurka qaranka JSL oo ay kasii farcameen xeerar lagu sii faahfaahinayo, sida xeerka Ismaamulka gobolada & dagmooyinka oo loo yaqaan xeer #23. Qodobadaa iyo xeerarkaasi waxay si cad u qeexayaan sida ay degmooyinka iyo magaalooyinka Somaliland u qaabeysan yihiin, darajooyinkooda, soohdimahooda iyo kala xadeyntoodaba iyo golayaasha deegaanka ee degmo wal sida ay u shaqeynayaan,  waajibaadkooda iyo sida ay bulshada ugu adeegayaan.

Intaa haddii aynu kaga nimaadno guud-markaa kooban ee ku saabsan Caasimada Hargeysa iyo Maamulkeeda aynu guda galno waayaha iyo waaqaca hadda ka jira maagalada Hargeysa. Hargeysi waxay ka cabanaysaa Maamul xumo taasi oo ay ka dhasheen Biyo Xumo, Waxbarasho Xumo, Caafimaad Xumo, Bilic Xumo, Wadooyin Xumo, Dhac iyo boob ka yimaada dhulka, oo aan si nidaamsan Aalaaba ku dhamaan.

Geed baa yidhi (GUDIN YAHEY HADAAN BADHKAY KUGU JIRIN IMAAD GOYSEEN) Hargeysi hadday maamul xumo ka cabanayso gollaheeda Deegaanka cid kale meesha ma ay soo fadhiisin, shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysi iyaga ayaa doortay 25 ka Xildhibaan ee Gollaha Deegaanka, hababkii ay kusoo xusheena iyaga ayaa canaheedii imika dhamaya. oo markii ay lasoo yaceen niman dhalin yar lagu sheegay oo midba mid ka libaaxsan yahey waa siday qabaan odeyaasha dadka ka danbeeyaane (Salaadiinta, Cuqaasha) oo sooma jeestayaal wixii loo dhiibana jilibka u laabanaya dabadeedna ay yidhaahdeen waakaa kii ku jiray reer qudhac ee ugu xiniinaha badnaa.!

Iyadoo dhibtaasi ay Hargeysi kala simantahey dhamaan Gobollada iyo Degmooyinka wadanka ayaa hadana waxa Hargeysa u sii dheer waxa loo yaqaano (Negative Urbanization) oo noqonaya magaalow Taban. Magaalowga tabani waxa weeyaan marka magaalo dadka dagan (population) ay aad u bataan iyada oo aanay la korin kaabayaashii dhaqaale. Korodhka Hargeysi ma aha korodh dabiici ah (korodhka dabiiciga ahi waa heerka dhalasha oo ka badata heerka dhimashada). balse waxa usii raaca waxa loo yaqaano (National Migration) oo ah in wadanka dhexdiisa magaalooyin badan iyo tuulooyin laga soo guuro isla jeerkaasna  meel kale oo wadanka ka tirsan loo guuro. Hargeysa waxa iskugu yimi dadkii ku dhaqnaa magaalooyinka & gobollada dalka oo dhan.  Inkasta oo aanay jirin xog sax ah oo sheegaysa tirada dadka Hargeysa ku dhaqan sanadadii u danbeysay, haddana waxeynu ka garan karnaa saxmada wadooyinka, suuqyada, goobaha ganacsiga iyo maqaaxiyahaba in ay dadka Hargeysa ku dhaqani maalinba maalinta ka danbeysa kusii kordhayaan xadi aad u badan. Halka warbixintii 2013 ay soo saartay  UNPO ay ku qiyaastey bulshada ku dhaqan Somaliland inay yihiin 4.5 Milyan ku dhawaad saddex meeloodoow meel  oo ah 1.2 milyan ayaa ku dhaqan magaalada Hargeysa . xaddiga korodhka dadka magaalada Hargeysa waxa aad looga garanayaa koonayaasha magaalada oo ay aad uga fiday ilaa ay gaadhey heer la badalo xuduudihii magaalada oo isbaarooyinkii badankoodii la rarey  iyo iyada oo Hargeysa laga hir galiyey meelo badan oo dib u dajin barakacayaal ah sida Maxamed Mooge ,Digaale , Ayaxa …. .

Hadaba waxa aan marnaba u korin sida ay bulshadu u koreyso kaabayaashii dhaqan dhaqaale ee magaalada Hargeysa, sida xarumaha caafimaad, xarumaha wax-barashada Aasaasiga ah, helida biyo nadiif ah, Saldhigyada bileysk….Markii ay dawladda hoose ee Hargeysi hawsheedii gabtay maamul xumo iyo dhaqaale xumo tay doonaanba haku sheegaane waxa dhacdey in hawlahaas oo dhami ay u gacan galaan shaqsiyaad ugu talo galay inay ka macaashaan amaba suuq ka raadiyaan  taasi oo iyana meesha ka saartey guud ahaanba sinaantii bulshada oo kii wax haystay oo kali ah adeegyadu ku koobnaadaan kii kalena aan albaabka laga fureyn. Tusaale cad waxa inoogu filan Degmada Ibraahim Koodbuur oo ka tirsan degmooyinka ugu balaadhan magaalada Hargeysa oo ay ku dhaqan yihiin dad ku dhaw 80,000 oo qof, kana kooban afar waaxood oo waaweyn kuwaasi oo kala ah

• Guul-Alle

• Jig Jiga-Yar

• Xeero Awr

• Lixle Sub

Waxa ku taal hal xarun caafimaad oo dawladu ku magacaaban tahey (MCH) waa xanaanada Dr Saxardiid halka ay ku yaal dhakhaatiir badan oo gaar loo leeyahay.

Tusaale kale Cusbitalka Guud ee Magaalada Hargeysa waxa la dhisay 1950 yihii iyada oo loogu talo galey in uu u adeego dad aan ka badnayn 250 qof, bulshada magaalada Hargeysa ku dhan imiku waxey afar laab ku noqonaysaa bulshadii 1950 meeyihii ku nooleyd, taasi waxay keentay in imika la waayo meelo lakala dhigo bukaanka la keeno Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa haddii ay xaalad degdag ahi timaadana ALLE inaguma keenee aynu khatar ku jirno.

Waaqicaa inaga oo isla garwaaqsan aynu waxyar diirada ku qabano dhalinyarta imika soo baraarugtay ee aadka uga hadlaya biyo la,aanta magaalada Hargeysa, nadaafad xumadeeda &  amuuraheed kaleba. “BALAAYO DAAMAN LA QABTEY LEEDAHEE DABA LA QABTO MALE” Hargeysi maalin bay hiil inooga baahantahay maalintaasina waa maalinta aynu dooranayno gollaha deegaanka. Imika uma baahna Hiil caasimadeed iyo hawlo kale toona waxani waa mas,uuliyad ay dawladdu cid gaara u igmatey cududeedii, caqligeedii iyo lacagteediina meel ugu astaysay. Cidaasna adiga ayaa lagu yidhi inoogu yeedh kaad u yeedho (doorato) ayuunbay ku xidhan tahay hadba sidii waxa yar ee aad haysato laguugu farsameyn lahaa.

Fiiro Gaara: Somaliland waa wadan aan wali ka helin aqoonsi aduun weynaha sidaa darteed deeqaha lagu kaabo miisaaniyadaha wadamo badan oo inala fac ah inagu ma haysano waxa wax lagu wadaa waa cashuurta aad bixiso Muwaadin. Haa waa cashuurta. haddii aad cashuurta si hagar la,aana u bixin waydo naftaada canaano marka hore.

Gabagabo

Shicibka iyo Dawladdu waa baabacada iyo shanta farood oo kale way is yihiin mana kala maarmaan. Dawladdu shicibkay ka timaada oo innaga (shicibka) ayaa doorana Madax-weynaha oo ah meesha u sareysa Dawladnimadeena isla Madax-weynuhuna innaga ayuunbuu inoo igmadaa xilalka kala duwan ee shaqada dawladda looga baahan yahay. In shicibku is xilqaamo oo wixii wanaaga u baratamo waa waajib ina saaran balse sharci iyo nidaamyo ayaa yaala loo mari karo waxna lagu sixi karo.

Mahadsanid

Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com

 

Tixraac (Reference)

Hargeisa Municipal Abstract 2003

https://so.wikipedia.org/wiki/Hargeysa

http://slministryofplanning.org/images/Statistics/Update372014/somaliland_in_figures_2003.pdf

Hargeisa Nutrition Survey – September 2005


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada