MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Waa Maxay Codkarnimadu?

Qalinka: Axmed Iid Aadan

Laba qof oo mawduuc isku mid ah ka hadlaya ayaa laga yaabaa in uu midi dadka aad u saameeyo oo uu gaadho heer uu dareenkooda kiciyo ama uu aragtiyo ay aad u aaminsanaayeen wax weyn ka beddelo. Midna waxa laga yaabaa isla marka uu hadalka bilaabo ba in la caajiso oo la jeclaado in uu soo gaabiyo ama lagaba tago meesha isaga oo aan dhammayn hadalkii. In uu qof ku guulaysto in uu hadalkiisa ama khudbaddiisa qalbiyada dadka dhegaysanaya u gudbiyo, midna in uu dhegaha dadka hantiyo ku guuldarraystaa waa wax dhici kara. Dadku isku mid ma aha oo waa ay kala codkarsan yihiin, oo waa tii hore loo yidhi: “Alle na la kala baryi og, ereyna la kala odhan og”.

Codkarnimadu waa wax wanaagsan oo sida la sheego mararka qaarkood la baran karo, marar kalena hibo ah. Waxa ay ka mid tahay tilmaamaha wanwanaagsan ee dadka lagu ammaano. Haddii aynu maqalno iyada oo la leeyahay, qofkaasi waa qof codkar ah, waxa loo jeedaa waxa weeyi in uu qofkaasi yahay qof si cad oo xiisa leh oo la wada fahmi karo wax u sheegi kara ama hadalka dadka deeqsiin kara.

Dadkeenna beryihii hore meelaha aftahamada ama codkarnimada looga baahan yahay waxa u buuxin jiray gabyaaga ama garyaqaanka. Bulshooyinka kale qudhoodu qiimaha uu hadalku leeyahay waa ay garansanaayeen oo tusaale ahaan, Carabtii hore ilmaha magaalo ku dhasha inta aanay da’diisu toban sano gaadhin miyiga ayey geyn jireen si uu murti iyo af faseex ah u soo barto.

Waqtiyadan danbe meelo badan oo adduunka ka mid ah codkarnimadu waxa ay ka mid tahay waxyaalaha dadka lagu xusho marka shaqooyinka qaarkood loo dirayo. Jaamacadaha iyo machadyada wax lagu bartona waxa marar badan ardayda manhajyada loogu daraa maaddo la yidhaahdo “Communication” oo xoogga saarta sida loo diyaariyo hadallada dhigaalka gala iyo sida loo dejiyo loona jeediyo khudbadaha iyo mawduucyada muhiimka ah. Baahida codkarnimada qof kastaaba waa uu dareemi karaa, waxse ay lagama maarmaan u tahay dadka bulshada wax u sheega ama la hadla sida barayaasha, siyaasiyiinta, wadaaddada, qorayaasha, garyaqaannada iyo maansayahannada.

Afka hooyo iyo aftahannimada qofka xidhiidh baa ka dhexeeya. Aqoontoodu heer kastaba ha gaadhsiisnaato ee dadka bulshada la hadla ee aynu kor ku soo sheegnay in ay hadalladoodu midho-dhal noqdaan iyo in ay tacab-khasaar noqdaan waxa ay ku xidhan tahay hadba inta ay afkooda hooyo ka yaqaannaan.

Codkarnimadu waxa ay ka dab qaadataa afka hooyo. Arki mayno qof afkii uu u dhashay iyo murtidiisiiba aan aad u garanayn oo haddana codkar ah. Laakiin haddii aynu u fiirsanno dadka hadallada miiggan jeediya waxa aynu ogaan karnaa in ay badankoodu yihiin dad xagga afka ka dhisan. Dadka qaarkoodna waxa ay yidhaahdaan sida loo kala ereyo badan yahay ayaa loo kala wanaagsan yahay. Taasi waxa ay ila tahay dood maangal ah, waayo qof afkiisa 10, 000 oo erey ka yaqaan waxa fikir ahaan ka xeeldheeraan kara mid 60,000 oo erey garanaya.

Waxa jirta aragti gurracan oo ay dadka qaar codkarnimada ka qabaan. Dad baa qof kasta oo hadal badan u qaata in uu yahay qof aftahan ah oo jiitay oo halis ah. Qof saacad dhan hadli kara oo aanad marna ka maqlayn weedh murti ah ama beyd gabay ah oo hadalka dhadhan u yeeli kara isla markaasna aan lahayn xirfad uu nuxurka hadalkiisa ku soo koobo ayaa mararka qaarkood codkar lagu sheegaa. Waxa laga yaabaa dadka sidaa wax u qiimeeyaa in ay yihiin dad hadal-badnida iyo aftahamada laba wax oo isku mid ah u haysta. Wax kasta oo dhalaalaa dahab ma aha!

Codkarnimadu hadal kooban iyo mid badan midna kuma xidhna. In dulucda hadalka sida ugu fiican uguna kooban cidda la la hadlayo loogu sheego, looga raarido, maankeedana lagu saameeyo ayaa codkarnimo ah. Codkarnimadu waa in aad hadal maskaxdaada ku jira u gudbin karto maskaxda qof kale; ama hadal warqad kuugu qoran aad ku dhigi karto qalbiga qof kale.

Waxyaalaha ay dadku sida aadka ah u dhegaystaan ama u xiiseeyaan waxa ka mid ah sheekooyinka (Qisaska) iyo dhacdooyinka. Haddii uu qof ka sheekeeyo marxalado uu soo maray ama dhacdooyin uu waayo hore u soo joogay aad baa loo dhegaysanayaa. Marka se uu dhammeeyo arrimahaa xiisihii hadalkiisa loo qabay waa uu yaraanayaa. Waxa markaa halkaa inooga cad marka afka hooyo laga yimaaddo in mawduuca laga hadlayaana uu yahay wax kale oo isna saamayntiisa leh.

In uu qofku kolba mawduuc isku qaado oo uu hadhowna qanci waayo waxa ka habboon haddii uu ka fursan waayo in uu doorto mawduuc dareenkiisa xidhiidh leh ama uu fikir ahaan ku xeeldheer yahay. Qofka mawduuc aanu ka fikirin ka hadlaa waxa uu ka dhigan yahay sida askari dagaal ku jira oo meel cidlo ah xabbado isaga ridridaya oo kale.

Murti ayaa waxa ay ahayd: “Ninkii af leh ayaa abaar ka baxa”. Macnuhu waa in uu qofku codkarnimo iyo aqoon iyo wax kasta oo muhiim ahba afkiisa kaga bogan karo. Baahida aynu afkeenna u qabnaa waa mid joogto ah oo mar kastaba taagan, sidaa darteed biyo sacabbadeenna ayaa aynu kaga dhergi karnaa ee sacabbo kale waxba inoo tari maayaan.


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada