MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Maxay ku kala duwan yihiin “Dhaqan” iyo “Hidde”?

Qalinkii : Axmed Iid Aadan

Ummad kastaaba waxa ay leedahay dhaqan iyo hidde u gaar ah oo ay ummadaha kale kaga duwan tahay. Dhaqanka ay ummadi leedahay ma aha wax uu qof keli ahi leeyahay ama wax cid gaar ah oo ummaddaas ka mid ah u xidhan, ee waa wax qiima leh oo la wada leeyahay, si guudna loo wada ilaashado.

Dhaqanku ma aha wax mar walba sugan ee waayaha iyo xaaladaha isbedbeddala ayaa uu isla beddelaa. Ma aha wax sida farriimaha caadiga ah ee hadalka la isu sheegsheego ee waa wax la qabatimo oo marka danbe loo barto. Tusaale ahaan, da’yarta ama carruurta yar yari habdhaqanka bulshadooda waalidiinta iyo dadka waaweyn ayaa ay ka eegtaan, markaa ka dibna sida ay dadkaasi u dhaqmaan ayey iyaguna marar badan iska dhigdhigaan!

Dhaqammadu waa wax bulshooyinka u kala gudba oo waxa in badan la arki karaa ummado wax ay dhaqan u lahaan jireen iska daayey oo waxaa ay iska daayeen halkiisii ku beddelay wax ay ummado kale ku arkeen, deedna ay u bogeen. Tusaale ahaan, Soomaali badan oo cuntooyinka dalalkooda ka baxa ama laga helo cuni jirtay ayaa maanta bariiska xiiseysa!

Labada erey ee “Dhaqan” iyo “Hidde” oo had iyo jeer la is raaciyaa macne ahaan waa ay kala duwan yihiin, hase ahaato ee in badan oo dadkeenna ka mid ah madmadow ayaa kaga jira. Haddaba si aynu madmadowgaas meesha uga saarno mid kasta macnihiisa saxda ah ayeynu sheegaynaa.

Dhaqan
Dhaqanku waa hab ay bulsho meel deggani u nooshahay xilli gaar ah oo nolosheeda ka mid ah. Waxa dhaqan ah sida ay bulshadaasi u degto marka ay meel cusub degayso, sida ay u nooshahay, hoyga ay ku nooshahay (sida Aqal-soomaaliga oo kale), agabka ama alaabaha ay bulshadaasi adeegsato, waxa ay xidhato, waxa ay cunto, nidaamka guurka, sida wax loo qaybsado iyo waxyaalo kale. Ereyga “Dhaqan” inta badan waxa uu la xidhiidhaa wax la taaban karo.

Hidde
Ereyga “Hidde” waxa uu inta badan la xidhiidhaa tilmaamaha ama sifooyinka, calaamadaha iyo tayooyinka ay dadku kala dhaxlaan. Waxyaalahaa waxa ka mid ah midabka qofka (madow, maarriin ama casaan), midabka timaha, qaabka indhaha, qaabka sanka, bidaarta, cirrada, dhererka, gaabnida, dulqaadka, degganaanshaha, xishoodka iyo wixii soo raaca. Waxa jirta maahmaah Soomaali ah oo aan arrimahan ka tagganayn oo ah: “Geela iyo haweenkaba waa la hidde raacaa”. Marka la leeyahay, inanta waa la hidde-raacayaa waxa la baadhayaa ma aha Aqalsoomaaligii ay u hoyan jirtay ama agabkii uu reerkoodu adeegsan jiray, ee tilmaamaha ama tayooyinka uu waalidkeed leeyahay ee kuwa aynu kor ku xusnay ka mid noqon karaan ayaa wax laga ogaanayaa.

Waxa kale oo jira saddex erey oo Ingiriisi ah oo hiddaha ku taxan oo kala ah “Heredity”, “Gene” iyo “Genetics”. Ereyga “Heredity” waxa uu qaamuuska “Aasaasi: Essential English Somali Dictionery”ku macneeyey hidde, fir (waxyaabaha waalidka laga dhaxlo). “Gene” waxa uu ugu qoran yahay hidde wade (cunsurka gudbiya sifaalaha la iska firsado). “Genetics” iyadu waa aqoon maaddada Bayoolojiga ka mid ah oo la xidhiidha barashada hiddaha iyo hidde-sidayaasha noolaha.

Ereyga “Hidde” waxa kale oo uu la xidhiidhaa waxyaalaha qiimaha leh ee wadar ahaan loo kala dhaxlo sida afka, maansada, maahmaahda, murtida, ciyaaraha, sheekooyinka iyo wixii la hal maala. Maanso qurux badan oo arrintaa la xidhiidha oo uu abwaan Axmed Aw Geeddi dhawr iyo toban sano ka hor tiriyey ayaa waxa ka mid ahaa:
• Ma soo gaadhay geyigoo
• Murti gibil la saariyo
• Geeraar sarbeebliyo
• Gabaygu u farriin yahay?
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo isna maanso ku xusay in uu afkeennu yahay hiddo aynu leenahay oo qiima badan ayaa waxa uu yidhi:
• Hiddo waxan ku dhaataa
• Afki hooyadeennoo
• Hanti waxan ka leeyahay
• Suugaanta hodanka ah.

Halkaa waxa inooga caddaaday labada erey ee kala ah “Dhaqan” iyo “Hidde” macnahooda iyo in ay kala duwan yihiin. Haddaba mar kasta oo aynu maqallo “Dhaqan” iyo “Hidde” aynu u qaadanno in waxa laga hadlayaa ay yihiin laba wax oo kala duwan, hase yeesho ee uu xidhiidh ka dhexeeyo.


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada