MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Kala-jeed!

W/Q: Ibrahim Khadar

Reer Kala-jeed waa isku luuqad, dhaqan, midab iyo jinsiyad. Intaas oo midaysa darteed, haddana waxa isu keena aragtidooda oo muujiya gabadh  marna qurux badan, marna fool-xumadeeda aan loo dulqaadan oo dunidan caashaqeedu wareeriyey-waa ‘Siyaasad.’

Ilma Kala-jeed waxay isugu jiraan Balaayo-sheeg, Mirqaan-weyne, Dawlad-ku-nool, Aqoonyahan, Miskiin iyo Gacansi-silicsade.

Maalin Jimce ah oo goor-sheegtu tahay 9:30 habeennimay maqaaxi shaaha lagu cabo isugu yimaadeen. Mid kasta waxa uu ka fikiraayey dalka uu joogo hoggaamiye noocee ah buu la raba, haddana qeexitaanku wuu ku adka oo mid kasta humaag mala-awaal baa laabtiisa ruxaayey, uu la ducanaayey.

Nin aan ninka kale garanayn ma jiro oo waaba isku madal oo habeennada firaaqada la yahay baa maqaaxida ‘Shaah-macaan’ la isugu yimaada.

Habeenka waxaad moodaysay in war dhiilo loo soo sheegay oo mid kasta muddo saacad ku dhawaad ah ma uu hadal. Shaw hoosta la iskala wada sheekaysanaayey.

Goor mid kasta oo ka mid ah Ilma Kala-jeed hadalkii kor uga soo bixi la’ yahay ayaa Balaayo-sheeg hambabaray oo mar qudha afka kala waaxay, hadal madal hasaawe lagaga tiraabo amma dhawaaq goob caways laga dhex  yidhaa ka ugu dheer ayuu ku yidhi;  “Dalku burbur buu ku dhaw yahay. Dadku waa kala fogaaday oo sida Goodir nabad ku mayracanaayey, cagaarka macaankiisana is kala garan waayey oo duul duulaan ah afka ka soo galay bay kala yaceen. Caddaalad ma jirto oo goor aan habeenna ahayn, hadhna ahayn baa diirka la iskala baxaya. Alla sansaan colaadeed baa soo fool leh.”

Mar qudha la is wada eegay, hoosta laga wada yidhi, ‘Hoostaada la hel,’ mid kastaaba markaasuu intuu haystay la yara baqay oo isku qabtay waar ma sheegta waxa ka dhex guuxaya….waar mayee sida kana lagula yaabi….

“ Xalay waan riyooday. Waxaan ku riyooday nin cir-ka-soo-dhac ah. Tin iyo cidhib wuxuu xidhnaa maryo bafto cad ah, xataa kabuhu way caddaayeen, saxar yar oo boodh wata kumuu duulin. Wejigiisu waa ifaayey oo nuurka ifka uga soo baxay. Bar madaw waxaad ku arkaysay sujuudda sida fiican ugu dhigtay. Salaad saxsanaa ma asaxaabtii buu jaal la ahaa, mise waqtigii Nebi Maxamed noola buu soo gaadhay? Mooji ka mid ahaayeene-oo ku cimri-qaadasho loogu soo dir duulkan jaan. Wuu na soo dul-istaagay, laakiin goobta la fadhiyey waxay ahayd goobtii Mirqaan-weyne oo cidiba war isuma hayn mirqaan aawadeed. Qof kasta waxa hor yaalay nusqaadka Gaafana ah. Mayee N-ta ka la yidhaa buu ahaa malaa armalaa  Urate, mise fujis; qaad uun iga dheh. Biyaha mooya-saxada waaba haqab la’aan, sigaarka noocyadiisa kala duwan budha lagu hayaa. Ninka Beensalka cabba noogu cawaandisan. Barkinta iyo jiqilkaa la isku hayaa. Afka iyo caleenta cagaarane la islama waayeyn. Qiiqa goobtaas ka baxaya waxaad mooda in fooxaysato meesha isugu timi oo shalaad lagu qadaayo. Qofka ka horreeyaba arki maysid, qiiqa iyo riyaaqa mirqaanka aawadii.

Qoomkayaga Mirqaan-weyne waxa noo baxaysay heestii yarta Nasteexo Indho ku luuqayso ee:

Sidaa leebka Qaansada

Rido loogu ganay baa

Ana la igu weynyoo

Waxa layga baantaa

Jacayl la ii laqimayoo…

Ala..aala markay intaas tidhaahdo ee ay kolba sida laama lawshaha laydha dhinac u raacday ayaa raggii meesha joogay is kala garan waayey oo la wada saaqay. Waar shaw inta meesha isugu timi waa wada doob.

Goor sida Suufi qasiido loo qaaday madaxa la wada wareejiyey uun baa meel mid ka mid ah duulka Mirqaan-weyn Awoowgii Alla gub, qaadkii loo soo raacay oo uu ku saxday. Quxu…Quxu…Quxu. Markuu saddex jeer yidhi baa kor la wada eegay mise Muruud baa dul taagan ragga.  Markaasa la is wada gartay oo caraftii, nuurkii, caddaankii iyo farxad la wada riyaaqay oo jawi kii hore ka duwan la wada galay. Waaba la isla booday;  waar ma laytal-qadrigii la sheegi jiraa? Mayee waa Awliyo Alle inoo soo diray markii mirqaanka weyn aynu if iyo aakhiraba ku seegnay? Waar waa hoggaamiye Jamhuuriyada barakaysan loo soo diray? Alla waa kii aan dooran lahaa doorashada soo socota? Waar inaa keena aan raacnee. Sidii duul sixran baannu daba dhaqaaqnay. Sidii oon jidkii siraad maraynaa qof kastaaba safka siraadul-mustaqiinka ka qabsaday.

 Wax qabaw ood moodo barafkii Saybeeria ka di’i jiray ayuun baa bartaas saablayda iga qabsaday. Cirkasaan isula booday, waxaaban arkay qof hulaaban oo duryaamaya. Dushay ayaa bu taagan yahay. Waar ma dubaabkiiba la sheegi jiray dadku cunaha qabtaaba? War sawtii jiirka iyo bisada dabada ka gasha dadka lagu sheegi jiray.

“Duhur buu hurdaa. Markuu soo toosana dibbi baad mooda, biyaha iyo raashinka ba waa naga dhammeeyey. Wax ma tare, wax ma taransade; waar ka toos meesha aabbaha hanti kuuma dhigine,”  intaas uun baa dhegta igaga soo duushay anigoo qabawgii la kici kari la’, kor baaban u booday, mise waaba ruux dumara! Indhahaaban mar martay si aan wax u arko shaw waaba Eedadaydii aabbahay ka weynayd oo beryaha meel baadiyaha ku maqnayd.

Eedo riyadayada laguu soo diray iyo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee  dalkan loo soo diray si uu u badbaadiyo. Waataase bal adigu noo soo celi. Intasaan si niyad-jab ka muuqdo ugu idhi. Hurdadiina sidaasaan kaga kacay oo Mirqaan-weyne ugu huleelay subaxaas.” ayuu Mirqaan-weyne  ku soo gebagebeeyey riyadiisii.

Ilma Kala-jeed midi muu nuuxsan oo riyaday la dhacsanaayeen intii uu wadday, laakiin markii uu dhammeeyey baa mid waliba  hoosta ka yidhi annaguu noogu riyoonayaa kii reerkooda ee uu la doonaayo Madaxweynenimada. Awliyaan ahay oo manaam baa la igu tusuu soo wataa……guuxii baa is wada qabsaday oo sida geel ka reeb ah ololkiisu u baxuu codkii laabta laga lahaa u dannanay.  Dawlad-ku-noole oon meeshaba laga filayn baa isla oogsaday oo ku tiraabay;

 “Waar niyaw nimcadan dalka fadhida miyaanay arkayn nimanku. Alle ma tusin oo waa ka qariyey. Dee xaasidnimadu shaw Alle wax kaste kaa qarin maayo. Dalkan lacagta waddooyinka lagu sarifaayo indhahoodu miyey ka takhlan yihiin. Ummaddan ninkii ba labada shaqo haysto miyaanay arkay. Xoolaha nool ee hadh iyo habeen dekedaha ka dhoofa miyaanay ka war hayn? Nimcadaha da’day ee dadkii ku reeyeen miyaanay tolow iyaga helin. Kalluunkan badda Berbera, Maydh iyo Saylac dul sabaynaya miyaanay cunin ba tollow?

 Buuraha iyo degaankan dihin ee macdan iyo shidaal toona aan lagala bixin ee sugaya dheefsashadooda miyaanay arag?  Cilmiga iyo garaadka la idinka qaadi waa; waar daarahan dhaadheer ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu ku jiraan indhahoodu miyey qaban waayeen? Waar malaa kuwani may dhegaysan heesta tidhaahda:

Dhulkeena nimcaa fadhidaa!

Dhulkeena nimcaa fadhidaa!

Hees taas uun hadday Youtube amma Telefiishanka Qaranka amma Radyaw Hargeysa kala socon lahaayeen damiirkoodu wuu soo toosi lahaa, indhahooduna wax bay arki lahaayeen.’

Ninkii laga xan-qarsanaayey sawkan sida galaw dhiilo sida ka dhex qayliyey, wadhiisana riday. Sanqadha la tirsaday. Balaayo-sheeg shaw intaan Dawlad-ku-noole hadalkiisaba dhamaysan buu sanqadh-tirtay, ragga kalese waa samreen oo badh maqlay iyo badh dhukay ay dhegahooda ka guraan ku meeraystay ba waa la haayeen.

“Waxaynu u baahanahay hoggaamiye aan inaga shaqaysan. Mid go’aan qaadasho leh oo musuqmaasuqa meesha ka saara. Waa inuu la yimaada siyaasad shaqo-abuur, dhiirigelinaysa ganacsiga xorta ah. Waa inuu ilaalin karaa xidhiidhka dalalka jaarka. Jaamacadahan tirada ka baxayna waa inuu siyaasad ku soo roggaa, tacliinta bilaa tayada ah si aynu uga baxno. Anigu niyahaw garan waayey hoggaamiye qorshe iila yimaada oo aan codkayga siiyo,” ayuu ku tawaawucay Aqoonyahan googo’ay oo siduu wax u baranaayey ilko beelay, timuhu daateen, garaad dheeri aawadeedna dadkan iyo dalkan ba dhaafsan oo doorashada Maraykanka bartiisa kala socda oo ka codeeya, hadhawna dalkiisa ku dhereriya Maraykanka sida hawlaha dimuqraadiyadu uga socdaan.

“Allaw ma  kala maqnin, mana wada joogno, duulkii Kala-jeed baa naloo bixiyee, ma dooran naqaane noo door. Waar maxa u diiday maciishada iyo nooliga baska ee sicir-bararka dartii kor u kacay ka hadalkooda?,” ayuu cod hoose u yidhi Miskiin oo duulka isagu dhegaha uun kala socday.

“Aar bal eegga sheekadiinii qadhaadhkeeda Miskiinkiina ka hadashiiseen manatee,” ayuu yidhi Gacansi-silicsade, waxa uu intaa raaciyey;  “Horta niman yaw nin walba aashii hadal mid riyooda, mid aqoon is bida iyo mid hunguri hadlaba. Anigu waligay sidaan u macaashay umaan macaashin goortaa maanta ah. Sannadkan maanta ah wax ka caano macaan ma arag. Raashinkii qiimihii la siin jiray waa laba-laab, maciishadii kale oo dhan laba jibbaar lacagtoodu. Tolow sannadkan oo kale ma ina soo mari. Abaarihiina waxaan ku deeqay niyaw daqiiq iyo sonkor Imaraadka la iiga keenay oo soo qoyday iyo mid Rabadaantii dhawayd tii ka horraysay ka hadhay oo bil uun waqtigeedii dhaaftay….kkkk….,” ayuu ku soo gunnaanaday, isagoo caloosha xogonaaya.

Ilma Kala-jeed goor aan goor ahayn bay kala huleleen, mid kastaana isagoo ka yaaban ka kale oo aanay waxba isla meel dhigin baa aayar la kala dhaqaaqay


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada