MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Muqaallada uu Osama Bin Laden Isku Madadaalin Jiray oo la Ogaaday

Dhukumantigii 470,000 (Afar boqol iyo toddobaatan kumaad) ee sirdoonka CIA-du sii dayaan oo ku saabsan hoggaamiyihii Al Qaacida, Osama Bin Laden, ayaa shaaciyey siyaabaha uu Osama oo ahaa ninka adduunka loogu baadi-goobka banaa isu madadaalin jiray sida waxyaabaha uu daawan jiray.

Dhukumantigan oo Arbacadii toddobaadkan la sii daayey wuxuu sheegay in Osama dawan jiray muqaallada YouTube, sidoo kalena aad u xiisayn jiray daawashada filim kartoonka Tom and Jerry si uu waqtiga isaga lumiyo.

Kumannaan cod iyo muqaallo faylal ah oo la helay sannadkii 2011 oo ciidammada Maraykanku weerar ku dileen Osama Bin Laden oo ku sugnaa dhisme ku yaalay magaalada Abbottabad ee dalka Bakistan, ayaa xambaarsana siro aad u badan oo ku saabsan hawlgalo ururka Al Qaacida dunida ka fuliyey.

Osama intii uu gurigiisa 3.500 mitir ee laba jibbaaran la joogay saddexdiisa xaas ah, waxa uu aad u daawan jiray muqaallo ay ka mid yihiin Japanese Clt anime, filim kartoonka Captain Majid oo ah filim kartoon ka hadlaya kubbadda cagta.

Sidoo kale waxa uu daawan jiray shaw la yidhaa Captain Tsubasa Internationally oo isaga laf ahaantiisu ah filim kartoon inta badan ay aad u jeclaayeen malaayiin carruurta Carbeed ah sannadadii 1980aadkii iyo 1990aadkii.

Muqaalalda CIA-du sidoo kale dib u soo saartay wax aka mid ahaa bandhig ciyaaryahan Sucuudiga u ciyaari jiray oo la odhan jiray Osama al Muawalad oo weerar gacan ka hadal ah ku qaaday  nin muqaallada duuba waqti ciyaar lagu guda jiray.

Sidoo kale, muqaallada Osama Bin Laden uu ka dawan jiray YouTube wax aka mid ahaa muqaal 2007 la duubay oo ku saabsan wiil afar jir ah oo aabbihii ka ashkataynaayey walaalkii oo la yidhaa Charley oo wax dhawr bilood aan ka badnayn ka weynaa.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada