MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

May U Meel Dayaa!

WQ: Cabdishakuur Muxumed (Heersare)

Waxa uu ku nool yahay dacalka waqooyi ee caalamka. Habeen keliya isuma arko inuu ka maqan yahay dalkiisii hooyo. Mararka qaar waxa ku wada kulma farxad iyo naxdin is barbar socda, oo xaalado kala duwan ku kala saabsan. Waxa dhib ugu filan dhawaaq aan laga fiirsan oo si yar loogu tiraabay, oo markiiba ay soo gudbiyeen baraha bulshada ee caalamkii ka dhigay ardaa la wada joogo. Taa beddelkeeda, waxa rayn rayn ugu filan dhanbbaal farxadeed oo soo gaadha.

Mar waxa uu is arkaa isaga oo hiiftaamaya oo haaraamaya cid masaafad ahaan ka fog. Mar na waxa uu is arkaa isaga oo iskii isu dejinaya oo nafku ku kallifayso inuu adkaysto, kana gaashaanto gocasho aanu xalkeeda gacanta ku hayn. Xilliyada qaar waxa uu miciin iyo dan moodaa inuu isaga jiro xaalad is illowsiin ah, haddana ma jooga’e waxa uu is arkaa isaga oo ku foogan falkii uu is diidsiinayey. Isaga oo tiisa la ildaran, ayaa waxa miciin iyo niyad-dejin soo bida mid ka sii daran oo is na jahawareer dhex dabbaalanaya. Isagu se kan wareersan waxa uu dhaamaa waxoogaa waaya-aragnimo ah oo waddanka ayuu kaga danbeeyey. Xilliyada qaar talooyinka uu bixinayo iyo waaya-aragnimo warranka uu samaynayo wuu ku nafisaa oo shidaal fiican ayuu ka helaa. Xitaa isaga oo og waxa la isku hayo ama hadalada la isku tuur tuurayaa inay yihiin wax bulshada lagu kala kasbanayo, haddana marka ay hadaladaasi marar badan soo noqnoqdaan waxay ku abuurayaan culays iyo diiqad.

“May u meel dayaan.” Ayuu naftiisa ku yidhaahdaa isaga oo yaaban oo keligii is maqashiinaya. Waxa la joogaa xilli uu naawilayey in hore loo socday oo laga gudbay ducufnimo aan hadda la dugsan karin. Waqtigan la joogo waxa uu filayey in hufnaan iyo heersare la hiigsaday. Muu filayn soo hadalqaadka iyo daliil-ka-dhigashada xajiimooyin ku dhisan hadimooyin hore loogu dagmay. Ku darsada oo meesha soo muu dhigan in si aan gabbasho lahayn hayb hayb la isugu kala guri doono.

Yeelkeede, waxa uu haddana isku qanciyaa oo uu naftiisa ku yidhaahdaa: “Iska adkayso oo jidhka is geli waa laga gudbayaaye.” Isqancintani waxa ay dawo uga noqotaa in uu gaadho heer quus ah oo qanaacadii qaldhabayso. Waxa se anfariir ku reeba marka uu arko qof weyn oo uu ku tirinayey xilkas iyo looga qaateen, marka inta uu afka furto uu ku tiraabo naxli iyo hadal aan tudhaale ku jirin oo uu dan ku gaadhayo. Waxa damqasho kale ku beerta kolka uu arko iyada oo aan dheg ba jalaq loo siinayn qaar badan oo ka mid ah mudanta bulshada, oo marka ay u adkaysan kari waayaan xaaladaha qaar ka hadlaya oo dadka wax u sheegaya, isla markaana laga doorbidayo ka wax qarribaya.

Marka aan abbaarta ku soo dhawaado, qoraalkan uu ciwaankiisu yahay “May u meel dayaan” waa dareen aan la wadaago dad badan oo reer Somaliland ah. Gaar ahaan in badan oo ku nool meelo waddanka ka baxsan. Waa dareen aan arkay inuu aad uga duwan yahay marka aad waddankii joogto. Maadaamaa oo qofku aanu dalkiisii hooyo joogin waxa uu wehel ka dhigtaa xogwareysi la xidhiidha hadba xaaladda taagan. Inuu hadh iyo habeen ba ku fooganaado raacdaynta meeshii uu warkaa ka heli lahaa oo ay ugu badan yihiin baraha bulshada gaar ahaan mareegaha. Waxa uu qofku saaxiib dhow la noqdaa moobilkiisa, kombiyuutarkiisa ama wixii kale ee uu wararka iyo xogaha waddankii ku saabsan uu kala socon karo.

Xilliyadu kala adag, deegaannaduna kala xaalad iyo nolol ba duwan. Sida guud waqtiyada ugu badan ee dadka dibadaha ama qurbaha ku nool uu wererku la soo dersaa waa marka ay jiraan khilaafaadyada siyaasadeed, waqtiyada doorashooyinka, xaalad amni darro oo waddanka la soo derista iyo marka nolosha guduhu adkaato maadaama oo qoysas badani isku tiirsan yihiin.

Dad badan oo aan ku jiro waxa dhib laxaad leh ku haya marka loo meel deyi waayo hadallada la odhanayo. Marka qabyaaladdu xadhkaha goosato ee ay qarannimada ka xoog roonaato. Dadka raba inay bulshada hogaanka u noqdaan marka ay qabiil iyo qabyaalad gaashaan ka dhigtaan si ay yoolkaa u gaadhaan. Bulshada in ka mid ahi marka ay doonayso danta guud inay u gawracdo dan gaar ah oo ay ku raadjoogto. Kolka ay dhegahaaga ku soo noqnoqonayaan hadalo naxli iyo niyadjebin abuuraya.

Waqtigan Somaliland waxa ka socda olole loogu baratamayo hanashada kursiga dalka ugu sarreeya oo ah madaxweynenimo. Saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI waxay ku jiraan tartan. Mid kastaaba waxa uu awoodda saarayaa inuu helo taageerayaal badan oo guusha gaadhsiiya. Guddida doorashaduna waxay muddeeyeen in 13 bishan November ay doorashadu dhici doonto.

Waxa aan rabaa in aan wax ka yar iftiimiyo wixii iiga baxay intii ololuhu socday. Sida guud waa olole nabad iyo degenaansho ku socda. Xisbi kastaana isku deyayo inuu hanto taageerada iyo codka bulshada. Marka laga yimaado barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiyadu ku ololaynayaan, waxa soo baxday in loo ololeeyo si jaantaa rogan ah, oo hadallo cunfi abuuraya la isku weerarayo ama la isku weeraray ba. Waxa  dadka lagala xishoon waayey in dhegahooda lagu rido in sidii jawaan Xamar la gaynayo. Dhegaha iyo dubaaqa dadka waxa laga ilaalin waayey dib u xusuusinta xanuunkii iyo cuqddadii dagaalkii sokeeye ee umadda reer Somaliland dhex maray ayna ka heshiisay. Waxa uu noqday olole uu maykarafoonku gacanta u galay dadka aan ehel u ahayn oo waxay doonaan ku hadlaya. Waxa ay noqotay in la is qaddarin waayey oo run iyo been ba lagu ololaynayo. Waxa aad arkaysaa iyadoo la samaynayo waraaqo been-abuuur ah oo qarannimada Somaliland minjaxaabin ku ah. Intaas oo amuurood oo ugaamayaa marka ay igu kulmeen waxa aan cod dheer ku leeyahay: “May u meel dayaan.”

Midda kale ee aadka iiga sii yaabisay ee aan ololaha ku arkay waxa weeyaan; weriyaashii Somaliland oo qaar ka mid ahi xisbiyada u ololaynayaan. Waa weriye oo shaqada uu qabanayo ee magaceeda uu sitaa waa mid ku dhisan mabaadi’ ay ka mid tahay dhexdhexaadnimo. Wuu taageeri karaa xisbi iyo musharrax, laakiin sida dadka uma ololaynayo ee codkiisa ayuu ugu hiilinayaa maalinta doorashada iyo codbixinta. Taageeradiisa laabta ayuu ku haysanayaa oo ka uu taageersan yahay iyo ka aanu taageersanayn ba si isku mid ah ayuu ugu shaqaynayaa.

Gunaanadka waxa aan leeyahay dadka iyo dalka ba ha loo tudho, oo ha loo meel dayo hadalada iyo ficillada duminta iyo natiijo-xumida keenaya.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersare1.blogspot.no/


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada