MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Warraysi Taabanaya Waayo Badan: Dr. Edna Aadan Ismaciil

Halkan ka daawada waraysi uu Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) uu Dr. Edna Aadan Ismaaciil kaga qaaday magaalada Oslo ee dalka Norway. Halkaas oo ay kaga qayb gashay shir caalami ahaa oo ku saabsanaa caafimaadka haweenka, isla markaana intii ay Norway ku sugnayd ay kulanno la yeelay madax ka mid ah dawladda Norwiijiga .

Waraysigan uu Cabdishakuur Heersare la yeeshay Dr. Edna oo ku baxay barnaamijka Kulanka Gorfaynta ee laga sii daayo idaacadda maxalliga ee Maqal Radio oo Oslo iyo nawaaxigeeda laga dhegaysto, ayaa ka kooban laba qaybood oo kala ah; ujeedada safarkeedii ay Norway ku tagay iyo qaybo ka mid ah taariikhdeeda.

Xigasho: Maqal Radio


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada