MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Sucuudiga oo Noqday Dalkii u Dambeeyey ee Haweenka u Ogolaada Kaxaynta Gawaadhida

Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan, ayaa soo saaray digreeto loogu ogolaanaayo haweenka xaqa kaxaynta baabuurta markii u horraysay.

Boqor Salmaan waxa uu amar ku bixiyey in la sameeyo qayb Wasaaradeed oo fulisa amarkiisaas sannadka 2018ka. Arrintan ayaa dalka Sucuudiga ka dhigaysa waddankii ugu dambeeyey caalamka ee bixiya liisanka darawalnimo ee haweenka.

Ilaa hadda dalka Sucuudiga waa waddanka kaliya ee ay mabnuuca ka tahay in haweenku qaataan liisanka darawalnimada amma kaxanta baabuurta, inkastoo sannadka 2018  xayiraadaas laga qaadi dooni sida digreetada boqorka lagu sheegay.

Safiirka Sucuudiga ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey in haweenka aanay u baahan doonin in raggoodu racaan si ay liisankan u qataan. Geesta kale, waxa soo dhaweeyey arrintan haweenka u dooda xuquuqda dumarka.

Xafiiiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada