MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Somaliland: Doodda ay Yeesheen Murrashaxiinta Jagada Madaxweyne Maxay Muujisay?

W/Q: Ibraahim Khadar

Hordhac

Taariikhda 19/10/2017 waxa ay gashay rikoodhka kaydka dhacdooyinka siyaasiga ah ee Geeska Afrika. Waa markii ugu horraysay ee Somaliland amma Geeska Afrika lagu qabto dood siyaasadeed ay isku wajaheen murrashaxiin jagada Madaxweynenimo u tartamaya. Habeennimadaas shacabka Somaliland waxay u ahayd habeen taariikhdooda siyaasiga ah ku cusub. Goob-joog waxa ay u noqdeen inta madasha doodda lagu qabtay fadhiday iyo inta shaashadaha telefiishannada ka kala socdayba doodda la hordhigay murrashaxiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI u tartamaya hanashada hoggaaminta dalka amma doonaya in ay shanta sanno ee soo socda noqdaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dooddan waxa qabanqaabadeeda u tafaxaytay, isla markaana ku guulaystay dhallinyaro Jamhuuriyadda Somaliland ah oo kaashanay warbaahinta, ururrada rayidka iyo axsaabta siyaasadda. Doodan mustawaheedu sarreeyey oon laga aqoon Somaliland, qabashadeedana aan khibrad badan loo lahayn, ayaa haddana si qurux iyo guul badan ku dheehan tahay u qabsoontay.

Doodaha noocan ah waxa caan ku ah dunida horumartay, gaar ahaan dalka Maraykanka oo muddo laba qarni ka badan ay soo doodayeen madaxdii ku tartantay hoggaaminta siyaasiga ah. Tusaale  ahaan, sannadkii 1858 doodihii Abraham Lincoln iyo murrashaxiintii la loolamaysay loo qabtay waxa ay ahaayeen khudbado shacabka uun loo jeediyey, balse doodihii ugu horreeyey ee murrashaxiin jago madaxweyne u loolamaysa iskaga horyimadaan  dalka Maraykanka waxa la qabtay 1948 iyo 1956kii ilaa intii laga gadhaayey 1960kii. Wax dood ah looma qaban murrashaxiin madaxweyne ee dalka Maraykanka intii u dhaxaysay 1960-kii ilaa 1976kii.

Dooddii u horraysay  ee dalka Maraykanka ka dhacda waxa 1948kii si fool ka fool ah isugu wajahay, Mr. Thomas Dewey oo ahaa Badhasaabka New York iyo Mr. Harold Stassen oo ahaan jiray Badhasaabka Minnesota.

Doodda labadan murrashax waxa dadweynuhu si toos ah ugala socdeen idaacadaha. Waxa ay socotay hal saac oo 20 daqiiqo oo ka mid ah furitaanka iyo diyaargaraw ku lumeen. Dooddan oo ay dhegaysteen dadweyne tiradoodu u dhaxaysay  40 milyan ilaa 80 milyan  waxa ay ahayd doodii ugu dambaysay ee  shardiga looga dhigo in hal mawduuc oo kaliya murrashaxiinta la dhex dhigo in ay ka dooddaan. Mawduuca labadan murrasha la dhex dhigay wuxuu daaranaa, mabnuucida Xisbiga Hantiwadaaga ee Maraykanka ka jiray (Communist Party).

Wixii intaa ka dambeeyey waxa si fiican loo bartay hannaanka qabanqaabinta doodaha noocan ah. Waxa la aasaasay Guddidiyo u gaar ah qabanqaabada doodahan. Tusaale ahaan, dalka Maraykanka waxa laga aasaasay 1987kii Guddida Doodaha Murrashaxiinta Madaxweyne (Commission on Presidential Debates (CPD). Guddidan hawsheeda ugu weyn waa in ay maalgeliso, soona diyaariso dood ay yeeshaan siyaasiyiinta ku loollamaya doorashada Madaxweynenimo iyo Madaxweyne-ku-xigeenno, kadibna ay cilmi-baadhis ka diyaariyaan doodaha murrashaxiinta.

Sidoo kale, doodaha noocan ah waxa qabanqaabiya aqoonyahanno isu-tegay oo madaxbannaan, jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baadhisaha. Sidaa darteed, Somaliland waxa hormoodnimada qabashada doodaas qaatay Inspire Group.

Haddaba, qormadeenan waxa aynu kaga jawaabi doonnaa su’aallo ay ka mid yihiin, maxay ahaayeen caqabadaha dooddan ku gadaaman? Doodda murrashaxiintu ma ahayd mid ku salaysan waaqica oo la gaadhi karo? Dooddu maxay muujisay? Casharro noocee ah baa laga baran karaa mustaqbalka doodda noocan ah? Hannaanka xisbiyadu u ololeeyaan dooddu wax ma ka beddelaysaa?

  1. Xulista Dhexdhexaadiyayaasha Doodda (Debate Moderators) iyo Su’aalaha

Waxa la dhaariyey dhammaan xubnaha sida tooska ah ugu lugta lahaa qabanqaabada doodda iyo waliba dhexdhexaadiyayaasha doodda oo ahaa laba suxufi ee Maxamed Cabdi Ilig iyo Cali Seenyo.

Xulashada dhexdhexaadiyayaasha doodaha noocan oo kale ah waxa shardi u ah inta badan saddex qodob 1) Xogogaalnimadooda ku saabsan sooyaalka taariikheed ee murrashaxiinta tartamaysa iyo guud ahaan barnaamijyadooda siyaasiga ah ee ay ku ololaynayaan in lagu doorto; 2) In ay khibrad aad u xooggan u leeyihiin baahinta tooska ah ee telefiishannada (TV Live Streaming); 3) in ay fahan buuxa ka haystaan in dooddu waqti ku astaysan tahayi, la socoshada dareenka murrashaxiinta iyo aragtiyahooda.

Dhinaca kale, Dhexdhexaadiyayaasha oo kaliya ayaa awood u leh doorashada su’aalaha la waydiinaayo murrashaxiinta, taasoo ay shardi u tahay in aanay qabanqaabiyayaashu ogayn amma murrashaxiina laftarkooda xog ka haysan su’aalaha la waydiinayo, balse mawduucyada laga hadlaayo uun ay sii og yihiin.

Waxa kale oo shardi ah in aan dhexdhexaadiyayaashu ku suntanayn amma lug ku lahayn, horena aanay uga qaybqaadan ololaha murrashaxiinta. Inta badana waxa dhexdhexaadinta qabta hal dhexdhexaadiye oo kaliya si looga fogaado jah-wareer iyo is-maandhaaf.

Dooddii 19/10/2017 lagu qabtay hudheelka Mansoor waxa dhexdhexaadinaayey laba daadihiye oo saxaafadda laga soo kala doortay. Ka hor intii aanay madasha imaan waa la dhaariyey. Waxa jiray is-maandhaaf dhinaca farsmada baahinta ah oo ay ka dhex curtay qabanqaabiyayaasha iyo qaar ka mid ah warbaahinta dalka. Arrintaas waxa ay sabab u noqotay in xal loo arko in la xusho laba dhexdhexaadiyayaal oo midba qayb doodda iyo su’aal waydiinta daadihiyo.

Inkastoo doodda loo dejiyey in lagaga hadlo uun saddex arrimood oo kala ahaa siyaasadda gudaha, siyaasadda dhaqan-bulsho iyo siyaasadda arrimaha bulshada, haddana waxa muuqatay in su’aalahu diyaarsanaayeen oo dhexdhexaadiyayaasha loo dhiibay su’aallo diyaarsan oo aanay dhinacna uga gudbi karin, taasina ay ku noqotay xakamayn amma dabar aanay dhaafi karin.

  1. Qaab-dhismeedka Su’aalaha Doodda

Doodaha noocan oo kale ah waxa ka mabnuuc ah in su’aalaha loo qabeeyo amma loo sii diyaariyo dhexdhexaadiyayaasha (Moderators), iyadoo laga cararaayo in su’aalahaas xakameeyaan daadiyayaasha amma horreba ay xogtoodu u sii baxdo, laakiin Inspire Group waxa ay sii diyaariyeen, qabeeyeena su’aalaha la waydiinayey saddexda murrashax ee xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Iiyadoo su’aaluhu ay ku salaysnaayeen saddexda mawduuc ee dooddu ku astaysnayd; Arrimaha Gudaha, Siyaasadda Dhaqan-bulsho iyo Arrimaha Dibadda, isla markaana ay ahaayeen su’aallo furan (Open Questions) oo xog badan ka soo saarayey murrashaxiinta, haddana waxa ka maqnaa su’aal kala saari lahayd fulinta siyaasadooda iyo qorshayaasha ah sheegaayeen in ay hirgelin doonaan haddii la doorto.

Ku dhawaad dhawr iyo labaatan su’aalood oo la waydiiyey murrashaxiinta waxa dhextaal u ahayd su’aasha “Maxaad kaga duwan tahay murrashaxiinta kale?” inkastoo ay ahayd su’aal muujinaysa hannaanka siyaasiyan ay murrashaxiintu ku kala duwan yihiin, haddana wax badan oo ay ku kala gedisan yihiin ma ay sheegeen, waxaanay ahayd su’aal waqti badan oo xog ay ku bixin lahaayeen lumisay.

Sidaa awadeed, waxa su’aalaha ka maqnaa su’aal ka mid ah waydiimaha loo yaqaan raad-gurka (Follow up Qustions) amma “Sidee” (How). Murrashaxiintu waxa ay sheegeen waxyaabo badan oo macquulnimada ka fog in la gaadho amma la qabto shanta sanno ee muddo xileedka xukuumadda u jaan-go’san. Haddii la waydiin lahaa sida ay ku gadhayaan waxyaabaha ay sheegeen waxa soo bixi lahayd kala duwanaanshaha iyo sida ay siyaasadoodu u kala macquulsan tahay.

  1. Jawiga Murrashaxiinta ee Bilawga Doodda

Marka uu qofku ku cusub yahay fagaare ka hadalka amma fagaare ka doodista waa wax caadi ah in cabsi la soo daristo amma cadiifadiisu kacdo. Waxa dadka qaar ka soo baxa baqdin keenta in hadalku ku dhego, gariiraan, halka kuwo kalena wejigooda ay ka muuqato cadho amma codkoodu xabiibto daqiiqadaha ugu horreeya.

Qaybta hore ee doodda, waxa qabqaabiyayaashu madasha u diyaariyeen hannaan  ay murrashaxiintu sarajooga ku dooddaan. Kadib, markii murrashax kasta goobtii loogu talagalay istaagay, waxa uu daadihiyahu mid kasta siiyey laba daqiiqo oo uu shacabka kaga dhaadhiciyey sababta uu ugu habboon yahay in loo doorto hoggaanka dalka.

Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo bilaabay waxa jawaabtiisa uu ku bilaabay jawi degen, kalsooni badana ka muuqato. Eng. Faysal waxa uu muujiyey inuu si fiican u fahansanaa su’aasha la waydiiyey iyo jawaabta uu ka bixinaayey.

Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMYE, Muuse Biixi Cabdi oo isla su’aashaas la waydiiyey waxa ka muuqday degenaansho la’aan, keenay in codku hore uga soo bixi waayo amma uu xabeebto. In uun haddii aad wax ka bawsatay akhrinta luuqada jidhka (Human Body Language) waxa aad Muuse ka garan karaysay xoogga in cadiifadiisu kacsan tahay, maadaama madasha noocan oo kale ah ay ku cusbayd. Jawaabta uu bixiyey inkastoo ay ahayd mid waafaqsan su’aasha, haddana bilawgii hore degenaan kuma uu bilaabin hadalkiisa.

Sida labada murrashax ee hore oo kale waxa Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro la siiyey laba daqiiqo oo uu ku sababeeyey sababta shacabku ugu dooranayaan Madaxweynenimo. Waxa muqaal ahaan ka muuqday firko nax ay sababtay cadiifadiisa oo kacday (Emotional unstable), maadaama doodda madasha loo joogay ahayd mid ku cusub oo aan hore uga qaybgelin dood noocan ah. Qofka u fiirsada waxa uu ka dareemayey xoogga neef-tuur ah, balse arrintaas marna kumay keenin in su’aasha la waydiiyey uu ka leexdo amma uu fahmi kari waayo.

Dhinaca kalsooni hadalka iyo degenaanta waxa muujiyey murrashaxa xisbiga UCID, sababtoo ah waxa uu inta badan gobollada dalka ku qabtaa khudbado dhallinyaradu su’aallo ku waydiinayso, taasina waxay u saamaxday inuu fagaare-ka-hadalka laqabatimo, dooddana ku dabakhay khibradiisa hore, doodiisana sida ay doonto ha u qaabaysnatee uu si waadix u soo gudbiyey.

  1. Siyaasadda Arrimaha Gudaha
    • Amniga

“Amniga waddanku waxa uu ku xidhan yahay tayeynta laamaha amniga, hadday noqoto qalabka, dhaqaalaha iyo xirfadda; maxaa kaaga qorshaysan arrimahaas haddii aad guulaysato?

Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in ay awoodda marka hore saari doonaan in shacabka ay fahansiiyaan ilaalinta amniga sida; in hannaanka caddaaladda la horumariyo  iyo da’ yarta la baro waddaniyada (Civil Education). Kadibna, ay u gudbi doonaan dhisida hay’adaha  u xil saaran ilaalinta amniga gudaha sida booliska iyo wardoonka (sirdoonka), gaar ahaan tababarista iyo hagaajinta hab-nololeedka ciidammada ammaanka.

In shacabka laga dhaadhiciyo ilaalinta ammaanka waxa ka horraysa in ay jiraan hay’adihii ammaanka ilaaliya oo xooggan, iyadoo Murrashax Muuse Biixi uu uu dhisida hay’adaha ammaanka ka horraysiiyey qorshaha ah, in shacabka la baro ilaashashada amniga iyo wanaajinta hannaanka caddaaladda, haddana marna ma uu raacin habka uu u maraayo qorshihiisa uu ku horumarinaayo amniga gudaha.

Geesta Kale, murrashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xusay in ay u qorshaysan tahay si loo adkeeyo ammaanka in la daryeelo nolosha ciidammada ammaanka ilaaliya. Tusaale, ahaan waxa uu xusay in 250% uu mushaharada u kordhin doono ciidammada kala duwan ee qaranka. Waxa uu xusay in ay samayn doonaan boolis dadweyne (Community Police). Waxa kale oo uu Cabdiraxmaan Cirro xusay in ciidanka ay u dhisi doonaan guryo ay ku nooladaan iyaga iyo qoysaskoodu.

Caadi ahaan xukuumadda waqtigeedu waa 5 sannadood, suuragalna ma noqon karto in  muddo xilleed kaliya xukuumad mar wada fuliso, in 250% mushaharka ciidanka loo kordhiyo, dhammaantood loo dhiso guryo, isla markaana la beddelo hannaanka ciidanka boolisku hadda u qaabaysan yahay. Sababtoo ah, guud ahaan miisaaniyadda Somaliland ee 2017 waxa ay dhan tahay $362 Milyan (Saddex boqol, laba iyo lixdan milyan oo doollar), iyadoo 19% korodh ah ku yimid marka loo eego 2016 oo odorooska miisaaniyadu ahaa  $295 Milyan, lagana yaabo in sannadka 2018 miisaaniyadu gaadho $500 Milyan, sidaa darteed marna qorshaha uu Murrashax Cirro sheegay maaha mid suuragal ku noqon kara in muddo shan sanno gudahood ah la fuliyo. Sidoo kale, ma uu raacin sida uu qorshan ku gaadhi karo.

Murrashaxa Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo isla su’aashay qorshaha uu ka leeyahay sheegay waxa uu xusay inuu samaynaayo sharci dadku aanay ka gudbayn, sidaa darteedna uu shardi ka dhigi doono in qof kasta oo boolis ah uu noqdo mid tacliin leh iyo in waddaniyada shacabka la dhiso, booliskana iyo dadweynahana kalsooni laga dhex abuuro amma lala saaxiibsiiyo.  Waxa kale oo uu tilmaamay in hay’adaha sirdoonku  ka mid yahay hay’adaha ammaanka ee uu dhisaayo. Murrashax Faysal ma uu sheegin sharciga uu samaynaya nooca uu yahay. Ma sharci ammaanka ah baa oo guddiyo ammaan samaynaya, mise waa shuruucda ciidanka? Sidoo kale, marna ma uu xusin sida uu u fulinaayo qorshihiisa ah in ciidanka booliska tacliin yeesho, iyadoo hadda in yar mooyee badankoodu aanay wax  tacliin ah lahayn askarta boolisku, ma ciidanka hadda jira ayuu ruqsanaynayaa dhammaantood oo da’ yarta jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxda ayuu ciidan u qoran, mise kuwa hadda jooga ayaa tacliin la barayaa?

  • Saamiqaybsiga Xilalka Dawladda

Murrashaxa Xisbiga WADDANI waxa uu tilmaamay in ay xilalka si siman ugu qaybin doonaan bulshada gobollada iyo degmooyinka Somaliland, halka murrashaxa xisbiga KULMIYE uu sheegay inuu furi doono dood lagu dhegaysanaayo cabashada, isagoo xusay in aannu marnaba ogolayn in saami-qaybsiga lagu sameeyo sifo aan dastuurka waafaqsanayn.  Cirro iyo Muuse in kastoo ay sheegeen in xilalka dawladda saami dheeli tiran loo kala qaybsan doono, haddana sida ay u dhacayso arrintaas may faahfaahin.

Murrashaxa xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu xusay in xukuumadda uu xisbigiisu dhisaayo aanay saami reer ku salaysnaan doonin, balse ay ku salaysnaan doonto aqoon iyo karti. Arrintan marka loo eego hannaanka Somaliland u qaabaysan tahay waa mid aan suuragal ahayn, sababtoo ah waxa xilalka xukuumadda amma dawladda lagu kala qaybsadaa hannaan saami (Clan based).

Dhammaantood waxa ay isku waafaqeen in xukuumad kooban amma tiro yar ay dhisi doonaan haddii ay doorashada ku guulaystaan. Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI waxa u taal su’aasha ah siday isu waafajin doonaan saami-qaybsiga xilalka dawladda ee haan walba rabto in ay ka muuqato iyo dawlad tiro yar oo kooban, halka xisbiga UCID looga fadhiyo sida uu waaqica jira iyo dawladda aan reernimada ku dhisnayn isula jaanqaadsiinayo.

  • Hannaanka Caddaaladda

Saddexda murrashax waxa ay ka midaysnaayeen in ay tayeynayaan Garsoorka, korna u qadayaan nolosha hawlwadeennada garsoorka, balse waxa soo baxday in saddexdooduba aanay aragti fiican ka haysan hannaanka bahda caddaaladdu u shaqayso, baahiyahooda iyo meelaha u baahan in abbaar laga dhigto wax ka qabashadooda. Tusaale ahaan, Muuse Biixi waxa uu isla doontay hannaanka caddaaladda iyo oday-dhaqameedka, iyadoo oday-dhaqameedku ka mid yahay caqabadaha sugida iyo gaadhista caddaaladda hor taagan, halka ay ka yihiin tiirarka ugu muhiimsan ammaanka. Gaadhista caddaalad waarta iyo ilaalinta ammaanku inkastoo ay isku xidhan yihiin, haddana waa laba arrimood ood oo kala gedisan. Caddaaladdu waa in qof xaqiisa helo amma garsoorku inuu awood u yeesho, una madaxbannaanado ka go’aan gaadhista dacwadaha, iyagoo aan oday-dhaqameed faragelin ku samayn.

Geesta kale, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xusay inuu dib u bilaabi doono qiimayn iyo darsid dhibaatada garsoorka ah, halka uu ka faa’iidaysan lahaa dhibaatooyinka hore loo darsay, waxna uu ka qaban lahaa.

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabi waxa uu sheegay inuu isku dari doono Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, halkaasna waxa ka soo baxday caqabad dastuuri ah oo qabsan doontay Faysal, sababtoo ah Wasaaradda Caddaaladdu waa wasaaradda kaliya ee magaceeda iyo sida uu u dhigan yahay ku xusan yahay  dastuurku (Qodobka 106aad ee Dastuurka).

  • Shillin-bararka

Sannadadii u dambeeyey Somaliland waxa dhib ku hayey qiimo dhaca shillinka, iyadoo uu suuqyada ka jiray shillin-barar keenay in lacagta Somaliland qiimo-dhac aad u weyn ku yimmaado, kadibna ay maciishadu qaaliyawdo, danyartuna awooddi wayaan helida quutal-daruuriga.

Haddaba, murrashaxiinta oo doodda lagu su’aalay sida ay ula tacalayaal arrintan amma qorshayaasha ka leeyihiin la tacaalista shillin-bararka, qodobka muhiimka ah ee ay ka sinaayeen waxa uu ahaa xoojinta awoodda Bangiga dhexe, inkastoo aanay sheegin sida ay u awooddaynayaan bangiga dhexe ee dawladda, isla makraana uu awood ugu yeelan karo maamulida, una xakamayn karo lacagaha suuqyada dalka dhex wareega.

Waxa soo baxday in la-tacaalista shillin-bararka iyo sicir-bararkaba aanay ahmiyad badan siin in ay qorshe ka sii yeeshaan amma aanay xogogaal u ahayn xaaladda shillin-bararka.

  • Shaqo-abuurka Dhallinyarada

Somaliland, Dhallinyarada jaamacadaha ka qallin-jebiya iyo kuwa muruqmaalka ah intooda badan waa ay shaqo la’ yihiin, dawlad kasta oo timaada waxa ay ololaheeda ugu weyn ku gashaa in ay shaqo abuur samaynayso, barnaamij kasta oo xisbiyada siyaasaddu leeyihiina waa qodob ka mid ah ilaa haddana xal waara looma helin shaqo abuurka.

Murrashaxiinta doodda waxay iftiimiyeen in ay shaqo abuur  u samaynayaa da’ yarta iyo haweenka oo bulshada inta u badan ah. Mid kasta waxa xagal goonni ah ka taagnaa arrintaas iyo sida uu u wajahi doono.

Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in uu awoodda saraayo samaynta warshado, isagoo tusaale u soo qaatay samaynta warshad looxa soo saarta oo Ceerigaabo laga hirgeliyo. Waxa uu ballanqaaday in muddo xileedkiisa uu 15,000 shaqo u abuuraayo da’ yarta. Waa hadaf la gaadhi karo, una baahan in haddii uu guulaysto lagula xisaabtamo.

Eng. Faysal Cali Waraabe, murrashaxa xisbiga UCID, waxa uu tilmaamay in ay u qorshaysan tahay in dalka loo furo maalgashi, laguna casuumo maalgashadayaal caalami ah si ay shirkado iyo warshado waaweyn uga samaystaan, da’ yartuna shaqo abuur uga helaan. Inkastoo aan Somaliland la aqoonsan, xeerka maalgashiga caalamiga ahna dalalka laga babakhana ka mid ahayn (International Trade law), haddana waxa hubaal ah in maalgashigu uu ka mid yahay waxyaabaha lagaga hortago shaqo la’aanta baahsan, iyadoo mar walbana loo baahan yahay abuuridda siyaasadda maalgashiga iyo waliba xeerarkii maxaliga ahaa ee arrinta lagu maamuli lahaa. Waxa loo baahan  yahay haddii uu guulaysto Eng. Faysal in rikoodhka loogu darro oo lagula xisaabtamo.

Murrashaxa xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi waxa uu ballanqaaday in shaqo abuur qaran la samayn doono sida in aqoonyahanka loo abuuro shaqo mustawahooda ah, reermiyigana laga shaqaalaysiiyo degaannadooda sida biyo xidheenno iyo waddooyin loo sameeyo, halka dadka jilicsana uu ahmiyad gaar ah siin doono sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa. Arrintan waa mid aad moodo in ay ku qotonto qodobka 19aad ee Dastuurka oo ka hadla daryeelka qaybaha bulshada iyo sida dawladda xil uga saaran yahay ilaalinta qaybaha kala duwan shacabka. Murrashax Muuse inkastoo aanu faahfaahin buuxda ka bixin hannaanka uu maraayo shaqo abuurka, haddana qodobadaas waa kuwo ahmiyad gaar ah leh, una baahan in loo diiwaangeliyo, haddii uu guuaystana xukuumaddiisa lagu dabagalo.

  • Horumarinta iyo ka Faa’iidaysiga Xoolaha nool

Wax soo saarka Somaliland 60%-65%  waa xoolaha nool, sidaa darteedna wuxu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha dalka (GDP) sida Wasaaradda Xannaaanada Xooluhu sheegtay 2017. Maadaama, xoolaha nool ka mid yahay tiirarka amma ilaha dhaqaale ee Somaliland waxa siyaaasi kasta oo doonaya inuu dalka hoggaamiyo laga rajaynaya inuu shacabka u soo bandhigo qorshaha uu ka leeyahay sidii xoolaha nool looga faa’iidaysan lahaa.

Murrashaxa xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, waxa uu xusay in ay u qorshaysan tahay haddii uu talada dalka  ku guulaysto aasaasida Bangiga Horumarinta Xoolaha, Beeraha iyo Kalluunka (Agricultural Bank). Waxa kale oo uu xusay in dadka beeralayda, xoola-dhaqatada iyo kalluumaysatada lagu dhiirigelin doono abuurista iskaashato ganacsi si ay wax-soo-saar fiican u sameeyaan, dalkuna uga faa’iido. Waxa muhiim ahaa oo kale oo uu murrashaxu xusay samaynta waddooyinka isku xidha magaalooyinka iyo degaannada wax-soo-saarka leh. Waa qodobo cad oo horumar keeni kara, haddii siyaasad iyo qorshayaasha rasmi ah uga dejisan yahay, cid ka midho dhalisana loo magacaabo hay’adaha dawladda ee arrimahan ka shaqeeya.

 Murrashax Faysal waxa kale  oo uu sheegay in uu doonaayo in shidaal Somaliland yeelato laga dhoofiyo dekeda Berbera,  muddo xileedkiisa haddii uu guulaysto, taasina waa arrin riyo uun noqonaysa (Future dreams), balse aan suuragal noqon karin marka la fallanqeeyo muddo xileed 5 sanno ah, dhaqaalaha dalka iyo aqoonsi la’aanta amma waxyaabaha kale ee ka horreeya ee darruuriga ay tahay qabashadoodu inta aan shidaal la soo saarin, iyadoo ay u baahan tahay in la hubiyo in shidaal ganacsi geli kara Somaliland dhulkeeda ku jiro.

Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, waxa uu ahmiyada saaray daryeelka xoolaha (Livestock Preservation), sida in seerayaal loo abuuro iyo in la xoojiyo tayada aqooneed ee  dhaqaatiirta xoolaha nool (Veterinary Doctors) iyo waliba in shacabka la barro kalluumaysiga iyo dhaqista digaaga (Poultry). Waa muhiim in la helo xoolo la daryeelay, lana ilaaliyo xoolaha asal ahaan dalka ka soo jeeda, balse Murrashax Muuse doodiisa awood kumuu saaran sidii xoolaha looga dhigi lahaa il-dhaqaale oo Somaliland jaarkeeda kaga horumarto, dunida kalena u iibgeyso.

Murrashax xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in uu hayo istaraatijiyad lagaga marmaayo suuqyada Carabta/Barriga Dhexe iyo qorshe shidaal lagu soo saraayo. Waxa kale oo uu xusay in ay xakamaynayaan kalluunka laga xado Somaliland oo uu ku qiyaasay nus bilyan tan, inkastoo meel uu ka soo xigtay aannu xusin qiyaastaas iyo goorta daraasadda lagu sameeyey baaxada kalluunka Somaliland laga xado dhan yahay. Waxa muhiim ahayd sharaxaada sida looga maarmi karo dalalka Carabta oo ah suuqyada ugu waaweyn ee xoolaha nool ee Somaliland iyo Soomaaliyaba loo iib-geeyo.

Dhammaan aragtiyaha iyo qorshayaasha mustaqbal ee murrashaxiintu sheegeen in xoolaha nool horumarintooda uga meel yalaan haddii la isu keeno waxa ay ahaayeen kuwo is dhammaystiraya, kuna fiican in haddii mid ka mid ah guulaysto uu qorshayaasha kuwa kale laf ahaantooda dhammaystiro oo uu ka dhigto barnaamij dhammaystiran oo taabanaya dhinaca ka faa’iidaysiga khayraadka iyo xoolaha nool ee dalku leeyahay .

  • Tayeynta Adeegga Caafimaad

Baahida caafimaad waa waxyaabaha ugu waaweyn ee ay shacabka Somaliland tebayaan, sababtoo ah waxa jira tayo la’aan dhinaca dawada ah iyo daryeelka caafimaad oo aad u qaali ah oon shacabka badankiisu awooddin in ay iska bixiyaan goosashada tigidhka booqashada dhakhtarka, iska daa adeegyada kale’ee .

Lacagta ugu bdn ee adeegga caafimaad ee dalka lagu bixiyo waxa ay inta badan ka timaada caawimo laga helo hay’daha caalamiga ah iyo ururrada rayidka ah iyo waliba qurba-jooga Somaliland sida Wasaaradda Caafimaadku ku sheegtay daraasad kooban oo 2016 uu sameeyey Mac-hadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Oslo (Peace Research Institute Oslo (PRIO). Waxa kale oo cilmi-baadhistan kooban lagu sheegay in miisaaniyadii 2015 oo ahayd $150 milyan oo dollar, caafimaadka looga qoondeeyey qiyaas dhan 3.9% misaaniyada ka mid ah, iyadoo in ka badan 60% dakhligaas yar ka mid ah ku baxeen mushaharaad.

Si loo ogaado sida murrashaxiintu uga jawabayaan baahida caafimaad ee shacabka Somaliland haysata, mid kasta waxa uu soo bandhigay aragtidiisa iyo qorshihiisa ku aadan tayeynta adeegga caafimaad ee dalka.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu dooddiisa ku sheegay in uu awoodda saari doono tayeynta aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo qalabayntooda, isla markaana kor loo qaadi doono aqoonta iyo awoodda qalab ee Jaamacadaha dalka, gaar ahaan kulliyadaha caafimaadka. Murrashaxa xisbiga KULMIYE waxa uu ku doodday in xukuumadda hadda talada dalka ka sii dhaadhacaysa ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo 7 sanno hoggaaminaayey, isla markaana  xisbiga KULMIYE ka dhalatay ay wax badan ka qabatay adeegyada caafimaadka sida keenista mishiinnada kelyaha sifeeya oo Cusbitaalka Wey nee Hargeysa yaala, haddana dadka lagu daaweeyo, iyadoo hore adeegga noocaas ah dibada loo doonan jiray. Waxa muuqatay in Murrashax Muuse u baahnaa inuu dib ugu noqdo qorshayaasha i tayeynta caafimaadka.

Murrashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ku tiraabay in ay u qorshaysan tahay xoojinta Hay’adda Baadhista Tayada Dawada iyo Cuntada, iyo waliba xakamaynta dhakhaatiirta ajenebiga ah ee dalka ku soo badana, balse ma uu sheegin siyaasada uu ka leeyahay in shacabku helaan adeeg caafimaad oo wada gaadha gobol, degmo iyo tuullo kasta oo dalka ah.

Murrashax Faysal Cali Waraabe, inkastoo doodiisu ku taagnayd qodobka 17aad ee dastuurka oo dammaanad qadaya in shicibku adeeg caafimaad oo bilaash ah iyo dawayn lacag la’aan ah helaan, haddana su’aashu waxa ay tahay dhaqaale ahaan awood ma loo leeyahay muddo shan sanno ah in degmo kasta amma gobol kasta la gaadhsiiyo caafimaad lacag la’aan ah? Waxa ay u baahan tahay qorshe iyo dhaqaale xooggan oo muddo aan yarayn qaata.

  • Sugida Xaqa Waxbarasho

Dhinaca tayeynta waxbarashada inkastoo murrashaxiintu qorshayaal qurux badan soo bandhigeen, haddana doodda murrashaxiintu waxa ay ahayd mid suuragalnimadeedu adag tahay (Not realistic Vision). Tusaale ahaan, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xusay in waxbarashada bilaash laga dhigo iyo in ardayda jaamacadaha laga bixiyo 15%  ka mid ah fiiga amma lacagta ay jaamacadaha ku dhigtaan. Waxa aynu khibrad ka haysanay in waxbarashada oo bilaash laga dhigaa keentay tayo liidasho dhinaca waxbarashada ah oo dugsiyada dawladda soo wajahay muddadii xukuumaddu talada haysay, kadib markii ay ku dhawaaqday in dugsiyada hoose ee dawladdu lacag la’aan yihiin. Sidoo kale, in ardayda laga bixiyo 15% ka mid ah fiiga jaamacadaha waxa ka  fudud in siyaasad laga soo saaro waxbarashada ganacsiga noqotay, sababtoo ah waxa loo baahan yahay in laga fikiro halka uu ka imanayso lacagta ay dawladdu ku bixinayso 15%.

Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, waxa uu 20 September, 2017 ka sheegay xafladda qallin-jebintii Jaamacadda Hargeysa in 30 kun oo arday hadda Jaamacadaha dalka ku jiraan. Celcelis ahaan ardaygu wuxuu bixiyaa afartii bilood (Semister) $200. Waxa ay noqonaysaa in $30 (15%) ardaygii halkii Semester dawladdu ka bixiso. Haddii 30 kun oo arday, aynu ku dhufano $30 waxa ay noqonaysaa $900,000 (Sagaal boqol oo kun) amma nus milyan oo semistar kaliya ah. Haddii celcelis ahaan saddex sanno oo ardaygu degree u jiro aan ka soo qaadno, sannad kastaana laba laba semester yahay waxa ay noqonaysaa ku dhawaad lix milyan oo doollar. In lix milyan oo doollar ku baxdo fiiga ardaya, iyadoo ay barbar socdaan kharashaada kale ee tayeyna waxbarashada waxa ay noqonaysa culays misaaniyadeed qaranka ku soo kordha.

Murrashax Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday in uu qorshaynayo in la sameeyo siyaasadda waajibinta waxbarashada (Compulsory Education), macallimiinta oo mushahar ku filan la siiyo iyo in arday kasta laptop la siiyo. Siyaasadda waajibinta waxbarashadu waxay u baahan tahay in la helo waxbarasho lacag la’aan ah, sababtoo ah dalalka siyaasadan qaatay waxa masuuliyada tayeynta waxbarashada iyo helida waxbarasho bilaash ah dusha ka saaran tahay dawladooda.

In arday kasta la siiyo laptop waxay u baahan tahay miisaaniyad iyo kharash aad u badan, waxaana ka horraysa in la sugo xuquuqda helitaanka waxbarasho. Tusaale ahaan, sida Wasaaradda Waxbarashadu shaacisay sannadkan, waxa dugsiyada sare oo kaliya dhigta sannadkan ku jira 59,512 (Siddeed iyo Labaatan Kun, Sagaal Boqol iyo Siddeetan Arday). Haddii 59,512 kombuyuutar dawladdu qaybiso, qiimaha ugu jaban celcelis ahaan uu ku baxo $300, waxa ardayada dugsiyada sare oo kaliya ku baxaya lacag dhan $1,785,3600 (Hal milyan, toddoba boqol, shan iyo siddeetan, saddex kun iyo lix booql oo doolar) iibka kombuyuutarada oo kaliya ah oo aanay ku jirin kharashaadka ku baxaya daabulida iyo soo dejinta. Haddii dugsiyada hoose/dhexe laga soo bilabaayo istaraatijiyada waxa hadda dhigta oo ku jira waxbarashada hoose/dhexe 267,484 (Laba Boqol iyo Toddoba iyo Lixdan Kun, Afar Boqol iyo Afar iyo Siddeetan Arday) waa laban laab. Intaas waxa dheer, waxa loo baahan yahay in la helo macallimiin ardayda barta isticmaalka kombuyuutarka oo iyaguna miisaaniyadooda wata, maadaama inta badan ee dalku aanay tiknoolajiyadu si fiican u gaadhin. Waad lacagta ku baxday kombuyuutarada oo kaliya, iyadoo aan lagu darin kharashaadkii kale ee waxbarashada u qoondaysnaa.

Murrashaxa Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dooday in labada sanno ee u horreeya xukuumaddiisa ay 15% kordhinayaan miisaaniyada waxbarashada u qoondaysan, isagoo xusay in hadafkiisu yahay in waxbarasho bilaash ah la helo. Qodobka u muhiimsan ee uu tilmaamay waa dhiirigelinta farsamada gacanta iyo waxbarashada dadka naafada ah. Waxa u baahan in laga jawaabo sida ay isu wafaqayaan in waxbarashada bilaash la helo, walibana dhaqaale lagu caawiyo ardayda.

Waxa biyo kama dhibcaan  ah in ay taagan tahay caqabadii ka dhalatay waxbarashada bilaashka laga dhigay ee dugsiyada hoose, iyadoo taas laga warqabo haddana sida loogu dhiiran karo in dalka oo dhan laga hirgeliyo waxbarasho bilaash ah waa mid u baahan in murrashaxiinta dooddan keentay ay ka jawabaan.

  • Dib-u-dhaca doorashooyinka

Somaliland waxa ay dawladda Soomaaliya dib ugala soo noqotay madaxbannaanideedii May 18, 1991.  Muddada 27 ka sannadood ah ee dawladnimada Somaliland jirtay waxa xilka isaga kala dambeeyey afar xukuumadood oo afar Madaxweyne oo kala duwan hoggaaminaayeen. Laga bilaabo 1991 ilaa 2002 xukuumadihii ka jiray Somaliland waxa ay ahaayeen ku hannaan dhaqan ku dhisan (Traditional based government). Doorashadii ugu horraysay waxa ay dalka ka dhacday 2002 oo goleyaal degaan la doorta, 2012 waxa sidoo kale la doortay Golaha degaanka ee hadda joogta. 2003 iyo 2010 waxa Somaliland laga qabtay doorashooyinka madaxtooyada. Sannadkii 2005 waxa la doortay Golaha Wakiillada oo muddo 12 sannadood ah hadda xilka hayey, mar kasta muddo kordhin loo samaynaayey halka Golaha Guurtida aan marna la dooran oo hannaan dhaqameedkii lagu soo doortay ay wali ku joogaan, maadaama aanu jirin xeerkii doorashada Golaha Guurtida.

Xukuumadihii Somaliland ka jiray ma jirto mid aan muddo xileedkii dastuuriga ah dhaafin amma aan muddo kordhin loo samayn. Waxa kale oo mar walba laga faa’iidaystaa qodobo dastuuri ah oo sababeeya xaalada gaarka ah ee doorashooyinka in dib loogu dhigi karo. Sidoo kale, Golaha Wakiillada oo 2005 la doortay waxa ay kuraasta fadhiyaa 12 sannadood.

Sidaa darteed, maadaama arrintan ay tahay arrimaha u baahan xal u helida waxa murrashaxiinta la waydiiyey aragtidooda iyo sida ay u xakamaynayaan in muddo xileedka xukuumadda ay hoggaamin doonaan dhaafto waqtiga u astaysan ee dastuuriga ah (shan sanno), dhammaantood waxa ay isku aragti ka ahaayeen in ay aanay ogolaanayn muddo dhaaf sida Madaxweyne kasta oo dalka soo maray ballanqaado marka uu xilka la wareego amma doorasho soo dhaw dahay.

Istaraatijiyad iyo qorsheyaal cusub oo lagaga hortagayo in muddo dhaafka golayaasha qaranka ma ay xusin dhammaantood, iyadoo qaar ka mid ah ay xataa muddo dhaaf ku yihiin xilalka ay xisbiyadooda ka hayeen iyo waqtiyadii sharciga ah ee loo ogolaa in ay isla xisbi iska soo sharaxaan. Tusaale ahaan, Murrashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, golaha Wakiillada ee uu shirguddoonka u ahaa waxa uu muddo kordhin loo sameeyey 7 sannadood. Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi waxa xukuumadda xisbigiisa ka dhalatay ee 2010 talada dalka la wareegtay muddo kordhin loo sameeyey laba sanno. Murrashaxa UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu u guul darraystay hanashada xilka madaxweyne laba jeer oo hore, haddana waa mar saddexaadkii, iyadoo tiraba dhawr jeer maxkamad xalisay muran xisbiga UCID oo ku saabsana murrashaxnimada jagada madaxweyne cida isu soo taagaysa.

  • La tacaalida Qabyaaladda

Hannaanka siyaasiga ah ee ka jira Somaliland waxa ay aqoonyahannada wax qoraa ku tilmamaan (Clan Democracy or Clan politics). Iyadoo uu jiro dastuur asteeyey qaab-dhismeedka dawliga ah oo hannaan dimuqraadiya u dhisan, haddana awoodda maamul ee dalka waxa uu ku dhisan yahay saami qaybsi qabiillada dega Somaliland ah, iyadoo mid kasta doonayo inuu talada dalka iska dhex arko.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmamaay in aan agtiisa qabyaaladi oolin, meesha uu ka saaraayo, dawladiisuna ku dhisnaan doonto xulashada aqoonyahanka, isagoo xataa sheegay in laba walaal ah loo dhiibayo xil hadday u qalmaan. Waxa kale oo uu xusay in uu sugi doono hannaanka caddaaladda, balse marka siyaasadda la taagan yahay waxa loo arkaa in saami-qaybsiga qabaliga ah uu qayb ka yahay sugida caddaaladda siyaasiga ah, taasina caqabad bay ku noqonaysa dawladdiisa haddii uu dhiso dawlad aan saami-qaybsi ku dhisnayn amma aanu la imaan hannaan uu arrintaa kaga gudbaayo.

Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi waxa dooddooda ka muuqatay in ay hannaanka saami qaybsiga qabaliga ah aqbalsan yihiin, inkastoo aanay sheegin sida looga gudbaayo qabyaalada.

Saddexda murrashax ma ay sheegin sida loo kala xakamaynaayo qabyaalada iyo dimuqraadiyda, waana mid u baahan in xal loo helo oo la isugu baydho siyaasad dimuqraadi ah amma siyaasad ku dhisan hannaanka qabaliga oo cad (Dimocracy or clan politics).

  1. Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Siyaasadda arrimaha dibada waxa xoojinteeda ka mid ah samaynta xidhiidho dibloomaasiyadeed, xidhiidhada ganacsi ee dalalka jaarka ah iyo aqoonsi hesho Somaliland.

Dhammaan Saddexda murrashax dooddu waxay taabanaysay, kuna  wajahnayd in ay xidhiidho ganacsi iyo mid dibloomasiyadeed ba la yeelanayaan dalalka jaarka iyo dunida kaleba. Wax istaraatijiyad ah oo cad ma ay sheegin, balse si dul ka xaadhis ah ayey qodobkan u dul mareen, manay sheegin qorshayaal xooggan oo ku saabsan sida Somaliland aqoonsi u heli lahayd, loo xoojin lahaa xidhiidhada dalalka jaarka amma xidhiidho ganacsi oo caalami ah loo heli lahaa.

Laakiin, waxa ay awoodda sareen hagaajinta siyaasadda gudaha ee turxaan bixinta beelaha degga Somaliland. Dhammaantod waxa ay ka sinaayeen in xidhiidho ganacsi iyo kuwo dibloomaasiyadeed lala yeesho dalalka jaarka. Xukuumad kasta oo Somaliland soo marta xidhiidh way la lahayd dalalka jaarka ha kala awood badnaadee, balse murrashaxiintan waxa looga fadhiyaa in ay siyaasad cad oo la fahmi karo oo qeexaysa habka ay xidhiidhadaas u marayaan la shir yimadaan.

Saddexda murrashax waxa ay sheegeen in ay u qorshaysan tahay sii wadista wadahadala Soomaaliya lala leeyahay. Waxa  ay ku kala gedisnaayeen hannaanka loo gelaayo arrintaas. Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu diiday in xubno Somaliland ka soo jeeda ay wadahadala ka qaybgalaan sida xukuumadda hadda talada haysaaba u diiday tiraba dhawr jeer, halka Cabdiraxmaan Cirro uu sheegay inuu qiimayn ku samayn doono caqabadaha hor taagan wadahadaladaas, xukuumadda haddana ku eedeeyey in ay natiijo ka gaadhi kari waydo. Murrashax Muuse Biixi laf ahaantiisu waxa uu eedda ka difaacay xukuumadda xisbigiisu dhalay, waxaannu sheegay in Somaliland diyaar u tahay wadahadaladaas, doodana ay ku guulaysan doonto.

Laakiin, saddexda murrashax midna ma uu sheegin hannaan cusub oo ay wadahadalada ku soo kordhin doonaan, mid kastana waxa uu sheegay rajada uu ka qabo sii wadista wadahadalada, qaabka loo dhigayo guddida farsamo ee wadahadalada oo horeba loo diyaarin jiray iyo rajada laga qabo in Somaliland guulaysato oo ah arrin mar walba taagnaa oo farsamadeeda xukuumadda hadda xilku ka dhammaanayo dejisay.

Dhinaca maamulida hawada iyo dhaqaale qaybsiga Somaliland iyo Soomaaliya waxa muuqatay in saddexda murrashax isku aragti ka ahaayeen. Maamulida hawada waxa uu mid kasta sheegay in Somaliland si gaar ah hawadeeda u maamulato, halka dhaqaale qaybsigana ay sheegeen in aan wax ba la isugu darin oo mid kasta deeq iyo dhaqaalaha la lagu caawnayo goonnideeda loo siiyo. Balse, midna ma uu sharraxin waqtigan xaadirkan oo aanay Somaliland aqoonsiga helin sida hawadeeda u maamulayso amma dhaqaalaha lagu bixinaayo magaca Soomaaliya ay qaybta Somaliland uga soo qaadan karaan. Maamulida hawada waxay u baahan tahay in aqoonsi caalami ah dalku yeesho si shuruucda hawada ee caalamiga ah qayb looga noqdo, loona dabakho.

  1. Erayada Murrashaxiintu Adeegsadeen ee Laga Dheehan Karay Nooca Hoggaamineed

Murrashaxiina xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI waxa ay isticmalayeen erayada wax wada lahaanshaha ee jimcinta. Qorshe kasta iyo dood kasta oo ay soo bandhigaan waxa ay tilmaamayeen in xisbigu ka midaysan tahay. Tusaale ahaa, erayada ku badnaa ee ay isticmalayeen waxa ka mid ah; “Waxa noo qorshaysan, waxa aan yeelaynaa…”

Geesta kale, murrashaxa xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe intii uu doodda ku jiray waxa carrabkiisa ku badna erayga isku keliyeelida iyo kali lahaanshaha. Qorshe kasta oo uu sheegayo waxa uu tilmaamaayey erayga “Aniga.” Tusaale ahaan, waxa uu lahaa “Waxa aan yeelaya, waxa aan samaynaya, waxa ii qorshaysan.”

Hannaanka eray odhaahistu waxay ka mid tahay waxyaabaha lagu qiimayn karo hoggaamiyaha inuu kaligii talis yahay iyo inuu yahay hoggaan ogol talada iyo wax wada qabsiga. Sidaa darteed, muhiim waxa ah in qofk masuulka ah eray-dhihista uu ka feejignaado.

  1. Raadadkii ka Dhashay Doodda

Doodda noocan oo kale ah waxa daraasad amma cilmi-baadhis ka diyaariya mac-hadka cilmi-baadhisaha sameeya amma Jaamacadaha, maadaama aan waqti badan ka soo wareegin xilliga dooda la qabtay wax cilmi-baadhis ah oo lagu kalsoonaan karo lagama diyaarin, marka laga reebo war-murtiyeed ay soo sareen kooxda qaban qaabisay ee Inspire Group.

War-murtyeedka Inspire Group oo 22 October soo baxay waxa lagu sheegay in dooddan ay dawadeen celcelis ahaan 11.9 milyan qof oo telefiishannada kala socday gudo iyo dibad ba. Sidoo kale, waxa Inspire Group sheegeen in xog-ururin ay ka qadeen 1,000 qof intii u dhaxaysay 20-22 October ay ku ogaadeen  in ku dhawaad 65% dadkii daawaday dooda ay sheegeen in dooddu ka caawisay in ay bartaan murrashaxiinta jagada Madaxweyna u tartamaya, halka ku dhawaad kala badh (51%) ay sheegeen in daawasgada dooddu ahayd madadaalo (Fun to watch).

Geesta kale, waxa ay noqotay dooddu mid baraha bulshada iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaado aad loogu fallanqeeyo, qof kastaana halka uu ka taagna cabiraayey, inkastoo aan la sheegi karin sida ay u beddeshay aragtida dadweynaha ee ku aadanay murrashaxiinta, taasina ay u baahan tahay cilmi-baadhis baaxadeeda leh oo lagu iftiimiyo in dooddan beddeshay aragtida dadkii daawaday. Tusaale ahaan, in dadka qaar ay ka tageen xisbi ay tageersanaayeen, tageereena mid kale doodda aawadeed amma ku qanac ay ku qanceen murrashax ay doodiisa ka dhex arkeen waxyaabo ay tebayeen inuu wax ka qaban karo.

  1. Caqabadaha Doodda ku Gedaana

Wax kasta oo aan khibrad hore laga haysan waxa uu leeyahay caqabadaheeda, kuwaasoo aakhirka loo beddelo casharo iyo guullo. Sababtoo ah Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Jaanniskii ku seegaa jalleeco dambuu leeyaha,’ iyagoo uga jeeda in dhib kasta oo kaa hor timaada aad guul u beddesho marka dambe ee xaalad tii hore la mid ah ku soo food-saarto, waxna ka barato si aanay aakhirka carqalad kuugu noqon.

Muslimiinta caqabad kasta oo soo wajahdaa waa imtixaan iyo in lagu baro samirka, sababtoo ah Alle wuxuu Quraankiisa ku sheegay in guul iyo wanaag kasta ood gaadho lagu xamdi naqo, sidoo kalena dhibaatada lagu samro in ay guul iyo wanaag isu beddesha laga yabaaye.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama oo ka mid ah hoggaamiyayaasha qarnigan saamayntana fiicana uga tegay ummadooda waxa laga hayey; “Waa inaanad waligaa u arag caqabadaha faa’iiddo darro, balse aad oggaata in ay muhiimad u leeyihiin inaad fahanto khibradaha aad wajahayso iyo sida aad uga bixi karto dhib kasta, taasoo noqon doonta faa’iidooyinka ugu waaweyn ee aad kasbato.”

Haddaba, dhaliilaha ka muuqday doodda murrashaxiinta jagada Madaxweynenimo u tartamaya doorashada qabsoomi doonta November 13, 2017 waxa ka mid ahaa;

  • Khilaaf ka dhex curtay qabanqaabiyayaasha iyo qaar ka mid ah bahda warbaahinta, taasina ay keentay in laba dhexdhexaadiye la soo xulo si ay u hagaan doodada.
  • Khaladaad farsamo oon badnayd sida in cod-baahiyayaashu cilad yara galaysay.
  • Dhexdhexaadiyayaasha oon u carbisnayn hannaanka qabashada doodaha noocan ah, taasina ay keentay in hadalkooda iyo araartoodu waqti badan lumiyaan.
  • Su’aalaha oo diyaarsanaa, sababna u noqday in daadiyayaashu dabranadaan. Mawduucyada laga hadlaayo ha noqdaan kuwo xadidan, balse su’aalaha waa in dhexdhexaadiyayaashu (Moderators) kaligood oggadaan, soona diyaarsadaan si looga fogaado in cid kale su’aaluhu gacan u galaan.
  • Murrashaxiinta oo ay ku cusbayd madasha noocan ah amma fagaare-ka-hadal ay isku wajahaan siyaasiyiin u tartamaya hoggaanka dalka.
  • Ka qaybgalayaasha oo laf ahaantoodu mararka qaar cadiifad qaadaysay oo sacab amma sawaxan la oogsanaayey, inkastoo la isku dayey in la xakameeyo, haddana mararka qaar way ka fakanaysay oo ay is hayn kari la’ aayeen.
  • Iyadoo aanay jirin shuruuc iyo hannaan u degsanaa Inspire Group oo ku saabsan hannaanka maamulida doodaha noocan ah, taasina ay sabab u ahayd maadaama ay cusboonaayeen.
  • Waqtiga murrashaxiinta la siiyey in ay kaga jawabaan su’aalaha oo aad u koobnaa (Hal ilaa laba daqiiqo) qorsheyaal badana aanay ku soo bandhigi karayn.

  1. Gebagebo

Dooddan oo tabanaysay arrimaha gudaha, siyaasadda dhaqan-bulsheed iyo arrimaha dibada, waxa ay sawir qurux badan ka bixisay dimuqraadiyada Somaliland ka jirta iyo sida bulshadu ugu bislaatay doorashada hoggaankay rabaan ku dhawaad 27 sannadood ee dalku jiray. Waxa hubaal ah in dooddan hordhac u noqon doonto dooddo badan oo lagu go’aan qaado cida hanan karta codka bulshada, kuwasoo ay qabanqaabin doonaan cid amma hay’ad arrintan awood u leh qabashadooda.

Geesta kale, haddii doodaha noocan ah lala qabsado waxa isbeddel ku imaan doonaa hannaanka ololaynta oo u baahan qaabayn marka la eego sida uu hadda yahay. Waqtigan waxa hannaanka ololaha ka dhasha dhibaato nafeed iyo mid dhaqaale.

Cilmi-baadhis mac-hadka Rift Valley oo kaashanaya Akadamiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland uu ka sameeyey dhaqaalaha ololaha doorashadii gollayaasha degaanka ee 2012 ku baxay, ayaa lagu sheegay in lacag dhan $50 milyan oo dollar ay ku baxeen ololihii doorashadaas. Waxa uu kharaskaas ka badnaa lacaga Guddida Doorashooyinku ku maamulaysay hannaanka doorashada, halka uu sidoo kale la mid ahaa kala badh miisaaniyadii qaranka ee 2012kii. Marka dhaqaalaha luma laga yimmaado, xilliyada ololaha doorashooyinka waxa kale oo dhaca shilal iyo dambiyo badan, maadaama ay isu soo bax sameeyaan da’ yar taagan waqtiga loo nugul yahay khilaafista sharciga.

Haddii doodaha noocan ah casharo laga barto, waxa ololayaashu isu beddeli doonaan hab ka casrisan sida hadda loo ololleeyo,  waxa imaan doota waqti murrashaxiintu maalin ba gobol tagaan oo taageerayaashooda meelo fagaare ah ugu khudbadeeyaan, barnaamijyadoodana u soo bandhigaan, halka iminka taageerayaasha xisbiyadu maalin ba mid suuqyada iyo xaafadaha wareegaan oo cududooda u soo bandhigaan.

Doorashada qabsoomi doonta November 13, 2017 waa mid ka duwan doorashooyinkii hore, sababtoo ah madaxweynaha xilka hayaa Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kuma jiro murrashaxiinta tartamaysa, waxaana kursiga madaxweynenimo iyo hoggaanka dalkaba ku tartamaya saddex murrashax oo kale. Waxa ay yeelan doontaa culayskeeda, inkastoo shacabka Somaliland u bisladeen ilaalinta nabadda, codkoodana ku doortaan cidda ay u gartaan inuu dalkan majaraha siyaasadeed u qabto. Halkan kala deg qormada oo pdf ah: Doodda Murrashaxiina Madaxweyne

W/Q: Ibraahim Khadar Siciid

LLB, Social Research Post Graduate, MA in Peace and Conflict Studies

ibraahimkhs@hotmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada