MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Maxay Qoreyaashu U Noqdeen Dadka u gu Wahsiga Badan?

Cilmi-nafsiga iyo isirka wahsiga ku dhisan sug, sug, sug.

Sida qoreyaasha badankooda waxa aan ahay caadayste wahsi badan.  Markii aan ku guda jiray qorista maqaalkan waxa aan hubiyay  sanduuqayga farriimaha ku dhawaad saddex kun oo jeer,  waxa aan sameeyay oo haddana tuuray liisas badan oo raashin ah,  waxa aan galay dagaal wakhti dheer oo dhinaca Tuwiterka ah oo ku saabsan in hannaanka dahabku yahay kan ugu  xun siyaasadda dhaqaalaha ee abid la soo jeediyo. Waxa aan barta Faysbuugga farriimo u ga diray kuwii aannu isku fasalka ahayn ee aanan arag dhuwaad  tobanaan sano. Waxa aan abuuray qaacido cusub oo lagu macaanaynayo samaynta Jokolaatka khudaarta ah, sida oo kale waxa aan marar badan magacayga ka raadiyay googlaha si aan u ogaado in qofuun raadiyay qormooyin aan qoray  si uu u akhriyo. Hawlo aan jihaysanayn baan hayay.

Dabcan dad badan baa wahsada, laakiin tani qoreyasha waxa ay ku tahay khatar guud xirfadooda.  Tifaftire buug ayaan kala hadly oo aan xasuusiyay in uu ii sheego buuggii ugu horreeyay ee loo xilsaaray  in uu ka shaqeeyo ama tifaftiro sanadihii 1990-dii. Balse waxa uu qandaraaskaas ku jiray laga soo bilaabo sanadkii 1972-kii.!

Markale waxa aan wayddiiyay mid ka mid ah asxaabtayda caqliga badan, oo aad na caan u ah sida ay ugu suurto gashay in uu si joogto ah u soo saaro qormo ka kooban sideed kun oo kelmadeed oo heersare ah.  Waxa uu yidhi “si fiican. Ugu horeyn waxa aan dib u dhigaa laba illaa saddex todobaad. Ka dibna waxa aan u fadhiistaa si aan u qoro. Waa marka aan tooso, ee aan nadiifiyo geerashka. Intaa ka dib wax aan fuulaa jaranjarta, haddana waan ka soo degaa, misana u cawdaa xaaskayga saacado dhawr ah. Sidaa waxa  ku taga maalmo badan. Runtii waxa aan ka cadhoodaa in aanan ku dhamayn wakhtigii ay hawshu ku dhamaanaysay.  Ugu danbayntii waan fadhiistaa ka dib na qoraa.”

Sannado badan waxa aan curinayay aragti ku saabsan: sababta qoreyaashu u noqdeen kuwo sidan u wahsada. Wali ba innaga oo aad u gu fiican fasalada luuqadda Ingiriisida.  Tani waxa ay u muuqataa waalli, laakiin maqalkayga kicisay.

Qoreyaasha intooda badani waa kuwa si fudud u gaadha darajada ‘A’ marka la gu jiro fasallada Ingiriisida ama luuqadahaba. Xilliga carruunimada  marka macallinka naxwuhu ku dedaalayo in uu inna baro casharro ujeedkeedka dedaalkoodu ahaa furaha ugu mudan ee guusha waxbarashada iskuulka, se qoreyaasha mustaqbalku waxa ay si cad u beeniyaan arrintan.  Halka kuwa kale ay si cagajiid ah wax u akhriyaan, sidaana waxa ay ku qaataan akhrinta buug-gacmeedka laba fasal. Kuwani waa carruurta soo jeedisa sheeko fanneed dhammaystiran mashruucyada fasalka shanaad. Taa macnaheedu ma aha in aanay waligood dhicin, balse xilliga carruurnimadoodaba aad uma guuldaraystaan  awooddooda maskaxeed ee dabiiciga ah ayaa ku ilaalisa in ay noqdaan kuwa hoggaamiya fasalladooda.

Ku-dirqiyidda hawluhu  inta badan innama diyaariyaan, se waxa aynnu  badanaa ka la kulanna is hagrasho ama isxakamayn awood-jidheed, waa falid waxyaabo innagu riixa fashil. Tani waxa ay inna baraysaa cashar been ah, oo aan wanaagsanayn, taas oo ah in guusha shaqadu ku xidhantahay garashada u dhalashada [dabiiciga] ah. Nasiib darro se, marka aad tahay qoraa xirfad yaqaan ah waxa aad la tartamaysaa dhammaan carruurta kale ee ugu sarraysa  fasalka luuqadda Ingiriisida ama luuqadahaba.  Laga yaabee in aan xirfadaadu noqon ta ugu fiican.

Haddii aad noloshaadaba ku soo qaadatay geediga wajahidda awoodda dabiiciga ah, qabashada hawlaha fudud ee  dhakhsaha badan, kelmed kasta oo aad qortaa waxa ay noqonaysaa tijaabo  sheegaysa awooddaada, maqaal kasta oo aad samaysaana waa afti ka hadlaysa sida aad u qoraa wanaagsan tahay. Walina waxa ku hortaalla fursad aad wax kaga qorto arrimo badan sida sheeko faneed, taariikh iyo kuwa kale.

Cabsida isku day la’aanta.

Qoreyaasha intooda badani waxa ay isku dayaan in ay maareeyaan hawlahooda qoraal markasta oo wakhti-dhammaadka hawshu soo dhawaado, cabsidooda ah in aanay waxba isku dayayn ayaa ka badata, cabsida ay ka qabaan in ay si khaldan wax u falaan [qoraan]. Waxa aan daawaday oo la yaab I gu noqotay tiro badan oo suxufiyiinta da’ yar ah oo  kharribay mihnaddooda qoraal iyaga ku guuldaraystay in ay maqaallo sameeyaan. Kuwani waa dad ka qalinqortay waxbarashada sare Kooljyada, kuwaasi oo qori kara jumlado ama qoraallo dhamaystiran, laakiin ujeedadu ma aha in ay yihiin kuwo caajis ah oo aan khibrad lahayn. Laakiin waxa xakamaysay aragtidooda ah in ay qorayaan qormo aan wanaagsanayn.

“Sax” ayaa ay iigu jawaabtay Carol Dweck oo ah macallimad cilmi-nafsiga ka dhigta jaamacadda Stanford markii aan u jeediyay aragtidan.  Waa mid ka mid ah khabiirada ugu caansan aqoonta cilmi-nafsiga dhiirigalinta.  Dweck waxa ay mihnaddeeda wakhti badan galisay barashada guuldarada iyo sida ay dadku u la macaamilaan marka fashil soo gaadho.  Sida la ga yaabo in aad filayso guuldaradu ma aha dhammaan hawlaha la yaqaan oo dhan. Hasa yeeshee sida ay ku caddaysay cilmi-baadhisteeda waxa ay xustay in aan qof waliba la falgalin oo aan fashilku dadka wada xanuunjin.  Dadkii ay xogta ka qaadday intooda badani waxa ay ka xumaayeen hawlihii aanay sida wanaagsan u qabanin wakhtigii tegay, halka kuwa kale na ay horumarka  ku kasbadeen tartanka iyo is xujaynta.  Waxa ay si togan u gu raaxaystaan waxyaabihii aanay ku wanaagsan, iyada  oo sababta runta ah ee ay fashilkaas u sababaynayaana tahay in ay cashar ka baranayeen ee aanay fashilmin oo kali ah.

Dweck waxa xal-xidhaale ku noqday waxa marka hore ba dadka ka dhigay kuwa ka duwan kuwa dhiggooda ah, ama la siman xirfad ahaan.  Maalin iyada oo fadhida xafiiska, oo falanqaynaysa natiijada tijaabo uu sameeyay mid ka mid ah ardaydeeda qalinjabinaysa waxa ay u soo baxay: in dadka inta badan neceb tartanka ama is xujaynta ay u maleeyaan in kartida caqligu tahay  shay  xadidan (shay aan la kordhin karin oo meel taagan), laakiin dadka ku raaxaysta tayada garashada waxa ay rumaysan yihiin in  awoodda garashadu  tahay mid la kordhin karo iyada oo la qabanayo waxyaabo aanu qofku ku fiicnayn qabashadooda ama aqoontoodaba.

 “Waxa ay ahayd arrin iga yaabisay”  ayay tidhi Dweck.  Waxa ay ku kala saartay in kooxda hore leedahay maskaxd go’an (Fixed mind-set), isla markaana aamisan in aanay korin karin maskaxdooda, halka kooxda danbe tahay kuwa u saaxiib ah garasho/maskax koraysa (growth mind-set) isla markaana kuwani yihiin kuwa jecel waxkorodhsiga joogtada ah iyo kordhinta garashadooda. Labada qolo ka aad doonto ahow, heerka aad doontana ka ahow, balse waxa ay kaa caawinaysaa in aad ogaato sida aad ula falgalayso shay kasta oo garashadaada tijaabinaya.  Bal u fiirso; dadka maskaxda furan ee garashadoodu korto (kooxda danbe) xujooyinka iyo tartammadu waxa ay uga dhigan yihiin fursad ay ku sii fogayn karaan kartidooda caqliga laakiin kuwa maankooda meel taagan yahay (kooxda hore) waxa ay fursaddu uga dhigantahay halbeeg ay ku   cabiraan heerka fogaan-adaygga garashadooda iyo sida aan caqligoodu fursaddan wax uga korodhsan karayn.  In aad aaminto sida aad u gu fikirayso in aanad ugu wanaagssanayn hawl qabashadeedu ma aha fursad ku siin karta horusocod, laakiin waa calaamad ama farriin muujinaysa in aad u baahantahay shaqo ka xirfad hoosaysa ama ka xirfad fudud sida dhul xaadhis oo kale.

Cabsida aad ka qabto in lagugu fahmo  kartidaradaadu  waa shay ku badan bulshada, taasina waxa ay leedahay magac caafimaad ah midabaynta faraha badan ­­–poster Syndrome [xanuun been-abuurasho qofeed ama iska yeelyeel kartiyeed si aan dadku kuu fahmin]. Tiro yaab leh oo dadka guulaysta ah gaar ahaan dumarku waxa ay aaminsanyihiin in aanay gaadhin booskoodii waxa aanay khatar ugu jiraan in ay noqdaan dad is bedbedala oo aan qaab loogu soo hagaago lahayn, isla markaana ammin kasta wajiyo kala duwan laga filan karo marka hawli timaaddo maaddaama oo ay ka cabsi qabaan kartidooda maskaxeed iyo jidheed ba. Dad badani waxa ay si ula kac u raadiyaan shaqooyin ay ka soo dhalaali karaan, taas oo  dadka oo dhami ku ammaani karaan halkii ay si adag u waji lahaayeen hawlaha horyaalla ee aan fududayn ama u baahan kartida caqliga iyo tan jidhkaba.

Dadkan haddii la gu xujeeyo in ay halgamaan waxa ay  dareemaan in aanay u gu diyaarsanayn si nafsi ah iyo si maskaxeed ba hawshaas qabashadeeda. Waxa ay nafahooda ku sameeyeen waxa Cilmi-nafsigu u yaqaan “Is-xakamayn shakhisiyadeed” [Self handicapping]: taas oo macnaheedu yahay falidda waxyaabo qalin-daaraya waxqabadkooda si ay u cudurdaar u gu helaan hawlqabad xumadooda ama in aanay si fiican wax u falin.  Is-xakamaynta shakhsiga ahi waxa ay noqon kartaa mid ilaa heer aad u cajiib ah. Aqoon baadhis la sameeyay ayaa la gu sheegay in mararka qaar raggu ay qaataan daroogooyin ka hortegaya ama joojinaya habsami-u-fallidda hawlaha marka ay qabanayaan shaqooyin aanay ku kalsoonayn in ka soo bixi karaan. Cilmi-nafsiyaqaan Edward Hirt ayaa qormo uu u bixiyay “halkii ay waxbaranlahaayeen” ku yidhi “habeenka imtixaanka ka horeeya ardaydu waxa ay daawadaan Filim.  Haddii uu waxba ka shaqan waayo waxa uu fashilkiisa ugu cudurdaarayaa in aanu waxba akhriyin ama dhiganba, halkii uu u aanayn lahaa awood darradiisa ama kasma-xumadiisa. Dhinaca kale, haddii uu imtixaanka si fiican u ga shaqeeyo, waxa uu ku tookhayaa in uu awood maskaxeed dheeraad ah leeyahay, maxa yeelay waxa uu imtixaanka ku guulaysan karaa isaga oo aan waxba dhigan/akhrisan”

Haddaba, qoreyaasha aan soo saarin nuqul qormo ah ama wakhti dheerba ku qaadato iyaga oo aaminsan in aanay qormo wanaagsan soo saarayn waa kuwa si iskood ah isu siiya marmarsiiyaha ugu macquulsan ee ah in aanay ku guulaysanayn qormadaas.

Alain Boton waxa uu yidhi “hawshu waxa ay bilaabantaa marka cabsida aad ka qabto in aanad waxba qaban karin ka badato cabsidaada ah in aad six un wax u fasho.” Dadka illaa xad maskaxdoodu xadidantahay [meeltaagantahay], marnaba is bedelka ama xadhka goosiga garashadu agtooda macquul kama aha. Waxba kama baqayaan maaddaama oo ay ogyihiin in aanay waligeed suurogal  ahayn in maankoodu isbedel samayn karo wakhtiga ay doonto ha qaadatee.

 “ubadka aad ugu dheereeya akhrisku iyada oo aan si wacan loo hagin ama la kormeerin waxa ay ku mutaan ammaan ” ayay tidhi Dweck.  “Maxay se baranayaan? Waxa ay baranayaan in aan  caqli badnaantu ka iman in la ga takhaluso xujooyinka, oo si adag loo shaqeeyo.  Waxa ay u arkaan in  si fudud loo wax loo qabto.  Marka ay is qoraan koolajyada ama dugsiyada laga qalin-qorto, hawlaha adagna bilaabmaan   ma garanayaan si ay u wajahaan.”

Ku-mitididda Hawlkarnimada.

Qaab-yaalkeenna waxbarasho waa mid loo dejiyay in uu xanaaneeyo ama caawiyo dadka maskaxda xaddidan oo kaliya.  Bal ka fikir mid ka mid ah fasaladii Ingiriisida ee caadiga ahaa.  Waxa aad akhriysaa shaqo wayn oo qoraa hore qabtay,  ka dibna waxa la ga doodayaa farriimaha qoraalkiisa iyo waxa ay ku saabsanaayeen,  hab-luuqadeedka uu adeegsaday, dhismaha buugga/qoraalka iyo sawirka uu ku soo gudbiyay. Si gaar ah waxa aad u xasuusataa xikmadihii mucda ahaa si aad xillig imtixaanka u soo maan-faqdid adiga oo aan shiilin ama wakhti kale ba u soo xasuusatid.  Badanaa ardayda aad looguma dhiirigaliyo in ay dhugtaan qabyo-qoraalka shaqooyinkooda hore.  Waxa kali ah ee indhahoodu arkayaan waa maxsuulka sida gacaltooyada leh u subkeen qorayaasha iyo tifaftireyaashu illaa xad. Marka baruhu wayddiiyo “halkaa qoruhu muxuu uga jeeday”? ma jiro qof sheegi kara in jawaabtu noqon karto “mid aanu garanayn”  ama “in jumbladani ka mid ahayd qayb muhiim ah oo ka tirsan qabyo-qoraalka hore oo uu ilaaway in uu dib u muraajiceeyo.”

Ama u fiirso baadhistii fasalada sayniska ah la samayn jiray. Waxa ay ka koobnaayeen aragtiyo gebi ahaanba u muuqday in ay sax yihiin waagaa, ma aha dadka aaminsan in khuraafaadka falaadhaha-N ay caddeeyeen in bini aadamku leeyahay 48 hidda-side [Chromosome] ama aragtiba ku rumaystay gacamada khiyaaliga ah ee meeraha Mars la innooga soo tebiyay.  Marka aynu akhrino aragtiyihii been-abuurka sayniska ahaa ee Lamarckian—taasi oo sheegaysa [marka nooluhu wax ka bedelo qaabnololeedkiisa si uu ula qabsado deegaanka, in isbedelkaas uu sameeyay u gudbinayo awlaaddiisa qaab dhaxaltooyo ah. waxa uu rumaysnaa in nooluhu isbedelka hiddaha u sameeyo doonis iyo baahi. Feneroloji –barashada aragti cilmi-nafsadeed tibaaxaysa in astaamaha iyo awoodaha garasho ee maskaxda ay qaabeeyaan samayska qalfoof-madaxeedka qofka– iyo taranka ay samaynayaan facyawga isbedelayaa.              Haddaba dadka rumaystay aragtiyahan waxa ay si joogto  ah u ga soo gudbeen sidii nacnac qof jaahil ahi yiidhi oo kale, inkasta oo badankoodu ay kala shaandheeyeen saynis yahanka sida dhabta ah wax ugu biiriyay kuliyadahooda iyo ka kale, haddana waa ay ka koreen aragtiyahan.

Dweck waxa ay tiddhi “waligaa arki maysid khaladaadka ama halgankaba” wax la la yaabana  ma aha in ardaydu aragti ahaan u aaminaan in ahaanshaha qoraa wanaagsan macnaheedu yahay in aanad marnaba qorin wax liita ee ay ka madax bannaantahay, Taas oo macnaheedu yahay qoraaga heerka sare ahi waa ka mar walba qormo heersare ah soo saara.

Nasiib darro se waxa aad marwalba shaqadaada qoraalka ku wajahaysaa cutubyo adag,  jaantus-muujineed lagu dedaalayo sawiriddiisa iyo sheekooyin aan dhammaad lahayn oo diidaya in aad ujeedada qoraalka gaadho.  Pastor Furtich waxa uu yidhi “sababta kali ah ee aynnu u la halgamaynno nabadgalyo darrada, waxa aynu barbardhignay muuqaalkeenna daaha-dabadiisa ah [colaadda ka dib]  iyo kan la ga dheehan karo qof walba marka nabaddu jirto, taas oo ah farqiga u dhexeeya labada xaaladood.” Waxa la mid ah in aad sii sawirto dhadhanka qoraalkaaga timaadada.

Dhalinyaradu kuma qanacsana adduunkan aan shaqooyinkiisu qaabsanayn. La yaabna malaha in arday badan oo xarfaan ahi ka shaqeeyaan warshado leh xuduudo shaqo oo lagu maamulo waajibaadada shaqada sida maaliyadda iyo la-talinta.

Muddo laga joogo lix sano, mufasiriintu [khubarada arrimaha bulshada faalleeya] waxa ay ogaadeen hab-dhaqameed  ku lammaan jiilka danbe ee casrigan ka soo qalin-qoratay jaamacadaha. Ugu danbaynna qoraaga la yidhaa Ron Alsop  waxa uu u bixiyay ‘ubadkii guulaha’ [ubad qurxoon oo guushoodu muunad  u tahay waalidka]. Facan waxa la baray in ay aaminaan in aanay jirin guuleystaal iyo guuldaraystaaltoona ama kala mudnaaniba, waxa ay helayaan abaalmarin haba ahaadaan kuwa aan lahayn hibo-xirfadeed iyo habsami u shaqayn wanaagsane. Waa dad la koolkoolinayo oo mar walba la muunaynayo.

Marka ubadkani shaqo galaan, maaareeyayaashooda shaqo waxa ay kaga soo cawdaan in qalinjabiyaashan cusubi filnayeen in goobta shaqadu u la mid noqoto ardaagii waxbarashada [iskuulka] ee sida fiican u qaabaysanaa, deganaanta iyo raaxada badnaa. Taas oo gundhaceedu yahay in ay rajaynayeen in hawlaha shaqadu u habaysan yihiin sidii hawlaha waxbarashada dugsigu isugu dubbadhacsanaayeen, iyaga oo aan haabka ku darin in  shaqadu ka duwantahay  oo ay kaaga baahantahay in aad adigu nidaamiso, qorshayso, dhaqaajiso oo isku dubbariddo.  Waxa ay kaaga baahanyihiin in aad dulsaarto hawlo adag  oo si wanaagsan loo qeexay iyo warcelin joogto ah, sidii iyaga oo wali isku dayaya in ay ogaadaan waxa imtixaanka ku iman doona [baqe-galin shaqo].  Way kugu adkaanaysaa in aad ku celiso warbixin taban oo qeexaysa hoosaynta  heerkooda shaqo, haddii aanad burburin islawaynidooda. Waxa ay u fikir-soconayaan sidii ay garanayaan wax ka badan inta garanayaan”, qof loo-shaqeeye ah ayaa sidan u sheegay Bruce Tulgan: qoraaga buugga Qof waliba ma hanto billad—Not Everyone Gets Trophy.

Waan ka yar shakisnaa markii aan bilaabayay in aan arrinta dadka wax ka wayddiiyo. Isku soo wada duuboo, qarniyo badan ayaa waaya-araggeenna ama dadkeenna waawayni ka murugaysanyihiin da’yartan waayo-aragnimo la’aanta ah. balse markasta oo aan mawduucan badka keenaba waxa aan la kulmayay duufaanno cabashooyin oo igaga imanayay dadyaw maamulayay shaqaalaysiinta iyo la macaamilka jiilka danbe tobannaan sano. Taas oo daaran in marwalba kala duwan yihiin xaaladaha shaqo iyo  marka qofku deegaanka kobcinta garaadk iyo qalwada aqoonta ku jiro.  Maareeyaashani waxa ay awoodayeen in ay is barbardhigaan fasaladii hore ee da’yartan iyo hadda, iyaga oo aan ka  cabir qaadanayn sawir maskaxeedka inagu kaydsan ee innoo sheegaya sida aynnu dhammaanteen u tayo-fiicnayn markii aynnu gedahooda ahayn.  Waxa aanay ku adkaysanayaan in si dhab ah wax isu bedeleen–  isbedelkaas oo aan ku xadidnayn carruurta la koolkooliyo ee la buunbuuniyo  horyaalnimadooda.

Todd: maamulaha Midwest oo ah goob baabuurta lagu kireeyo waxa uu yidhi “waxa aan shaqaalaysiin doonaa qof wanaagsan oo da’diisu tahay 27 jir.  Haddii aan shaqaalaysiiyo qof u dhexeeya 23 ilaa 24 sano jir, waxa uu iga doonayaa in aan wax kasta u sharraxo, oo mar walba dultaagnaado si aan shaqada u gu tilmaamo. Waxa ay ka dhigantahay sidii adiga oo muddo afar sano ah  taabanayay daaraa-damiyaha laydhka [switch].” Facani waa dad xoog-finiin ah, kana taxaddir badan facayga, balse waxa badankooda ka muuqata in aanay la dhacsanayn marka loo eego adduunkan aan shaqadiisu  qaabaysanayn iyo goobaha ay wax ku soo barteen ee sida qurxoon loo habeeyay.  Ma aha wax la la yaabo in arday badan oo hormood  ahayd ayaa ku shaqeeyaan maamulka maaliyadda iyo la-talinta–waa shaqooyin ay ku urursan yihiin haldooro kale oo jaamacado ka soo qalin-qortay, taas oo dib-u-eegis nidaamsan iyo horumar joogto ah  lagu sameeyo.

Qalinjabiyeyaasha maanta waa ay ka aqoonsi/shahaadooyin wanaagsanyihiin marka la barbar dhigo facii ka horreeyay, waanay ka hawl-karsan yihiin laakiin shaqo wanaaggoodu kaliya waxa uu soo baxayaa marka jihayn iyo hagid cad la siiyo.  Waa dad ammaanta iyo muunaynta joogtada ah baahi badan u qaba.  Ma la yaabbaa in kuwa badan oo qaangaadh ah la gu garabtaaganyahay dhankasta oo noloshooda ah? waalidiinta heerkooda dhaqaale fiicanyahay waxa ay ubadkooda siiyaan diyaarin  tayaysan yaraantooda si loogu sii diyaariyo higgaamin  ama ba looga dhigaba Dalai Lamas yar [hoggaamiyaha ruuxiga ee diinta Buudhism-ka].

Dhammaan gargaarradani waa kuwo halis firfircoon ku leh  facan danbe. Maalmahan waxa la ii sheegay in dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Newyork si degan oo farsamaysan ula tacaalayaan faafidda mushkilado  yar  oo macalimiinta qaaliga ah ka imanaysa, kuwaas oo iyagu u ga shaqanaya ubadka shaqo-gurigoodii, taasi oo ah waxa aan xataa laga fikiri karin markii aan dhanka waxbarashada ku jiray labaataan sano ka hor.  Waalidiinta waxa ay ku xidhanyihiin bareyaasha, ubadka se maya, laakiin dhawaanahan waxa ay u muuqataa in arrintaasi is bedeshay.  Ayuu yidhi Todd.

Tobanaan sanoba waxa jirtay fursad in laga mahadceliyo mudan, taas oo ah korodhka iyo  balaadhnaanta deegaanka waxbarasho, walina waxa jira ardaa waxbarasho oo uu helayo arday kasta oo doonaya in uu koolajyada iska diwaangaliyo. Laakiin war baa jira. Badi goobaha waxbarasho ee cusub waxa laga sameeyay dugsiyo aan si aad ah loo soo xulin.  Maraykanka  saddexdii meelood, laba ka mid ahi waxa ay iska diwaangaliyaan koolajyo ujeeddadoodu tahay in ay aqbalaan qofkasta oo soo codsada.  Dugsiyada ugu wanaagsani waxa ay aayar aayar ah ugu kordhiyaan koboca dadwaynnaha tayada leh boqolkiiba toban.  Baahida loo qabo in la buuxiyo  goobahan aad bay u korodhay, maxa yeelay dhaqaaluhu marwalba waxa uu galayaa tartan hore leh,  waalidkuna waxa ay naawilayaan in loo damaanad qaado guusha ubadkooda. Iskuul tayadiisu wanaagsantahayna waa waxa ay marwalba si dhaw uga fikiri karaan.

Ugu danbayn waxa aynnu waalidkeen ka helaynaa rabbayn dhug leh:  waxa ay samaynayaan kormeerid  joogto si ay u hubiyaan in ubadkoodu joojiyeen fanashada sallaanka guusha ee ka bilaabmaya galidda koolajyada tayada leh, si ay timaadada u gaadhaan nolol wanaagsan. Guud ahaan waa falcelin togan oo ku aaddan nidaamkeenna waxbarasho, kuna taageeraya in uu hore u socdo, surmoseegto kaliya oo aynnu samaynaana waxa ay inaga reebaysaa tartanka. Laakiin tani ma tahay carbin wanaagsan?  Shahaadooyin dahab ahi inooma damaanad qaadayaan guusha, sidaas si la mid ah haggidda suubban ee waalidku ku ilaaliyo ubadkiisa ma damaanad qaadayso guusha, kaliya waalidku waxa ay hor istaagayaan waxa loo baahan yahay  oo ah ubad aqoon ahaan dhisan iyaga oo  marar badan dariiq adag u maraya. Sidaas oo kale waxa ay halmaansiinyihiin in ay khaladaadkooda casharro ka baranayaan, marka laga reeyo isla markaana dib boodhka isaga tumaan oo halkii halganka ka sii wadaan, ama u guuldaraystaan si sharaf leh [ guuldarro ka soo gaadhay isku daygooda oo waaya aragnimo iyo horusocod u kordhisa].  Tani waa midhka [waaya aragnimada] ugu muhiimsan ee ubadkeennu ka baranayaan dugsiyada, laga yaabaa in kuwa kale taa bedelkeeda yihiin. Sidaa si la mid ah qalinku iyo waxqorista waxa ay u baahantahay isku day joogto ah iyada oo khaladadaadka qormo kasta laga dheefayo horu socod iyo casharro taageeraya fiiqnaanta qalinka.

FG: Qormadan waxa aan u soo guuriyay eray ahan iyo  nuxur ahaan labadaba.

Qalinkii:  Megan Mcardle.

W/T: Maxamed M Jaaj.


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada