MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Jacaylkii Soo Rafaaday Q4

 

Qaybtii 4aad

Markay Humbuqto ku soo baxeen ayuu Qummane foojignaan galay, durba bidhaan dad buu arkay, waa Buux oo dhinaca waddada u soo cararaya gacmahana kor u taagaya. Mar qudha ayaa jooji, jooji laga dhex yidhi baska gudihiisa, waa la joojiyey. Intay Qummane iyo Geeddi soo degayeen Cambarona tallaabaday soo qaadaysay iyada oo wax yar dirica xaydanaysa. Intii la isa salaamadinayey ayaa uu wadihii basku kirishboyga u dhawaaqay, waar maxay ahaayeen dadkani? Waa dad loo sii qabtay kuraasta ayuu yidhi kii kalena. Shaw markay istaankii joogeen ayuu Qummane dhegta ugu qabtay kirishboyga oo beri hore Yaacayda wada ahaayeen. Cambaro iyo Buux markay sidaa u fuuleen baabuurka, dadkii oo dhan baa soo wada eegay wiilka iyo gabadha. Rakaabka qaar ka tirsan oo rag iyo dumarba leh ayaa reer   Hadhagaala noqday, waa kuwo ab iyo isir u garanaya tan iyo carruunimadoodii, isla markaana warkooda oo dhan ka dheregsan.

Buux iyo Cambaro iyaga oo xishood la fooraray fadhiisteen. Dhib oo dhan wixii ay soo mareen kuwan ay godka ugu soo galeen baa kaga daran! Dadkan baska la socda, ruux dumara oo magaceeda la yidhaa Afyar Hoorri baa ka mida, waa islaan caan ka ah Hadhagaala oo moofo aad iyo aad u macaan samayn jirtay, xitaa Cambaro iyo Buux berigay carruurta ahaayeen way ka iibsan jireen moofada. Cambaro ayaa Buux hoos u weydiisay. Maad garatay islaanta xagga dambe fadhida? Waan gartay, waa islaantii odaygii Mire Dhancadde ee qaylada badnayd, maxaa nagu soo beegay?

Cabbaar haddii jidkii la sii socday, islaantii Afyar[1] baa hadal bilawday iyada oo si qaab daran u dhawaaqday, waxay tidhi “Naayaa Cambaro, shalay markaad soo baxsatay haddaad ogtahay aabbahaa iyo hooyadaa dhibta gaadhay waad muraara dillaaci lahayd.  Aabbahaa fadhi uu diiday hooyadaana way oohin dhammaysatay. Ma markay ku koriyeen ee weliba ay buurtaa kaa dhigeen ee aad quruxaysatay baad ninkan yar ee berri cidla ku dhigi doona isku dhiibtay.”  Markay intaa oo hadal ah is daba dhigtay ayaa rakaabkii oo dhan is wada eegay! Intaa kumay joogine waxay tidhi, waa labadaa dhexda naga soo raacday baan sheegayaa. Markaasaa indhihii dadkii baska la socday oo dhammi Cambaro iyo Buux ku jeesteen. Iyaga oo marka horeba fooraray, wejigabax baa ugu biiray. Afyar intaa kumay joogine way sii wadday hadalkii qaabka darraa. Dadkan yaryar ee magaalooyinka ku dhashay dhaqankii suubbanaa bay dileen, bal eega gabadhan iyada oo aabbeheed bixin wiilkan iska soo raacday. Marka miyiga la joogo hadday gabadhi nin iska raacdo oo sidaa lagu guursado, dumarku ma qaddariyaan oo markay xamanayaan bay yidhaahdiin, naa waatan tii sida xoolaha la soo qaaday. Mudac baa u yaroo hadday jaarkeeda weydiisato lama siiyo. Gabadha loo geed fadhiistay baa boqolkiiba boqol ka sharaf badan. Miyaanad maqal guuxii Ina Xareed Faayici ee ahaa,

 

Gabadh la qaataa qaafi ma leh

Quudarray naaguhu badaan

Qoys kalaa laga moolisaa

Reer qabya ah qulubayga dilay

Qoriga aabbow ii tammadi

Dood ku saabsan guurka iyo miyi iyo magaalo ayaa rakaabkii dhex martay. Gabadh dhexda fadhiday iyo wiil xagga dambe fadhiyey ayaa ka dhiidhiyey oo u hiiliyey jacaylka la weeraray. Wiilka iyo gabadhu  waxay ku doodeen in jacaylka miyigu qarsan jireen, laakiin dhallinta magaaladu caddaysato.

Wiilkii baa yidhi,

waa arrin jirta oo aan indhaha la iska qaban karin. Labadii is jecel waa inay sheegtaan halka laabtoodu rabto. Weli hableheennu jacaylka inay afkooda soo mariyaan way ka xishoodaan, hasa yeeshee waa in ay caddaystaan waalidkuna u oggolaado. Haddii loo diido jacaylkeeda waa inay u badheedhaa oo ay raacdo sida gabadhani yeeshay. Gabadhan hambalyo baan leeyahay, jacaylku ha waaro oo ha jiro. Markaasuu wiilku xasuustay heestii ahayd.

 

Haddii aan jacayl jirin

Jaar lama ahaadeen

Haddii aan jacayl jirin

Adduunyadu ma joogteen

Oday xagga hore fadhiyey oo buuri canka uga buuxo ayaa buurigii tufay, wuxu yidhi,

 

Annagu markaan dhallinta ahayn afkayaga gabdh baan jeclahay ma soo marin jirin. Gabadha gaarida ah amma lagu maleeyo fariidnimo iyo karti umbaa loo geed fadhiisanayey .Dhaqankii wanaagsanaa nimanka dabaqalaalka ah ayaa ku galgashay, gabadhaa waan jecelahay markuu afka ku kala waaxayo miyaani xishoonayn? Gabdhihii baa ka sii daray raggii, wiilkaa waan ka helaa intay duhur cad tidhaa bay iska raacaysaa sida tanoo kale nin hadhow bacad dhigi doona, Ilaahow dhallinta soo hadee!

Cambaro iyo Buux iyagoo foorara oo dhididku qooyey xishood dartii ayaa ereyadaa oo dhammi dhegahooda ku dhacayeen. hadal uma bannaana hoosta se waxay ka lahaayeen, waddadu dheeraa goormay dhammaan, miyaanay ahayn tii 100km ahayd. Rakaabkii baska la socday waxay u ahayd dood macaan oo ay jidkii ku gaabiyeen, Cambaro iyo Buuxna ugama duwanayn dad galay god  abeeso. Markii Jabuuti loo soo dhawaaday ee Balbala oo biligbiligta agteeda la marayo ayuu Buux dhawaaqay, noo jooji baabuurka, waa la joojiyey. Intii ay baska ka degeyeen iyagaa lawada eegayey, naxdin darteed markay Cambaro gaadhiga ka dageysay way xagalkadaacday, Buux oo dhulka uga horreeyey ayaa gacanta qabtay. Islaantii Afyar Hoorri ayaa hadallo ka soo badba tuurtay, waxay tidhi,

Aabbahaa iyo hooyadaa ka soo baxsataye waa halkuu ku dhigo ninkaa madoobi! Hooyadaana farriin baan u diri doonaa.

Dheg jalaq umay siin kol hadday baskii uga degeen.

BALBALA.

Goobtan ay ku dhaadheceen waa taag uu ka dhisan yahay dhisme dheer. Dhismaha dushiisa sare tiriig (laambad) weyn oo sida kubadda  u malaasan baa ku rakiban. Tiriiggaasi habeenkii buu shidmaa (siraadmaa) oo biligbilig buu yidhaa, marna uu shidmaa marna uu demaa. Waa iftiin ay soo bidhaansadaan maraakiibta ku soo jeedda  dekedda Jabuuti. Waa tiriiggaa waxa xaafaddani kula baxday Balbala. Balbala waxay aasaasantay sannadkii 1967kii. Waa berigii gumaysiga Faransiisku magaalada ku xeeray siligga korontada leh. Laba irdood oo laga galo oo midi Balbala ku yaal buu u sameeyey. Askarta ilaalisaa waa kuwo afartii biloodba mar la beddelo si aanay dadka isku baran. Cambaro maalintii u horreysay ee ay Balbala timid waxay ku soo beegantay askar cusub oo maalintaa la keenay. Maalintaa Balbala waxa la isla dhex marayey. Maanta kuwii sambabka u ekaa baa kidinka magaalada jooga. Buux sharci buu leeyahay, Cambarose waraaqo ma leh oo ma geli karto magaalada. Guri aan ka fogayn biligbiligta oo uu lahaa nin jaadle ah oo ay isku barteen shaqada ayuu Cambaro geeyey oo uu ku ballamiyey, waxa uu yidhi, taniyo berri intaan sharci u raadinayo gabadhaasi halkaa ha ii

fadhido daranyadana iiga dhawr. Islaantii odaygu qabay Jabuuti bay raashin u doonatay oo ay ku maqnayd hasayeeshee markii ay timid ayuu odaygu ka dhaadhiciyey in Cambaro uu qabo nin ay saaxiib yihiin. Reer Balbala berigaa martidu way ku badnayn, dadka magaalada laga soo masaafuriyo iyo kuwa doonaya inay galaanba way marti galin jireen. Buux magaaladii buu tegay oo fadhi uma yaal, habeennimadiiba dad badan buu la xidhiidhay oo uu waraystay sidii uu ku heli lahaa warqad ay Cambaro ku soo gasho Jabuuti. Dhinaca kale, warkii baa gaadhay Hadhagaala  in Cambaro ninkii ka kaxaystay Cali Sabiix . Xilligaa dabadeed raacdadii iyo soo qabtaaydii baa hoos u dhacday. Waxa jira dhaqan-Soomaali ah, kol hadday gabadhu u badheedho oo ay raacdo nin loo diiddanaa, waa inaa loo meheriyaa intaan ceeb kale ka iman, sidaa daraaddeed Cambaro aabbeheed xiiso uma qabo in la soo qabto xilligan dabadeed.

Intii Buux sharci-raadinta ku maqnaa waxa gurigii uu Cambaro geeyey habeennimadii yimid nin ka tirsan ragga abboolo (Apollo) la yidhaa. Waa niman caan ka ah Balbala oo dadka doonaya inay magaalada galaan siligga ka gudbiya. Waa rag si qaab daran oo halis badan ku geliya  oo weliba lacag ka qaata dadka. Ninka Cambaro guriga ugu yimid odayga aqalkan leh ayey qaraabo dhaw yihiin. Markii uu soo galayba meel boodh badan leh buu fadhiistay, jaad uu sitay buu durba afka ku guray. Ninkan magaciisa Kaariye ayaa la yidhaa, waa nin gaaban oo  xoog leh, wajigiisa dhawr dakhar oo waaweyn baa ka muuqda. Waa nin ilka jajaban sankana nabar hore ku leh. Da’diisu intay tahay marka laba loo qaybiyo meel buu ku dhammaystay xabsi. Islaantii odaygu qabay oo Cambaro dhinaceeda fadhida ayaa la hadashay ninkii, waar Kaariye halkeed ka timid caawa? Kuye, gabadhani miyaanay u baahnayn in la geeyo magaaladii? Cambaro oo marka horeba suuraddiisa ka yaabbanayd baa tidhi, oo sidee baad ii geyn magaalada? Ninkii Kaariye oo haliilaya ayaa bilaabay in uu sharraxo qaabka ay isaga iyo saaxiibbadii dadka u dhaafiyaan xadhig-xayirka ku meersan magaalada.

Wuxu yidhi “Annagu habeen mooyee dharaar ma shaqayno. Waxa jira goobo aan ka bannaynay xadhig xayirka oo aan dadka ka huluulinno habeenkii oo weliba xilliyada gudcurka ah, sida caawa oo kale. Qofka aan gelinayno magaalada waa inuu ahaado ruux calool adag oo aan biqin.  Bogga ayaa xoogaa lagu socdaa iyada oo la iska eegayo siligga korontada leh een sida xirfadaysan u goynay. Intaa marka la dhaafo waxa jira bambooyin dhulka ku aasan oo haddaad taabato qarxaya. Bambooyinku waa laba nooc, midi markay qaraxdo dadkay dishaa, midda labaad hadday kugu qaraxdo waxa ka soo baxa laydh amma tiriig aad u iftiin badan oo hawada sare u booda dabadeedna sida baarashuudka ayuu aayar soo degaa isaga oo  goobtaa oo dhan ka dhiga dharaar cad, isla markaana waxa ku haya jiib iyo jaandaaran ordaya. Annagu abbooloyaasha haddaan nahay dadka aan wadno markay si wanaagsan noo daba galaan ee ay baydhbaydhka iska ilaaliyaan way nabad galaan. Dumarku markaan dhexda marayno umbay qaylo kaga kacaan oo way na kashifaan. Beryahan dambe dumarka afkaan maro kaga xidhnaa, laba habeen ka hor baan lix gabdhood sidaa ku dhaafiyey. Xeelad kale ayaa jirta, habeenkii markay baddu caarido baan dadka lugaysiinnaa oo xadhig- xayirka xaggiisa hore ee uu badda kaga jiro ayaan ka soo wareejinnaa, sidaa baan ku soo gelinaa. Dhinaca badda beryahan dambe dadku way ka cabsadaan oo way na diidaan sababta oo ah. Muddo haatan laga joogo saddex bilood baan aniga iyo saaxiibbaday kaxaynay lix nin oo badaw ah kana soo safray Galawi iyo Kaaha  oo weligood bad arag . Lixdii nin bay baddu naga liqday. Xilligaa kadib bay dadka cabsi gashay, laakiin waa goob dhib badan lahayn. Adiguna labadaa meelood middaad rabto dooro meel kale oo kuu furan ha eegin gabadhaay. Imikadan dad baa i sugaya oo aan kaxaynayaaye tan iyo berri soo tasho”

Intaa markuu yidhiba uu baxay.

Cambaro madaxa ayey qabsatay, Subxaanallaah erey ahayn oo afkeeda ka soo baxdana waa la waayey. Aayar intay kacday bay qolkii gashay, way is duuduubtay, hasayeeshee habeenkii oo dhan hurdo may ladin. Dhinaca kale, Buux habeenkii oo dhan kolba cid wuxu waraystaba, wax hadba xeelad loo sheegaba, u dambayn war buu helay odhanaya. Haddii Balbala qof ku xanuunsanayo, warqad  uu ku soo gali karo magaalada waa loo sameeyaa. Intaa markuu ogaaday buu hurdo u xamaan qaatay. Welwel daraaddii habeenkii oo dhan laba indhood ismu saarin.

Lixdii aroornimo ayuu ku kallahay goobtii, xafiiskii iyo ciddii uu la kaashan lahaa soo helidda warqadda ay Cambaro ku soo geli lahayd magaalada. Kowdii duhurnimo ayuu gacanta ku dhigay warqad sheegeysa ruux xanuunsanaya oo Balbala laga soo qaadayo. Buux nasasho iyo cunno midna uma dhadhamayaan. Intaanu Balbala iyo Cambaro u dhaqaaqin waa inu helo goob uu dejiyo jacaylkiisa. Xaafadda toddobaad (Burcakibir) guri ku yaal ayuu sii maray, waa guri ay degganaayeen saddex hablood oo ay macaruuf ahaayeen. Aqalkii oo xidhan gabdhihiina shaqo maqan yihiin buu isa soo taagay. Cabbaar buu sugay, hal saac dabadeed mid ka tirsan hablii oo magaceeda la yidhaa Laqanyo[2] ayaa  timid, waa la is bariidiyey, aqalkii bay furtay, soo dhaaf bay tidhi, uu soo galay, Buux fadhiiso bay tidhi, fadhi iima yaal buu yidhi, maxaa dhacay tidhi?, Isaga oo waxba qarsan warkii oo dhan buu Laqanyo farta ka saaray. Laqanyo oo naxariis iyo gaarinimoba u dhalatay baa tidhi, Buuxow gurigan meel aan ahayn oo aad geysaa ma jirto ee horta sidaa ogow, maanta oo kale waa la isu abaal dhigtaa, halkan keen hablaha kalena waan ka wargelin doonaa haddii Alla yidhaa bay hadalkii ku soo xidhay. Buux oo waxoogaa farxad ahi laabtiisa gashay baa aqalkii ka baxay isaga oo u sii jeeda Balbala. Shantii galabnimo ayuu aqalkii Cambaro joogtay yimid. Cambaro oo ardaaga fadhida hoosna u foorarta ayuu dalaq soo yidhi. Cambaro iska warran buu ku bariidiyey?, waa nabad bay tidhi. Markay indheheedu qabteen daalka, diifta iyo dhididka wajigiisa qariyey ayaa indhaheeda ilmo ku soo joogsatay. Fadhiiso bay tidhi, fadhi innooma yaal buu yidhi. Warqaddii aad magaalada ku geli lahayd baan kuu sidaa ayuu raaciyey. Intay ilmadii iska tirtay bay qolkii gashay, islaantii bay ka war gelisay in Buux yimid oo ay dhakhso u soconayaan, waa la isa salaamadiyey.

GELITAANKII JABUUTI.

Buux oo marka horeba dibadda u baxay ayey Cambarana ka daba baxday. Bas yar oo ah nuuca loo yaqaan Fogisfaagen ayey raaceen. Goobtii baabuurta iyo dadka lagu baadhayey bay soo gaadheen, baabuurtii baa laga wada degay. Intii baadhistu socotay Cambaro wadnahaa boodayey, mar bay ku sigatay inay dhulka ku dhacdo. Markay ka soo gudbeen ee ay soo dhaafeen kidinkii bay Cambaro tidhi, Allaylehe kuwani waa kuwii sambabka u ekaa ee reer Balbala sheegayeen. Intii ay gaadhiga ku soo jireen ayuu Buux uga warramay Cambaro dhibtii uu u soo maray soo helidda warqadda iyo goobta uu dejinayo, hablaha gurigaa deggan iyo sababta uu ugu dooray aqalkaa. Cambarona waxay ka warrantay ninkii Abboolaha ahaa iyo wararkiisii naxdinta badnaa. Lixdii iyo badhkii fiidnimo bay ka degeen baabuurkii. 300m bay u lugeeyeen aqalkii. Buux baa garaacay, durba Laqanyo oo raagsatay baa ka furtay, soo dhaafa walaalayaal. Markay soo galeen ayaa saddexdii habloodba u istaageen soo dhaweyntooda, qolkii loogu talo galay baa la geeyey, sharaab qabow baa loo keenay Cambaro iyo Buux. Buux baa is baray hablihii iyo Cambaro. Cabbaar markii la sheekaystay ee la wada qoslay ayaa Buux gooni ula baxay Laqanyo. Walaal Laqanyo, gabadha daranyada iiga dhaw intaan hawlaha soo dhammaysanayo, cidna yaanay ogaan in ay Cambaro gurigan joogto. Cambaro intii ay gurigan joogtay way nasatay wax habayaraatee qalo ah may dareemin. Buux habeenkaa baa ugu horeysay hurdo uu seexdo welwel la’aan. Haddeed hawsha keliya ee u taal waa inuu dhakhso u helo cid u meherisa Cambaro.

Halkaa markay arrimuhu marayaan ee la ogaaday in Cambaro gacanta Buux ku jirto, diidmadii adkayd ee ka imanaysay qoyska gabadhu hoos bay kolba u sii dhacaysay. Dhinaca kale, Buux aabbihii waxa uu ahaa oday aad u adag oo qallafsan arrin uu diiday weligii lama soo marin. Waa oday meesha uu qabsado iyada oo loo gooyo maahee aan dhayal ku sii dayn. Buux kol haddii jacaylkiisii gacmaha ugu jirto, sidii loogu meharin lahaa ayuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay. Odayo adeerradiisa oo ka dheragsan hawlihiisa ayuu u tegey. Wuxu yidhi, adeerrayaal war idiin laaban ma jiro, gabadhii gacantayda ayey ku jirtaa, aabbahay iyo aabbeheed la isma tuso oo waad ogtihiin. Midda kale aabbahay idinka warrami maayo, kol hadduu horey ii diiday imikana ima aqbalayo, waxa keliya ee aan maanta idinka raabaa waa in aad i horkacdaan oo gabadha ii meherisaan. Mid ka tirsan adeerradiis oo la yidhaa Xirsi baa hadlay, wuxu yidhi,

Buuxow maxaa dhibta iyo kadeedkaa oo dhan kugu xambaaray? Maad iska guursatid gabadh kale oo cidina kuu diidin, bal eeg naftaadiina waad dhibtay annagiina waad na kallifaysaa adeer.

Buux cid u qiraysa jacaylka haya ma jirto. Isaguna af labadii kuma odhan karo adeerradii. Adeerrayaal gabadha waan jeclahay. Waa dhib jirta! Buux isaga oo baryootamaya ayuu mar labaad yidhi, adeerrayaal kaalaya oo gabadha ii meheriya. Si caga jiida bay ku yidhaahdeen, sahandambe ha innoo ahaato. Maalintii dambe ayaa Xirsi oo Buux adeerki ahi u tegay oday si guud aqooni uga dhaxaysay oo Cambaro adeer guud u ah  magaciisana la yidhaa Buraale. Markii la isbariidiyey ayuu Xirsi hadlay,wuxu yidhi, Buraalow wixii dhacay dhece, caano daatayba dabadood la qabay, wixii rag u socday baan u socdaa maanta. Waar gabadhii ina hebel ee aad warkeeda haysay noo meheriya. Si kaftana ayuu Buraale u yidhi, ma gabadhii aad boojiseen baa? Waar Buraalow haddaan boojiyo kuuma imaaddeene saw dadkan yaryari dhaqankii iyo xeerkii uub kumay ridin. U dambayn Buraale ayaa yidhi, waar Xirsiyow aabbeheed baan siligga kula hadliye iga war sug intii laba maalmood gudahooda. Cambaro aabbeheed markii laga wargeliyey wuxu yidhi, Buraalow waad ogayd oo Cambaro horey bay iiga dhimataye arrini siday kula noqoto ka yeel. Dhinaca kale, Buux aabbihii waa la soo marsiin waayey in gabadha loo meheriyo Buux.

U dambay, waxay arrini socotaba waxa xilkii qaatay oo labadii is jeclayd isku meheriyey Buraale iyo Xirsi. Cambaro iyo Buux sidaa bay ku aqal galeen iyaga oo loo sameeyey aroos bilic iyo haybadi u dhan tahay oo ay ka soo qayb galeen dhammaan asxaabtii gacanta weyn u fidisay. Sidaa buu guul ugu dhammaaday jacaylkii dhibta iyo rafaadka soo maray ee ay u soo samreen. Buux iyo Cambaro guurkii iyo noloshii waxay ku wadaageen farxad, qosol iyo istixgelin heer sare ah oo dad badani u qushuuceen, hasayeeshee waxa ku soo kordhay arrin aan markaa haabkaba lagu hayn, oo maxay tahay arrintu? Cambaro ayaa uuraysatay, siddeed bilood markay ahayd ayaa ilmihii ka soo dhacay. Toddoba sannadood ayaa markay siddeed biilood noqotaba ilmuhu ka soo dhacaa. Waa ammuur naxdin leh. Buux markay Cambaro uur qaaddaba dhakhtarka ayuu kula dedaali jirey si loo badbaadiyo ilmaha uurka ku jira kumase guulaysan. Buux iyo Cambaro samirka ayey badiyeen. Waxay ogaadeen in arrinta dhakhtar waxba ka qaban karayn ee ay meesha ka maqan tahay ducadii waalidku. Waxa kale oo ay qalbiyada gashadeen in arrin kasta sidii Eebbe qadaray u dhacayso. Cambaro aabbeheed arooskii ka dib ayuu u soo duceeyey gabadhiisa. Dadaal dheer ka dib Buux waxa uu ku guulaystay in aabbihii oo ay weheliyaan adeerradii uu aqalkiisa keeno, waanay u duceeyeen in Ilaahay siiyo carruur caafimaad qabta. Sannad dabadeed Cambaro gabadh bay ku curatay dhawr carruura oo kalena way dhashay. Jacaylkii Cambaro iyo Buux guushaas buu ku dhammaaday kuna waaray.

Dhammaad

Qalinkii:  Cabdalla Xaaji Cusmaan.  

[1] Dadkii kale ee reer Hadhagala ee baska saarraa shibtay galeen.

[2] Magaca aabbeheed ma aqaan hasayeeshee reer Burco ayey ahayd


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada