MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Jacaylkii Soo Rafaaday. Q3aad

 

Qaybtii 3aad

 

CALI-SABIIX.

Weli dadku way hurdaan, dad kooban oo salaadda u socda umbaa waddooyinka maraya, waa milay u wanaagsan oo ay Cambaro ku faraxsan tahay. Aqal uu leeyahay wiil ay isku jilib yihiin Buux oo Qummane garanayo ayey tageen. Wiilkan magaciisu waa Cali. Way garaaceen, haweenaydii guriga lagu qabay oo salaadda u kacday ayaa ka furtay. Waa la is bariidiyey, islaantu way garatay Qummane gabadhase may garan, waxayse u qaadatay inay wiilka qaraabo yihiin. Sidii dhaqanka martidu dhigayey baa loo soo dhaweeyey, durbadiiba biyo ay ku maydhaan baa loo diirshay, shaah iyo loxoox amma biddeeno nimba siduu u yaqaano ayaa loo soo dhigay si ay ugu afuraan. Ninkan Buux ina adeerkiiya ee Cali toddobada ayuu shaqa tegayaa, kowda duhurnimana waa uu soo rawaxayaa sidaa daraaddeed Qummane ayaa inta uu gooni u la baxay durba warkii oo dhan farta ka saaray.

Buux isagu Jabuuti ayuu joogaa hasayeeshee dhegta ayaa u taagan. Magaalada Cali-sabiix isgaadhsiinteedu way ka wanaagsan tahay tii Hadhagaala. Telefonka laynka toos baa Jabuuti loogala xidhiidhaa. Cali markuu galay xafiiskii shaqada bilawgiiba telefonka ayuu qaatay si uu dhakhso ugu war geliyo Buux. Waxa uu kala xidhiidhay goobtii shaqada hasayeeshee Buux waa uu  maqanaa, gurigiisuna telefon ma leh. Sidaa kuma uu dayn Cali, dedaal badan buu  galay si uu Buux u helo, dad badan oo qaraabo iyo asxaabba leh ayuu la xidhiidhay, nasiibdarro wuu waayey. Dhinaca kale, Cambaro qaraabadeeda intii magaalada joogtay iyagoon u kala hadhin rag iyo dumar ayaa gaaf wareegaya, weliba ku darsoo gantaalihii qabyaaladda ayaa la isku guubaabiyey. Tareenkii soo gala iyo ka baxayaba waa la hoostaagan yahay, basaskana sidaa si la mida ayaa loo kor taagan yahay. Ujeeddadu waa maruun Cambaro gacanta ha lagu dhigo. Cali maalintii oo idil sidii buu Buux telefonka ugu raadinayaa.

qaraabadii iyo asxaab Jabuuti intii uu heli karay uu la xidhiidhay isagoo faraya in Buux la soo helo. Waxay arrini sidaa ahaataba, wax kolba qof la weydiiyaba, wax cabsida iyo welwelku bataba, siddeeddii fiidnimo ayaa Buux telefonka lagu helay. Warkii iyo xaal halka uu marayo oo tifaftiran baa dhegta loo saaray. Buux oo awal horeba yaabbanaa ayaa welwelkii ku sii  kordhay, hasayeeshee kol haddii Cambaro Cali-sabiix timid oo weliba gacanta qaraabadiisa ku jirto, dhinac bay farxadi ka soo gashay laabtiisa. Xilligu waa habeen, bas iyo tareen aroorta ka hor baxayaa ma jiro. Tagsi buu raadsaday, inkasta oo kiradu aad qaali u tahay haddana mid walba aroorta ka hor bixi maayo ayuu hadal ku soo xidhay.

Buux wareer baa u yimid, fadhi uma yaal hurdana hadalkeed waad daysaa. Aqalka uu deggan yahay oo ku yaal xaafadda lixaad (Quartier6) hortiisa ayuu kursi dhigtay, waddada weyn ee hormarta ee la yidhaa Jamaal Cabdinaasir ayuu foolka saaray. Hal saac markuu fadhiyey ee talo gees walba kaga soo xidhantay ayaa waxa soo maray wiil ka tirsan asxaabta oo la yidhaa Geeddi, qudhiisuna reer Hadhagaala ahaa. Waa la is bariidiyey. Geeddi cabbaar markuu fadhiyey ayuu dheehday welwelka caawa ka muuqda saaxiibkii Buux. “Uur iyo ilko midna lama qarin karo” ayey Soomaalidu tidhaa. Alleylehe jacaylna lama qarinkaro! Waar Buuxow caawa maxaa kugu soo kordhay? Inkastoo arrintani Buux sir u ahayd oo aanu cidba la socodsiin haddana gun iyo baar halka xaal marayo ayuu saaxiibkii Geeddi farta ka saaray, waayo caawa oo kale waa markii talo iyo gargaar la isku lahaa. (Kol hadday fooli timid guda qarsiimo ma hadhin) Geeddi si uu saaxiibkii uga yareeyo welwelka ereyo niyad dhis ah ayuu bilaabay. Kol hadday gacanteenna ku jirto ha cabsan waad guulaysane baa ka mida hadalladii Geeddi. Way tashadeen, dhawr talo oo Geeddi keenay way u cuntami weyday saaxiibkii, u dambayn Buux baa talo keenay oo yidhi. Dhugdhugleydan (mooto) yar ee aan ku shaqo tago baan kaxaysanaynaa ee saaxiibkayow i raac oo ii wehelyeel, caawa go’aankayku waa inaan Cali-sabiix ku waaberiisto meel itaal i dhigoba. Geeddi oo taladaasi ku cuslaatay ayaa xoogaa inta uu aamusay si caga jiida ugu raacay. Xilligu waa uu ordayaa, durba saacaddu waa kow iyo tobankii habeennimo.

Tabaabushe iyo diyaargarow baa la galay. Dhugdhuglaydu waa mid soo duugoobaysa, waa nooca loo yaqaan Honda oo berigaa caan ka ahayd Jabuuti. Shiidaal badan ma qaaddo, waayo? Socdaal dheer looguma tala gelin. Markay buuxsadeen shiidaalkii ayey shan litirna kayd u sii qaateen. Jabuuti iyo Cali-sabiix masafada u dhaxaysaa waa 97km, baabuurtuna hal saac bay u socdaan. Kow iyo tobankii iyo badhkii ayey dhaqaajiyeen. Waxay sii gigleysaba tuulada Weeca oo 50km u jirta Jabuuti ayey gaadheen iyada oo shiidaalku gabaabsi ku yahay. Kaalin goobtaa ku taal bay ka si dhaansadeen mootadii iyo caagaddii shanta litir ahayd. Durba way dhaqaajiyeen intay dhegaha laabteen. Qiyaastii 20km hadday u jiraan Cali-sabiix ayaa mootadii cilladi gashay. Waa cillad dhinaca mashiinka ah .

Goorsheegtu waa saddexdii aroornimo. Geeddi oo awal horeba cagajiid ahaa ayaa daal bestii noqday. Buux isaga haba yaraatee daal ka muuqdaa ma jiro waayo Cambaro ayaa 20km u jirta. Geeddi ayaa talo keenay, waar Buuxow kol hadday mootadii cilladi gashay aan goobtan seexanno aroortana gaadhiga u horreeya aan raacno haddii Alla yidhaa. Buux,isaga oo  Cali-sabiix ku waaberiista mooyee talo kale uma dhadhamayso. Geeddiyow waan arkaa inaad daallan tahay, mootada fuul anaa riixi taniyo magaaladii, waxaan sidaa u leeyahay intaanay qorraxdu soo bixin baan rabaa inaan Cali-sabiix galno, haddaan sidaa yeeli weyno waa la inna arki. Haddii la inna arkana qorshahaygii oo dhan baa fashilmaya. Dhawr goor haddii taladii la isla eegay hadal waxa uu ku iba beelay taladii Buux. Geeddi mootadii buu fuulay Buuxna gadaal buu ka riixay. Jacaylkii Cambaro ayaa xoog geliyey isla markaana ka duuliyey daal iyo wahsi oo dhan. Waa nin ay meeli u caddahay, waa yaab. Isaga oo riixaya kii kalena mootada saaran yahay bay lixdii aroornimo soo galeen magaaladii.

Wiil bare ah (Macallin) oo magaciisa la yidhaa Iidle oo asxaabta ka mida guri uu degganaa bay abbaareen. Si degdeg ah oo kala go’lahayn bay u garaaceen kidinkii. Iidle oo ah wiilkii aqalkan lahaa oo markaas toosay baa ka yaabay cidda xilligan gurigiisa garaacaysa! Waa kuma? Cod daallan oo hiinfaadhaya ayaa hadlay, waa annaga ee ooddda naga rog. Si dhakhso ah buu u furay, muxuu arkaa…Waa asxaabtii, waa Buux oo aad mooddo in foosto biyo ah lagu shubay dhidid dartii iyo Geeddi oo nafta uuni ku jirto. Naxdin baa u timid Iidle, waar maxaa dhacay oo milaygan idin wada? Balaayo ma jirto saaxiib warna waa innoo hadhaw ayuu Buux yidhi. Iidle waa doob oo weli ma guursan gabadh baa guriga uga adeegta. Toddobadii markii uu shaqo tegeyey, inantii oo ay kidinka isku weydaarteen ayuu ku ballamiyey in ay martida u diyaariso qureec iyo hadhimo wanaagsan. Geeddi uu getaati dhacay oo hurdo dheer buu galay. Buux, cunto iyo hurdo way kala carraabeen, tan iyo hadhimadii intii la gaadhayey maskaxdiisu tabtii iyo xeeladdii uu Cambaro kaga saari lahaa magaalada ayey ku hawlanayd. Tobankii barqanimo ayuu toosiyey Geeddi oo weli hurdo dheer ku jira, saaxiib ma hurdaad ii soo raacday mise inaad wehel iiga noqotid nacabka? Hadallada Buux wahsigii iyo hurdadii bay ka duuliyeen Geeddi. Inta uu dhakhso u toosay buu soo maydhay dabadeed qureecii baa loo soo dhigay. Intii ay qureecanayeen ayuu Buux hadlay, wuxu yidhi, Geeddiyow fadhi nooma yaal arrimaheenuna waa sir iyo dhuumasho, imika markaan qureecda afka ka qaadno waad socon, war dhanna waad ii keeni, waayo anigu haddaan magaalada u baxo sirtaydu waa faashil. Ugu horrayn Cali baad xafiiska ugu tegi waad u warrami, gurigan markaad u sheegaysid hareerahaaga day, cid islaam ahi yaanay ku maqlin. Geeddi sidii buu yeelay oo Cali buu u tegey, waa la is bariidiyey, dabadeed Geeddi baa gacanta soo qabsaday Cali oo dibadda ula soo Baxay, warkii oo dhan buu farta ka saaray. Cali inta uu xafiiskii ku noqday ayuu maamulihii ka soo fasax qaatay. Cali iyo Geeddi waxay u soo dhaqaaqeen gurigii iidle, way garaaceen kidinkii, Buux oo dhegaha taagayey ayaa markiiba balaw ka siiyey irriddii. Waa la is gacan qaaday oo xabadka la isa saaray, halkaa iyo qolkii fadhigaa loo dhaqaaqay. Intaan badhida dhulka la saarin ayuu Buux ku celceliyey Cambaro iiga warran, Cambaro iiga warran! Aad iyo aad bay u wacan tahay hasa yeeshee qolodii baasayd baa sida haadka noogu dul meeraysa, Cali baa sii waday oo yidhi, inaad joogtid Cambaro waan gaadhsiin adigana waxaan kugula dardaarmayaa dibad baad sheegiye irridda ha is taagin. Hadhimada ka dib baan qaadka soo qaadanaynaa oo aan halkan ku malaysan doonnaa haddii Alla yidhaa. Ma goohno baa lawada yidhi! Iidle ayaa soo rawaxay 12kii duhurnimo, kidinkii kolkuu soo dhaafay intii aanu qolka gelinba Buux oo ardaaga fadhiya ayuu barjin ( Gambadh) soo garab dhigtay, war baa u gaajo kulule ii taataabo oo warka isii Buuxow. Arrinta xalay ku soo guurisay ee weliba dhugdhugley ku soo saartay waa mid laga sheekayn doone e ii warran saaxiib.

Buux iyo Iidle waa saaxiibbo waayuhu kala fogeeyeen, niman sirta isku qarsada bay weligoodba ahaayeen. Buux oo maanta talo iyo gacan u baahan ayaa gun iyo baar iyo xaal halka uu marayo taako taako ugu dhiibay saaxiibkii. Kol hadday Cambaro gacanteenna ku jirto waan guulaysanaynaaye marna ha welwelin, ayuu Iidle qalbiga ugu dhisay saaxiibkii. Iidle, gabadhii adeegeysay oo ku hawlan qadadii ayuu ka cosaday hadhimada kadib inay qolka fadhiga gogosho. Markii ay qadeeyeen ayuu Iidle suuqa u baxay, jaad ku filan isaga iyo martida ayuu  keenay. Qolkii qayilaadda ayey u wareegeen oo ay fadhiisteen. Cali iyo Qummane ayaa ku soo biiray, waa la is bariidiyey, markii si fiican loo wada fadhiistay ayuu Buux is baray Iidle, Cali iyo Qummane oo aan aqoon hore isku lahayn. Kaftan iyo sheeko ayaa la galay.

Buux oo xilligu ku dheeraaday ayaa yidhi, hadalka joojiya oo ii taliya fadhi iima yaalle e. Sidii uu xeerku ahaa casar ka dib baan hadalka furaynaa, sidaa Cali baa ku taliyey. Buux hadduu helayo in Cambaro looga sheekeeyo ayuu jeclaan lahaa hasayeeshee kaftankii baa la sii watay. Salaaddii casar markii laga baxay ayaa taladii la guda galay, ugu horrayn wax hadalka bilaabay. Cali oo ah qofka ugu xogogaalsan waa ninka Cambaro gurigiisa joogto e, wuxu yidhi, waa marka hore’e Cambaro aad iyo aad bay u fiican tahay warkaaga oo dhanna waan siiyey waanay ku faraxday, waanay ku soo salaamaysay. Middaan ka yaabay waa qaraabadii Cambaro ee halkan degganayd oo dhammaan baadi goob ku jirta. Tareenkii baxayaba way hoos taagan yihiin, baskii baxaya oo idilna gaadh bay ka hayaan, xitaa bartii kaantaroolka baabuurta qaar baa taagan. Haddii ay ogaadaan in Cambaro ila joogto, in ay i soo weeraraan baan ka baqayaa, waar taliya oo gabadhu way noo hiilisee caawadaa magaalada halaga kexeeyo. Raggii goobta fadhiyey mid walba mar buu hadlay oo uu talo keenay. Hasayeeshee talo walba oo la gaadho, kol haddii gaadiidkii la saari lahaa oo dhan gaadh xoogle laga hayo waa bar-kuma-taal. Shantii nin waxay xaajadii gorfeeyaanba, waxay kolba shiilaan, waxay gees walba ka joogsadaanba goor ay daaleen oo madax-wareer ku dhacay ayaa Iidle keenay talo loo wada bogay oo ah xeeladdii Cambaro iyo Buux si nabada ugaga bixi lahaayeen magaalada. Iidle ayaa talada faahfaahiyey oo yidhi, gaadhiga qashinka gura 6da aroonimo ayuu hawsha bilaabaa, wadaha gaadhigu waa qof wanaagsan aqoon guudna way naga dhaxaysaa. Gaadhigaa baan Cambaro iyo Buux ku daraynaa si uu u geeyo Humbuqto oo magaalada ka yara baxsan. Baska u horreeya ee aroorta baxayaan uu kiraynaynaa laba kursi, waanan u sheegaynaa in uu laba ruux ka raaci doonaan Humbuqto. Taladii Iidle waa loo wada bogay Cali baase laba qodob ku daray. Iidlow wadaha gaadhiga intaan gabbalku dhicin ka soo dhammee, ta kale ee baska laba kursi oo madhan kirayn mayno  waayo shaki baa iman, Qummane iyo Geeddi ha sii raacaan, basku markuu Humbuqto joogo ha ka degaan oo Cambaro iyo Buux ha beddelaan iyaguna ha soo noqdaan, sidaa iyo duco ayaa lagu soo af jaray.

Salaaddii maqrib kadib Iidle iyo qummane ayaa wadajir ugu tegey wadihii gaadhiga qashinka. Kiiyoo markaa qaad ka soo kacay oo gurigiisa hortiisa fadhiya oo cadayanaya ayey la kulmeen. Asalaamucalaykum, waa la idinka qaaday. Cabbaar haddii lawada sheekaystay, Iidle ayaa ninkii si sahlan ugu sheegay. Caawa walaalkayow waxaan kaa rabaa inaad berri aroorta intaanad hawsha bilaabin laba ruux ii gaysid Humbuqto[1]. Wadihii baabuurka guddaafaddu shiddo la’aan buu ku yidhi, anaa qaadiye igu daa. Waa magan Alla. Dabadeed Qummane ayaa tegay gurigii Cali oo ku war geliyey in gaadhigii aroorta diyaar yahay, Calina Cambaro ayuu warkii ugu bishaareeyey si ay u diyaargarowdo. Iidle isagu Buux buu u bishaareeyey wax walba in ay sidii ay qoorsheeyeen u dhacay.

KA BIXIDDII  CALI-SABIIX

Sidii ballanku ahaa aroortii baa lawada toosay, Iidle gaadhigii oo sugaya ayuu durba soo raacay, aqalkii ayuu isa soo hortaagey, wuu ka degey, Cambaro oo ciddiyaha ku taagan ayaa degdeg u fuushay gaadhigii. Waa la dhaqaaqay oo gurigii Iidle ayaa la joogsaday. Buux oo irridda taagan baa orod ku soo fuulay. Duco iyo salaan bay ku kala tageen Iidle. Gaadhiga oo shidhka ah bay saaran yihiin. Wadihii baabuurka oo aan ogeyn labada ruux ee raacaya in midi haaween tahay ayaa aad u eegay isaga oo ka yaabay sababta isku dartay dhallinyaradan weydiin se umuu gelin. Barti kaantaroolka markay soo gaadheen hoos ayey u foorarsadeen si aan wajiyadooda loo arag. Maadaama ay xuduud ahayn goobtan aad looma ilaaliyo baadhisteeduna way fududdahay. Laba boolis waddaniya oo keliya baa joogay, wadihii baa gacanta u taagey iyaguna soco soco ayey ugu jawaabeen. Gaadhigan qashinka gura  cidi ma baadho, ku darsoo weliba urtiisaa dhakhso la isku dhaafiyaa. Markay Humbuqto soo gaadheen ayuu gaadhigii is taagey, way ka degeen, meeshu waa cidla ciirsi la’ oo buuraleya, reero meelahaa ka muuqdaa ma  jiraan. Waxay eegteen meel ay fadhiistaan kana bidhaansadaan baska ay raaci doonaan. Geed aan sidaa u weyneyn oo waddada u jira xoogaa kana xiga dhinaca midig ayuu Buux sallaxay oo uu Cambaro fadhiisiyey.

Waa Aroore, caday buu soo gooyey. Mid Cambaro ayuu u dhiibay midna isaga ayaa  ku cadayday. Dhinaca kale, Qummane iyo Geeddi lixdii aroornimay ku soo xaadireen goobtii basasku ka baxayeen. Sidii ballanku ahaa laba kursi bay kiraysteen. Toddobadii oo gaw ah ayuu baskii baxay. Qummane dhinaca midigta ayuu fadhiistay si uu sheedda uga arko labada is jecel, Geeddina bidixduu fadhiistay.

La soco qaybaha danbe.

Qalinkii: Cabdalle Xaaji Cismaan

[1] Waa goob miyi ah, waqooyi bay Cali Sabiix kaga toosan tahay.


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada