MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Asalka iyo bilowga waddaada Soomaaliya:”Diin mise Dan kale!”

W/Q: Cabdixakiim Tiyari

 

Eebbe ( kor ahaaye) waxa agtiisa ugu qaalisan waa carruurta Nebi Aadem dhaley, iyaga ayaana waxkasta ka sarreeya oo ka qiimo badan; dhanka kalena, waxaa lagu lammaaneeyey ruux kasta oo sanku-neefle ah ( karaamo) ilaahey xaggiisa ka ahaatey.

Eebbe ( kor ahaaye) umuu abuurin ilmo Nebi Aadem u jeeddo aan ka aheyn iney ( Caabuddaan); oo u hoggaansamaan xaggiisa. Taas waxa weheliya, iney jiraan waxyaabo lagu kala abaalmarinayo noloshadabaddeed, taas oo ku suntan: janno iyo naar. Si haddaba, janno iyo naar loogu kala dooro, maya.! Ee isagu u doorto, waa iney jiraan waxyaabo ku kallifaya inuu raaco ama diido.

Ahmiyadda kowaad ee igu dhalisey in aan maqaal kooban ee cilmiga iyo daraasadda halkan idin kula wadaago, waa xasuuqii iyo dabargoyntii umaddii Soomaaliyeed ee ku naf-weydey ‘ Qaraxii Muqdisho’. Qaddar kooban oo aamusnaan ah (  ). Ilaaheenna weyn waxaan uga beryeynaa, inuu dadkaas naxariistiisa ugu deeqo; inta la il-darran saameyntii dhibaatadii dhacdey na, iyagana caafimaad eebbe ha ugu beddelo.

Soomaalidu dharraaro ayay soo martey ay ahaan jirtey “ Dheemankii Afrika”. Qaab-dhismeedka noloshooduna  ay is-dhammeystireysey. Haddey ahaato: dhan-dhaqan-dhaqaale, heer ay ka gaadhey tacliinta, caafimaadka,  waxbarashada, beerashada; xag dawladnnimana, muddo kooban buu adduunka la ashqaraarey – “ Awooddooda” – iyo “ saanadda ciiddankooda”. Intaasi ba eegga waa habeen tagey soo ma laabto; ama dharraaro xusuustood.

Caqliga garashadu ay ku dheehan tahay, waxbuu goconayaa, waxna wuu tabayaa, waxna wuu taabaya.Amarka alle! Caqliyo ayaa jira moogan cibbaarada Soomaalida lagu sallidey. Waa duni iyo caadadeed e, aafada, qaxarka, niyad-jabka, dib-socoshada, abaaraha, dawlad la’aanta, intaas iyo kuwo kale oo badan ba, waa ibtilada Soomaali lugta ka xidhey, asaagood na ka reebtey. Awal maa la odhan jirey: Qeyrkaa ka hadh waa habaar.

Aafooyinkaas kala jaadka ahí, midkast ba, gaarkiis in loo raadceeyo ayuu u baahan yahay – waanna waxa u baahan in si ( Cilmi ku dhisan loo fallanqeeyo).

Bilowga waddaada Soomaaliya, waxey  asal ahaan kasoo unkameen meelo ka qoto-dheer , sida eegga la mutuhiyo. Siddeedaba, aadanuhu hantida ugu balaadhaan ee eebbe ugu deeqey waa – Caqliga. Caqliga eebbe wuxuu inoo siiyey ineynu ka fekerno, oo ku kala saarno samaanta  iyo xumaanta. Xayawaanka waxeynu kaga duwanahey – waa garashada iyo garaadka, waxba la ma dhaameen ma-noolaha iyo kalluunka heehaaba hawada, iyo kuwo kunool badda hoosteeda. Dhaqanka iyo fikirka bulshada Soomaali kasoo fula, waxa laga dhex-dheehan karaa in – “ Carabnnimo” badani ay dhex-ceeggaagto. Waanna sababta keentey, in aynnu Carab isu-naqaanno; la baxney – Magacyo Carbeed ( Lagana guurey, magacyaddeenni ku dhisnaa xikmadda iyo murtida). Kol ay bulshadu ka fogaato hiddaheeda iyo dhaqankeeda, waxey dhammaan wajahaan – burbur baahsan oo dhinac kastaba ah.

 

 

Waxa la ogyahay dadka Soomaaliyeed badidoodu abtirsiintoodu iney gasho ilaa Cuqayl Binu Abu-Daalib waxaana la ogyahay in qarniyadii hore Islaamku markii uu dhashay horteed dadka Carbeed usoo haajireen Qaaradda Afrika, iyadoo sababta ugu weyn ee keenayey aheyd xagga ganacsiga iyo xagga barwaaqada Afrika..[   ….  ] halka ugu badan ee ay kasoo haajireen waxay aheyd Badda Cas iyo Khaliijka Cadan iyo Badweynta Hindiya, dhulkaas oo doonyo ay lahaayeen soo gelin jireen; xagga ganacsiga waxa waxey keeni jireen: Seefaha, Warmaha, Tooriyaha. [1]

Soomaali badan ayaan isku arkin inay yihiin Afrikaan; si ahaanna uga geddisan amma ka baxsan. Waxayna ka sheegaan hadallo iyo sifooyin qallafsan oo ay ku tilmaamaan dadka amma jinsiyadaha kale ee ay u yaqaannaan ‘Afrikaanka’, amma ‘Madowga’ amma ‘San-Weynta’. [2]

Mid ka mid ah sababaha ugu wacan dareenkoodan ah inay isku arkaan inay ka duwan yihiin dadyowgaasi kale, waxa weeye Soomaalida oo ah dad si sahal ah loo soo sooci karo inay yihiin dad is leh oo isku hayb iyo uskun ah, amma xattaa isku ‘sinji iyo  sawrac’ ah. (eeg qoraalka Richard Dowden, Africa: Altered States, Ordinary Miracles, London, 2008).

Sida uu u sharraxayo caalinka Professor Ioan Lewis (A Modern History of Somalia, 2002), xidhiidhkii dheeraa ee taariikheed ee dalkaasi uu la lahaa dunida Carabta, ayaa waxa xidhiidhkaasi uu keenay in Soomaalida qaar ay ku abtirsadaan in asalkoodu ka soo jeedo qabiilada Quraysh ee Nebigii diinta Islaamka, Nebi Maxamed: [3]bogga 90-aad ee buugga Getting Somali Wrng Mary Harper

“ Dhaqan ahaan … Soomaalidu waxay inta badan isku meeleeyaan xidhiidhada ay la lahaayeen Carabta, waxayna ku faanaan caadada ah inay sheegtaan inay ka soo jeedaan abtirsiinta nasabka ah ee Carabta iyo ahlu-beytka qoyskii Nebi Maxamed. Hase ahaatee dooddani oo Soomaalida maanta ee Somaalinnnimada weyneeyaa ay ku tilmaamaan wax khayaal ah, haddana waa mid dhinac kasta iyo mar kasta ka mid ah dhaqanka Soomaalida, iyo sida weyn ee ay ugu xidhan yihiin diinta Islaamka”.

 

.

 

 

 

 

Dunida Islaamka iyo Islaannimada.

 

Islaannimada aynnu gobyaaleynaa, waa mid jaadma ah? Ma in ruux bini’aadam ah oo ilaahey karaameeyey Islaannimo lagu doonaa?! Ma in Jihaad aan jiho laheyn la wadaa? Mise, in qalinka iyo Maskaxda la adeegsado, ayaa ka roon – inaad xoog wax ku doonto! Dhirta xididka hoosa, dhirta loogu beero, dhismahooda weeyaan; sidaas si lamid ah, ayay ‘Garashada’ iyo ‘Caqliga fayow e,’ u yihiin dhismaha aadamiga. Hadraawi baa la ga hayey: “ Garashadu Sahraay ruuxa, Sed u gaara weeyaane”.

Haseyeeshe, waxa dunida ugu halis badan waxa lagu sheegaa inuu yahay “ Afkaara/ Ideology”. Gudcurka maanta Islaamku gudayo, waxa sal u ah – Afkaaraha xoog-wax-ku-doon ah, ee weydhaaminayaan. Xaddaaradda uu Islaamku ku doodayo, waxa ka dambeysey, xaddaaraddan kale ee maanta dunida taal. Caqligii shaley keeney xaddaaradda – maanta miyaanu keeni kareyn? Haa, waa haddii uu afkaarta uu xambaarsan yahay uu qumman ka dhigo.

 Sayid Qutb, oo asal ahaan kasoo jeedda Masar, xubinna ka ahaa urur-diimeedka xil-doonka ahaa, ee Ikhwaan Muslimka, ee uu Xasan Al-Banna aasaasa ka ahaa,  ayaa yidhi: “ Muslimku waa inuu yeeshaa – dhaqankii asxaabtii Rasuulka ( Shacni korkiisa ha ahaadee) si halgan iyo dadaal ugu diyaar garoobaan, markalena aynnu dunida u qabsanno”. Yaa u sheega Sayid Qutb, in 44-ka waddan ee dawladaha Islaamka ugu muca-weyn, 24 kamid ahí ma ay dabbaqin “ Dastuur Islaami ah” .

Qoraallada Sayid Qutb aad baa loo  tixgeliyaa, iyo,  qoraaga reer Pakistan Mualna Maududi iyo aasaasaha “Ikhwaan Muslim ka” Hassan Al-Banna. Ururka Hizb ut-Tahrir, oo ay iska  xayireyeen waddama Islaamku, kaddib markii la ogaadey inuu xambaarsan yahay afkaarta Sayid Qutb  ( dadyowga ururkan kujiraa – waa intii Muslimka Caqliga lagu tuhmayey, ahaana  maalaqabeennada kujira dabaqaddaha kala duwan ee bulshada Muslimka ah ) kaas oo saameyn caqabaddeed ku yeeshey Aasiya iyo waddama Galbeedka [4].

Sida la sheego kooxda aragagaxida ah ee lagu magacaabo “ Al-Qaeda”, waxey ka dhalatey – afkaartii iyo caqiidadii Sayid Qutb. In Osama Bin Laden, loo maleynayo inuu ahaa – walaalkii Sayid Qutb, kaas oo jaamacadda Jeddah dhigan jirey, loona yaqaanney Abdul Aziz. Dagaalka la magacbaxey Jihaadka, ee Palestine ka socda, isna waxa la xidhiidhiyaa Sayid Qutb afkaartiisa. Hoggaamiyaha rooxaaniga, ee  waddanka Iran ‘Ayotallaah Ali Khamenei’, inbadan oo kamid ah qoraaladdii Sayid Qutb, waxa uu u turjuntey luqaddiisa Faarisiga. [5]

Saameynta Sayid Qutb, uu ku yeeshey mabaadi’da bulshada Muslimka, dockasta oo noloshooda kamid ah wuu aafeeyey. Haddaba, waxa isweyddiin mudan: Muxuu Sayid Qutb u noqodey ruux saameyn leh oo bulsho badan ka caan-baxey?!..

  • Qaab-wanaagga asxaabtii Nebigeennu ay u gaadheen iyo guulihii is-daba-jooga ah, iyo boqortooyinkii ay dhiseen. Sidaas darteed, Sayid Qutb wuxu ku dooddayaa in Islaamku ka baxo dunida jahawareersan, iyo in dib-loogu noqdo gu’yaashi hore – ee dabiiciga ahaa; laguna dhaqmo falsafaddii taabiciyiinta, si aynnu mar dambe dunida gacanteenna uso gelino.
  • Si haddaba, loo gaadho rajadaas, waa in “ Dacwa” iyo “ Jihad” la dabbaqo. Iney dimuqraadiyaddu tahay wax “Xaaraan”/ Forbidden ah – oo kasoo horjeedda sharciga ilaahey ayay ku dooddaan inbadan oo culimada Islaamka ahí. Waxeyna sheegaan iney tahay wax ku dhisan – adeegsiga [ Caqliga], iyo rabitaanka bini’aadamka; waaana wax ka tegaya, xeerarka uu ilaahey Islaamka u dejiyey. Waanna sababta uu Sayid Qutb u yidhi: “ Qofkasta oo yidhaahda ‘Sharcigu’ waa xuquuqda bini’aadamka, ma aha qof Muslim ah”. [6]

Buugga “ Democracy: A Religion!, ee uu qorey Abu Muhammad Al-Maqdisi, ahna Palestinian –Jordan Theologian, ayaa waafaqey ra’yigii Sayid Qutb: “ Dimuqraadiyaddu waa ‘Diin’ laakin, ma aha ‘Diintii Ilaahey’ “. Ugu dambeynna Dimuqraadiyaddu waa Shirk [ Blasphmey] iyo Xaaram [ Forbidden] [7]

Qoraa katirsan Al-Qaacida, laguna magacaabo “Yuusuf Al-Ayyeri ( lagu diley Riyadh, June 2003), ayaa buuggiisi u dambeeyey ee ahaa, The Future of Iraq and the Arabian Peninsula after the fail of  Baghdad, ku yidhi: “… Keliya, Mareykanku kula ma jiro Islaamka dagaal, ee xataa wuxuu halis ku yahay mustaqbalka Islaamka, waanna waxa loo yaqaan ‘Dimuqraadiyadda Ameerika!’” [8]. ( eeg qoraalkeygi ah: Islaamku ma la jaan-qaadi karaa Dimuqraadiyadda, Addis-Ababa, 2015)

Intii dawladaha Carabtu ay dhereg-dhacsanayeen, ayaa asaagoodi ka xanfarey, sidii Xiin-finiin. Intii Jihaad jiho laheyn lagu baaqayey ayay dunida ka dheereysey!

Bal u fiirso Warbixinnada UN [UN REPORT]  ay soo saartey: Dib-u-dhac xag Sayniseed oo keliya Kasokow. Kolka la cabbirayo horumarka bini’aadamka dhankastaba – Caafimaadka, waxbarashada, dhaqalaaha iyo wax-soo-saarka. Carabta waxey geliyaan sagxadda cabbirka / bottom of the scale.

Tusaale ahaan, warbixintii la soo saarey gu’gii 2002-gii “ Sannadii 1991— Isugeynta  Dakhliga wax-soo-saarka waddamada ( GDP) Carabta oo dhan waxey  aheyd $531.2 Bilyan, kuwaas oo ka yar  hal waddan oo Yurub kuyaal, Spain ($ 595.5 Bilyan) / “ GDP  in all Arab countries states the Arab countries combined stood at $ .531.2 billion in 1991 – less than that of a single European country, Spain ( $ 595. Billion) iyo Italy ($ 1,0754 Bilyan) ( UNDP 2002). [9] Dhanka Saliidda, Beriga Dhexe oo dhami wuxuu dhoofiya oo dhan, waxa ka badan waddanka Finland wuxuu dibadda u dhoofiyo. Keliya, waddamada Afrika ka hooseeya Saxaraha [ Sub-Saharan]  ayaa nolol ahaan kahooseeya waddamada Carabta. [10]

Aragtida caanka ah ee laga aaminsan yahay umadda Carabtu iney yihiin ‘Dad qani’ ah.  Akhriste ma ogtahay, in waddanka ugu qanisan waddamada Carabta ( kolka loo eegayo ‘ Soo saaridda Saliidda) uu wax-soo-saarka Arjantin ( Argentin) / ama South Korea – ay laba laab ka badan yihiin  1/10 waddanka Carabta ugu qanisan. [11]

Isku celceliska tira koobka bulshada Carabtu waa 300 Milyan, 65 Milyan oo kamid ah ayaan waxba akhrin waxna qorin [ = Iliterate], jajab ahaanna saddex meelood, labo meelodi waa haween 2/3. Daraasad ay UNESCO soo saartey waxey ku sheegtey in Carabtu 1% ( 6,500) ay dunida buugta la daabaco ka yihiin, halka North America iyo Latin America ay soo saaraan 102,000 iyo 42,000 oo buug. Haddaba, akhriste Carabta aynnu awrkeenna daba-dhigney, waad aragta xaalkooda iyo waayahooda; Soomali ahaanna, sidoodi ayaynu noqoney/ ama ku soconnaa. Hayeh. Adiga iyo garashadaa!

Soomaaliya iyo waayaheeda

Qolannimada iyo isbahaysigu beeluhu waxay sii xoogeystaan oo ay yeeshaan ahmiyad weyn xilliyada dagaallada iyo colaadaha. Soomaali badan oo reer-magaal ah ayaa sheegay in aanay aqoon qolada amma beelaha ay ka soo kala jeedeen saaxiibadood iyo jaararkoodu, ka hor dagaalladii sokeeye. Mar kasta oo kooxaha dagaalka ee beelaha kala geddisan ku dhisani ay abuurmaanba, waxay noqonaysaa in Soomaalidana ay ku kallifto, oo aanay helin wax kale oo aan ahayn in cid walba ay la safato beeshooda, oo ay kala raacaan kooxahaasi, waqtiyada dagaalladu ay qarxaan [12]

Qoraa ahaan, aragtideyda ku aaddan sababaha ay Soomaaliya la deggi la’adahey, saddex qodob baan u aaneyn lahaa: Urur-diimeedyo [=Religious faith] Qabyaalad [=Tribalism] iyo Farogelin shisheeya [ =Foreign Intervention]. Haseyeeshe, in aan tilmaamo in ‘Urur-diimeedyadu’ yihiin barta iyo barada bilowday dhibaatada Soomaaliya misena idleysey ayuu maqaalkeygani daarran yahay.

Waanna sababta aan uga soo sheekeeyey halka ay kasoo bilaabantey ibtalada Caalamu Islaam boqnaha goysey. Hadda ba, waxa maankaaga ka guuxaya akhriste: Maxey yihiin xidhiidhka ka dhexeeya Carabta iyo gobolkan yar ee Soomaaliya la yidhaadho?!..Haahey! Awal Soomaalidu saw may odhan “ Ilko abeeso hoosta ayay kawada xidhiidhsan yihiin”. Dhibtuba, waa aaminaada aynnu aaminney ineynnu Carab nahey! Saw ma aha!

Sida ku bilaabmeen urur-diimeedyada Soomaaliya, iyo sida ay xidhiidhka ula leeyihiin dunida Carabta iyo afkaarahooda ayaan usii dhuun-dhaadhici. Wixii ka horreeyey guumeysiga mey jirin wax urur-diimeed la yidhaahdo. Anse intii xornimada la qaatey, waxa bilowdey dhaqdhaaqyo urureed, kuwaas oo ka dab-qaadanayey ururada ka dhisan Masar iyo Suudaan. Xilligaas waddanka waxa culimo u ahaa “Suufiyadda”. Sida ay Soomaalidu diinta ku aheyd waxa laga dhex akhrinsan karaayey hab-dhaqankooda iyo caadooyinkooda. Waxa la aaminsanaa in 40 jir dadku ay ku tooban keenaan; cidda gasha goobaha cibaaddadana ay ahaayeen ‘ Odayaal noloshooda soo gudhey’. Gabadha timaha qarisa, waxa loo aaminsanaa – ama la weyddiin jirey:” Naa..Miyaa lagu guursadey / ama in la guursadey?!”.

Jirtey oo –  qaladaad badan oo diiniyan qallooca, oo ay xambaarsanaayeen Suufiyadu, – Sh. Nuur Cali Cadlow, ayaa la tilmaama inuu ahaa wadaadkii u horreeyey ee baraarujiyey qaladaadka Suufiyadda [13].

Ninkii u horreeyey ee aasaasa urur-diimeed, wuxuu ahaa nin katirsan “dariiqa Qaaddiriyada”. Urur diimeedkaas macagiisa wuxuu ahaa ‘Al-Nahda’[ wuxuuna xambaarsanaa afkaartii ururka ka dhisan Masar ‘Ikhwaan Musliimka’, ee Xasan Al-Banna uu aasaasey, Sayid Qutb na xubin ka ahaa].  Kaddib, ururkaas waxa la wareegey rag ay ka mid ahaayeen Xasan Indhaceel, waxaana loo beddeley ‘Al-Ahal’. Waqigaas waxaa Waqooyiga Soomaaliya ka jirey urur la odhan jirey ‘ Waxdatu Al-shabab’.

 

Waxaa midow ku heshiiyey ururka Al-Ahal iyo ururkii ka dhisnaa Waqooyiga Soomaaliya Waxdatu Al-shabaab. 1978-kii waxa la aasaasey ururka Al-Islaax – ‘ waxaana hoggaamiye u ahaa Sh.Maxe’d Gadh-yare. Fikradda uu xambaarsanaa ay aheyd Ikhwaan Muslimka’.  Waxaana Soomaaliya ku faafey fikraddaas Takfiirka, oo ilaa ammintan aynnu neefsaneyno masiibo ku haya deeggaanka Soomalida.

1978-kii Amiirkii heystey ururka Al-Ahal ayaa qaatey fikradda ‘ Takfiirka’ ee Sayid Qutb [ = Takfiiriyiintu  waxey soo bilaabentey waqtigii Khaliif Cali Bin-Abi Daalib. Waxaana loo bixiyey Khawaarij, waxey na banneysteen dhiiga umadda ].

Ururkii Afraad ee la dhiseyna wuxuu noqdey: Al-Jamaaca Al-Islaamiya. Ururkii Shanaad ee ku xigeyna wuxu noqdey: Al-Ikhwaanu Muslim – oo xambaarsan isla afkaarta ‘Ikhwaanka’.

Kol dambe waxa xuub-dillaacsadey ururka Itixaad, ee ka dhisan Suudaan [ Xasan Turaabi]. Waxaa la aaminsanaa kal horre in Itixaadku yahay Salafkii, jirto se – caddeymo sheegayo inuu ka noqdey, ama loo garan ogyahay ‘ Wahaabiyo’.

Kooxda ugu xoogga weyneyd kooxaha diiniga ah ee ka soo baxay Somalia sannadihii 1990-yadii waxay ahayd al-Itixaad al-Islaamiya. Waxay ka abuurantay dhawr urur-goboleed oo isku darsamay oo dhammaan taabacsan mad-habta Wahaabiga ee lagaga dhaqmo dalka Sucuudiga, oo aad u adag, aadna uga duwan dariiqooyinka waaweyn ee diiniga ah ee Soomaalidu ku dhaqanto. Ururkii al-Itixaad waxa uu baaba’ay markii hillaadu maraysay badhtamihii 2000, laakiin siyaabo badan waxa uu u noqday gogoldhig horseeday dhalashada ururka al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah, oo uu ku jirey isna ururkii Xisbul Islaam ee la jebiyey sannadkii 2011, aanu ka adkaaday ururka al-Shabaab, kuna biiray oo lagu daray al-Shabaab.  Qaar ka tirsan xubnihii al-Itixaad waxay ka mid noqdeen hoggaamiyayaasha waaweyn ee Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, ururka al-Shabaab iyo kooxo kale. Waxa ku jirey dadkaasi Ahmed Abdi Godane, oo loo yaqaan Abu Zubeyr,  hoggaamiyaha al-Shabaab [14].

Dhinacyo badan marka laga eego, al-Shabaab waxay noqonaysaa uun ururkii al-Itixaad oo halkii laga sii ambaqaaday amma laga sii wadey, marka loo eego afkaarta iyo aragtida ay taabacsan yihiin ee ay wataan: labada kooxoodba waxay aaminsan yihiin in aanay diintu ka reebanayn siyaasadda oo aan la kala sooci Karin, waxa kale oo ay ka siman yihiin quudhsiga iyo dhaleecaynta dariiqada Suufiyadda ee Somalia oo ay u arkaan mid aan ku bannaanayn Islaamka. Sida weyn ee al-Shabaab ay uga soo horjeeddo dhaqanka Suufiyadda, waxa muujinaya ilaa heerka ay socdeen ee ay ku buriyeen weyneyntii iyo heybaddii culimada waaweyn ee suufiyadda, kuna burburiyeen dhawr ka tirsan qabuurihi culimadaasi, iyo maqaamyadii musheekhda waaweyn [15].

Sannaddii 2009, ka dib saddex sano oo ay ku soo jireen jabhadnnimo iyo dagaal, Islaamiyiinta mitidka ah ee Somalia, gaar ahaanna al-Shabaab, run ahaantii waxay u ekaadeen oo ay la maqaam noqdeen heerkii uu marayey ururkii Taliban xilligii 1996, ee uu ahaa urur ku soo ad-adkaaday oo ku soo xoogeystey dagaallo, iyo idiyoolojiyo amma mabda’ aan laalaabad lahayn, una diyaar ah in uu dal xukumo [16].

Tusbaxaas ‘anna weykan!’ ahaa sidii geel xeradda laga siidaayey buu noqdey.

Taariikhdu waa wax soo noq-noqonaysaa mar kasta iyo marba marka ka danbaysa. Kooxaha Islaamiyiintuna waa qaar marna dhasha oo soo if-baxa, marna burbura oo meesha ka baxa. Waxana isbedelayaa magacyadooda, laakiin isla noocii dadka iyo fikradihii, amma isla mabaadi’dii ayaa mar walba soo if-baxa.

Laga soo bilaabo 2006-dii, Somalia waxay ahayd tusaalaha ugu fiican ee la soo qaadan karo marka laga hadlayo guuldarrada siyaasadda.  Mid ka mid ah ‘guuldarrooyinka’ ugu waaweyn ee ku dhacay siyaasadaha ku aaddanaa Somalia waxay noqotay in lagu dhegganaa uun oo dabada la sii hayey shirar dhaadheer oo ‘nabadeed amma dib u heshiisiineed’, oo caaalamku abaabulo, kharash badanina ku baxo, laguna qabto dalka debaddiisa. Ilaa imikana waxa la qabtay in ku dhawdhaw labaatan shir oo noocaasi ah oo aan midna lagu guulaysan. Shirarkaasi waxa ka dhashay dawlado daciif ah oo kala danbeeyey oo ku-meel-gaadh ahaa, oo mid walba guuldarro ku danbeysey. Dawladahaasi waxay ka jireen oo keliya oo ay maamulayeen qaybo kooban oo ka tirsan dalka, mararka qaarna awoddoodu maba gaadhsiisnayn wax ka badan dhismayaal amma sakado dhawr ah oo madhan oo ka tirsan magaalo-madaxda Muqdisho [17].

Labaatan sano oo ay socdeen dedaalladii caalamiga ahaa ee la doonayey in xal loogu helo dhibaatooyinka Somalia, waxay noqdeen qaar aan wax sidaas ah tarin oo aan ku guulaysan, dhinacyada qaarna waxayba noqdeen qaar dhibaatooyin waaweyni ka yimaaddaan. Dalkuna waxa uu noqday mid kolba sii gala dhibaato kale oo midiba mid kale u sii dhiibta, iyagoo dagaalladu ay noqdeen wax joogto ah nolosha dadweyne badan. [18]

Dagaal qabiil, iyo koox mitid ah oo u dagaalamaya sidii ay xukunka u qabsan lahaayeen. Arrinku , ma aha Diin, ee dantooda, iyo Idiyoolajiyad ay doonnanayaan iney Soomaaliya ku reebaan. Diin mise Dan kale! Aayaha Soomaaliya iyo rejadii Soomaaliyeed, cidda godka ku riddey waa urur-diimeeyadaas, oo ay kujiraan – tirada ugu badan ee ragga kusoo dhuunta waddaadnnimada ama Shiikhnnimada. Inta qalbigoodu saafiga yahay waa farr-ciddood.

Guntii iyo gebegabadii, waxaan citiqaadsannahey, in haddii shacabka Soomaaliyeed u heellan yihiin ama ay naawilayaan iney nabad helaan, waa iney nafahooda ka bilaabaan.

W/Q: Cabdixakiim Cabdillahi Aaden

Email: Abdi.177@hotmail.com

Facebook: Cabdixakiim-Tiyari

Tixraac

 Akhri buugga: Ilbaxnimadii Adal iyo Saldanihii Soomaaliya

1 Ajami, Fouad, 1, 5, 66, 198

2 al-Azhar (University), 45, 158, 168–69

3 Arab Knowledge Report (2009), 163

4.Argentina, 164

  1. Crisis of Islamic Civilization (Allawi), 137–38
  2. Democracy: A Religion (al-Maqdisi), 188
  3. Development of a Jihadist’s Mind (Hamid), 116
  4. Introduction to Islamic Theology and Law (Goldziher), 26
  5. Muslim Brotherhood, 174, 177
  6. UN Arab Human Development Report (2002), 163
  7. UN Arab Human Development Report (2003), 134, 147, 160–61, 166, 176
  8. UN Arab Human Development Report (2009), 134
  9. International Crisis Group,

Somalia’s Islamists, 2005, p. 1, www. crisisgroup.org/en/regions/africa/ horn-of-africa/somalia/100-somaliasislamists. aspx (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).

  1. 1 Human Rights Watch, Harsh War, Harsh Peace, April 2010, www.hrw.org/reports/2010/04/13/harshwar- harsh-peace (Markii ugu danbaysay ee la eegay, August 2011).

15 Ioan Lewis, Saints and Somalis: Popular Islam in a Clan-based Society (London: Haan, 1998), p. 25.

16 Stig Jarle Hansen and Atle Mesoy, The Muslim Brotherhood in the Wider Horn of Africa, NIBR, p. 40, www.nibr.no/uploads/publications/ 06d76b6e0d14594c9a753c487ed50e51.

 

 

 

 

 


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada