MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Qoddobkaan ka Qaatay Qallin-jebinta Jaamacadda Hargeysa ee Qaranka ku Dhisi Lahaa!

“Hal-abuurnimada badan (Ingenuity) ee lacagta yar kubaxdo waxa ay ka faa’iido badan tahay, kharashaadka badan ee baxa ee aan hal-abuurnimada lahayn.”

Arnold Bennett.

21587160_1418330501614132_1111014588805252902_o

Wejiyadooda waxa ka muuqday farxad. Qof kasta oo goobta joogay waxa aad moodaysay inuu u soo ciyaar-guday gaaf loo dhigay madi doobnimo ku raagay. Madasha bilicdeeda muddo aan yarayn baa hagaajinteeda loogu deeqay xoogga, aqoonta iyo kartida boqolaal hannad iyo bilcaamood.

Midabada kuraasta iyo sida loo dhigay waxa markaba maankaaga qac ku soo odhanayey ‘Qaanso-roobaad’ oo midabbo waxa jira ku dhan yihiin. Haddaad ku sii celiso daymadana waxaad is odhanaysaa goobtaba ka qurxoon.

Safaf dhaadheer oon qalooc ku jirin, xadhig dhulka lagu fuudhinyey la moodo ayaa ay is tubeen 1126 (kun, boqol, shan iyo labaatan) arday oo loogu mushxaradaayey madashan. Qof kasta wuxuu ku labisnaa oo rag iyo haween laga sinaa maro madaw oo sida diraca loo gashado (goon). Waxa lagu kala duwanaa maro jeeniqaar ah amma korka laga sarayeyn goonka. Kala duwanaanshaha maradaas oo xagga midabada ah wuxuu keenay qurux indho-ku-doogsi ah.

Dhoolacaddaynta, midabada iyo hannaan joogsiga, lagu iidaamiyey durbaanka iyo yeedhinta turinbada (fiyoolinta) Ciidanka Baanboydu tumaayeen waxay maskaxda fiyaw ku qasbaysaa in ay bixiso amarro-ilmayn, dhoola-caddayn, amma kaydin xasuuseed-waxa dusha sare wareegaysay, hawadana galgalimaysanaysay diyaarado nooca Darawniska (Drones) oo ugu yaraan laba ah. Markaba waxa aad dib ugu noqonaysaa xafladihii hore kamaradaha la isku sawirri jiray ee filimada sawirada safayntooda toddobaado la sugi jiray iyo sida diyaaradahan muqaal iyo sawir ba ugu gudbinaayo qofka adduunka dacalkiisa kale jooga. Waxaad isku qancinaysaa ‘Maxay dunidu tiknoolajiyada horumar ka gaadhay!’

Waxa saraakiishii hannaan-wanaagsan (Protocol) waajibkoodu ahaa amar Ku bixiyeen in ay dhaqaqaan oo xagga hoolka xafladda u dhaqaaqaan Ardayda shahaadada heerka labaad dhammeeyey, iyadoo Ciidanka Baanboydu sii galbiyeen. Muddo yar kadib waxay fadhiisteen iyagoo jaanta mar wada qaadaya sidii ciidamo dhiboo  ah oo tobabar  dhamaaday, kuraastii loogu talagalay oo qof kasta magaciisu ku qornaa.

Ardayda darajada koowaad ka qallin-jebisay waxay mareen nidaamka hormoodka ka horreeyey la marsiiyey. Waxaad xasuusanaysaa xikmada Soomaalida ee tidhaaba ‘Awrka dambe Awrka hore socodkiisu leeyahay.’ Wuxuu ahaa hannaan kala dabayn muujinaya.

Haddii waalidka goobta joogay iyo martisharafka la cabiri lahaa heerka farxadooda mishiin cabbirkaas xamililahaa lama heleen. Farxadda ifka uga soo baxday waxay samaysay jawi nuurku is qabsaday.

Waxa iska soo daba dhacaayey madaxda dawladda ee lagu casuumay. Masuul kasta waxa loo muujiyey qiimaha uu bulshada ku lahaa, wixii sacab iyo soo dhawayn uu heli karaayey waa lagu maamuusay.

Khudbadaha madhasha ee Madaxdu waxay muujinayeen mucaaridnimo iyo muxaafidnimo, marka laga reebo Madaxweynaha oo waxqabadkiisa iyo hambalyada ardayda ku koobnaa.

Guddoomiyahaya Jaamacadda HargeysaDr. Maxamuud Yuusuf oo khudbada rasmiga ah madasha ka jeediyey ayaa sheegay ahmiyada hal-abuurka.

“Waxa jira wax badan oo ardaydu qaban karaan. Haddii aad fikirto fikrado dihin oo dalka iyo qofkuba ku horumarayaan baa jira. Haddaan tusaale soo qaato; Suuqyadda waaweyn we Hargeysa haddii sida ay maanta yihiin muddooyinka dhaw sii ahaadaan meesha way ka baxayaan, waxa ay u baahan yihiin waddooyin yar yar. Ardayga nashqada iyo qorshayntooda keena maalgelin buu helaysaa,’ ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.

Waxa aad moodaysay qorshe hore looga soo shaqeeyey in hal-abuurnimada dhiirigelin loogu sameeyey amma laga soo wada sheekaystay. Waabu ahaaya, sababtoo ah Maayirka Hargeysa Cabdiraxman Soltelco, ayaa sheegay in dawladda hoose hal-abuurnimada soo dhawaynayso, shaqaalaysiinteedana ku salaynayso qorshayaal ardaydu la imaan doonaan. “Halkii aan adayda tooska u qadan jirnay, doorkan qorshayaasha ay la yimmadaan baan ku shaqaalaysiiynaa. Sida in ay keenaan qorshayaasha suuqyada amma iliiladaha wasakha.” Sidoo kale shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom waxay ballanqaadeen in ay maalgelinayaan daraasadaha ardaydu qorshayaashaas horumarinta ku gaadhayaan.

 Haddii hal-abuurnimada la dhiirigeliyo ardaydana lagu dhiirigeliyo in ay fikiraan, cilmi-baadhis sameeyaan amma hal-abuurnimo la yimadaan waxa la helayaa boqolaal qorsheyaal ah.

Shaqo la’aantu waa culays dhammaan dunida oo dhan haysata ha lagu kala badnaadee. Sannadadii u dambeyey goobaha waxbarashada sida jaamacadaha iyo dugsiyada waxa gelaayey, kana baxaayey kumanaan arday oo badankoodu shaqo la’aan marka ay waxbarashada dhammaystaan ku dhaca.

Qorshaha Jaamacada Hargeysi ku dhawaaqday ee ah hal-abuurka uu ardaygu la yimaad in lagu shaqaalaysiiyo waa mid horumar iyo wax-soo-saar badan dalka u horseedi doona.

W/Q; Ibraahim Khadar

ibraahimkhs@hotmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada