MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Ma-guuraan

Marka qaad la soo hadal qaado qof ba wax baa maskaxdiisa ku soo dhaca. Qof baa ka fikira caleen cagaaran oo waliba qadhaadh, qof kale ayaa ay ku soodhacdaa mirqaan iyo waalli, qof kale waxa uu sawirtaa nolol liidata iyo dad qaadku noloshooda dulleeyay,  mid baa ay ku soo dhacdaa shaqo iyo ganacsi, mid baa ka fikira maqaaxi gabadhi haysato iyo rag  qaad ruugaya, mid baa sawirta qoysas qaadku baabi’iyay, mid maleeya sababta qaadka loo cuno hadda na jawaab u waaya, mid kale ayaa is wayddiiyay sababta loogu mirqaamo, mid kale waxa halxidhaale ku noqoto sababta caleentani u ga qaalisanaatay haddana u ga dhib badatay caleemo badan oo  Ilaahay abuurtay, mid kale waxa uu ku dhaafaa in uu daroogo yahay, mid na kama fikiro, in uu ka fikirana ma jecla, mid mid iyo mid..  Qof ba inta uu ka yaqaan ama ka maqlay ayaa  garashadiisuna sawir ka bixin kartaa qaadka. Waxa se jirta male guud oo dadka intooda badan maskaxdooda marka ba ku soo dhaca, kaasi oo ah mirqaan. Mirqaankaas ayaa u ah astaanta guud ee qof wali ba ka malaysto qaadka: qof cuna iyo qof aan cuninba.

Shayga la cunayaa waa in uu qofka jidh ahaan iyo dareen ahaan ba faa’iido u leeyahay. Walaxda cunisteeda wax la ga dheefayo waa daruuri in la quuto, walaxda aan cunisteeda wax ba la ga dheefayn, maqnaanshaheedana aan loo dhibtoonayna waa doorasho fudud in la iska daayo ama  la cuno. Qaadku waxa uu labadaa ba ka ga duwan yahay waa walax quudashadeeda dhibaato jidheed, maskaxeed iyo mid nafsiyadeedba leh, balse la laasimay. Qofaf badan oo qaliyaya  ayaa mujtamaca ka mid ah, bulshada badankeeda qaadka cuntaana waxa ay yeelanaysaa duruufaha uu leeyahay qofka qaad cunka ahi.  Si kastaba ha ahaatee waxa qofku qaad u cunayaa in uu ka helo raaxo-beenaad naftu u gu sheegtay in la gu liibaanayo, ka dibna dareen ahaan ayaa uu ula qabsanayaa isaga oo garawsan in aanu dhib mooyee dheef lahayn, inkasta oo tiro dad ahi aaminsanyihiin in qaadku quud barakaysan yahay.  Sidaas ayaa uu maalkiisa iyo maanksiisaba u gu maddiidaynayaa darooga qaadka. Dhibta ugu yar ee uu qofka ku keenayaa waa hurdo la’aan (insomnia) iyo khalkhal maskaxeed  wakhti kooban ah [mirqaan]. Waxaana u gu wayn in ummad dhammi garaadkeeda iyo fikirkeedu u dumo, oo la ga awdo horumarka iyo waxqabsiga.

Nolosheenna oo dhan haddii waynayso la gu eego waxa la ga helayaa saamayn qaadku ku leeyahay. Dhankasta oo la ga fiiriyo waxa soo baxaysa in qaadku meel uun ka soo galayo habnololeedkeenna dhaqan, dhaqaale, dabeecadeed, caafimaad, siyaasadeed iyo heerka nololeed ee bulshadaba.  Waxa la ga yaabaa in qofka aan cunin ama ehelkiisuba cunin uu is wayddiiyo sababta qaadku saamayn u gu yeeshay ama uu diidaba in qaadku noloshiisa meel uun ka soo galo, kol haddii aanu isaga, ehelkiisa iyo asxaabtiisa midna cunin.  Waa dood mar ahaan sax ah, markale na jaban. Tusaale ahaan;  adigu ma cuntid qaad, aabahaa iyo walaalladaana ma cunaan, asxaabtaada iyo inta aad isku gole tihiinna ma cunaan. Sideed u aqbali kartaa in qaadk noloshaada taabanayo? Waa su’aal ay tahay in qofku is wayddiiyo, in uu jawaab u helana darruuri ah.

Ka soo qaad waxa qaadka cuna darawalka gaadhiga shaqada ku geeya.  Miyay ku taabataa? Waxa qaadka cuna macalinkaaga. Miyuu ku dhibaa? Waxa qaadka cuna maamulahaaga shaqada. Ma dhibsataa? Waxa qaadka cuna wasiir ka mid ah wasiiradaha dawladaada, wali ba duhurka ayaad aragtay isaga oo madal qaadka la ga qaato oo lagu buuqsanyahay kuyuu ku jira. Ma yaxyaxdaa? Mayee waxa aad aragtay bulshada oo badankeedu qaad cunaysa. Ma diiqadootaa? Intaas oo dhammiba waa ay ka baxsan yihiin noloshaada iyo tan qoyskaagaba, dooddaaddiina waa ay jabtay haddii aad ammuurahan ka biyo diidday.  Markan ayaad ogaanaysaa in bulshada oo dhammi qoys tahay, qoyskaasina wanaaggiisu ku yididiilo  galinayo, dib u dhiciisa iyo maangeddoonkiisuna ku dhibayo.  Meel ka sii hooseysana ma ka eegnaa? Waxa aad la jaar tahay qoys danyar ah, oo carruur laba ama saddex ah haysta. Waa jaarkaaga oo waad ogtahay in noloshoodu ku dhisantahay shilimaadka yoomihhaha ah ee aabbuhu maalinkaas soo shaqaysto. Haku fillaato ama yay ku fillaane waa nolol ku dhisan kallahaadda aabaha qoyska iyo wixii uu   soo xoogsado maalintaas.

Waa aabbe qaad cun ah, shilinka gacantiisa soo galana boqolkiiba saamiga u gu badan waxa uu siistaa qaad inta ka soo hadhana waxa uu goor habeenka badhkiisii hore dumay u keenaa qoyskii oo gaajo maalinimo la tacdaraysan. Noloshaas ayaa iska socota. Maalin walba waa sidaas, isna maalin walba wau uu qayilaa. Isagu isuma roona. Ubadkiisa maalin noloshooda lama qaato. Daryeel aabbonima kuma qabaan. Maalmaha aanu camalka haynna hurdo ayaa uu ku gaadhaa habeenka. Reerkiisana gacmo kale ayaa loo soo taaga ama jaarka ayaa carruurtaas dhuuniga ku kaalmeeya marka diifta gaajadu ka soo ifbaxdo muuqaalkooda. Hooyadaas warwar ayaa ka haysta qaab nololeedkeeda. Waxa ay wayday daryeel qoysnimo, mid ubad iyo mid  nololeedba.  Adiga waa jaarkaaga, oo waanigii ku idhi oodda ayaa isugu kiin qabsan. Waxa aan hubaa in ay ku dhibayso, oo imika ba tusaalahan mala awaalka ah ayaa run kuugu muuqday, waanad dhibstay. Bal xaaladdaas oo run ah ka waran. Xaaladdaas oo qoysas badani ku noolyihiin ka waran? Mayee boqolkiiba badh ka mid ah bulshada in  sidaas noloshooda dhabta ah tahay ka waran?   Hadddii aad dhibsan waydo adigu na qaad qamax kale oo caleenta ku walfay ayaa tahay.!

Si guud haddii aynnu u eegno, waxa ugu badan ee qofka maankiisa iska wayddinayaa waxa ay tahay “sida ay u ekaanayso timaada mustaqbal ee bulsho yarkeeda iyo waynkeeduba qaad cunayaan.” Waa timaada toban sano, konton sano, ama boqollaal sanoba. Taasaa ah fogaanta u gu fog ee qofka ama bulshada soo jeedda ka hilaadiso dhibaato maanta taagan iyo inta ay sii jiri doonto. Markalena waa taa kuu caddaatay in qaadku  nolosheenna dhan walba ka soo galo, cun ama ha cunin.

Haddii hoos loo sii socda waxa aynnu u galaynnaa boqollaal duruufood oo foolxumada aad yaabto, kuwaas oo la ga dhaxlay caleenta qaadka ee lagu fooganyahay.  Marka se aad shay dhibtsato ama bulshada oo dhammi dareento darayooyinkiisa  ama is wayddiini ka timaaddo, waxa la aamisanyahay in arrintaa lagu baraarugay, oo bilawgii dhammaadkeeda la gaadhay. Marka aad aragto duruufahaas qaadka laga dheefay ee aynnu xusnay, waxa maskaxdaada ku soo dhacaya wayddiimo dhawr ah; sidee qaadka loo joojin karaa? yaa awood u leh in ay joojiso? Adigu kalidaa ma joojin kartaa? Dawladdu maxay u joojin wayday? Kuwa cunayaa maxay isaga dayn waayeen? Dadka cunayaa miyaa la sixray oo waa ay fooroaan? Imisa qof oo kale ayaa kula arkay mise waa kelidaa?  Su’aalaha  badannkooda jawaab ku filan iyo xal kaliya u heli maayo qofku, laakiin waddooyin lagaga raysan karo iyo mawduucyo wakhti dheer qaata ayaa ku furmaya.  Warka u gu danbeeyaa waxa uu noqonayaa ‘waa in maalin uu qaadka la wajahaa, adiga oo rumaysan in loo baahanyahay qorshe fulintiisu suurogal tahay.’

Badhtamihii 2015-kii ayaa dawladda ingiriisku soo saartay go’aan ay ku joojinayso qaadka soo gala dalkeeda, iyada oo u cuskanaysa in uu yahayd daroogo aan u wanaagsanayn horumarka qofka iyo kan bulshadaba. Golaha qaabilsan kala talinta ku xadgudubka iyo si xun u adeegsiga daroogada ee Ingiriisku (ACMD), waxa yidhaahdeen  “inkasta oo aannu hellay caddaymo aan nagu fillayn oo ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad iyo bulsho ee qaadka, haddana waxa aannu u aragnay in aannu joojinno.” Dawladda Ingiriisku kama ay joojinayn muwaadiniin Ingiriis ah oo qaad-cun ah,  balse waxa ay baadhid qaydhin ku heshay dhibaatooyinka kaga iman kara ajaanibka qaadka cuna, iyaga oo wali ba ka baqe qaba in bulshadoodu ka mid noqoto dadka qaadka quuta. Waa tallaabo cilmibaadhis iyo raadraac  ka dib la fuliyay, iyaga oo  waliba dakhli cashuureed ka soo gali jiray.  Waa sida u gu habboon ee loo wajihi karo ma-guuraanka qaadka haddiiba la joojinayo.

Marka shay la doonayo in wax laga qabto ama la wajaho si loo joojiyo waxa ay u baahantahay in la indha indheeyo, la gorfeeyo, aqoon-baadhis la gu sameeyo si loo ogaado dhibtiisa iyo dheeftiisa kii badan. Bulshada iyo heerka uu ka joogana mar walba cabir rasmi ah la ga qaato. Waa in si madax banaan loo baadho dhan walba si jawaab la gu qanci karaa uga soo baxdo, joojinta dooddiisana looga guulaysto cidda markaa dhankiisa fadhida ee difaacaysa.  Marka dhuuxid iyo dabagal cilmiyaysan la gu sameeyo waxa soo baxaysa xog daahfuran oo lagu kalsoonyahay,  joojinta qaadkana ama shayga markaa la joojinayana waajib ka dhigaysa  dagaalka la la galayo. Sidaa si la mid ah ayaa ay mudan tahay in hadimada qaadka la abla ableeyo cidda rasmiga ah ee ay ka go’do in ay iska daysana [quutayaasha qaadka] si toos ah loo abbaaro. Tusaale ahaan, haddii aynnu doonayno  in sigaarka la joojiyo waa in la abbaaraa (target audiences) cidda sigaarka cabta, si aqoonaysanna loogu bandhigaa dhibaatada caafimaad ee sigaarka, inta aan tallaabo khasab ah oo markaliya dusha la ga keenay la qaadin.  Marka  sigaaryacabka la tusto in dhibtiisu, dheeftiisa ka badantahay waxa suurogal ah in boqolkiiba saami ka mid ahi   iska joojinaan, inta kalena waddooyin sharci  iyo xannibaado ganacsi lagaga joojiyo.

Kala doorashada labadan su’aalood qaadka miyaa la joojin karaa?  mise waa la cidhibtiri karaa? ayaa qayb ka noqonysa qorshaha bulsheed ama qaran ee la gu wajahayo qaadka.  Ma odhan karo waxa la cidhibtiri karaa, waayo waa ma-guuraan nolosheenna si ruuxi ah u gu nool. Cidda qaadata halbeegga ah “cidhib-tirna” waxa ay ka qaadi doontaa “daal  iyo naiyad jab” aan ka soo waaqsi lahayn.  Mar walba halbeegga aad u cabirayso hawl qabadkaaga aad shay joojintiisu ku wajahaysaa waxa ay u baahantahay halbeeg-odhaaheed ku habboon  qorshahaaga.  Ciwaanka aad u samaysay ama odhaahda aad ku suntayso hawlqabadkaagu waxa uu qayb ka yahay ku guulaysiga iyo ku fashilidda hawshaas. Haddii in uun la doonayo in qaadka wax la ga qabto waa in la adeegsada erayo muujinaya la dagaalan, wacyigalin awoodaysan,  joojin, yarayn iyo kuwa la mid ah sababtu tahay heerka uu bulshadeenna ka joogo. Haddii qorshaha koowaad ba la gu bilaabo  dabargoyn ama tirtirid waxa suurto gal in la gu daalo.

Siyaasi Cabdikariim Axmed mooge iyo koox kale oo aqoonyahan da’ yar ah ayaa 2015-kii sameeyay urur/ barnaamij ay u bixiyeen “OLOLAHA CIDHIB-TIRKA QABYAALADDA”, waxa uu ahaa fikir togan iyo dareen qofnimo/qofaf oo ka dhashay  mushkilad bulshad bulshada ragaadisay. Barnaamijkaasi muddo ayaa uu socday, goobo badan iyo gobollana waxa la ga sameeyay fagaare-ka-hadal dhawr ah oo dhibta qabyaaladda lagaga hadlayay. Anigu se waxa aan u arkayay qorshe hirgalintiisu qabyo gali doonto oo aan gaadhayn halka loo calaamadiyay laba  sababood awgeed. Marka koowaad waxa la qaatay erayga “cidhib-tir” oo aan waaqaca ku jaango’nayn, himilo ahaanna ay adagtahay in la gaadho. Waxa la heli karayay hal-ku-dhegyo ka fudud oo sifaynaya yarayn ama la dagaallan. Uga horrayn ba waxa hawshaa buur adag ka dhigay  ciwaanka la saaray hawlgalka. Waayo waxa aynnu ognahay in qabyaaladu tahay shay aan marqudha iyo boqol sano toona xididka loo siibi karin, erayga cidhibtirra waxa uu sheegayaa shay la suulinayo markaliye oo aan waligii dib u soo laabanayn  iyada oo awooddeedii la haysta, sida Cudurka dabaysha oo meelo badan adduunka la ga dabarjaray.

Markale waxa  caqabad noqday cidda la wajahay ee lagu aaddiyay nuxurka barnaamijka. Waxa la abbaaray tiro dad ah oo isku mid ah, oo u badan dhallinyar aqoonyahan ah, halka ay  ahayd in la abbaaro dadka qabyaaladda abuura  ee bulshada habqabiillo u kala qaybiyay si ay dano gaar ah u gaadhaan. Kuwaas oo ay u gu horreeyaan Suldaannada, cuqaasha, oday dhaqameedka guud ahaan iyo siyaasiga reeraha abaabulaha. Kuwaas ayaa ay ahayd in la ga dhigo beegsiga koowaad iyada oo dadkana  la gu guubaabinayo aamminaadda sharciga iyo dawladnimada. Ka dibna dhalinta aqoonta bartay la ga dhigo qaadayaasha farriimaha  barnaajimka. Halkan waxa laga baran karaa in qaadku la mid yahay. qorshe kaste oo qaadku la gu waajahayaana uu noqonayo mid ka turjumaya la dagaalan iyo yarayn, balse aan ay suuro gal  ahayn in la yidhaa “qaadka waa la dabargoynayaa ama la cidhib-tirayaa” Maaddaama oo uu noqday ma-guuraan nolosheenna degay.

Waaqaca nololeed ka jira waddankeenna ayaa ka dhigaya qaadka walax aan markaliya laga guulaysan karin.  Yarayntiisa iyo waajihiiddiisa waxa la ga duulayaa in bedelkiisa la abuuro, bulshada dhaqaale ahaan u gu noolna qorshe ay noloshooda ku dabari karaan loo abuuro.  Qofka iibiya qaadku, waxa khasab ah in uu cuno, marka laga reebo haweenka ka ganacsada. Waxa uu noqonayaa qof qaadkii noloshiisa dhex degay, wakhtigiisana ku qaadanaya muqawadnimo iyo feenashada caleentaas, halkaana waxa ku lumaya waajibaadkii ka saarraa naftiisa, Eebbe, ubadkiisa iyo qoyskiisaba illaa ay ta qaranka soo gaadho.  Si nafahaas loo bixiyo waxa mudan in la abuuro qorsheyaal ganacsi oo dadka lagaga bedelanayo ka bixidda ka ganacsiga qaadka iyo cunistiisaba. Si loo yareeyo ma-guuraanka maskaxdeenna dabray.

Dad badan balwadda qaadka waxa galiyay maararraw iyo in ay madaddaalo wakhti lumin ah ka helaan. Tani waxa ay inna tusaysaa in ay jirto fursad la gu abuuri karo  barnaamijyo madaddaalo iyo goleyaal masraxiyadeed dadku ka helaan maaweelo  ay wakhtigooda ku qaataan si ay u ga mashquulaan balwadaha qaadku ka mid yahay. fanka, suugaanta, ciyaaraha kubadda iyo bandhigyada la gu soo bandhigo hibooyinka ayaa ka mid noqon kara hubabka dahsoon ee la gu la diriri karo si loo yareeyo, maaddaama oo aan la dabargoyn karin ma-guuraankan nolosheenna ka mid noqday. Halkaas waxa ku jirta fursad tiro dad ah lagaga soo saari karo badwaynta balwadda qaadka kuwa kalena lagaga baajin karo.

Nebiyada ayaa la soo dejiyaa si ay u baabi’iyaan xumaan ummadda dhexdeeda iyo dhulka guudkiisaba  ku fidday. Ciidamo Eebbe iyo Nebiyo qaadka loo dirayo mid na ma jiri doonaan.  Marka se garaadku tooso, dadka ayaa garaadkoodu feejigan  [garaad is diraya, oo iskii u gu tabarucaya in uu dadkiisa ka saaro muskhilad] yeelanaya. Si mushkiladda qaadka loo yareeyo, ama loola dagaaloo waa in la helaa dad si mutadawacnimo iyo naf hur ah u gu taagan soo bandhigidda dhibaatooyinka qaadka. Kuwaas oo wacyi galintoodu abbaarayso kuwa cuna.  Waxa u  gu horrayn kara inta aqooonta leh iyo qalinlayda oo kaashanaya bahda caafimaadka, waxgaradka, suugaanyahanka iyo dadka bulshadu u soo istaagto.

Ugu danbayn; Joojinta, xanibidda, la dagaalanka iyo yaraynta qaadkaba waxa si wax ku ool ah door u ga ciyaari karta dawladda. Mayee aan nidhaanho iyada ayaa masuuliyadi ka saaratnay wax kasta oo dhibaataynaya bulshada. Si kaleba aynnu u gu sheegno dawladda in uu daroogo yahay, daroogadana sharciga iyo diintu ba diideen, oo ay waajib dawladeed tahay in wax la ga qabto. Laakiin aynu u gu darro in silsilado taxan iyo tallaabooyin kala danbeeya la qaaddo iyada oo la kaashanayo ururada bulshada iyo waxgaradka. Tallaabooyin isugu jira sharciyo, wacyi galin, mashaariic shaqo abuur, aqoonbaadhis la xidhiidha dhibtiisa iyo goleyaal maaweelo sida aynu kor ku xusnay.

Qalinkii: Maxamed M Jaaj.


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada