MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Khudbadaheennii Jimce Ma Indha-casaysi bay isu Rogeen?!

W/Q: Marwa Muxammad [Af Carabi]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

Maalmihii Carafa maalin ka mid ah ayaa uu khudbeeyihii masjidkayagu minbarkiisii u baxay. Eebbe inta uu u mahad naqay, ayaa uu Nebiga ku salliyay. Dabadeedna waxa uu mariyay khudbaddiisii ku saabsanayd xajka; waxa uu yeelayo iyo waxa aanu yeelayn qofka xajayaa; iyo hawlqabadyada maalinta Carafa. Balse annagu xujay ma aannu ahayn; buurta Carafa ma aannu tubnayn; Eebbana nagu ma uu mannaysan in aannu gu’gaa booqanno Aqalkiisa. Aniga oo intaas oo dhan og, haddana isaga dhegaysanaya, ayaa aan ku caajisay khudbeeyihii, khudbaddiisan caadada noqotay, iyo hadalkiisan; markaas ayaan iswayddiiyay: “Indhahayga sideen ugu qasbi karaa in aanay daboolmin, duunkayguna aanu dedmin?!”

Waxa aan filayaa in aanan xaaladdan madi ku ahayn. [Haweenkii kale] waxa ay ku gam’een bartii ay fadhiyeen, oo waxaabay u baahdeen cid toosisa hadhaw marka khudbaddu dhammaato. Intii kalana waxa ay iskaga mashquushay, oo ay ku maaararrawday, in ay farahooda iskaga dheeldheelaan dhulka; iyo in ay ka fekeraan hawlaha adduun ee haysta. Indhahooda dhaygagsan, haddana aan waxba eegayn, ayaa taa muujinayay.

Wax cusub ma aha. Sidan ayay wada yihiin khudbeeyayaasheenna iyo khudbadahooduba. Waaba iyadii oo aan biyo ismarin, wacdiguna waa isla kii; oo waxaaba aad mooddaa in khudbeeyayaashu ku kala geddisan yihiin magacyada oo keli ah.

Haddii aynu u fiirsanno xadiisyada Nebiga, waxa aynu arkaynaa in ay xoojinayaan in salaadda masjidka lagu dedaalo safka kowaad, waxaana ka mid ah xadiiska tibaaxaya: “Haddii dadku ogaan lahaayeen waxa ku jira eedaanka iyo safka kowaad, oo qori-tuur uun ay u heli lahaayeen, waa ay qori tuuran lahaayeen.”  Balse waa sidee xaaladda dadkeenna tukadaa?

Qofka tukadaa waxa uu masaajidka irridkiisa ka soo galaa isaga oo u iilanaya tiir uu dhabarka la eegto, si uu ugu nasiyo madaxiisan culus ee hammigu buux dhaafiyay; iyada oo aad mooddo in hurdada xilliga khudbaddu ay u tahay faral karaahiyo ah. Ma canaan buu leeyahay! Ma bari yeelayno oo wuu khaldan yahay, balse gefkiisu waxa uu u dhigmaa gefafka khudbeeyaha. Khudbeeyuhu waxa uu daacad u yahay rootiinka (routine) bulsheed ee wax kasta dig ka siiya.  Ma jiraa khudbeeye raaca xukunnada khudbadda, iyada oo aan loo eegayn khudbaddu in ay tahay mid Jimce iyo mid kale? Waa dhif.

Muddada ay soconayso khudbaddu, mawduuceeda, iyo qaabhadalku waa saddexda xukun ee ay tahay in loo dhawro khudbad kasta. Khudbeeyayaasheennu waxa laga yaabaa in ay haleelaan hal qodob, ama marmar labo; laakiin waa ay yar tahay in ay saddexdaba ilaaliyaan. Waa guud ahaan. Qodob kastaa waxa uu u baahanayaa sharraxaad aynaan halkan uga gol lahayn, balse aan isla eegno qodob ka mid ah, oo ah kooda ugu muhiimsan; mawduuca khudbadda.

Bal isku day in aad khudbadaha masaajidyada kuu dhaw ku eegtid indho baadhe xilliyada ay soo gelayso bisha baraykasan [ee Ramadaan]. Waxa kugu dhalanaya dareen ah in tani tahay Ramadaantii u horraysay ee soo marta; in xukunnadeeda iminka uun la soo waajibiyay; in habdhaqannadeeda iminka uun loo soo gudbiyay; ama in ay u warramayaan dad aan weligood soomin, oo ugu danbayntii bishan uun Ilaahay u soo laabtay oo bilaabay niyaysiga soonka!

Waxa laga yaabaa in ay ka tahay waano—[oo ay raacayaan aayadda] “Xasuusi, waanadu waxa ay wax tartaa Mu’miniinta e.” Maba xuma. Alla roonaan lahaydaa haddii ay waano ka tahay! Laakiin miyaanay waanadu ka duwanaanayn tii ka horraysay! Oo aanay qaadanayn qaab ka duwan, iyo ruux ka geddisan?! Bal taas uun uga qiyaas qaado dhammaan khudbadaha munaasibadaha, iyo xilliyada ciidaha sannadka. Waa isma-dhaanto iyo dhasheed.

Waxa aan la kulmay qof waxaas oo dhan ka duwan. Ma aha khudbeeye Jimce iyo tujiye masjid. Balse waxa uu ku caan noqday maskaxbadnidiisa, xasuusashadiisa, iyo badnimada aqoontiisa ballaadhan. Marka uu minbarka u baxo, ee uu Eebbe mahadcelin iyo ammaan isugu daro; waxa uu ka hadlayaa mawduucyo xilligan taagan oo ay yar tahay in aad hesho cid kula soo hadalqaadda ama wax kaa wayddiisa. Weli miyaad aragtay khudbeeye khudbaddiisa cinwaan uga dhigay “Islaweynida Allakoodka” iyo “Laba-boglaynta Sharka”? Miyaad aragtay khudbeeya khudbaddiisa kaga dhex baaqa in loo fiirsado suugaanta Ruushka, iyo hormuudkeeda sida: [Fyodor] Dostoyevsky, [Anton] Chechov, iyo [Nikolai] Gogol? Ama ku maqashiiya xeerarka fiisikiska iyo cilmi xiddigiska, isaga oo kuu caddaynaya mucjisada Eebbe ee koonka, xeeldheerida xeerarkiisa, iyo weynida abuurtiisa?! Ama kuu sharraxa jiritaanniyada, shuuciyada, iyo falsafaddii Aristotle?

[Qofkaasi] waa Cadnaan Ibraahin. Haddii aad ku jirto kuwa wax la oggol iyo kuwa diiddanba, waxba kama jarayso wixii aynu soo sheegnay. Kartida ninkanna waxba kuma soo darayso, waxna kama dhimayso.

Waxa aynu ku dhega-barjawnay mawduucyada khudbadda Jimce ee [ku wareega] dahaarada, guurka, salaadda iyo wixii la naasnuuga. Alla wacnaan lahaydaa in khudbeeyayaasheennu garwaaqsadaan in ay jiraan nololo kale, iyo qaddiyado tiro beelay oo ay ku habboonayd in ay soo gaadhaan, una caddaadaan, Muslimiinta qarniga 21aad. Sidaa iyo denbidhaaf Eebbe.

 

Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada