MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Jacaylkii Soo Rafaaday. Q2aad

Qaybintii 2aad.

 

Fasixii markuu berri oo kale kow u yahay ayuu caawa oo kale tareenka feedha ka raacay. Saqbadhkii ayuu Hadhagaala ka degey. Aroornimadiiba Xasna ayuu ku kallahay oo uu war dhan ka helay in Cambaro aad iyo aad u fiican tahay. Intii aan hadhimadii la gaadhin Xasna ayaa Cambaro ka war gelisay in Buux yimid isla markaana hadyad kooban oo uu u sii dhiibayna guddoonsiisay, warkaa oo Cambaro farax geliyey. Colaaddii labada qoys sidii kal hore way ka yara qabowday hasayeeshee dabka lama kala qaato. Buux oo ah wiil jacaylka Cambaro laabta ruxayo markuu shan maalmood joogay ee uu ogaaday in arrimuhu weli cakiran yihiin ayuu si badheedha u sheegtay oo aabbihii iyo walaalihiiba u bandhigay in loo doono Cambaro Cabdi Geeldoon. Reer Cabdi Geeldoon isma geyno ee gabdhaha kale ee Hadhagaala mid ka xulo ayaa aabbihii hadalkii ku soo koobay. Buux, aabbihii arrin uu diido weligiiba lama soo marin, waa dabeecad uu caan ku ahaa oo lagu bartay. Buux walaalihii go’aanka aabbohood gaadhay bay ku raaceen. Cambaro qoyskooduna waa sidaa oo kale oo naxariis lagama dhawrayo. Colaadda labada qoys weli laf dhuun gashay bay ku tahay jacaylka Cambaro iyo Buux  oo xilligan sii karaar qaatay. Allow jid u bixi! Buux warkiisa ayaa magaalada oo dhan gaadhay, dabadeed wiilal Cambaro walaalaheeda oo warku gaadhay ayaa gaadh iyo ilaalo xoog leh ka qabtay gabadhooda. Warku Cambaro iyo Buux si wanaagsan buu ugu kala socdaa oo Xasna ayaa meesha si daacad ah ugu jirta. Rag male kama dhammaado e, Buux waxa uu goostay in uu geed dheer iyo mid  gaabanba u fuulo sidii ay maruun gacantiisa u soo geli lahayd Cambaro.

Laba maalmood marku ka fikiray ayuu dhigay shaxdii uu Cambaro ku boojin lahaa. Xasna ayuu maalintii dambe la kulmay. Xasnaay, Cambaro imika u tag, waxaad ku tidhaa, Jabuuti ayaan ku geyn ee diyaar ma ii tahay ? Meeshaad rabto waan kuu raaci war ah bay Xasna soo celisay, dabadeed Xasna ayuu si buuxda ugu sheegay shaxdii uu dhigay, si iyaduna uga war geliso Cambaro. Wuxu yidhi, laba maalmood ka dib baan duhur cad magaalada ka dhoofi. Marka la ogaado inaan baxay, culayska iyo ilaalada ayaa ka yaraan Cambaro. Dhawr cisho markaan sii maqanahay waxa kuu iman ina abtigay Qummane, isaga ayaan la heshiiyey oo xaalkaygana gun iyo baar og.

Isaga ayaa habeen tareenka soo saari, waa nin qawl leh oo aan Cambaro cidla dhigayn, waxaan kula ballamay inuu Cali Sabiix soo gaadhsiiyo. Cali Sabiix anaa ku sugi doona. Ilaahow sidaa nagu gargaar. Xasna, warkii oo dhan bay Cambaro waraabisay. Cambaro oo jacaylku ka batay isla markaana la cabudhiyey ayaa shaxdii Buux qalbi furan ku soo dhawaysay si ay jacaylkeeda ay u xorayso.

Dhuumashadii iyo Dhoofkii Cambaro

 

Sidii buu yeelay, maalintii uu baxayey ina abtigii Qummane ayuu la sii dardaarmay. Markii la ogaaday inuu magaalada ka luuday ayaa sidii uu malaynayey gaadhkii adkaa laga dulqaaday. Sidii ballanku ahaa Qummane ayaa u tegay Xasna maalin arbaca ah. Xasna iyo Qummane waxay isla go’aamiyeen in habeenka sabtida siddeedda fiidnimo tareenka soo mari doona ee Faalitooga uu la raaco Cambaro. Faalitoogu mid rakaabka qaada maaha ee waa mid ka tirsan kuwa xamuulka iyo shiidaalka qaada. Laba ayaa jirta rakaabka qaadda oo la kala yidhaa Casajoog oo maalintii socda iyo Bisbisiyaal oo habeenkii guura ah. Dadka raaca waxa u badan dumar sharshaariya. Cambaro waa la qarinayaa oo si aanay cidba u arag ayaa Faalitooga dhibta badan loo raacinayaa.

Qummane waa wiil dal-yaqaana oo ka tirsan dhallinyaro ka shaqaysa jaadka koontarabaanka ah ee ka gudba xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya. Dhallinyaradaa oo loo yaqaan Yaacaay. Waa niman sida haadka u fuula ugana dega tareenka goob kasta oo uu socdo. Habeenkii ballanta ayaa la joogaa, Xasna waxay u xil saaran tahay in ay mar uun tareenka agtiisa Cambaro keento. Cambaro waa diyaar oo  haba yaraate dhulka waxba kama yaalliin. Xasna qof shaki ka qaba inay shirqool waddo haba yaraatee ma jiro. Si aan loo dareemin habeenkaa Xasna hal marna may agmarin Cambaro iyo qoyskooda. Cambaro, waxay kula ballantay 7-da fiidnimo goob aan ka fogayn gurigooda. Cambaro oo iska dhigaysa gabadh dukaanka ka soo adeegaysa ayaa Xasna ugu tagtay goobtii ballanku ahaa. Cabbaar markay ku sheekaysteen meel mugdi ah oo u dhaw halkii laga raacayey tareenka, waxa durba soo muuqday iftiikii tareenka. Dhinaca midig Qummane ayaa soo istaagey. Cambaro wadnaha ayaa boodaya, si uu xaal noqon ayey ka welwelaysaa, dharka intaa korkeeda saaran mooyee wax kale ma sidato alaabo kalena hadalkeeda daa. Dhawr goor oo ay Diridhaba u socdaashay mooyee weligeed Cambaro may dhoofin. Qummane oo xariif ku ah maridda jidkan adag ayaa durba Cambaro go’weyn oo ay hab isku siisoo si naxariis leh ugu dhiibay oo ka codsaday in ay isku duubto, waanay yeeshay. Faalitoogii[1] baa durba soo joogsaday.

Qummane oo khabiir ku ah meelaha ugu wanaagsan ee laga fadhiisto Faalitooga ayaa meel sallaxay, garabka midig inta uu qabtay ayuu Cambaro saaray iyada oo go’iina hab isku siisay. Inta hawshu socotay oo dhan Xasna ayaa garab taagan oo niyadda u dhisaysa. Daqiiqado ka dib tareenkii baa dhaqaaqay. Xasna markay Cambaro ku hubsatay Faalitooga dushiisa markiiba aqalkoodii inta ay tagtay ayey isduuduubtay si marka Cambaro la waayo loo shakiyin. Goobta ay Cambaro fadhido waa gaadhi kuwa adhiga lagu guro ah dushana ka bannaan oo madhan. Tareenkii waa uu dhaqaaqay, cabbaar markii la socday Qummane ayaa Cabbaro u keenay laba buste oo mid weyn yahay si ay u goglato, midka labaadna waa mid yar oo ah nooca loo yaqaan buste-xumadeedka si ay u ga huwato dabaylaha iyo dhaxanta.

Gaadhigan midka ku daba xidhan waa kuwa xamuulka qaada ee qafilan. Gaadhigaa dhakadiisa sare ayuu Qummane sallaxday si uu halkaa uga bidhaansado Cambaro. Intaan la gaadhin Cali Sabiix tareenku dhawr goobood buu ku sii hakadaa, kuwaas oo kala ah Laas-xadhaadh, Ayshaca, Dawanle iyo Galiile. Hal saac hadday Cambaro sii maqan tahay ayey hooyadeed tawday, wiilkii qoyska u weynaa bay u yeedhay iyada oo dareen galay, Cambaro tan iyo haddeer ishaydu ma qaban ee xaggay qabatay? Wiilkii baa raacdo galay oo ka soo hubiyey dukaanka iyo guryaha jaarka qaarkood. Wiilkii oo quusi ka muuqato ayaa hooyadii ku noqday, hooyo gabadhii mahayo cid sheegaysana ma arag. Xilligu uu ordayaa, durba laba saacadood baa ka soo wareegtay socodkii dhuumashada ee Cambaro. Islaantii Cambaro hooyadeed qaylo ayey miciin moodday oo jaarkii iyo qaraabadii ayaa muddo yar dabadeed ardaaga soo buux dhaafshay. Qaar ka tirsan dadkii soo gurmaday ayaa yidhi, aqalkii Xasna ma laga soo fiiriyey, gabadh firfircoon oo islaantu habaryar u tahay baa orod is qaadday oo soo hubisay, waxay soo ogaatay in Xasna fiid hore seexatay. Saacaddu gooray tobankii habeennimo tahay ayaa odaygii qoyska, islaantii, innamadii iyo dhammaan qaraabadii ogaadeen in gabadhu aanay magaalada joogin. Wax la goohaba u gu dambayn, qoyskii waxay is dareensiiyeen in gabadhoodii Cambaro ay Buux raacday.

Waagii markii uu dillaacay odaygii oo ay ka go’an tahay inantiisa la boojiyey[2] in uu soo dhacsado ayaa ku kallahay siligga, waxa uu la xidhiidhay qaraabadii kala joogtay Jabuuti, Dawanle iyo Cali Sabiix isaga oo war buuxa siiyey sidii ay arrini u dhacday. Waxa uu xoogga saaray qaraabada Cali Sabiix oo uu ka codsaday in aanay gabadhu halkaa dhaafin, haddii aan tol nahay maanta ii gurmada ayuu hadalka ku soo xidhay. Warkii baa la is wada gaadhsiiyey, xammaasad baa arrintii la geliyey. Go’aanka la gaadhay waa in Cambaro aanay Cali Sabiix dhaafin oo gacanta lagu soo dhigo. Cambaro waxay socodkii dhibta badnaa ku jirtaba 12kii habeennimo ayuu tareenkii ku soo dhawaaday Dawanle oo ku taal xadka kala qaybiya Jabuuti iyo Itoobiya. Sidaan kor ku soo sheegay xilligan waa toddobaataneeyadii bilawgoodii, dalka Itoobiya waxa ka arrimin jirey boqorkii Xayle Silaase oo isagu dadka Soomaalida si xun oo gumaysi ah ula dhaqmi jirey, sidaa daraaddeed xuduudaha ay ka tallaabaan dadka Soomaaliyeed si adag baa loo ilaalinjiray.

Dawanle berigaa waxa la keeni jiray askar lagu soo ballamiyey in aanay wax naxariis ah haba yaraatee u gelin dadka ka gudbaya xadka. Askartaa had iyo jeer waxa la soo sooci jiray qaar aan nixin oo wajiyadooda iyo hadalladooda ay ka muuqdaan naxariisdarro. Dhinaca Jabuutina gumaysigii Fransiiska ayaa ka amar ku taaglayn jirey berigaa. Askarta xadka ilaalisa ee Faransiisku waxay ahaayeen kuwa loo yaqaan leejooneer (Legion etrangere). Waa askar ay dawladda Faransiisku ka qorato dalal shisheeye ah. Waa niman ay naxariistu ka guurtay, ku darsoo weliba waxa ku jira qaar hooyooyinkood iyo aabbayaashood soo dilay. Waa askarta haddii Faransiisku dagaal galayo uu iska horreysiiyo. Labada geesba waxa ilaaliya waa askartaa aan soo sheegay. Cambaro wax sharciya oo ay xadka ku marto haba yaraatee ma hayso. Allow jid u bixi! Qummane sidaan kor ku soo sheegay waxa uu ka tirsan yahay koox dhallinyaro ah oo la yidhaa Yaacaay oo jaadka koontarabaanka ah geysa Cali Sabiix. Waa niman dalyaqaana ah oo sida haadka u fuula ugana dega tareenka, hawshooda markaad u kuurgashid baad ogaanaysaa inay tahay mid noloshu ku dirqiday. Haddeed waa Dawanle goobta lagu soo dhaw yahay, waa goobta nimanka Yaacaaydu sida haadka intay tareenka uga degaan ay duleedka uga maraan Dawanle si ay uga nabad galaan askarta xadka ilaaliya. Markan Qummane dan uu leeyahay uma socdo, waa Cambaro cidda uu jid marinayaa isaga oo weliba qaba dardaarankii ahaa qofna yaanu ogaan Cambaro meel kasta oo ay marayso. Hadduu tareenka sida haadka uga degi lahaa, Cambaro waa qof haweena oo ma karto. Farsamo kale ayuu adeegsaday, oo tolow waa mid caynkeeya? Tareenka waxa jiida oo kexeeya mashiin. Mashiinku waxa uu sameeyaa nakhas. Nakhaskaasi waxa uu raacaa qasabad ka samaysan tuubbo adag, gaadhi walba nakhasku uu sii dhex maraa oo midba midka kale ayuu ku xidhaa. Qasabaddaa oo loo yaqaan Baayoo.

Haddaba Qummane oo farsamadaa tareenku ku shaqeeyo aad u yaqaannay ayaa Baayooga gooyey[3] si uu tareenka dhanba u joojiyo. Way diyaargaroobeen isaga iyo Cambaro. Tareenkii uu istaagey dhulkuna waa madow gurcuda, intaan ilaaladii Faalitoogu soo degin ayuu intuu Cambaro garabka qabtay ka soo dejiyey, waa dalyaqaan guuraha ku baas oo weligiiba dhulkan lug ku mari jirey. Dhinaca bari ayuu abbaaray si ay xoogaa uga fogaadaan wax ilaalo ah oo ka hortimaad. Ciidammada Xabashidu waa sida digaagga oo habeenkii dhufaysyada kama baxaan oo way cabsoodaan ayuu Cambaro niyadda ugu dhisay. Cabbaar markay socdeen ayey haddana dhinaca woqooyi abbaareen oo Dawanle ayey dhinaca bari ka mareen. Dhulku waa buuraley waa dhulka loo yaqaan Casajoog. Qoorshaha uu Qummane wado waa inuu lug ku geeyo Cali Sabiix. Dawanle iyo Cali Sabiix socotada caadiga ah saddex saacadood bay ku qaadataa, hasayeeshee Cambaro oo ah gabdh aan weligeed socotayn saacado badan bay ku qaadanaysaa. Xadkii bay ka tallaabeen. Galiila oo ay joogaan ciidammadii Faransiiskuna dhinaca bari ayey ka mareen, waxase u muuqday

laydhkii tuulada ka baxayey. Allow nabad geli! Cambaro daalkii iyo caatadii ku dhacaysay marna Qummane kama dareemin oo waxa u hillaacayey Jacaylkeedii Buux. Intii ay socodka ku jireen oo dhan Qummane oo nin bulshaawi ah ayaa sheekooyin xiisale ku maaweelinayey si ay u illawdo jidka rafaadka iyo naxdinta badan, waxay sii socdaanba xilli ku beegan salaaddii subax ayey Cali- sabiix soo muuqatay.

Qalinkii: Cabdalle Xaaji Cismaan.

[1] Tareenka xamuulka ee xoolaha gura

[2] Laga dhacay

[3] Kala furay


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada