MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Gadhka Ragga oo Hoos-u-dhigga Khatarta Kansarka Maqaarka

man-beard-

Inkastoo dad badan oo adduunka ku nool, gaar ahaan raggu u haystaan in gadhka timaha ka soo baxa oo ku bata aanay xaragada ku wanaagsanayn, ayaa ay soo baxday cilmi-baadhis tilmaamaysa in gadhku uu ragga ka difaaco inuu ku dhaco kansarka maqaarku.

Daraasadu waxay tilmaantay in timaha gadhku ay wejiga ka difacaan fallaadha iftiinnada (UV rays) degaanka oo sababa kansarka maqaarka.

Cilmi-badhayaal u dhashay dalka Australia, ayaa ku dooday in ay ogaadeen in gadhku uu 95% ka hortago in fallaadha cadceedu maqaarka toos ugu dhacaan, kadibna ay dhaawac u geystaan unugyo badan oo maqaarka ah.

Cilmi-baadhistan oo ay hoggaaminayso Jaamacada Southern Queensland, waxa baadhitaankeeda lagu saleeyey sida fallaadhaha cadceedu u dhawacaan maqaarka, sababi karaana xannuuno uu kansarku ka mid yahay.

Prof. Alfio Parisi, ayaa wargeyska Mens Journal u sheegay in gadhku uu badbaado u yahay ragga, gaar ahaan uu ka hor tago kansarka maqaarka ku dhaca. Waxa uu intaa ku daray in timaha gadhku ay leeyihiin maado ka hortagta khatarta fallaadha (Ultraviolet Protection Factor (UPF).

Cilmi-badhayaashu  waxay xuseen in marka cadceedu aad u kulushahay, gaar ahaan waqtiga duhurnimada amma galabnimada ay timaha gadhku qofka ka difacaan fallaadhaha. Sidoo kale,daraasad oo lagu daabacay jariirada Radiation Protection Dosimetry, waxa ay tilmaantay in ragga gadhka leh ka badbadaan khatarka kansarka ku dhaca maqaarka, gaar ahaan wejiga.

“Gadhku waxa uu door yar ka ciyaaraa inuu difaaco fallaadha. Sidaa darteed, waxa ay u baahan tahay in baadhitaan dheeraad ah laga sameeyo sida uu wejiga amma maqaarka uga ilaaliyo in fallaadhaha cadceedu dhawacaan,” ayey tidhi Dr. Anjali Mahto oo La-taliye xannuunada maqaarka ku dhaca ka ah hay’adda British Skin Foundation.

Sidoo kale, cilmi-baadhis kale ayaa tilmaantay in haweenku aad u jecel yihiin ragga gadhka leh, marka loo eego kuwa iska xiira amma aan gadhku ka soo bixin.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada