MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Farriin Murugo Leh uu u Caalamka u soo Diray Nin Qoomiyada Rohingya ah ee Myammar Lagu Dhibaayo

“Bina’aadamku waa isku mid, diintu nagamay duwin dadka kale…..dhammaantayo bina’aadam baannu nahay , si isku mid ahna waannu u dhalanay,’ Mohammed Soye

53528280646245cf810b1541c75899be_18

Mohammed Soye waa 33 jir u dhashay tuullada Buhidaung ee Gobolka Rokhine ee dalka Myammar. Waxa uu ka mid yahay qoomiyada Rohingya ee xad-gudubyada ba’an loogu geysanaayo dalka Myammar. Waxa uu 10 maalmood u lugaynaayey dalka Bangladesh, isagoo dhabarka ku sida hooyadii oo 80 jir ah, kadib markii guryahoodii la gubay, qaar qoyskiisa ka mid ahna ciidammada millaterigu madaxa ka toogteen.

Mohammed Soye oo telefiishanka Al Jazeera la hadlay waxa uu farriin naxdin leh u diray caalamka, kaasoo uu ku cabiraayo noloshii dhibta badnayd ee uu soo maray, sida bina’aadaminimada iyo sida loogu baahan yahay in caalamku faragelin ku sameeyo kufsiga, xasuuqa, gubista iyo bahdilka qoomiyadiisa lagu hayo. Soye oo  farriintiisa oo Jamhuuriya idiin soo turjuntay waxay u dhignayd sidani;“Waxa aan ahaa beeralayda tuulada Buthindaung, sida dhaqanka u ah qof kasta oo Rohingya ah. Nalooma ogolayn xaqa shaqaysiga iyo xaqa waxbarashada toona, sidaa darteed kamaannu mid noqon karayn booliska, millatariga iskaba daa saraakiisha ciidammada’ ee.  Waxa qasab nagu ahayd in aannu beeraha ka shaqayno amma aannu balka gurno, fursad kale oo noo taalay may jirin.

Noloshaydu qaada ma dhergay ahayd, balse waannu iska noolayn xataa anagoon wax xorriyad ah haysan-noloshaannu la dalaa dhacaynay maalintii oo dhan.

Laba toddobaad ka hor, ayaa ciidammo millateri ah iyo koox bulshada Buddhist ah ay yimamadeen tuuladayadii. Waxa ay bilaabeen in ay nagu qayliyaan, noola hadlaan sidii aannu xayawaanka oo kale nahay. Guryahagii cariishyada ahaa mid mid ayey dab u qabadsiiyeen. Walaalkay sujuudaa laga toogtay anigoo toos u arkaaya, bartii baannu ku naf baxay. Intayadi badbaaday naftayadaannu la baxsanay, sababtoo ah laf ahaantayada sida ugaadha naloo layn lahaa.

Halkii nagu beegnayd baannu u cararnay. Wax war ah kamaannu hayn halka aanu u jihaysanay. Halkii cag iyo naftu na geyso uun baannu u socdaalaynay. Muddo 10 maalmood markaannu lugaynaynay ayaannu aakhirkii ku soo baxnay Bangladesh.

Hooyaday waa 80 jir, naafo ah (Paralyzed), waxa u raaca xiiq amma neef qabatimaw, sidaa darteed waxa qasab ahayd in aan dhabarkayga ku qaado oon xambaarsanaado ilaa intaannu gaadhaynay Bangladesh. Waxa aannu ka gudubnay saddex webi oon doon yar kaga tallawnay, inta kalena ee safarkayaga waannu lugaynay. Mararka qaar waxa aannu ku soo baxaynay ciidammo milatari oo aragtida nagu tooganaayey, sida ugaadhana waxay doonaan naga samaysanayey. Waqtiyada qaar waxa aannu seexanay kaymaha oo bahallo dad-qaad iyo khatar badan joogaan. Waxa mar walba nagu gadaanaa khatarro aad u badan, balse naf-la-caaridnimada ayaa nagu qasbaysay inaannu socdaalkayaga sii wado, aakhirkii waxaannu ka tallawnay xuduuda. shakhsi ahaan waxa aan dareemay degenaansho badan, maadaama aan Bangladesh cagaha dhigay. Haddii aan gurigaygii ku noqdo geeri baa iga dambaysa mar kastaba. Halkan bay noloshayadu  ammaan ku tahay.

Laakiin, xaqiiqadu waxa ay tahay Bangladesh waa degaan nagu cusub gebi ahaantayo- waxba kama garanayno dalka, aqoon ma lihin, mana garanayno waxa aannu halkan ka qaban karno oo quutal-daruuriga kula soo baxno. Sidaa darteed, haddii nabad ka dhalato Myammar, waxaannu door bidaynaa inaannu hoygayagii ku noqono oonnu garanayno dabeecadiisa.

Waan ogahay in dunida oo dhan daawanayso dhacdadan iyo masiibooyinka Rohingya, balse wali cidina dawladda Myammar cadaadis kumay saarin in ay joojiso xad-gudubka nalagu hayo. Dhab ahaantii, xataa ma doonayaan in xal loo helo, haddii la rabo hore ayaa loo arki lahaa, laakiin sababmay dawladaha caalamku cadaadis u saari wayeen iyaga (Myanmar)?

Farriintayda adduunka ku socotaa waa in bina’aadamku siman yahay, diintayaduna aanay naga dhigin kuwo ka duwan inta kale. Dadka Buddhists ah waxa ay leeyihiin dheecaan iyo dhiig sidayada oo kale. Sidaa darteed, haddii ay ugu nool yihiin nabad iyo xorriyad Myammar, sababmaannu ugu noolaan waynay annaguna? Dhammaantayo bina’aadam baannu nahay, si isku mid ahna waannu u dhalanay.,” ayuu ku soo gebagebeeyey farriintiisa.

Ku dhawaad 270,00 (Laba boqol iyo toddobaatan kun) u badan carruur iyo haween, ayaa u qaxay dalka Bangladesh labadii toddobaad ee u dambeeyey, kadib markii xad-gudubyo aan loo meel dayin lagula kacay shacabka Rohingya. Ciidammada Myammar oo garabsanaaya bulshada Buddhist ah ayaa dhibaatooyinkan kula kacay dadka Muslimiinta ah ee Myammar.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha Xuquuqal-insaanka, ayaa sheegay in falalka ciidammada Myammar ku kacayaan ee dilka, kufsiga iyo gubitaanka tuulooyinku ay ka mid yihiin calaamada ‘Isir Tirtirista.’ Waxa bulshada caalamka loogu baaqayaa in ay cadaadis saraan Madaxweyne Aung San Suu Kyi iyo dawladeeda xad-gudubka ku kacaysa.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada