MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Dhul-gariir Dabiici ah oo la Mooday Nugliyeer uu Tijaabiyey Dalka Woqooyiga Kuuriya

Seul (MK)-Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 3.4 magnitude oo ka dhacay gudaha xadka dalka Woqooyiga Kuuriya, ayaa sababay cabsi xooggan oo la soo derista dalalka aan cillaaqaadka la lahayn waddankaas, kuwaas oo moodayey in dhul-gariirkaasi yahay tijaabo nugliyeer ah oo uu mar kale sameeyey maamulka Woqooyiga Kuuriya.

Dalalka Koonfurta Kuuriya, Japan (Jabaan) iyo wadammada kale ee xulafada la ah Maraykanka, ayaa dhul-gariirka ka dhacay gudaha waddanka Woqooyiga Kuuriya Sabtidii shalay u qaatay inuu yahay tijaabo cusub oo nugliyeer ah, iyadoo arrintaasina cabsi xooggan oo fulaynimo ka muuqato ka dhex abuurtay dalalka ka soo horjeeda siyaasadaha iyo tallaabooyinka millatari ee uu qaadayo dalka uu hoggaamiyo Mr. Kim Jong Un.

Hasa yeeshee, waaxda saadaasha hawada ee waddanka Koonfurta Kuuriya, ayaa baadhitaan ay sameeyeen kadib ku oggaaday in waxa ka dhacay gudaha Woqooyiga Kuuriya uu yahay dhul-gariir dabiici ah, balse aannu ahayn nugliyeer la tijaabiyey, maadaama oo waxa la dareemay yahay shucaaca dhul-gariirku sababo ee ka soo baxa qaaxada hoose ee dhulka (Seismic waves), isla markaana aan la dareemin wax jabaq-shucaac ah (Sound waves).

Cabsida ka dhalatay dhul-gariirka dabiiciga ah ee ka dhacay dalka Woqooyiga Kuuriya shalay, ayaa ka dambeeyey hadalo kulul oo ay isweydaarsadeen madaxda dalalka Maraykanka iyo Kuuriya, kadib markii Madaxweyne Doland Trump khudbad uu ka jeediyey furitaankii shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ku hanjabay inuu burburin doono Woqooyiga Kuuriya haddii ay falal daandaansi ah ula yimaadaan dalkiisa, balse maamulka sare ee dalkan cuno-qabatayntu saaran tahay ayaa ku hanjabay inay mar kale tijaabin doonaan hub nugliyeer ah, taasoo dhegta loo taagayey maalmihii u dambeeyey, waana arrinta sababtay in dhul-gariirka dabiiciga ah loo qaato tijaabo nugliyeer.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com

 


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada