MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Cilmi-baadhis: Haddii aad Habeenkii Seexato Adoo Cadhoonaya Hurdo Wanaagsan Helimaysid

Daraasad cusub oo hadda la soo saaray, ayaa lagu ogaaday in dadka iyagoo cadhoonaya hurdo doonta habeenkii aanay helin hurdo wanaagsan.

Waxa daraasadu sheegtay in dadkan cadhada iyo isku buuqa maskaxda kaga furnaa ay ku adkeeyaan in ay degenaan dareento maskaxdu, kadibna uu qofku si fiican u seexdo. Xataa jidh ahaan waxa ay dadkan dareemaan daal marka ay soo toosaan, maadaama aanay maskaxdu dareemin oo wadnaha garaaciisa iyo maskaxduba aad u shaqeeyeen.

Khubaro kasmo-nafeeda (cilmi-nafsiga) ku takhasusay oo ka tirsan Jaamacada Iowa State University, ayaa daraasadoodan ka qaaday 436 qof oo si mutadawacnimada ah cilmi-baadhista uga qaybqaatay, kuwaasoo baadhitaan lagu waday, kadib markii ay dhammaystireen xog-ururin  ay ku jireen su’aallo cadho sababaayey.

Jariirada Research in Personally, ayaa daabacday maxsuulka daraasadan oo lagu sheegay in la helay caddaymo tilmaamaya in haddii qofku cadho ku hurdo tago ay hurdadu ka xumaanayso, isla markaana ay hurdo wanaaga iyo xaalada qofku waqtigaas ku jiro ay xidhiidh leeyihiin.

Cilmi-baadhista dadka lagu tijaabiyey waxa la waydiiyey su’aallo u qaabaysan in ay si fudud qofka uga cadhaysiin karaan, waxaana loo kala qaybiyey kuwo aan cadhoon iyo kuwa cadhooday, kadibna waxa la ogaaday in kuwa cadhooday aannay hurdo fiican helin, marka loo eego kuwa aan wax cadho ah daremin.

Xafiiska maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada