MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Basaaskii 30 Sanno oo Xabsiga uu ku Jiray Wax Kastoo Lagu Sameeyey Aragtidiisa Laga Beddeli Kari Wayey

90 basaaska

90 jir basaas ah oo u dhashay dalka Waqooyiga Kuuriya, isla markaana laba jir Koonfurta Kuuriya ku xukumeen xukun dil ah, kadib markii ay ku heleen falal basaasnimo, ayaa dalbaday inuu ku noqday dawladda Pyongyang si uu halkaas ugu dhinto, halka uu kaga dhiman lahaa Koonfurta Kuuriya.

Seo IOk-Ryol waxa uu soddon sannadood oo cimrigiisa ka mid ah ku qaatay xabsiga, inta badana waxa uu ku jiray qol cidlo ah oo aan maxbuus kaliya ku weheliyin oo Koonfurta Kuuriya ku yeelay, balse waxa la sii daayey markii uu saxeexay dhaar uu muujinaayey inuu daacad u yahay dawladda Seoul.

Hawlgabkan waxa uu ku adkaystay in aannu wax khalad ah samaynin, balse uu jeclaa dhulkii uu asal ahaan ka soo jeeday, sidaa darteedna uu doonaayo inuu Waqooyiga Kuuriya ku geeriyoodo.

Waxa uu ku dhashay halka iminka loo yaqaan KoonfurtaKuuriya, halkaas oo uu wali ku leeyahay dad qaraabo ah, balse wuxuu ahaa askari iyo basaas Waqooyiga Kuuriya daacad u ah, halkaas oo uu kaga yimi xaas iyo laba carruur ah. Seo waxa uu astaan iyo tusaale u yahay kala qaybsanka labadan dal, taasoo dad badan oo Kuuriyaan ah ay haysato xaaladan, kuna qasabtay in taariikh iyo siyaasadoodu kala qaybsanaato.

Koonfurta Kuuriya waxa ay mastaafurisay 60 beeroolo oo maxaabiis u ah oo ka mid ahaa 2000 maxbuus oo badankoodu ah askar, jab-had iyo basaasiin, kuwaasoo mastaafurintooda ay saamaxday heshiiskii Inter-Korean Summit ee labada dal wada gadheen.

Seo sharcigaan ma qaban, sababtoo ah waxa uu saxeexay dhaar uu ku muujinaayo inuu daacad u yahay Koonfurta Kuuriya, sidaa darteedna sabab u noqotay in xabsiga laga sii daayo, dhalashana uu helo.

Xubno u dooda xuquuqal-insaanka, ayaa u ololaynaaya in Seo iyo 17 maxbuus oo kale oo hadda wayeel noqday oo wali daacad u ah dawadda Pyongyang in xuquuqahooda la siiyo- xubinta ugu weyn waa 94 jir ah- gaar ahaan in ay guryahoodii ku noqdaan.

Haddaba, Seo waxa uu ku dhashay Jasiirad ku taal dalka Koonfur Afrika, balse waxa uu isagoo arday ah noqday dadka aadka u jecel aragtida Hantiwadaaga (Communist), gaar ahaan waxa uu ka mid ahaa aqoonyahankii Jaamacada Seoul Korea University, waxaannu ku biiray ciidamadii waqooyiga waqtigii uu socday dagaalkii Kuuriya. Waxa uu ka mid ahaa xubnihii aadka ula dagaalamay ciidammadii Amerikaanka ee hoggaaminaayay ciidammada Qaramada Midoobay ka socday.

Waxa uu aakhirkii ku biiray xisbul-xaakimkii Waqooyiga Kuuriya, waxaannu noqday macallin wax ka dhiga Pyongyang, balse waxa laga helay geesinimadiisa, waxaana loo tababaray sirdoonimo, gaar ahaan waxa la geeyey dugsiga lagu tababaro mukhabaraadka sannadkii 1961-kii.

“Waa in aan tegaa, si aan xaaskayga u soo nabadgelyeeyo,” ayuu yidhi isagoo aad u jecel inuu dalkiisa ku noqdo.

Balse, sababta keentay in dib loo celiyo waxa ay ahayd waxa loo soo dirsay hawlgal ka dhan ah Koonfurta, gaar ahaan inuu saraakiisha sare ee xukuumadda ka tirsan ka dhigo basaasiin waqooyiga u adeega. Waxa ka mid ahaa walaalkii oo Waqooyiga basaas u noqday, kaasoo Seo si qarsoodi ah uga geliyey Koonfurta xuduuda, gaar ahaan webiga Yeomhwa oo labada dal isku xidha, halkaasna waxa uu kula kulmay waalidkii iyo xubno kale oo qoyskiisa ka mid ah.

Walaalkii intii aannu xogta siin waxa uu ahaa nin aad u baqaaya, sababtoo ah marna muu doonayn inuu qoyskiisa khatar geliyo.

“Walaalkay waxa uu aad u danaynaayey inuu aniga dartay u dhinto xataa. Waxa aan dawladda u sheegay inuu xilliyadii dagaalka dhintay,” ayuu yidhi Seo, laakiin walaalkii dawladda waxba umuu sheegin, iyadoo waliba haddii qof muwaadin ah la xidhiidho Waqooyig Kuuriya xataa qaraabadiisa ay ahayd dambi lagu mutaysan karo xabsi daa’in.

Hawlgallo badan oo uu Seo doonayey way dhicisoobeen, sidaa darteed waxa uu bil joogay Koonfurta Kuuriya. Waxa gacantiisa ku jiray buug siro badan ku duugnaayeen. Waxa uu helaayey farriimo radaal ah oo ku amraayey inuu dib u soo noqdo, balse waxa uu aakhirkii aqbalay inuu dib u soo noqdo. Waxa lagu armay inuu sugo doon soo qaadi lahayd, balse wuxuu waayey doontii badbaadinaysay. Waxa uu isku dayey inuu dabaasho si uu u baxsado, balse waxa dib u soo celiyey mawjadaha webiga, isagoo aakhirkii bilaa awood ahna waxa mawjaduhu keeneen daanta Koonfureed, halkaas oo ciidammadii ilaalada biyaha Koonfurta Kuuriya gacanta ku dhigeen.

“Marka aad basaas tahay, waxa kugu waajib ah inaad is disho ood sun liqdo amma aad hubkaaga isku disho,” ayuu yidhi Seo, waxaannu intaa ku daray, “Xataa maan haysan waqti igu filan oon isku dilo.”

Seo waxa uu sheegay in muddo bilo ah si adag loo warraysanaayey oo xataa jidh dil ay ka mid yihiin garaacis iyo in hurdada iyo cuntada loo diidaba, ka hor intii aan maxkamadda millaterigu ku xukumin dil, maadaama lagu helay dambi basaasnimo ah.

Waxa lagu xidhay seelo, waxaana la siinaayey cunto aad u nafaqo darran sida bariis aad u yar yar oo milixdu ku badan tahay, waxa kale oo meelo agtiisa ah ku xidhnaa basaasiin kale oo Waqooyiga Kuuriya ah.

Sannadkii 1963kii, ayaa Seo lagala noqday xukunkii dilka ahaa, sababtoo ah waxa uu ahaa basaas carbis ah oo u guul darraystay hawshii loo soo diray. Laakiin, waxa mar kale xukun dil ah dib loogu xukumay sannadki 1973kii, maadaama uu isku dayey inuu maxaabiis kale aaminsiiniyo aragtida Hantiwadaaga.

“Hooyaday waxay ku geeriyootay xabsiga, markii Xeer-ilaaliyayaashu ku celceliyeen oo dalbadeen in xukun dil ah la igu xukumo, garsooruhuna uu xukunkaas go’aamiyey,” ayuu Wakaaladda Wararka ee aFP u sheegay mar ay warraysi la yeesheen.

Waalidiintii waxa ay iibiyeen gurigoodii si ay u bixiyaan lacagta ku baxaysa qareennada difacaaya, balse waxa ay geeriyoodeen isagoo xabsiga ku jira.

Maadaama Koonfurta Kuuriya kaligii taliye ka jiray, waxa maxaabiista gacanta lagu dhigo lagula kacaayey xad-gudubyo, iyadoo waliba ay doonaayeen in ay dib wax u baraan oo maskaxdooda ku mudaan aragti kale, gaar ahaan maxaabiistii 1970aadkii gacanta lagu hayey. Maxaabis badan waa lagu guulaystay in la jebiyo, balse Seo oo waliba carbis ahaa marna waa lagu guulaysan waayey, isagoo waliba ishiisa bidix ku waayey dab wejiga lagaga gubaayey si uu xog u bixiyo.

“Waxa ay ii sheegeen in aan iyaga u adeego, iyagoo ii ballanqaaday in ay ii ogolaan doonaan in ay adeeg caafimaad I siiyaan. Waan diiday. Xataa anigoo ishayda bidix ku waayey, waa inaan ku dheganaada mabaa’iidayda iyo waxa aan aaminsanahay. Aragtidayda siyaasiga ah way ka qiimo badan tahay xataa naftayda,” ayuu yidhi Seo.

Muddo soddon sannadood ah markii uu xabsiga ku jiray, ayaa Seo uu ogolaaday heshiisyadii loo bandhigaayey, waxa uu 1991 aqbalay inuu u hoggaansamaayo sharciga Koonfurta. Waxa lagu sii daayey hannaanka sii-daynta shuruudaysan (Parole), kadib waxa uu degay magaalada Gwangju, isagoo ku dhawaaday goobtii uu ku dhashay ee walaaladii ka dhawaayeen, balse mar walba waxa uu maanka ku hayaa inuu ku laabto xaaskiisa iyo wiilashiisaba oo Waqooyiga Kuufriya jooga.

Marna ma uu joojin daacadnimadii uu u hayey Waqooyiga Kuuriya, waxaanay dawladda iyo cid kasta oo ciqaabtay ku fashilantay in ay go’aankiisa ka beddesho. Waxa uu aad u neceb yahay dawladda Maraykanka iyo xulafadeeda.

Wararka qoyskiisa waxa u sheegtay haweenay Jarmal ah oo magaalada Pyongyang booqatay. Muddo yar kadib markii xabsiga Seo laga sii daayey ayey haweenaydan u sheegtay in xaaskiisa iyo wiilashiisu wali nool yihiin, balse waxa ay kula talisay in aannu isku dayin la xidhiidhkooda oo aannu noloshooda khatar gelin.

Seo oon wali guursan, ayaa suxufiyiintu waydiiyeen waxa uu ku odhan doono xaaskiisa haddii uu dib u arko, isagoo aad u naxay, ayuu ku jawaabay; “Waxa aan jecel yahay inaan ku idhaahdo… waad ku mahadsan tahay inaad wali nooshahay. Waan kuu xiisay. Maan rajaynayn in aan muddo dheer kadib kula kulmo.”

W/T: Ibraahim Khadar

Xafiiska Maankaab


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada