MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Somaliland: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Iclaamiyey inta Maalmood ee Shaqaalaha Fasax ay ahaan Doonaan

Hargeysa (MK)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Qaranka Md. Sharmaarke Geelle, ayaa sheegay in muddo saddex maalmood ah shaqaalaha dawladdu fasax ahaan doonaan Iida Arafo aawadeed.

Guddoomiyaha oo  ka hadlaya arrintaasna wuxuu yidhi;“Waxa aan doonaynaa in aynu ku iclaamino maalinta Jimcaha oo iidda ah ay sidii fasaxa ciidda noqon doonto, Sabtida iyo Axadda ku xigtana ay noqon doonaan laba maalmood oo fasax oo Iida aynu u fasax ahaan doono, Isniintuna ay noqon doonto maalinta shaqada qaranka lagu soo noqonaayo. Berri oo ah maalinta Carafa la taagan yahay, dadkuna intooda badan soomayaan, waxa aynu shaqayn doonaa maalin badhkeed.”

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada