MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Maayirka Hargeysa oo Sheegay in aanay Aqbali Doonin Xoolaha Nool ee Lagu Dhex Haysto Caasimadda Somaliland

Hargeysa (MK)-Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in xoolo nool lagu dhex haysto magaalada gudaheeda.

Maayar Soltelco oo ka hadlay goob laga dhagax-dhigay dhisme hangarro ah oo loo dhisayo ganacsatada khudradlayda ee suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa shalay, ayaa ku hanjabay inay tallaabo ka qaadayaan xoolaha nool ee ku sugan gudaha caasimadda haddii muddo saddex maalmood ah dadka leh kaga saari waayaan.

“Xoolo dambe oo magaalada lagu dhex haysto ma aqbalayno, dadku waxay markii hore yidhaahdeen abaarta darteed baanu u soo galinay magaalada, maantase abaartii way jabtay, markaa maanta laga bilaabo aqbalimayno neef xoolo ah magaaladaa dhex jooga, qofka saddex casho gudahood kaga kaxaysan waaya xoolaha magaalada dhexdeeda yaanu hadhow soo raadin,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Soltelco.

Dhinaca kale, Maayarka caasimaddu waxa uu faahfaahin ka bixiyey dhismaha suuqa khudradlayda iyo cidda bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya oo gaadhaya laba boqol oo kun oo dollar, waxaannu yidhi, “Dadweynaha halkan jooga ee hooyooyinka u badan ee sugaya in wax loo qabto, waxaan leeyahay waxqabadkii aad dalbateen waanu ka jawaabaynaa iyadoo uu hormood noogu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaynu ku ballansanayn in halkan laga dhiso hangarradii khudradda, mashruucaasi wuu soo dhammaaday iyadoo ay iska kaashanayaan dawladda dhexe, dawladda hoose iyo shanta hay’adood ee nagula jira mashruuca JPLG (mashruuca horumarinta dawladaha hoose ee dalka), markii hore waxaannu ugu talogalnay in lagu maalgaliyo 149 kun doollar waxase lagu kordhiyey 51 kun oo waxay noqonaysaa 200 kun oo doollar lacagta halkaa lagu maalgalinayaa, waa hanti aad leedihiin, way innaga wada dhaxaysaa oo wixii ummadda, hooyooyinka halkaa fadhiyey ee siigadu ku dhici jirtay ayaana manaafacaadsanaya, markaa inta dhismaha mashruucu socdo waa in la dulqaato.”

Xafiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada