MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Maanso: Alle ka Cabsi

Madamaa aynu nahay dad Muslim ah,waxaa fiican in aynu waxbadan iska wacdina waxna isaga sheegno khaladaadka faraha badan ee aynu galayno inta aynu Aduunka joogno, iyo inaga oo markasta ilaabayna ama hilmaansanba in ay Jirto Aakhiro iyo xisaabtii Alleh in ay danbayso.

Maansadan la magac maxday Alla ka cabsi,waxaa tiriyey Abwankeenii waynaa ee qaaliga ahaa Yuusuf Roobleh Xirsi (Sandoon) Abwaanku waxa uu maansadan inagu tusayaa faa’iida darada ay Dunidu leedahay hadii laga leexdo jidkii iyo toobiyahii uu Rabbi u jeexay;taasi oo hadii ay dhacdo lagu naar mudanayo.

Waxa kaloo uu Abwaanku inagu baraarujinayaa in aynaan noqon kuwo nolosha Aduunka oo kaliya isu dhiiba,balse aynu xasuusnaano nolosha danbe iyo Aakhro oo iyadu ah halka kaliya oo Aadanaha deegaanka iyo degalka u noqonaysa.

Waatan maansadii “Alle ka Cabsi.

Caalamu shahaadiyo khalqigan kaa cajabinaaya

Cilmi kuugu filan Eebbahay kuu calaamadiye

Aayado caddanaa horyaal caalamkoo idile

Cawskuba marbuu doog ahaa midab cagaarweyne

Cajeb-buu lahaa muuq indhuu ku cokanaadaane

Isagaba caddaanbaa u xigey doorshey curubtiiye

Cawlaanta iyo daadashadu cimilo weeyaane

Cimri noole wuu madhanayaa waayahaa cuna’e

Wakhti cararayaa nolosha sida oon la celinayne

Caabiru-sabiil baynu nahay galab carraabaaye

Inaan cidi ku waarayn Adduun laga carceeraayo

Cisha noolba maydbaa qabriga lagu cabbeeyaaye

Oo ciidda lagu boobayaa lagu cadaadshaaye

Ruux kugu casiisaa turaab lagu cayuuqaaye

Cidladaana kaga soo tagaa ciirsi kii xigaye

Cibro qaadashiyo kuugu filan waano tii culuse

Ninkii cuud lahaa iyo ninkii nolosha caarcaaray

Caydh iyo ninkii maal-lahaa ceelalyo u simane

Inuu ka cokanaadiyo inuu naar dab ka cantuugo

Ninba ceelka uu sii qotuu ka cokanaadaaye

Cindallaahi buu ugu tagaa camalladiisiiye

Cusaatka iyo gaalada dhammaan caasi iyo daallin

Ciddii madax adkayd ee xaquba uu cajebinwaayey

Ciyaarta iyo dheeldheel kuwii cabaska jeesjeesay

Cadaab daran ayuu caadilkay kaga cadgoostaaye

Ciqaabtoodu waa naar cuntuu kaga cabaadshaaye

Ciilkaambigoodiyo shallaay cidhib xumaantooda

Allahayoow i celibuu yidhaa aan ku caabudo’e

Maya baa codkuu yidhi jawaab looga celiyaaye

Rabbigii qofkii caabudee kana cabsoonaayey

Cibaadada Ilaahay qofkii khayr u cararaayey

Cisi sharafle maamuus ayaa lagu casuumaaye

Jannaduu camiray ee Raxmaan gelin cibaadkiisa

Laa caynun ra’at lagu cabbiray caynad lagu sheego

Dhegna cidi ka maqal oon codiyo sawt cayimay sheegin

Arrin aan caqligu keeni karin cidina suuraynin

Iyo xuurun ciintii hablaa qurux la ciiraayaa

Cuqba daar ayuu cidhib-samaan kula caweeyaaye

Cadho malaha ciishood cidhiidh dhibiyo ciirciire

Cillad iyo xanuun cudur ma jiro kaa cakirayaaye

Calafkiisu waa kaa addoon Diinta caashaqaye

Allaah ka cabso khayr waad cayimi laabta kuu cula’e.

W/C:  Abwaan Yuusuf Rooble Xirsi (Sandoon)


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada