MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

La Qabatinka Isticmaalka Internetka oo Lagu Bukoodo, Lagana Qaado Lafa-garaac iyo Hargab

typing-internet-harassment

Qofka oo waqti aad u badan internetka isticmaalkiisa ku qaata waxa uu ku keena inuu qaado Hargab amma lafa garaac sida ay ka digeen dhakhaatiir arrintan cilmi-baadhis ku samaysay.

Dadka la qabatimay isticmaalka internetka waxa inta badan soo haleela xannuuno badan, sababtoo ah waxa hoos-u-dhac ku yimaada hab-dhiskodoa difaaca cudurrada.

Cilmi-badhayaal ka socday Jaamacada Swansea iyo Milan, ayaa rumaysan in dadka badsada amma la qabatima internetka isticmaalkiisa ay ku dhacaan xannuuno, isla markaana hab-dhiskooda difaacada cudurradu hood u dhaco.

Khubaradan waxay sheegeen in dad dhex gal la’aanta iyo waqtiga aanu u helin inuu dibada u baxo ay keento in jidhkiisu jeermiska u sahlanaado, sababtoo ah daraasado hore waxay xaqiijiyeen in dadka in badan internetka ku dul qaata hurdo la’aan ku dhacdo, cunto xumo, isla markaana jimicsigu ku yaraado, aakhirkana uu noqdo qof balwadaha sigaar cabista iyo khamriga ku dheereeya.

Daraasadan waxa ay intaa ku dartay in dabeecadaha internetka qofku kala kulmo ay dhaawac u geystaan hab-dhiskiisa difaaca, isla markaana uu u nuglaado xannuunada.

“Waxa aanhelnay in saamaynta internetku caafimaadka ku leeyahay ay ku xidhan tahay inta uu qofku isticmaalo, tusaale ahaan haddii uu la qabatimo waxa uu ka qaada isku-buuq, hurdada ka tagta, kelinimana wuu dareema, aakhirkana caafimaadkiisa ayaa waxyeelooba,” ayuu yidhi Prof. Phil Read oo ka mid ah khubarada daraasadan samaysay.

Cilmi-baadhistan oo lagu qiimeeyey 500 qof oo da’doodu 18 ilaa 101 sannadood u dhaxayso, waxa lagu ogaaday in dadka aadka u isticmaala internetka ay la kulmaan xannuunada ay ka midka yihiin hargabka, lafa-garaaca amma duriga, marka loo eego kuw aaan iyagu aadka u isticmaalin.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada