MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Jebiyihii Dabarka Nololeed: Mark Iglis

6372

Kelmado kaliya kuma filna in lagu sharraxo geesinimada iyo dhiiranaanta dhabta ah ee Mark Inglis. Waa ninkii ugu horreeyey ee isagoo labada lugood aan lahayd buura-koreen noqda, gaar ahaan waxa uu bishii May 2006 noqday qofkii ugu horreeyey ee buuraha dhaadheer ee Everest kora. Sheekadiisu waxa ay dhiirigelin nololeed u tahay boqolaal qof oo naafo ah iyo kuwo badan oo waayey rajada ka midho dhalinta hamiyadooda.

Mark Iglis oo u dhashay dalka New Zealand waa nin aannu qaban qabad nololeed ee hor taagnayd, lugo la’aantuna aanay rajo beel ku ridin. Waxa uu September 27, 1958-kii ku dhashay magaalada  Geraldine ee dalka New Zealand. Mark Joseph Iglis waa ilmaha saddexaad ee ugu yar qoyskooda. Waxa uu shahaadada koowaad ee digriiga ka haystaa Jaamacada Lincoln University ee dalkaas. Waxa uu dhigtay cilmiga Human Biochemistry. Sannadkii 1979kii, waxa uu Mark bilaabay shaqadada ah baadhitaanka xirfadaysan iyo badbaadinta dadka buuraha ku luma amma khatarta ku gala.

Shaqadaas isagoo si fiican u haya, ayaa noloshiisa isbeddel ku yimi 1982kii, kadib, markii lugaha uu la galay bohol baraf ah (God baraf buuxiyey),  waxa ku weheliyey oo bohosha kula dhacay  Philip Doole, waxaanay muddo 13 maalmood ah lugaha kula jireen bohoshaas, iyagoo sugaayey cid badbaadisa. Labadoodaba waxa ay si xun uga dhaawacmeen lugaha, aakhirkiina waxa laga jaray labada lugood, gaar ahaan jilibka inta ka hoosaysa oo dhan.

Lugahaas la jaray kama ay dhigin mid niyad jaba, balse waxa noqday cilmi-baadhe aad ugu takhasusay culuumta kiimikada noolaha (Human Biochemistry). Waxa uu aakhirkii ka mid noqday dadka aadka ugu xeel-dheer samaynta khamriyada kala duwan. Muddo toban sanno ahna waxa uu ka shaqaynaayey shirkad khamriga soo saarta oo la yidhaa Montana.

Waxa uu ka qaybgalay tartanka barafka (Ski Competition), taasina waxay u horseeday inuu ku guulaysto abaalmarin silfar ah oo lagu bixiyo tartanka naafada Sydney (Paralympics games) sannadkii 2000. Waxa kale oo uu  sannadkii 2002  ku guulaystay tartanka fuulida buurta Aoraki/Mount Cook.

Waxa uu aad u jeclaa tartanada buuro fuulista, isagoo waliba labada lugood aan lahayn, balse guusha waxa u horseeday marna uma uu arkayn in lugo la’aantu caqabad ku tahay. Bishii September 2004, oo ku beegnayd sannad-guurada 45aad ee dhalashadiisa waxa uu ku guulaystay inuu fuulo buurta CHO-OYU figteeda sare oo ah buurta lixaad ee ugu dheer adduunka, waxaannu noqday qofkii labaad ee buurtaas isagoo aan lugo lahayn fuula.

Wax mar walba garab taagnaa xaaskiisa iyo saddexdiisa carruur ah oo guusha la jeclaa. Inta badana waxa uu caan ku ahaa dhexgalka bulshada, isagoo khudbado u jeedin jiray ardayda iyo bulshada, una sheegi jiray sirta la isaga jebiyo niyad-jabka.

Marna kuma uu joogin fuulista buurahaas, sababtoo ah waxa uu u tababaran jiray sidii uu u fuuli lahaa buurta ugu dheer koomka, waa buurta Everest oo sidoo kalena loo yaqaan Nepal. Buurtan waxa ay heerka badda ka sarraysaa 8,848 mitir (Above the Sea Level).

Waxa uu hamigiisan bilaabay May 15, 2006 oo mar walba uu hamiga ku hayey inuu guushiisa gaadho. Muddo 47 maalmood ah ayey ku qaadatay inuu buurtaas figta uga baxo, intaas oo dhana wuxuu ku sii jiray fuulisteeda. Waxa uu noqday qofkii ugu horreeyey ee lugo aan lahayd ee buurta Everest kora.

Inta aanu gaadhin halkii uu doonaayey inuu buurta Everest ka gaadho wax aka ka jabay mid ka mid ah biraha cagaha ugu jiray (Carbon Fibre Prosthetic leg). Si ku meelgaadh ah baa loogu sii kab kabay oo dadkii wehelinaayey ugu sameeyeen, aakhirkiina wuu gaadhay guushii uu ku hamiyaayey. Waxa uu noqday nin taariikhdu xusto. Si yididiiladiisu aanay u hadhin waxa uu qoray buuggaag ay ka mid yihiin; 1) No Mean Feat 2) To the Max 3) Off the Front Foot 4) No Legs on Everest.

Kaligii ma uu ahayn ragga yididiilooyinkan oo kale la yimi ee naafada ahaa. David Lim oo ahaa nin u dhashay dalka Singapore, caana ku ahaa buuro-fanashada, waxa hayey xannuun la yidhaa Buillian-Barre Syndrome. Waa xannuun dhif ku ah caalamka oo haleela hab-dhiska neerfisyada.  Cudurkan dartiis waxa naafo ahaa labada indhood.  Waxa ku sii fiday cudurkan, waxa uu muddo lix bilood ah ku jiray cusbitaalka, iyadoo aakhirkii lugaha qaybo ka mid ah curyameen.

Sannadkii 199, waxa uu dib u bilaabay buuro fuulistiisii, isagoo waliba naafo ah, waxaannu noqday qofkii ugu horreeyey ee Singapore loo aqoonsado buuro-fanashada ugu firfircoon ee kor uga baxa 50 buurood oo aad u dhaadheer.

Waxa kale oo ka mid ahaa dadka aan lugo la’aantu dabarka ku noqon, Daniel Reilly oo ah wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Ingiriiska. Sannadkii 2005 oo uu 18 jir ahaa, waxa uu bilaabay bilaabida samaynta diyaarad isaga u gaar ah. Waxa uu ku dhex shaqaysan jiray qolkiisa hurdada.

“Fikrada samaynta diyaarad ii gaar ah waxay ku bilaabantay si kaftan ah, markii asaxaabtaydu igu yidhaahdeen waa inaad dadka dushooda socotaa. Waxa aan samaystay qorshe ganacsi oo ii gaar ah, kadibna waxaan la xidhiidhay la-taliye maaliyadeed, haddana guushii diyaarad ii gaar ah inaan samaysto waan gaadhay.”

W/D: Ibrahim Khada

 Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada