MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Hargeysa: Booyadaha iyo Gaadhi-dameerka oo Lagu Amray in Aanay Kordhin Karin Qiimaha Biyaha

“Wakaaladdu biyaheeda may kordhin oo foostada gaadiidlaydu waxay ku soo qaataan 3000/= SLSH, haddii ay ku iibiyaan 20,000 SLSH xaq maaha ee waa dulmi”

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Hargeysa (MK)- Masuuliyiin kala duwan oo dawladda ka tirsan, ayaa ka hadlay qiimaha biyaha ay gaadiidka booyaduhu kaga iibiyaan shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ah isha intooda badani ka helaan biyaha ay isticmaalaan.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) iyo Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Cabdiqani Ciise Ismaaciil (Ganay) oo kulamo kula qaatay xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa guddiyada gaadiidlayda biyaha u dhaamisa caasimadda shalay, kuwaasi oo lagaga hadlayey qiimaha lagu iibiyo biyaha oo la sheegay in gaadiidka qaarkood ka kordhiyeen intii markii hore ay ahaayeen, waxaanay masuuliyiintaasi wadajir ah meesha uga saareen inuu jiro wax iska beddelay xaddiga lacagta laga siiyo dadweynaha biyaha habayaraatee.

“Waxa jirta in gaadiidka biyuhu qiimo aan macquul ahayn ay mararka qaarkood ku iibiyaan, taana waxaannu u sheegaynaa dadweynaha in aanay kaga iibsan qiimahaasi, Wakaaladdu biyaheeda may kordhin oo foostada gaadiidlaydu waxay ku soo qaataan 3000/= ShL, hadday 20,000 ShL xaq maaha ee waa dulmi, kuwaasi waa biyoolaha wata dameeraha iyo kuwa gaadiidka yaryar, arrintaasi yeelimayno, wakaalad ahaana waanu ku dabagalaynaa. Dadweynahana waxaannu ka codsanaynaa in ciddii qiimaha sidaas ah wax kaga iibisa inay u soo gaadhsiiyaan wakaaladda kolba siday u soo wargelin karayaan,” ayuu yidhi Maareeye Daarood, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Guddiga booyadlayda waxaannu isla afgaranay wax qiimo ah oo ay kordhiyeen in aannu jirin, isla markaana aannu jiri doonin qiime lagu kordhiyo biyaha.”

Waxa kaloo uu sheegay in ay wakaalad ahaan wax ka qaban doonaan caqabadaha soo wajaha gaadiidlayda booyaha biyaha ka soo dhaamiya meelo ka baxsan caasimadda ee saamixi kara inay kordhiyaan qiimaha biyaha, waxaannu yidhi, “Booyadaha iyaga laftooda culays baa ku soo kordhaya oo meelaha ay biyaha ka soo qaadayeen way waddooyin xun yihiin, balse iyagu dadkooda ayey u adeegayaan runtii oo ay waraabinayaan sidaa wakaaladda, balse Wakaaladdu si dhaw bay ula socotaa arrimahooda oo si aannu u taageerno meelaha ay biyaha ka soo helayaan waxay wakaaladdu ka hawlgali doontaa sidii ay ugu diyaarin lahayd ceelasheeda biyaha qaar ka mid ah oo kala ah ceelka Geed-deeble oo magaalada ka baxsan 23KM, waddadiisu meelaha qaar way xuntahay oo waxaannu sida ugu dhakhasaha badan uga hawlgali doonaa sidii aannu u hagaajin lahayn ama u simi lahayn, waxaannuna rajaynaa in dawladda hoose ee Hargeysa, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolkuba ay hawshaa ka gacansiin doonaan wakaaladda biyaha iyo ceelka labaad oo ah Kal-qoray oo u jira magaalada 32KM, waxaannuna ugu bushaaraynaynaa boodyadlayda inuu ceelkaasi diyaar u yahay.”

Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) iyo Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Cabdiqani Ciise Ismaaciil (Ganay), ayaa iyaguna sheegay in aannu jirin qiime-koradh lagu heshiiyey oo lagu iibinayo biyaha dadweynuhu isticmaalaan, waxaanay uga mahadceliyeen gaadiidlayda booyadaha go’aankooda iyo siday ugu caddeeyeen in aanay waxba ku kordhin bulshada, isla markaana waxay ku wargeliyeen shacabka inay la soo socodsiiyaan ciddii biyaha kaga iibisa qiime ka badan 10,000/= ShL foostadii.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Booyadlayda magaalada Hargeysa Xiis Cumar Muxumed, ayaa isna caddeeyey in aanay dhankooda kordhin qiimaha biyaha, isagoo ballanqaaday in aanay waxba ku kordhin doonin.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada