MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Haddii Aan Doonayno Caddaalad Aan ku Kalsoonaanno Sharciga iyo Nidaamka Garsoorka Dalka

Caddaalada ayaa umadda oo dhan wada deeqda marka ay helaan, haddii aan cadaaladi jirna waxba ma hagaagayaan oo nidaamka dawladnimo ma noqonayo mid shaqaynaya kala danbaynta ayaa baaba’aysa. sida aan la wada socono nidaamka maamul ee dalkeenu raacaa waxa uu ka kooban yahay saddex awoodood oo iskaashanaya isna dheelitiraya waxaanay kala yihiin sidan :
            
                            1. waaxda sharci dejinta  (guurtida iyo wakiilada)
                            2. waaxda fulinta iyo 
                            3. waaxda garsoorka
saddexdaa waaxood ama awoodood oo leh wada shaqayn balaadhan  waa habka uu ku dhisan yahay nidaamka maamul ee dalkeenu.

haddaba waxaan doonayaa inaan maqaalkaygan ku soo qaato waaxda garsoorka oo ah waax balaadhan una kala baxda qaybo badan sida maxkamadaha degmooyinka, gobolada, racfaanada iyo maxkamada sare iyo ta ciidamada oo gaar ah waxa ayna ka shaqeeyaan ee uu maandaytkoodu yahay waa ka garniqida dacwadaha ka dhaca bulshada dhexdeeda, dawlada dhexdeeda ama bulshada iyo dawladaba. waxaan la iska indho tiri karin inuu mararka qaar khaladaad ka dhici karo maadaama ay yihiin bani aadam oo aanay malaa’ig ahayn dadkan ka hawgala goobahaas aan soo sheegnay. 
cadaaladu waxa ay imanaysaa marka aad aaminsan tahay nidaamka iyo sharciga dalkaaga waayo cadaalad darada dadka ayaa abuura iyaga oo shaki ama sas ka qaba inay si caddaalada ku helayaan xaqooda, waxaad arkaysaa qof garta xukunka meeshaas ka soo baxaya isagu helayaa ama waxa la isku hayo og inuu isagu xaq u leeyahay ayuu garsooraha, qareenaka  ama  kaaliyaha intuu u yimaado odhanaya adeer/eddo waxaas qaado oo kiiskaa iga hagaaji, (taas oo aanay qaadan karin oo damiir xumo ay u arkaa laaluushka loo fidinayo) waxaana waxa ugu wacan isaga oo aaminay in aanuu ku gulaysanayn kiiskaa haddii aanuu laaluush siin cidda gacanta ku haysa dacwadiisa, taas oo aan meesha oolinba ogaw garsooruhu xaq uma laha inaad siiso gacan laab ee waxaad xaq ugu leedahay inuu kuu caddaalad falo.

waxaan aad u dareensanay aaminsanahay in nidaankii garsoor/ cadaaladeed ee dalkeenu uu aad wacan yahay waayo waxaa saaxada soo galay dhalinyaradeenii jaamacadaha ka soo qalin-jabiyay oo ay  iskaashadeen bahdii hore ee cadaalada waxa meesha ka soo baxday aqoontii casriga ahayd iyo waayo aragnimadii taasina waxay dhashay caddaalad iyo sinaan waanay sii dhali doontaa sii kobci doontaa taasi insha allaahu. Waxaan amaanayaa odayaasheenii hore ee ku sii jiray garsoorka oo waxbadan soo qabtay kuna simay dhalinyaradani inay halkaas ka sii ambo qaadaan.
waxaa muddooyinkan danbe ka hawlgala maxmadaha wadaanka oo dhan dhalinyaro aqoon iyo kibrad badan (garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal)kuwaas oo dadkoodana ugu adeegaya caddaalad iyo u sinaan sharciga. waxaad arkaysaa dadkeenii oo caayaya waxna ka sheegaya maxkamadaha iyo caddaalada wadanka iyaga oo leh meesha caddaalad darro badan ayaa ka jirtahaa waa la arki karaa qof iyo laba samaynaya caddaalad darro ama musuqmaasuq laakin  taas macnaheedu maaha in dadka oo dhami wada khaldan yahay ama nidaamka meesha yaalaa uu wada xun yahay.

Bulshada waxaan leeyahay sidaas maaha ee waa in la aaminnaa masuuliyiinta ku hawlan bahda cadaaaladahaddii aad la kulantay ama aad tirsanayso caddaalad  daro dadka oo dhan maaha ee waa cidda aad ka tabanayso uun khaladkaasi, ilaahayna waxa uu quraanka inoo sheegay inaannafna dusha loo saarayn oo aanay qaadayn danbiga qof kale uu galay

Bahda caddaalada waxaan u soo jeedinaya in ay dadka ugu adeegaan jidka caddaalada iyo u sinaanta sharciga si dadkuna u aamino maxkamada iyo garsoorka wadankooda taasina waxay meesha ka saaraysaa shakiga iyo saska ku dhacay bulshada ilaahayna ha inagu hanuuniyo dariiqa toosan iyo sida ay caddaaladu ku jirto

Dawladana waxaan u soo jeedinayaa in ay daryeesho oo ha dhawrto xaaladooda nololeed iyo baahiyaha haysta garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha dalka waa in ay u raadisaa baahiyaha balaadhan ee ka jira garsoorka waayo waaxda garsoorku waa lafdhabarta nidaamka maamul iyo habsami socodka dawladnimada (good governance).


                                            Allaa mahad leh

Allahayoow ka yeel dalka soomaaliland dagal barwaaqo iyo guri lagu nagaado bashshash iyo badhaadhe

Guul iyo gobonimo

W/Q: Garyaqaan Cabdikariim Sh. Mahamoud  Cabdillaahi “Suldaanka”
suldaancabdi4@hotmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada