MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Daraasad Lagu Ogaaday in Dahabka Lagu Daweyn Karo Cudurka Kansarka

A_at79fzNsR0_2016-11-14_1479119320resized_pic

Edinbrugh (MK/W.Wararka)- Baadhitaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey, ayaa lagu ogaaday suurtogalnimada in dahab la shiiday lagula dagaallami karo cudurka kansarka oo fara baas ku haya malaayiin qof oo daafadaha adduunka ku kala nool.

Culimo saynis oo ka tirsan Jaamacadda Edinbrugh, Gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in dahabka loo adeegsan karo xakamaynta unugyada cudurka kansarku ku dhaco.

Kooxdan dhakhaatiirta ah ayaa adeegsaday walxaha yar-yar ee dahabku ka kooban yahay oo loo yaqaanno Nanoparticles, isla markaana lagu dahaadhay maado kiimiko ah sida lagu sheegay baadhitaankan.

Inkasta oo aan wali lagu tijaabin bani’aadamka, haddana waxa lagu rajo weyn yahay in mustaqbalka uu yarayn doono saamaynta ay reebaan dawooyinka lagula tacaalo xannuunka Kansarka oo caalamka aad ugu sii fidaya sannadihii u dambeeyey.

Waxa xusid mudan in dahabku aanu khatar ku ahayn caafimaadka dadka, waxaannu awood u leeyahay in uu la fal-galo dawooyinka ka samayn kiikimada ee loo adeegsado daawaynta kansarka.

Khubarada ayaa ku beeray dawadan maskaxda kalluunka, taasoo ugu dambayn muujisay in uu si fiican u shaqeeyey.

Baadhitaankan waxa lala kaashaday oo gacan ka geystay jaamacad ku taal dalka Spain oo ku shaqo leh arrimaha uur-ku-jirta ama unugyada il-maqabadka ah.

Waa markii ugu horreysay taariikhda ee la ogaaday in macdanta dahabka lagu daweyn karo mid ka mid ah cudurrada sababa dhimashada ugu badan ee aadanaha.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada