MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Warbixin: Wiil Dhallinyaro ah oo Hal-abuur Ganacsi Ka Bilaabay Hargeysa – (Maqaaxida Wareegta)

Hargeysa (MK)- Xuseen Ibraahim Guuleed waa wiil ka yimi dalka Maraykanka, gaar ahaan Gobolka Minnesota, waxa uu hal-abuurnimo ganacsi ka bilaabay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xuseen waxa uu xambaaraa falaash shaah ah oo uu ka iibiyo dadka suuqa jooga. Waxa uu shaaha ku soo kariyaa gurigiisa, kadibna waxa uu koobabka halka mar la isticmaalo kaga iibiyaa cid kasta oo u baahan shaah deg deg ah.

Hal-abuurnimada Xuseen Ibraahim waxa ay yididiilo gelisay da’ yarta Somaliland ee dalka gudihiisa ku barbaartay.

“Meesha aan joogay waa Gobolka Minnesota. Shaqo waan hayey oo shaqo la’aan maan ahayn, waliba shaqo fiican baan hayey, laakiin intaad qof u shaqaynaysid, tusaale ahaan haddii aan Maraykanka $4000 bishii ka sameeyo, waa anigoo $500 bishii hakan ka sameeya

Haddaba, warbixin arrintaas ku saabsan oo uu Khaalid Foodhaadhi ka diyaariyey wiilkan hal-abuurnimada ganacsi la yimi halkan ka daawo;


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada