MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Sucuudiga oo Gacanta ku Dhigay Kiniin Daroogo ah oo Lagu Dhex Qariyey Moobilo Qur’aanka Lagu Barto

Saraakiisha Kastamka Madaarka Caalamiga ah ee Boqor Khaalid International Airport ee ku yaal caasimadda dalka Sucuudiga, ayaa awood u yeeshay in ay qabtaan 11,000 (kow iyo toban kun) oo kiniin darooga ah (Captagon plls), kaasoo lagu soo dhex qariyey moobilo (Tablets) loo diyaariyey in ay qur’aanka uun lagu barto.

Agaasimaha Madaarka Boqor Khaalid, Mr. Maxamed Al-Aqeel, ayaa sheegay in hawlgalka saraakiisha kastamku ay qaadeen uu dibadda u soo saaray awoodda xirfadeed ee lagu heli karo waxyaabo si khiyaamo ah madaarka looga dhoofiyo amma looga soo dejiyo, tusaalena ay u yihiin dadka Qur’aanka ku gabbaday ee daroogada ku soo hoos qariyey. Sida uu sheegay waxa saraakiishu heleen lakab qarsoodi ah oo ku hoos jiray looxa saxaaradda moobilada lagu soo dejiyey, taasoo loogu tagay 2,832 kiniin oo nooca maandooriye ahaanta loo isticmaalo ah.

Waxa uu intaa ku daray in qalab kan la mid ah oo diyaarad kale ka soo degay laf ahaantiisana laga helay kinniinadaas daroogada ah oo si xirfadaysan loogu lifaaqay lakab hoose oo ka mid ah saxaaradda ay ku soo degeen moobilada Qur’aanku ku duubnaayeen.

Kiiniinada Captagon waa mid ka mid ah magacyada ganacsi ee loo yaqaan mid ka mid ah daroogooyinka ka kooban falgalada la yidhaa Fenethlline hydrochloride. Kiniinkan waxa ay cariyaan hab-dhiska dhexe ee neerfisyada, waxaanay kor u qaadaan feejignaanta, fahanka iyo firfircoonida jidhka, qofkana waxa ay ka dhigaan mid aad awood badan, iyadoo ay arrimahaasina ka mid yihiin waxyaabaha daroogooyinka mamnuuca ah.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada