MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Qisso yaab leh: Xamar ayaan tegay la’imana xidhin waan xanaaqsanahay!

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Xamar waxa ay wakhtiyada qaar ahaan jirtay Caasimad iyo magaalo ay Soomali oo dhammi ay wada dhisteen isla markaana ay wada maal gashadeen,waxa ay ahayd magaalo dawladii Kacaanku ay nolosha dadka Soomalida oo dhan ay kusoo ururisay.

Xamar la’aanteed wakhtigii kacaanka nololi may jirin,taas macnaheedu maaha in aanay jirin dalka meelkale oo lagu nooladaa,balse dawladii markaasi jirtay ayaa taladeedi iyo tamarteedii waxa ay noqotay in ay halka ay fadhido ee ay kuraasta dawladu ay taalo in ay nolosha dadka ay madaxda u yihiin ee Soomaliyeed ay kusoo wada ururiyaan.

Hadii adiga oo jooga ama ku nool Hargaysa , Kismaayo,Boosaaso, Baydhabo iwm uu Baldhanka yar ee shaadhkaaga ku yaalaa uu kaa go’o,khasab waxaa kugu noqonaysay in aan Xamar u tagto si aad ugu soo tolato,waayo Irbada iyo Dunta wax lagu tolaayo ayaa taalay Xamar ,Kacaankaana gacanta ku hayey .

Odayashii wakhtigaasi Kacaanka xukumaayeyna waxa ay noqdeen kuwo aan aqoon intaasi dhaafsiisan aan u lahayn,garanna waayey nidaamka iyo qaabka dawlada loo furfuro,waana mida aakhirkii keentay Dulmigii iyo iska hor imaatinkii dalka ka dhacay.

Hadaba wakhtigan xaadirka ah Xamar waxa uun ay tahay Magaalo ka mid ah magalooyinka Soomaliyeed, hadiibana aanay ahayn midda ugu dhibta iyo dhibaatada badan ee wakhti kasta ay ka jiraan qul-qulatooyinka siyasadeed ee leh heerkasta sida Qabiil,Diin,kooxo iyo xataa iyada oo maanta Xamar saldhig u ah ku dhawaad Sodon kun oo Askari ajaaniib ah.

Dawladahii kala danbeeyay ee saldhigoodu ahaa Xamar ,waxa ay midkastaaba isku dayi jirtay qaab iyo hanaan ay istidhaahdo kusoo Xero gali Somaliland,madaxwayne kasta oo markaasi Xamar aan dhinacna u dhafi karini waxa uu ka fikiri jiray sidii uu Somaliland raad siyasadeed ugu yeelan lahaa,taasi oo ku adkaatay dhamaantood xeeladkasta oo ay sameyeenba.

Waan jeclaan lahaa in madaxwayne kasta oo magaladaasi Xamar soo maray ,in aan waxooga warbixina ka sameeya habkii uu ku talaabsaday isaga oo raba in uu Somaliland kusoo xero galiyo,balse ma rabo in wakhti badan idin kaga lumiyo waxyaabo badan oo idinka laftiinu aad ka warhaysaan ama aad la socotaan,balse aan wax yar kor istaago xeeladahii faraha madnaa ee loo maray si Somaliland loogu soo daro huwantaasi Somaliya.

Qaar ka mida madaxdii soo martay Somaliya,ayaa waxa ay dawladahii markaasi ay dhiseen ay kusoo dareen rag markaasi ay isleeyhiin waxa ay wax ka tarayaan in Somaliland ay kusoo dabalaan Somaliya,ragaasi waxaa ka mid ahaa:

1. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo la odhan karo malaha waxa uu ahaa halyeygii ugu waynaa ee ay Soomaliya hesho balse arintaasi lafteedu waxa ay noqotay mid sidii loogu talagalay u shaqayn wayday,Cabdiraxmaana aakhirkii waxa uu kusoo gurya noqday Somaliland

2. Ismaciil Hurre Buubaa oo la odhan karo waxa uu ahaa ninkii ugu raadaynta badnaa Somaliland,xilal aad ubadana kasoo qabtay Somaliya,hadana aakhirkii kusoo gurya noqday Somaliland kadib markii uu arkay in midnimada Soomaliyeed ee la isla doonayaa ay tahay mid aan suura gal ahayn.

Sababta aan usoo qaatay IHN halyagii Cabdiraxmaan Tuur ayaa waxa ay tahay, in aynu ka qiyaas qaadano wakhtigaasi halka ay maraysay waxa loo yaqaano Soomalinimadu iyo halka ay maanta marayso oo ah in dhalinyarada.

Madaxwaynahii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud taloyinkii la siiyey iyo qaabkii uu doonaayey in uu Somaliland kusoo xero-galiyo ayaa waxa ay ahayd,in uu ka abbaara dhanka dadkii kusoo hungoobey wakhtigii dorashadii 2010 Somaliland,waana midii keentay in loo gacan haadiyo sadax qof oo markaasi ka mid ahaa siyasiyiintii ku guul-daraystay tartankii Xisbiyada Somaliland kuwaasi oo kala ahaa :

1. Fowsiya Yusuf Xaaji Adam iyo xisbigeedii NDB.

2. IHN Nuur Faarax Xirsi iyo xisbigiisii GURMAD.

3. Maxamed Cumar Carte iyo xisbigiisii JAMHUURIGA.

Balse arintaasi lafteedu waxa ay noqotay mid u shaqayn wayday sidii la filaayay,aakhirkiina waxa y ku danbaysay fashil.

Madaxwayne Farmaajaaha habka iyo fikirka uu rabo in uu Somaliland kusoo xero-galiyo,taasi oo aan ahayn rayi iyo firkar aniga igu kooban ,balse aan wax badan aad u kuurgalay aakhirkiina aan soo ogaaday Farmaajo talada lasiiyey ee lagu yidhi Somaliland waxa ay kuugu imanaysaa waxa ay tahay:

1.Waxaa lagula taliyey in Somaliland uu ka abaaro dhanka dhalinyarada inta badan aadka uga dhex muuqda Baraha Burshada,aqoonyahanka ,gaar ahaan kuwa dhalinta yar,Hal-abuurada, sida Fanaaniinta iyo dhalinyarada kuwooda Gabya ama geeraara.

2. Farmaajo waxaa lagula taliyey in uu Somaliland ka abaaro soona xero galiyo dhalin yarada ku caanka ah baraha Burshada ee Somaliland u dhashay,sida kuwa ay ku xidhan yihiin bulshada dhalinyarada u badani Rag iyo Dumarba.

3. Farmaajo waxaa talo iyo tusaale lagu siiyeye in aanu wakhti badan iskaga lumin ,raadinta iyo ku hawlanaanta odayaal iyo siyasiyiin magacleh oo Somaliland ka tirsan .

4.Farmaajo waxaa talo lagu siiyey in uu bilaabo barnaamij layidhaa is-dhexgalka dhalinyarada iyo aqoonyahanka,waana mid wakhtigan xadirka ah ka socota meelo badan.

Runtii arimaha noocaasi ahi waa kuwo aniga aan iila muuqan in ay waxbadan Farmaajo iyo kooxdiisa in ay u tarayaan,balse hadii dhinac kale laga eego waxa ay rabshad iyo buuq markasta ka dhigi karaan Somaliland gudaheeda,taasi oo u baahan in laga foojignaado.

Farmaajo iyo kooxdiisa ujeedada ugu wayni maaha in Somaliland ay ka mid noqoto Huwanka Somaliya ee aan kala amarka qaadan,balse waxaa taasi ugaba sii muhiimsan in Somaliland ay noqoto meel la mid ah Somaliya inteeda kale ama aanu ka jirin nidaam iyo kala danbayni.

Waxbadan waxa aynu maqalnaa dhalinyaro Somaliland u dhalatay oo Xamar tagta,taas ma odhan karo dhalintaasi waxa ay ka qayb yihiin barnaamijkan aan ka waramaayo ee Farmaajeysan,balse waxa laga yabaa in ay uba tageen arimo kale oo iyaga gaar u ah, sida saxiibo,Guur iyo ganacsi ,madamaa dadku aanay ahayn kuwo dhina ganacsiga iyo dhaqanka aynu ku kala tagnay ,isha Allaahu kuna kali tagidoonin.

Hadii aan sheeko yar oo uu maanta iiga sheekeeyey nin dhalinyaro ahi aan idinla wadaago,waxa ay ahayd:

Waxa ila soo hadlay nin dhalinyaro ah oo wakhtigan xaadirka ah jooga Hargaysa,waxa iigu yidhi :

“ma og tahay saxiib in aan dhawaan Xamar tegay mase ka warhaysaa”?

Hadalkaa markii uu i yidhi waxba lamaan yaabin ,waayo Xamar tagitaankeedu maaha wax sidaasu usii ridan aniga dhankayga , wakhtigan xaadirka ahna waa uun la tagaa Xamar, waana laga soo noqdaa,maa fii mushkila.

Aniga oo ninkii la sheekaysanaaya waxa aan ku idhi:

“” maya dhib malahee Xamar waa magaalo Soomaliyeed, waxyaabo badana waa loo tagi karaaye ,goorma ayaad tagtay,maxaadse u tagtay”?

Waxa uu igu yidhi waxa aan ka sokeeyaa hal Bil ,waxaanan u tegay arin siyasadeed,kadibna waan soonoqday”.

Intaa markii uu igu yidhi ,waxa aan dib u su’aalay “”ooo miyaaaaaaaaaaan HARGAYSA AMA SOMALILAND MEEL KA MIDA LAGUGU XIDHIN” , Kuyee waa mida aan ka cadhays nahay in aan Xamar tegay oo aan la i xidhin.

Intaasi markii ay nakala gaadhay,saxiibkaygii dhalinta yaraa,ayaan waxa aan wadiiyey,saxiib sababta aad Xamar u tagtay ma waxa ay ahayd in marka aad Somaliland kusoo noqoto lagu xidho ama lagu xabiso Maxkamadana lagu taago?

Waxa uu ku jawaabay:

“haaaa,waa sidaas waxa aan filaayey in Madaarka Cigaal la iga qabto,xabsigana la igu hubsado,waan ka xumahay in aan Xamar tegey oo aan la i xidhin xanaaq”.

Waxa layaab lahayd in uu ii sheegay in uu Xamar markii uu ka imanaayey uu sii diyaar saday ,dadkii sawirada ka qaadi lahaa marka Haragaysa Madarkeeda Cigaal lagu qabto,waxa kaloo hadaladiisa ka mid ahaa:

“”Saxiib xataa khalash ayaan galay,waxa aan lasoo hadlay dhalintii Websit-yada ama warbaahinta intii aan ka aqaanay,si ay usoo dayaan Nasiibkayga xadhiga””waa sida uu hadalka u dhigay.

Aniga oo wali saxiibkii dhalinyarada ahaa la hadlaaya, ayaa waxa aan waydiiyey,sababta uu u rabo in la xidho,la xukumo xabsina loo dhaadhiciyo.

Waxa uu iigu jawaabey:

“”Saxiib waxa aan yeelan lahaa magac,waxa la iga sheegi lahaa TV-yada Somalida oo dhan,Facbooka hadalkiisaba daa,waxa aan noqon lahaa nin si fiican ugu soo caanbaxa xadhiga Somaliland ay i xidho,Xamarna sumcad iyo magac ayaa iiga kordhi lahaa””.

Yaab iyo amakaag ayaan arkay,waligay maan maqal manaan arkin qof sida ninkan ku dhololaaya ama jeclaysanaaya Xadhig iyo Xabsi; waxa aan dib usu waydiiyey aniga oo isla hadlaaya “” Xadhigu miyaanu ahayn midkii dadka sharafta iyo karaamada lagaga qaadi jirey”?goorma ayaynu aragnay Xadhig iyo Xabsi la jeclaysto,lagu faano.

Waxa aan dhalinyara Somaliland kula talinayaa Xadhiga iyo Xabsiga oo lagu geeya xal uma aha in lagu aqoonsado ama lagu garto qofka aad tahay,balse xadhiga iyo Xabsigu waa qayb ka mida nolosha dunida balse maaha mid la doorto oo la raadiyo waana ciqaabaha Ilahay Dunadan usoo rogay.

Somaliland iyo madaxda iminka ka talisa waxa muhiim ah in ay yareeyaan ,Xadhiga ay markasta ku fulinayaan qofka Xamar taga ,waayo taasi waxa ay dhanka saxafada dhiirigalin u samaynaysaa Madaxda Soomaliya,kuwaasi uu dunida u tusi kara in Somaliland ay tahay mid dadka ka cabidhinaysa nidaamka Somaliweyn waxa ay u yaqanaan.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Iftiinkacusub.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada