MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Deeqdu Badanaa Xalka Maaha!

Deeqdu Badanaa Xalka Maaha!

“Charity is not Always the Answer”

Buugga la yidhaa ‘Yagleelida Dunida Saboolnimada ka Madhan’ (Creating a World Without Poverty) ee uu qoray Muhammad Yunus oo ah buug waxyaabo badan oo qiimo badan ka hadla, waxa uu qoraagu ku abbaaray hannaanka ganacsi ee bulshada eek u salaysan aragti suuqa xorta ah ee mustaqbalka (Future Capitalism).

Qoraagu buuggan waxa boga 115aad ku soo bandhigay qoraal aad u muhiima oo aad moodo in dunideena uu si fiican u taabanayo. Waa deeqaha iyo sida ay u kharibaan bulshooyinka saboolka ah ee la siiyo. Waxa ka muuqata sida deeqdu nuglaansho sababto.

Haddaba, aan idiin kala baxo qoraaga oo  qormada ku fallanqaynaaya deeqdu sida aanay xal u ahayn, iyadoo aan idiin soo haltebiyey waxay u dhigan tahay sidan;

247204

“Ahmiyada deeqdu (Charity) la iskama indho tiri karo.  Waxa ay habboon tahay waqtiyada lagu jiro masiibooyinka amma marka wax loogu taraayo dadka sida xun ugu waxyeeloobay masiibooyinka ee aan waxba qabsan karin ilaa la caawiyo mooyaane. Laakiin, mararka qaar waxaynu samaynaa arrintaa iyadoo xad ka bax ah.

Guud ahaan, waan ka soo horjeeda in la bixiyo oo cid la siiyo, sababtoo ah waxa ay meesha ka saraan hal-abuurnimada iyo masuuliyada dadku isa saari lahaayeen. Haddii dadku bartaan in shayadaas lagu heli karo  dhib la’aan amma bilaash (Free), waxa ay tamartooda iyo xirfadoodaba isugu geeyaan helitaanka iyo ka dabacararida waxyaabahaas bilaashka ah, halka ay tamartaas iyo xirfadaas mid la mid ah ku bixin lahaayeen hanashada wax ay iyagu leeyihiin. Caawimadu (Handouts) waxay dhiirigelisaa ku-tiirsanaanta (Dependence), meeshana waxa ka saartaa isku filnaanta iyo isku kalsoonaanta (Self-help and Self-confidence).

Xataa xaaladaha masiibooyinku jiraan, Bangiga Grameen waxa uu dhiirigeliyaa in amaahdayaashu ay gacmahooda ku abuurtaan dakhli gashaanka masiibada (Disaster funds), halka ay isku halayn lahaayeen deeq-bixinta.

Marka aynu qaybinay raashin (wheat) bilaash ah ee aynu siinay amaahdayaashii Bangiga Grameen Bank intii lagu guda jiray Fatahaadihii  ka dhashay daadadkii 1998kii, waxa  aynu ku dhiirigelinay ‘iyaga’ in ay aqbalaan in ay sameeyaan xogaa dhigaal ah oo maalgelinta masiibooyinka (Disaster fund). Markii xaaladdu caadi ku soo noqotay waxa ay bilaabeen in ay shaqaystaan lacag, taasoo kama dambaystii qiimo u yeeshay hadhuudhkii (wheat) ay heleen. Hannaanka barrista dhigaalka (The new saving pool) waxay bulshada ka caawin doontaa dakhli ka gargaara in ay ka gashaantaan masiibo dambe oo dhacda.

Sidoo kale, deeqda gacanta laga geliyaa waxay dhiirigelisaa musuqmaasuqa. Marka lacagaha caawimadaa lagu deeqo si dadka saboolka ah loogu caawiyo, masuuliyiinta masuulka ka ah qaybinta alaabta bilaashka ah iyo adeegga waxa ay inta badan siiyaan amma ka haqab-tiraan nafahooda iyo asaxaabtooda gaarka ah oo ay ka dhigaan ka faa’iidaystayaasha koowaad ee barnaamijka (First Beneficiaries of the program).

Guntii iyo gunnaanadkii, deeqdu (charity) waxay abuurtaa awood dhinac kaliya ah (one-sided Power relationship). Ka faai’iidaystayaasha deeqdu waa kuwo dani-eris ah (favor-seekers), halka ay ka eegi lahaayeen waxyaabahay u qalmaan. Natiijo ahaan, ma laha cod iyo awood la xisaabtan, meeshana wax ka baxda sinnaanta (Transparency disappear).

 Xidhiidhkan hal-geesoodla ah waa mid caddaalad darro ah (inequitable), waxaannu dadka saboolka ah ka dhigaa kuwo u nuglaada in la dhiig-miirto (Exploitation) sida la doonayana loo jihayn karo (Manipulation).

Si loo xoojiyo awoodda dadka saboolka ah, loona abuuro wax wada deeqa, horumarna loo gaadhsiiyo bulshadooda, waxa aan adkayn lahaa in la yagleelo hay’addo hannaan dimuqraadi ah u qaabaysan sidah dawladaha hoose oo iskood isku maamula. Inta yar ee dawladaha hoose adeegsadaan awoodooda maamul oo sax ah (Jurisdiction), waa inta badan ee dadka saboolka ah fursad u helaan in codkooda la maqlo.

Dadka saboolka ah waa in ay fursad u helaan in ay ka qayb ahaadaan  ka go’aan gaadhida (Decision-making) waxyaabaha noloshooda saamaynaaya.  Macangagnimadu (Paternalism) waa aayo xumada halka lagu gaadho. Marka saboolku awood u yeeshaan in ay ka go’aan gadhaan  danahooda, waxa ay gaadhi karaan wax badan, waliba si deg deg ah bay ku gaadhi karaan.”

Cudur-daar: Waxa laga yaaba erayada qaar in aan haltebin sax ah u waayey oo sida ugu dhaw aan ku sharraxay, maadaama ay u badan yihiin aragti iyo eray-bixino cilmiga bulshada (Social Science Theories and Terminologies).

 W/T: Ibraahim Khadar


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada