MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Basbaaska Cuntada Lagu Darro oo ka Qaybqaata Hoos-u-dhiga Miisaanka jidhka iyo La-dagaalanka Buurnida

Inkastoo muddo badan la ogaa in basbaaska, gaar ahaan qajidu inaga caawiso in aan miisaanka jidhka hoos ugu dhigno, ayaa waqtigan waxa soo baxday cilmi-baadhis cusub oo lagu ogaaday in cuntada qajanada lagu darsadaa qofka ka caawiso inuu si fiican u dhergo, isla markaana aan miisaan jidhkiisa ku kordhin.

Calooshu marka ay dheregto ee ay kal abaxdo, waxa la cariya neerfisyada, kuwaasoo jidhka u tilmaama in uu haysto cunto ku filan, sidaa darteed cuntada duxdu aad ugu badan tahay waxa ay carisa dareemayaan jidhka ah oo caloosha u dira farriin amma signal ah in ay buuxdo sida ay sheegeen cilmi-badhayaal Australia ka soo jeeda.

Laakiin, cunista qajidu waxa ay sababta in calooshu kala baxdo, dareentana in ay buuxdo, soonta dayso signal amma farriimo qofka ka joojinaaya inuu cuntada badsado.

Waxa hore loo ogaaday in maadada Kabsiyasin (Capsaicin) ee laga helo qajida ee kulaylka badan ugu wacan waxa ay carisaa dareemayaal la yidhaa Faniloyid (Vanilloid 1 amma TRPVI) oo ah booratiinno isku daba xidhan, kuwaasoo caloosha dareensiiya in ay buuxdo, balse qofka ka ilaaliya inuu cunto badan cuno.

Prof. Amanda Page oo ka tirsan Jaamacada Adelaide oo daraasadan samaysay,  ayaa sheegtay in calooshu kala baxdo marka ay dheregto, taasina ay keento in ay cariso neerfisyo caloosha ah oo jidhka u sheega inuu cunto ku filan helay.

“Waxa aan ogaanay in nidaamkan caloosha dherginta dareensiinaya uu basbaaska kulul keeno, waxaana daraasado hore lagu ogaaday in qajida kulul ay hoos u dhigto in qofku cunto badan quuto,” ayey tidhi Prof. Amanda

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada