MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Wasiirka Waxbarashada oo ka Hadlay Imtixaanka Shahaadiga ee Dalka iyo Xaaladda Shuban-biyoodka

Hargeysa (MK)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere), ayaa ka hadlay xaaladda xannuunka Shuban-biyoodka ka jira dalka iyo saamaynta uu ku yeelanayo imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka iyo imtixaanaadka caadiga ahba.

Wasiir Cabdillaahi Dheere oo ka hadlay kulan ay madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare la yeesheen maamulayaasha dugsiyada kala duwan ee dalka shalay, waxa uu sheegay in xaaladda Shubanku saamayn ku yeeshay hannaankii waxbarashada, gaar ahaan Gobolka Togdheer oo ardaydii dugsiyada la fasaxay ilaa inta la xakamaynayo xannuunkan.

Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Duruuf dhinaca caafimaadka ah baa innagu soo kordhay, xaalad innagu iman doonta garanmayno, iminka dugsiyadii waxbarashada Burco way xidhan yihiin oo markii hore afar casho ayaan ogolaaday, saakana (shalay) shirkii ay maamulka Waxbarashada ee gobolka iyo Wasiirka Caafimaadku wada galeen oo aniguna aan telefoon kaga qaybgalay waxaannu isla garanay in ilaa xaaladda la kaantarooli karayo in aan dugsiyada la furin, Insha Allaahu waxaannu rajaynayaa in kaantaroolka Ilaahay gacanteenna ku soo celin doono oo suustaasi (shubanka) innaga bixi doonto, waxaanay ka imanaysaa marka xooluhu sidaa u leedaan (dhintaan) biyaha gala berkadaha iyo meelaha godadka ah, dadkiina biyihii ayey u baahan yihiin, meel walbana dawo laguma shubi karo oo caafimaadkeeda lama ilaalin karo, markaa jeermiska cid baa soo qaadaysa oo marka uu magaalada soo galo si dhib yar ayuu u faafayaa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa isna shaaciyey in aanay waxba iska beddelin waqtiga la galayo imtixaanaadka shahaadiga ah oo u muddaysan 1-da bisha July ee soo socota.

“Sannadkan imtixaanku sidii hore wuxuu kaga duwanaanayaa in imtixaanka lagu qaadayo duruusta fasalka 4aad ee dugsiga sare iyo fasalka 8aad oo keliya oo manhajkeenna cusub ah, imtixaankana dib looma dhigin ee waxa laga galayaa 1-da bisha July oo hore Wasiirku wareegto ugu soo saaray, annaguna waqtigaasi ayaanu ku samaynay jadwalka imtixaanka,” ayuu yidhi Md. Daa’uud.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada