MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Tunisiya: Shan Nin oo Xadhig ku Mutaystay Soon ay ku Jabiyeen Goob Dadweynuhu Isugu Yimaado

Dalka Tuunisiiya, ayaa xabsiga u taxaabay shan nin oo soonka  ku hor jebiyey dadweynaha hortooda, iyagoo sigaar ku cabay meel dadweyne isugu yimaad sida hay’adda Amnesty International sheegtay.

Raggan oo badankooda lagu xukumay bil xadhig ah waxa ay si badheedh ah soonka ugu jabiyeen goobo dadweynuhu isugu yimaado, iyagoo lagu xukumay in ay meel kaga dhaceen karaamada shacabka magaalada Bizerte oo ku taal waqooyiga galbeed ee Tunis.

“In qof lagu xukumo sigaar uu cabay iyo cunto uu goob shaaric ah ku cunay waxay meel kaga dhacaysa xorriyada iyo xorriyada dhaqanka,” ayuu yibi Heba Morayef oo ah Agaasimaha Cilmi-baadhista Waqooyiga Afrika ee Hay’adda Amnesty International.

Dalka Tuuniisiya wax aka yaala sharci adag oo ah in goobaha dibada wax lagu cuno xilliyada ramadaanta, iyadoo qofku xadhig ku mutaysanaayo haddii uu soonkiisa ku hor jebiyo amma ku hor cuno dadka waqtiga la sooman yahay.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada