MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Somaliland: Shir Lagu Falanqeeyey Sicir-bararka iyo Abaaraha oo Hargeysa Lagu soo Gunaanaday

Hargeysa (MK)- Kulan ballaadhan oo lagu falanqaynayey xaaladda sicir-bararka iyo saamaynta abaaruhu ku yeesheen bulshada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu soo gunaanaday hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa gelinkii dambe ee shalay, iyadoo aqoonyahanka kulankaas ka qaybgalayna afur loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada.

Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Yuusuf Axmed Cali oo kulanka afurka ahaa hadal ka jeediyey habeenkii Salaasada, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha lagu naaqishay shirkaas iyo natiijada ka soo baxday, waxaannu yidhi; “Inaynu lacagteenna qiimaheeda sare u soo qaadno aad iyo aad ayaa looga dooday, waxaanay u baahan tahay dhiirrani, go’aan iyo doonis keliya, wax kale oo ay u baahan tahayna habayaraatee ma jirto. Wixii talooyin ah oo dhammaystiran halkan ayaannu ku haynaa, waxaanuna jaraynaynaa in shirkaas ka dambeeya oo madaxtooyada lagu qaban doono in lagaga doodo qaadka iyo wixii aynu qorshe ka samaysanayno, haddii kale waa dhiig-bax, waayo maalintii in laba milyan oo doollar ayuu innooga baahan yahay.”

“Ciddii fikirkan lahayd, ciddii ka caawisay iyo cidkasta wax ku dartay hawshan iyadana waan u mahadnaqayaa. Arrinta koowaad ee sicir-bararka runtii waan sixi lahaaye, dhibaatada ina haysataa maaha sicir-barar ee waa sarrif-barar, waayo badeecaddu ma kicin, marka caalamka laynoo eego maanta ayey jaban tahay, kiishka sibidhka ah ee awal la siin jiray siddeeda doolar, imminka afar doolar iyo siddeed santi ayaa la siiyaa, markaa qiimuhu ma bararin ee shillinkeeda ayaa bararay, arintaasina laba lugood ayey ku taagan tahay oo kalsooni-darro shilinkeena aynu u hayno ay kow ka tahay.” Sidaana waxa yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mr. Maxamed Shugri Xuluul oo halkaas ka hadlay.

Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Axmed Xaashi Cabdi, ayaa soo dhoweeyey kulan-hawleedka lagaga arrinsanayey dhibaatooyinka sicir-bararka iyo abaaraha oo muddo laba maalmood ah socday,  “Sharaf ayey ii tahay inaan ka qaybgalo munaasibaddan lagu soo gebgebaynayo laba maalmood oo aqoon-iswaydaarsi iyo wax-kala faa’iidaysi ahaa oo ay noo soo bandigayeen ardayda lixda jaamacadood ee halkan inala fadhiya, kaasoo ku saabsanaa laba qodob oo aad muhiim u ah oo xukuumadda iyo qaran ahaanba wax-ka-qabashadoodu muhiim u tahay; waa dhaqaalaha iyo sidii looga hortagi lahaa abaaraha soo noqnoqanaya. Anigu waxaan aaminsanahay mar haddii xukuumaddii iyo jaamacadihii iskaashanayaan inuu horumarka Somaliland kow inoo yahay, oo uu maanta inoo bilaabmayo, aad ayaanan ugu faraxsanahay,” ayuu yidhi Wasiir Axmed Xaashi.

 Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Prof. Mubaarig Ibraahim Aar oo ku hadlayey magaca guddoomiyeyaasha jaamacadaha kulanka ka qaybgalay ayaa yidhi; “Runtii inay ardaydu is dhexgalaan oo ay wada kulmaan oo ay wada doodaan waa qodob aad u mihiim ah. Waxa la yidhi jaamacaduhu saddex shay ayey u samaysaysan yihiin; 1. Inay dadka wax baraan (Teaching) 2. Inay cilmi-baadhis sameeyaan (Research) 3. Inay bulshada u wax u qabtaan oo dhibaatooyinka yaal wax ka qabtaan, markaa arrinta aynu maanta qabannay waa waajibadkii jaamacaadka saarnaa. Inta badan jaamacaadkeennu waxay ku kooban yihiin  waxbarasho keliya, laakiin waxaad mooddaa in cilmi-baadhisaha iyo wax-u-qabashada bulshadu ka maqan yihiin.”

Ugu dambayn, Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharraxaad ka bixiyey ujeeddada ay u qabteen kulankan iyo natiijada laga filayo, “Ujeeddada u weyn ee kulan-kani waxay ahayd bogaadin iyo mahadnaq, galabta inaynu wada afurno, kalana baqoolno, isna sagootino, isuna sii ducayno. Waxaan ugu horreyn jecelahay inaan bogaadiyo, uguna mahadnaqno dhammaan ardayda iyo macallimiinta ka qaybgalay kulankan aqoon-iswaydaarsiga ah, dhinacna cilmi-baadhista ka ah, gaar ahaan weftigii ardayda iyo macallimiinta ka kala yimi Jaamacadda Laascaanood ee Nugaal, Jaamacadda Burco, Jaamacadda Gollis, Jaamacadda Hargeysa, Jaamacadda Cammuud iyo Jaamacadda Badar. Lixdaas jaamacadood dhammaantood waan u mahadnaqaynaa, waxaanuna idinku bogaadinaynaa aqoontii, hal-abuurkii iyo doodihii hufnaa ee labadii mawduuc ee waaweynaa muddadii aad nala joogteen ka samayseen, ee ka soo kabashada abaaraha iyo abaaraha sidee baynu ugu soo kaban karnaa, maxaynu qaban karnaa, mawduuca kalena ahaa nolosheennii oo ku tiirsantay lacag qalaad iyo qiimo-dhaca shillinkeenna ugu hortagi karnaa, aad iyo aad ayaanuna idiinku bogaadinaynaa.”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa kaloo uu ballanqaaday inay xukuumad ahaan ka faa’iidaysan doonaan talooyinka iyo aragtiyaha ardayda jaamacaduhu ka soo saareen kulanka, “Waxaannu idiin ballanqaadaynaa waxa aad maskaxdiinna ka tuujiseen in aanay noqon hal bacaad lagu lisay iyo warqado wax lagu qoray, ee ay noqdaan wax laga faa’iidaysto, ujeeddada aanu idiinku yeedhnayna ma ahayn madadaalo, maaweelo iyo isbarasho kaliya, is-dhexgalka iyo isbarashada jaamacado ahaan waa ka qayb, laakiin waxa  ka waynaa in aqoon la idinka helo. Qarankan sidii maalintii hore aan warbixinta ku daray duruufo badan oo xoog badan ayaa hareereeyey oo aannu habeen iyo maalinba xallinno, adduun faro badan ayaannu ku bixinaa xallintooda, oo aynu ku bixin kari lahayn hal-abuur iyo cilmi-baadhis, markaa inaad nala wadaagtaan aqoontii jaamacadaha iyo talooyin ayaa nuxurku ahaa, waanuna ka sii kordhin doonnaa, xukuumadda cusub ee timaadna waannu ku sii dhiirri-galin doonnaa, waanan kula talin doonnaa in tubtaa la kordhiyo, sunnahaasna la joogteeyo,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada