MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

‘Noloshuba Waxay Tahay Markaad Hawlgab Noqoto,’ Madaxweynihii Hore ee Tansaaniya

1024x576_bonus-Kikwete

Madaxweyihii hore ee Tansaaniya Jakaya Kikwete, ayaa sheegay in dhadhanka noloshaba la ogaado marka laga hawlgabo xilka Madaxweynenimada, xafiiskana laga tego.

66 jirkan oo xilka Madaxweynenimo ee uu hayey u saamixi waayey inuu shayo u gaar ah qabsado, ayaa markii uu xilka ka tegay awood u yeeshay inuu hawlo badan qabsado.

Waxa uu sheegay in saddex shay ee ugu muhiimsan ee uu qabsaday intii uu hawlgabka ahaa, balse uu qabsan waayey intuu madaxweyne ahaa ay ahaayeen, in uu waqti fiican la u helay qoyskiisa, beertiisa iyo lo’diisa sida uu boogga twitter ku qoray, isagoo ku lifaaqay sawir uu dhex taagnaa beertiisa oo arabakhi badan uga baxday.

Ka hor intii aannu Madaxweynaha noqon waxa uu shaqooyin ka soo qabtay hay’daha dawladda sida inuu xubin barlamaan noqday intii u dhaxaysay 1995-2005, waxa kale oo uu noqday Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibada oo muddo hayey.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne noqday intii u dhaxaysay 21 December, 2005- 5 November 2015kii, ka hor intii aannu xilka ku wareejin Madaxweynaha hadda xilka haya Mr. John Pombe Magufuli.

Marka laga yimaado xilka dawladda waxa uu Madaxweyne Kikwete ka soo shaqeeyey ururka Midawga Yurub (Africa Union) oo uu wakiil uga ahaa dalka Liibiya.

Inti uu xilka Madaxweynaha hayey waxa loo doortay Madaxweynaha 6aad ee Midawga Yurub oo uu ahaa January 2008 ilaa February 2009, halka masuulka xilka laga wareegay uu ahaa hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mr. Gaddafi.

Waa Madaxweynayaasha tirada yar ee Afrikaanka ah ee xilka dalkooda si nabad ah ku wareejiyey markii laga guulaystay, waxaannu qabaa gabadh Muslim ah oo la yidhaa Salma Kikwete oo u leh 5 carruur ah.

Xafiiska Maankaab

maankaaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada