MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Masar: Waalidiinta Carruurtooda u Bixiya Magacyo Reer Galbeed Waxay Mutaysanayaan Xabsi

Walidiinta dalka Masar u dhalatay, ayaa mutaysan doona xabsi dhan lix bilood, haddii ay ubadkooda u bixiyaan magacyada reer galbeedka sida Mark, Lara amma Sam.

Xeer qabyo-qoraal ah oo magacyada ajenebiga ah mabnuucaaya, ayaa uu golaha hor keenay xildhibaan Bedier Abdel Aziz, iyadoo golaha barlamaankuna ka doodeen Salaasadii toddobaadkan.

Sida uu daabacay wargeyska Egypt Independent waxa uu xildhibaankan sheegay; “Ganaaxu wuxuu noqon doonaa inta u dhaxaysa 1,000 ilaa 5,000 lacagta masar ah una dhiganta $60-$300, waliba ay raacdo lix bilood oo xadhig ah.”

Isticmaalka magacyada reer galbeedka waxa uu sababay in laga tago magacyadii Carbeed ee dhaqanka ahaa iyo waliba guud ahaan dhaqankii soo jireenka ahaa ee Masar, waxaanay xildhibaannadu sheegeen in wiilasha iyo hablaha dhallinyarada ah ay la jaanqadeen dhaqanno aad uga duwan kuwa ay asal ahaan leeyihiin, lana baxeen magacyo reer galbeed.

Sharcigan qabyo-qoraalka ah waxa uu sababay in dad badan oo baraha bulshada internetka isticmaala ay dhaleeceeyaan, kuna tilmamaan in ay tahay arrin khatar badan oo Barlamaanku hormood ka noqdeen.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada