MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo Shaaciyey in Bulshadu Cabsi iyo Kalsooni-darro ka Qabto Shillinka Somaliland

“Mushkiladda ina haysata sicir-barar maaha ee waa sarif-barar, waayo badeecaduhu ma kicin oo marka loo eego sannadkii hore (2016) maanta ayey jaban tahay…”

 Hargeysa (MK)- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Shugri Jaamac, ayaa shaaciyey in cabsi iyo kalsooni-darro xoogan oo laga qabo shillinka Somaliland ay sabab u tahay qiimo-dhaca ku yimmi lacagta dalka, taasoo keentay in baahida doollarku sare u kacdo.

Sidaana waxa uu Guddoomiye Maxamed Shugri Jaamac ka sheegay hadal uu ka jeediyey kulan afur ah oo Xarunta Madaxtooyada loogu sameeyey aqoonyahan iyo macallimiin ka socday lix jaamacadood oo ku yaal gobollada dalka habeenkii Salaasadda ee toddobaadkan, kuwaasoo ka qaybgalay shir muddo laba maalmood ah socday oo lagu falanqeeyey arrimaha sicir-bararka iyo abaaraha.

“Arrintaasi (qiimo-dhaca shillinka Somaliland) waxa aan is leeyahay waxa ay ku taagan tahay laba lugood, cudurkana haddii aanad fahmin ma dawayn kartid, dhammaanteen lacagteennu waxa ay lumisay kalsoonidii aynu ku qabnay, mana jiro qof reer Somaliland ah, masuul ha ahaado ammma shicib ha noqdee oo kalsooni ku qaba lacagteena, qofkuna cabsi ayuu ka qabaa. Haddii maanta uu qofku haysto lacag (Somaliland shillin ah) oo u goysa $100 doollar, wuxuu aamisan yahay in aanay lacagtaasi berri u goynay qiimaha ay maanta leedahay, markaa waxa uu ku dedaalayaa inuu maanta beddelo (doollar ku beddesho) oo aannu caawa la seexan lacagtii Somaliland ee uu haystay, balse uu ku beddesho doollar,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu.

Waxaannu intaas ku daray; “Taasi waa ta keentay in aannu jirin qof ka tirsan shaqaalaha dawladda oo jeebka ku haysta lacagta shillinka Somaliland ee uu mushaharka u qaato oo bisha oo dhan isticmaala iyadoo shillin ah, laakiin qofku marka uu soo qaato mushaharka waxa uu markiiba la tegayaa sariflayaasha oo wuu beddelanayaa, waxaanna ku keenaysa cabsi ah in lacagtani (shillinku) ay lumiso qiimaha iibkeeda, sidaa awgeed waxa uu isku deyayaa inuu lacagtii (Somaliland) ku haysto doollar.”

Waxa kaloo uu ka xog-warramay sababta keentay in laga aamin-baxo lacagta shillinka Somaliland, waxaannu yidhi; “Arrintaasi taariikh ayey lahayd oo markii la soo daabacay lacagta sannadkii 1994-kii, waxa ay la kulantay dagaalkii sokeeye, kadibna waxa ay lacagtii ku xanniban tahay Berbera, Hargeysa iyo Gabilay oo saddexda gobol ee bariga lagama qaadan jirin oo waxa ka socotay giim-baartii Soomaaliya, Gobolka Awdal-na lagama qaadan jirin oo waxa ka shaqaynaysay bir (lacagta Itoobiya), halkaasna waxa ka bilaabantay kalsooni-darradii lagu qabay shillinka Somaliland.”

“Waqtigaas ganacsatadu marka ay wax soo iibsadaan waxa ay u qiimayn jireen shillinka Somaliland, iyadoo hantida iyo badeecadiisa u taal bakhaarku ay ugu qiimaysnayd shillin, marka uu wax kaa iibinayana waxa uu kuu sheegayey qiimaha allaabta oo shillin ah, kadibna waxa dhacday in marka qofku uu tusaale ahaan iibiyey badeecad u dhiganta $1000 (kun doollar) oo shillinka Somaliland ah, markaa sarifkii ayuu waayey caawa amma berri, markaa saadambe (maalinta saddexaad) khasaare ayuu ku jiray, markaa xilligaas ayey ganacsatadu bilaabeen inay joojiyaan inay shillinka Somaliland wax ku iibiyaan oo ay badeecadoodii ku baayacaan doollar,” ayuu yidhi Md. Maxamed Shugri Jaamac.

“Kalsooni-darrada laga qaaday shillinka Somaliland waxa ay kordhisay baahidii doollarka oo metelan haddii ay waqtigaas toban qof u baahnaayeen doollar, maanta dhammaanteen waynu u baahan nahay in aynu doollar haysanno oo caawa doollar jeebadaha ku haysanno, markaa arrinta xalka u baahan waa sidii meesha looga saari lahaa kalsooni-darrada laga qabo shillinka Somaliland oo baahida doollarka waxa abuuraya cabsida innagu jirta ee maaha baahi rasmi ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu.

Waxa Guddoomiyuhu sheegay in aanay waqtigan dalka ka jirin sicir-barar saamayn ku yeelatay maciishada bulshada, balse dhibaatada taagan ay tahay sarif barar, waxaannu yidhi; “Mushkiladda ina haysata sicir-barar maaha ee waa sarif-barar, waayo badeecaduhu ma kicin oo marka loo eego sannadkii hore (2016) maanta ayey jaban tahay waxa dibadaha laga soo siiyo waxa dalka gudihiisa lagu siiyo. Kiishka sibidhka ah ee aan sannadkii hore siinayey $8 doollar, imminka waxa la siinayaa $4.8 doollar, markaa uu bararin ee hoos ayuu u dhacay, balse waxa bararay qiimihii shillinka.”

Md. Maxamed Shurgi Jaamac, ayaa sidoo kale tilmaamay in qodobka labaad ee sababta u ah qiimo-dhaca shillinka Somaliland uu yahay qaadka, waxaannu yidhi; “Qodobka labaad waa qaadka amma ha laga indho qarsado amma ha loo badheedo. Habeen walba waxa aynu doonaynaa in aynu xadka Somaliland ee Itoobiya ka saarno lacag dhan $1.7 milyan doollar oo qaad ku soo iibsano. Labada arrimood ee salka u ah qiimo-dhaca shillinka Somaliland waa halkaas (kalsooni-darro cabsi ah iyo doollarka qaadka lagu soo iibsado), haddii aan loo badheedhin oo aan labadaas xal loo helinna waxa aynu samaynaynaa waa millil guudkiisa la dhayayo.”

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada