MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Guddida Culimada iyo Doorka Haweenka: Haweenaydu ma Fatwoon Kartaa?

19265173_1649897328375982_2145077628_nHordhac

Haweenka oo ah laf-dhabarta iyo udub-dhexaadka bulsho kasta, ayaa inta badan  ayka yimadaanIswaydiimo iyo dooddo badan oo la xidhiidha arrimaha haweenka iyo qaybta ay bulshada ka mataalan.

Alle oo dhamaystiray dhammaan xuquuda dumarka, haddana  waxa dabbra dhaqanka iyo bulshada curfigeeda,Dumarka waxay buuxiyeen qaybo bulshada ka mida ah, balse haddana waxa dhiman qaybo kale.

Iswaydiintu waxa ay tahay maxa ay gabadha muslimka ah ay qaban kartaa?sidee ayaa ay u buuxin kartaa kalinteeda, iyada oo xeerinaysaa duruufta nolasha ee waqtigan xaadirka?

Xaqiiqada  jirtaa waxa ay tahay in haweenka loo haysto in ay ragga la- loolamayaan, rabaana in ayqabsadaan meelaha ay go’aamado ka soo baxaan si ay xuquuqdooda u dhacsadaan, garoo xuquuqdooda Alle ayaa u dhamaystiray, balse  ay doonayaan oo kaliya intaa uu Alle u banneeyey raacaysana dhammaan shuruudaha shareecda islaamku dhigtay.

Maanka waxa aan ku haynaa in ay bulshadu ka koobbantahay rag iyo dumar oo mid walbaa waajibaad leh; waxa ay ka qayb qataan horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha, marka ay iskashadaan-dumarka oo soo saara jiilal ka la duwan waxay qayb laxaadleh ka qaataan horumarinta bulshada oo ay ka mid tahay  dhaaqalo abuurista-meello badan ayaa ay dumaarku ku doodaan  in ay xaq u leeyihiin in ay tallada ka qayb noqdaan,  madaama ay yihiin qayb bulshada ka mida haddanay inta badan ahayn ba .

Aniga oo  tabaya doorka gabadho ku leedahay dacwda iyo faafinta diinta islaamkaayaa maankaygga ku soo noqnoqotay Guddida Culimadaee Madaxwaynhu magacaabay-inkastoo Garyaqaanka Guud beeniyey magacaabistaa-guddidan waxa aan ka waayey gabadh kaliya oo calimaadda, kana fatwoota arrimaha diinta, gaar ahaan arrimaha haweenka, arrimaha raga ku daransan karto  haddii  la waayo rag ku habboon,waxa labadaba isku darsanaysa oo arrimaha ragga iyo dumarkaba wax laga waydiinayaa haweenayda aqoonta u leh amma cilmigeeda diiniga ah gaadhsiiyeyo sida hoyadeen Ca’isha allah raali ha ka ahadee.

Waxa jira haween badan oo diinta ku fiican oo mararka qaarkood aad is odhanayso rag badan way ka cilmi badanyihiin iyo sida aanay u muuqan oo cidi ba uga war hayan.Tollow maxa sababa?Waa mid u baadhan baadhis dheeraada oo mawduuceeda wadata.

Fatwada

Erayga fatwda macne ahaan wuxuu noqonaya in la sheego xukun sharciga ah ee arrin leedahay, iyadoo la adeegsanaayo aqoonta diiniga iyo daliilka tilmaamaa,“”الإخبار بالحكم الشرعي مع المعرفة بدليله

Shuruudda Looga Bahanyahay Qofka  Fatwoonaya

Qofka fatwada bixinaya ee caalimka/caalimadaah waxa ku waajiba inuu buuxiyo shuruudaha ay culimadu xuseen oo ah :

  • Al-imaam shaafici ayaa si kooban oo dhamaysteran uga hadlay muftiga iyo waxa loo ga baahanyahayba waa in u ahaado qof aqoon u leh  culuunta iyo axkaanta kitaabka rabbi,naxwihiisa, nawaasikhda iyo mansuukhaba, masaa’isha guud iyo kuwa gaarka ahba, fasiraadiisa oo la tixraacayo sunnaha Nabiga (NNKHA) haddii  laga wayaana la raacayo waxa ay culmida islaamku isku raaceen ugu danbayna in la adeegsado qiyaaska haddii hore loo arag oo ay ugub tahay xaajadu, maadaama aanay ka sal-gaadhkeedu suuroobayn, haddii aan cilmi ku filan loo hayn.

(لا يقيس إلا من جمع الآلة التي له القياس بها، وهي العلم بأحكام كتاب الله : فرضه وأدبه وناسخه ومنسوخه وعامه وخاصه وإرشاده، ويستدل على ما احتمل التأويل منه بسنن رسول الله صلى الله عليه وسلم، فإذا لم يجد سنة فإجماع المسلمين، فإن لم يكن إجماع فبالقياس)

  • Imaam Al-Qazali waxa uu ku soo koobay shurooda fatwoodaha laba qaybood; 1) In uu ku xeel-dheeraado cilmiga diiniga fahankiisa iyo macnihiisaba, 2) In uu ahaado qof caadila oo macaasida ka dhawrsoon.

أحدهما: أن يكون محيطا بمدارك الشرع، متمكنا من استثارة الظن، بالنظر فيها، وتقديم ما يجب تقديمه، وتأخير ما يجب تأخيره. الثاني: أن يكون عدلا، مجتنبا للمعاصي القادحة في العدالة

  • Al-imaam Al-raazi ayaa sidoo kale tilaamammay in cilmiga looga baahanyahay muftiga ama mujtahidka uu yahay cilmiga fiqiga (fiqhiga), waxa sidaas ku raacay Al-imaam shawkaanina oo sheegay  in uu yahay laf dhabrka iyo seeska ijtihaadka.

 الامام الرازي رحمه الله – ” أن أهم العلوم للمجتهد علم أصول الفقه”

Culimada iyo qaar kale oo badan, ayaa tilmaamay shuruudo loo ga baahanyahay muftiga ama qofka mujtahidka ah. Shaki la’aan muftigu amma fatwadu waa arrin aad u muhiima,kana turjumaysa  in Allah subxaanahu watacalaa fatwada horseed u yahay sida uu Alle ku  yidhi kitaabkiisa, ‘Waxa ay cilmi ahaan waydiinayaan qofka geeriyooda ee aan asal iyo farac toona lahayn (kalaallada)dhaxalkiisa ilaahay ayaa kaga jawaabaya,’

سورة النساء: 176 (يَسْتَفْتُونَكَ قُلِ اللَّهُ يُفْتِيكُمْ فِي الْكَلاَلَةِ)

Sidaana uu Alle u kaga jawaabijiray Masaa’isha, ka dibna Nabiga ayaa aha muftigii ugu horreeyey ee islaamka, sidaasna waxa ka dhaxlay saxabadii rasuulaka Alle ha ka raalli noqdee. Markaa aad dib ugu laabato kutubta fiqiga waxa kuu muuqanysa in meelo badan lagaga hadlay muftiga iyo shuruuda uu leeyahay oo ay ka mid yihiin; in uu ahaado qof muslima, baaliqa, caaqila, caalima iyo caadila, lagumana xusin in uu ahaado qof rag ah amma xorra, taa macnaheedo tahay in ay dumarku noqon karaan mufti amma mujtahidad,culimaduna isku raaceen in ay fatwoon karaan haddii ay shuruuda buuxiyaan. Haweenka oo fadwada kaqayb qaataa waxa ay u fududaynaysaa in dumarka kale ku dhiiradaan in ay masaa’sha waydiiyaan si fiican uga bogtaan halka ay ragga ka la xishoodanayaan. Tusaale ahaan, aayadan waxa ay tilmaamaysaa, muujinaysaana in  ragga iyo dumarka muslimka ah ay waxa wanaagsan  isfaraa waxa xuna isku diida.

(وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ حَكِيم)

 

Dumar Fatwoodayma ku jiraan Taariikhda Islaamka?

Taariikhdda islaamka waxa soo maray dumar fatwooday, dumarkaasna waxa hoggaan u ahayd Umu Almu’miniin Ca’sha Alle raalli ha ka ahaado oo rag iyo duamr ba u fatwoon jirtay,madaama ay Nabiga (NNKHA)  ka ag dhawayd, cilmi badana ka baratay, lana waydiin jiray arrimo badan oo adag, taasina ay keentay in culimo badan ay ku amaaneen cilmiga ay haysay.

Al-Qaasam Ibnu Maxamed oo ka mida fuqahadaa toddabada ah Al-Madiina Al-Munawara waxa uu yidhi mar uu ka hadlaayey fatwada Umu Almu’miniin Caa’isha, ‘waxa ay Ca’shaa fatwoon jirtay xililgii khulafada ilaa ay ka geeriyoonaysay.’

“كانت عائشة قد استقلت بالفتوى في خلافة أبي بكر وعمر وعثمان وهلم جرا إلى أن ماتت يرحمها الله”

Ibnu-Alqayam oo sheegay in ay dumarkii Nabigu fatwoon jireen,  balse ay kala badsan jireen sida  Umu-Salama,Safiya,Xafsa, Umu-Xabiibaha. Sidoo kale, Imaam-Aldahabi waxa uu ku  xusay kitaabkiisa Siyar Aclaam Alnubalaa’“سيَر أعلام النبلاء” dumarka muftiga ah  waxa ka mida ahaa Safiya bintu shaybe, Umu-Aldardaa , Mucaadda Alcadawiya, kariimah bintu Axmed, Faatima bintu Albaqdaadi,Bintu Sacbal iyo Ca’isha bintu Xasan iyo dumar kale oo badan.

Haweenkaas oo ahaa kuwo caalima ah oo ku xeel-dheeraaday cilmiga diiniga, waxa ay guteen wajib ka mida wajibaadka ay arrladan ku leeyihin oo ay tahay in ay gudbiyaan diinta islaamka ka dhiibtaana raygooda diiniga ah.Gabadha muslimada aha marka Alle(SWC) xaqiisa gudato  ka soo baxdana xaqa reerkeeda iyo wajibaadka saaran, waxa ku waajiba in ay diinteeda horumariso barato gudbisana, maadama ay diintu tahay  xil saaran muslimiinta.

Haddaba, marka aan eegno waqtigan xaadirka ah waxa loobaahday in dumarku ka qayb qaataan qaybaha kala duwan ee dalka iyo in ay  masu’uuliyad badan ka saarantahay  bulshadooda. Tusaale ahaan, waxa ay dawoladda Sucuudigu  go’aansatay in ay dumarka ka qayb galiso Golaha Guurtida amma Tashiga (Majlisu Shuura) 2/12/2016  oo ka kooban 150 mudane oo 30 ka mid ah haween yihiin.

Ilaa hadda ma jiro dal ku daray dumarka golaha tashiga (iftaa)  balse ay dawlado badan ay ku doodaan in laga dhigo qayb ka mid ah loona banneeyo meelo u gaara si dumarka ugu fatwoodaan.

Dhinaca kale,  fatwada iyo garsoorku  waa laba arrimood oo kala duwan, sababtoo ah in dumarku fadwoodaan cidi isku ma khilaafsana, halka in gabadh  garsoore/xaakim noqoto  ay ka jiraan khilaaf badani oo diiniya, waxa ay culimo badani ku doodaan in garsoorku yahay qayb ka mida xukun ama walaayad oon dumarka loo ogalayn in xil noocaas oo kale  ay  qabtaan, halka ay fatwado tahay ka jawaabid masaa’il diiniya oo muftigu ku saxsanaan karo amma ku khaldanaan karo, la qaadan karo amma la iska dayn karo oo aan wax cuqubaad ah ka dhalayn.

Caqabadaha ku ga’daaman dumarka in ay ka mid noqdaan culimada ku xeel-dheer  diinta

Waxa jira mushikilado badan oo bulsheed amma dhaqameed oo ku gadaaman haweenka si ay uga mid noqdaan culimada diinta ku xeel-dheer, waxaanaynu ka xusi doonaa qodobo ka mid ah;

  1. Waxa aad u yar haweenay leh aqoon diineed oo ay bulshada ku wacyi galiso, kuna fadwooto.
  2. cilmigii diinta oo masaajidadda xaruntoodo tahay. Masaajidadana waxa maamulkooda iyo gacan ku hayntoodu ku badan tahay ragga.
  3. Culimada qaar  oo aaminsan in codka  dumarka cawro yahay  markaa bulshada oo dhan lama hadli karto.
  4. Way ka masuuliyd badanyihiin ragga,taasoo keenaysa in ay u waydo waqti ay cilmigii ay haysay ku gaadhsiiso cid kale ama soo kor dhisato ba.
  5. Dhaqanka iyo curfiga Somaaliyeed waxa uu dabar ku yahay haweenku in ay aqoontooda wax ugu qaban karaan bulshadooda.
  6. Haweenka laf ahaantoodu isma aaminsana.

 

Ibtisaam Mustafe Garaw

ibtisammustafe@gmail.com

Hargeisa, Somaliland


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada