MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Tuulada Adduunka Ugu Mataanaha Badan

Twins3

Inta badan dadka  mataanaha hooyadu uurka mar kaliya ku wada qaado waa wax aan dunida ku badnayn, qofka Alle siiyaana waxa uu u qaata in ay tahay hadyad Alle ugu deeqay, balse waxa jirta in tirada mataanaha ah ay ku kala duwan yihiin degmooyinka, gobollada iyo dalalka caalamkuba.

Dalalka Latin Amerika iyo Koonfurta Bari ee Eeshiya waxa aad ugu yar amma naadir ku ah ba in wax mataanno ah dhashaan, waxaana la sheega in 1,000 carruur ah ee dhashaa ay 9 kiis mataanno ka yihiin (9 mataannood oo min labo ah).

Geesta kale, Qaarada Yurub waxa la sheega in 1000 carruur ah dhasha ay 16 ka mid ah mataanno yihiin, halka Maraykanka 33 ka mid ah mataanno yihiin 1,000 carruur ah ee dhasha. Badhtamaha Qaarada Afrika ubadka dhasha 18-30 ka mid ah waa mataano 1,000 carruur ah ee dhasha.

Dadka Yoruba oo ku nool Koonfurta galbeed ee Nijeeriya, ayaa loo aqoonsaday in ay yihiin dadka mataanaha ugu badan dhala dunida, sababtoo ah 1,000 ubad ee dhashaba waxa ku jirta 50 kiis oo mataanno ah (laba laba ah).

Dhulka ay qoomiyada Yoruba degaan waxa ku jirta tuulo dunida hoggaanka u qabatay in ay ku nool yihiin, isla markaana ay ku dhashaan mataannaha ugu badan adduunka.

igboorasign

Tuulada Igbo Ora oo ah dhul beeralay ah, isla markaana 80 km u jirta caasimada Lagos ee dalka Nijeeriya waxa lo aqoonsaday in ay tahay “Caasimada Mataanaha Adduunka.” Waxa ku nool mataanno aan tiradooda la sugin, sababtoo ah waxa daraasaduhu sheegeen in 1,000 carruur ee dhashaba ay 158 kiis oo mataanno laba laba ahi ku jiraan.

Barta laga galo magalada waxa ku qoray boordh si qurux badan loogu xardhay qoraal tilmaamaya in dhulkii mataanaha la soo galay oo luuqada Ingiriisiga ku qoran, una dhigan “the land of twins” (Dhulkii Mataanaha), si qofka dalxiisa ah amma goobta soo gala xogtaas u helo ayaa boodhkan loogu dhejiyey waddada laga galo magaalada ee halbawlaha u ah.

Ma jirto cilmi-baadhis ilaa hadda xaqiijisay sababta magaalada ugu badan yihiin kiisaska mataanayntu amma in hooyooyinka ku nool mataanno dhalaan, balse waxa ay dadka qaar amma saynisyahannada qaar ku doodaan in dadka Yoruba ee degaankaas ku nool ay quutaan amma cunaan cunto u gaar ah oo ka kooban waxyaabo dabiici ah (A natural phystoestrogen), kaasoo la sheegay in haweenka u samaxaan in ay dhinac kasta u soo dayaan ugaxaanta taranka.

Geesta kale, dadka tuulada Igbo Ora waxa ay sheegeen in arrintan ay sabab u tahay cunto khaas u ah oo ka kooban amma ka timaada caleenta dhir la yidhaa Okra iyo Yam.

Inkastoo Alle abuurtiisa ay tahay oo xaqiiqada Ilaahay og yahay, waxa warraysi laga qaaday hoggaamiyaha tuuladan 2013, waxaannu ku yidhi; “Waxaannu aad u cunaa caleenta dhirta Okra iyo Ilasa oo isaga aan maraq ahaan ka dhiganno. Sidoo kale waxaannu aad u cunaa yam, sidaa darteed cunista dhirtan waxay noo saamaxda in taranku noo kordho.”

Inta badan dadka degaanka Igbo Ora oo ay ku hareeraysan yihiin tuulooyin badan oo qoomiyada Yoruba leeyihiin, waxa mataannada loo bixiyaa magacyada “Taiye” iyo Kehinde,” iyadoo dadku aad u jecel yihin in mataannuhu ku bataan.

Sidoo kale, mataana degaankan waxa ay caan ku yihiin in hab-qaadka dharka amma labiskooda isku mid laga dhigo sannadada ugu horraysa ee koriinkooda.  Waxa iska caadi ah in guri kasta oo tuulada Igbo Ora ku yaala ay joogaan laba qof oo mataanno ah amma tiro ka badan.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada