MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Mudane Madaxweyne Saami Qaybsiga Itoobiya Ee Dekeda Waan Ka Naxay, Oo Waan Ka Wer-werayaa !!!

                                          W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)”

Qoraal kooban ku socoda madaxweynaha qaranka mudane Axmed M M Siilaanyo iyo gudida kala duwan ee maamulka Dekedda cusub ee Berbera-Somaliland”.

Waa hubaal oo aniga iyo qof kasta oo muwaadin ahiba waanu ku farxaynaa marka uu qarankayagu, Xukumad iyo shacbi isku duubani ay si wada jir ah u gaadhaan horumar iyo guul, marka ay xukumadu soo bandhigto mashruuc horumarinta dalka ah, ama xadhiga kajarto mid hirgelintiisa ay ku guulaysatey oo faaido dhaqan dhaqaale u leh bulshadda iyo guud ahaan dalkuba, waa marka keliya ee aan dareemo in aan ahay muwaadin dalkiisu xaq iyo waajibaad ku leeyahay, madaxdiisuna aqbalid iyo adeecid ay ka mudanyihiin, bixinta cashuurta iyo gaadhaanka horumarinta dalkuna ay iga dhigaan mid hanbal ah oo u jilicsan gudashadooda. Sidoo kale markii ugu horeysay ee ay dhegahaygu maqleen mashruuca maal-gashi ee Shirkada DP-world ka hirgelinayso Somaliland gaar ahaan Dekeda Berbera oo inta badan ah tiirarka ugu muhiimsan dhaqaale ahaan ee uu wadanku ku tiirsanyahay, farxad,rayn-rayn iyo weji furnaan ayaan kusoo dhaweeyey oo aan ku qaabilay, keligay maaha ee inta badan muwadiniinta kale ee u fikiraysa dhinaca fiicanina sidayda oo kale ayey soo dhaweeyeen, si aan u muujiyo dareenkayga farxadaha kala duwan xambaarsan ee soo dhaweeynta Shirkada DP-World ee dalka Imaraadka, waxaan warbaahinta qoraalka ku shaqaysa kusoo bandhigay qoraal aan ku muujinaayo guusha uu Dalkaygu gaadhay, aniga oo halku-dhig uga dhigay “Shirkadda DP-World waa fursad aan laga warqabin”, taas oo aan dhiirigelin uga dhigaayey Muwadiniinta iyo bulshadda inteeda kale, aniguna qoraalkaas waxaan ku mutaystay hambalyo iyo dhiirigelin igasoo gaadhey qaar kamid ah bulshada; Qormadaas qoraalka ah ee kooban kadib heshiiskii Shirkada DP-World iyo Somaliland, waxa ay dhegahaygu maqleen maal-gashi kale oo inta badan bulshadu dhinac ka istaagtay oo ahaa in Dalka Imaaraadku saldhig ciidan ka samaysanaayo isla magaalada Berbera, sida maalgashigii hore ee Dekadda waxa uu iila muuqday mid farxad leh, waxaanan ka diyaariyey qoraal kooban oo aan kaga qayb qaadanaayo soo dhaweyntiisa, anigoo og waajibaadka iga saaran Dalkayga gaar ahaan dhanka la xidhiidha xirfadayda qoraa-nimo, waxaanan qormadaas halku-dhig uga dhigay “DP-World kadib fursad kale oo Imaaraadku siiyey Jamhuuriyada Somaliland”,sidii qoraalkii hore oo kale ayey dadka qaar iigu hambalyeeyeen iguna dhiirigeliyeen xaqa dalka iyo dadkuba igu leeyihiin, bulshadaas dhiirigelinta isoo gaadhsiisay inta badan waxay iila muuqdeen dhalinyarada da’dayda ah ee kujira ama dhameeyey jaamacadaha dalka, kuwaas oo fursad kasta oo dalka soo marta ku hamiyaaya sidii ay qayb uga ahaan lahaayeen, dhanka kalena kaga bixi lahaayeen shaqo la’aanta baahsan ee dalka kajirta.

Hadii aan qormadaydan maanta usoo daadago, maalintii Khamiistii ee todobaadkii aynu kasoo gudubnay waxaa Dekeda berbera ka qabsoomay xaflad weyn, quruxbadan, oo heer sare loo agaasimay , taas oo Shirkada Dp-World kula wareegaysay maalgashigii rasmiga ahaa ee aynu mudada ka sugaynay, Xafladaasi waa mid aan u arkaayey in ay tahay albaabkii laga gelaayey horumarinta dekeda iyo guud ahaan Somaliland. Intii xaflada wareejinta Dekeda Berberi socotay, waxaan u sacabo tumaayey, oo aan u dhoolo cadeynaayey horumarka mustaqbalka dhaw ee dalkayga, laakiin si kedis ah waxa uu dareenkaygu is bedelay markii Wasiirka arimaha dibadu waa Sacad cali shire,e uu sheegay in Dalka Itoobiya oo xidhiidh fiican oo dhanka nabadgelyada iyo horumarkuba inaga dhexeeyo in ay saami dhan 19% (boqolkiiba toban iyo sagaal) ku leedahay dekeda, isla markaana ay faaideysan doonto dekeda Berbera. Mudane madaxweyne iyo qof kasta oo hadalka iga gurayaaba ha u arkina in aan ka xumahay, xaasidna aan ku ahay qaybta ama saamiga dawlada Itoobiya ku yeelatay dekeda berbera, laakiin waa hadal aniga iyo muwadiniinta kale indhahooda iyo dhegahooduba furanyihiin is weydiinayaan, mar kastana ka dhex guuxaysa maskaxdooda,  waxa la is weydiinaayo, mudane madaxweyne adigana lagaa rabo in aad naga shaafiso ayaa ah dhawrkan su’aalood:

  1. Maxaa sababay in Dal kale oo sadexaad(Itoobiya) uu ku yeesho saami ama qayb, faa’idada dekeda Berbera?. Waa hubaal oo wasiir kasta ama masuul kasta hadii su’aashan la weydiiyo waxa uu kaga jawaabayaa “Itoobiya waa dal deris wanaag inaga dhexeeyo, waxa inaga dhexeeya iskaashiga nabadgelyada mandaqada ama labada dal, Dekada Berbera waxbay kalasoo degtaa, waxay inoo dhisaysaa jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale, Deked yar oo gaar ah ayey dhisaysaa”, waan hubaa maskaxdeyda iyo shacbigaba waan ku kalsoonahay in su’aashaas ay sidan jawaab uga dhigayaan masuuliyiinta dalku, laakiin xaqiiqada dhabta ahi sidan maaha, ee waxaa jira dano kale oo aan noo muuqan hadii aanu nahay shacbiga muwadiniinta ah ee dalkooda jecel iyo dhalinyarada ku hanweyn in ay horumar ka gaadhaan hamigooda.

 

  1. Hadii ay saami ku yeeltay Itoobiya, Maxaa keenay saami dhan 19% (Boqolkiiba toban iyo sagaal), faaidad dekeda berbera?Su’aashan waxaan ka wadaa waa qadar badan marka boqoley ahaan loo xisaabiyo hantida ay dekede berbera ku yeelanayso itoobiya, ilaa intaas oo dhan maxaa sababay

 

  1. Hore waxaa Somaliland iyo DP-World heshiiskii ay wada saxeexdeen, isla markaana baarlamaanka Somaliland aansixiyey ee uu meel mariyey, saamiga ay ku kala qaybsadeen waa 35% oo Somaliland ah iyo 65% oo DP-World ah, Itoobiya saamigeedu halkuu ka go’ayaa?, Ma dhanka Somaliland mise dhanka DP-World?

 

  1. Mudane madaxweyne Itoobiya maxay inoogu bedelaysaa saamigan?, Ma waxay inoogu bedelaysaa in ay inoo maal geliso dhulkeena abaaruhu saameeyeen oo ceelal iyo beero ayey inooga sameynaysaa, ma warashado ayey dalka inooga dhisaysaa, ma waxsoosaarkeena aynu leenahay haba yaraadee ayey inaga iibsanayaan, mise qaadkan lacagta badan aynu gelinayno ee sicir bararka maanta inugu sababay ayey inaga joojinaysaa.

 

  1. Heshiiska in Itoobiya saami ku yeelato Dekeda Berbera, ma sifo sharci ah oo Baarlamaanku aansixiyeybaa mise waa sharci daro?

 

  1. Ma jiraa wakhti cayiman ama layaqaan oo Saamigani ku eegyahay?

 

  1. Maxay Somaliland ka faaidaysaa saami-gan Itoobiya laga siiyey Dekeda Berbera? Ma Aqoonsi mise Horumar kale oo muuqda?

 

  1. Horta Itoobiya iyo Dawladeedu Somaliland maxay u yaqaanaan, Ma maamul goboleed Soomaaliya katirsan, mise Dal ictiraaf raadinaaya?

 

  1. Horta mudane madaxweyne Itoobiya xidhiidhka inaga dhexeeyaa, Ma in xuduudka laka xidhaa? Ma in muwadinka Somaliland xuduudka lugu dhibaateeyaa?

 

  1. Itoobiya, Dekedeena Berbera way ka danaysataa, Qaadkoodana way inoosoo diraan si dhaqaale inooga helaan, Maxaynu u dirnaa inagu? Mudane milixda iyo kaluunka dalkeena ma inaga iibsanayaan? Mise uma baahna?

 

Su’aalahan iyo kuwo kale oo badani waxay ka dhex guuxayaan bulshadda, waana kuwo u baahan in si sax ah looga jawaabo, hadii ay jawaabaha rasmiga ahi yihiin sida aan soo sheegay, runtii waxaa cad oo aan mudane madaxweyn daah inaga saarnayn in dalkeenu uu kusii socodo meel aan la aqoon xaaladeeda, waxaa run noqonaysa hadaladii xanta ahaa ee aynu ka maqli jirnay Soomaalida kale, kuwaas oo dulucdoodu ahayd in Somaliland tahay kilalka 6aad ee Itoobiya, madaxdeeduna yihiin madax goboleed, isla markaana aan go’aan gaadhin ama aan ku dhaqaaqin ilaa ay lasoo shiraan madaxweynahooda adis-ababa fadhiya ee Ra’sal wasaaraha ka ah Itoobiyadda kale, Safaarada hargeysina tahay isku xidhka madaxweynaha Adis ababa fadhiya iyo madaxda gobolkan kilalka 6aad ah.

Gebo-gebo iyo talo bixin: Runtii qaran ahaan waa inoo doqoniimo hadii aynaan ogeyn hadalada iyo kutiri-kuteenta caalamka inoogu jira, ee mar kasta la inugu xamanaayo, xan maaha ee waa xaqiiq oo waa taas maantaba dekedii aynu qayb ahaan ka iibinay Itoobiya iyada oo aynaan ka fiirsan isla markaana bulsho iyo baarlamaan midna aanu ogeyn.

Waxa inoo fiican oo inoo wanaagsan intii shaki iyo tuhun iyo wejigabax intaba aynu kala kulmi lahayn dad iyo dal aan ina aqoon in aynu ka taxadirno marka hore la xidhiidhka iyo la macaamalka ina dhex maraaya, waa hubaal in maanta itoobiya ay ogtahay qasnadeheena dhaqaale iyo awoodeenu halka ay taagantahay, waana inugu ceeb iyo nusqaan aynu inagu galabsanay oo gacanteena aynu iskugu keenay.

Wabilaahi tawfiiq

Suxufi, Qoraa madax banaan

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: Xamse18@gmail.com

Hargeysa-Somaliland


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada