MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Maxay ka Dhigan Tahay in Itoobiya Saami Laga Siiyo Maalgashiga Dekadda Berbera?

Waxa qoray Cabdiraxmaan Caydiid

Marka hore mahad oo dhami Ilaahay ayay u sugnaatay, nabadgelyo iyo naxariisina suubanaheena Muxammad (SCW). Marka xiga waxaan salaan diiran hawada u marinayaa bahda saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho.

Waxaan dhegaystay warkii Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb ee BBC-da laanta afka Soomaaliga ka baxay maanta (shalay) oo bishu tahay 11 May 2017, kaas oo uu ku sheegay in dawladda Itoobiya saami laga siiyay maalgashiga dekadda Berbera.

Anniga fikirkayga arintani runtii waa loo baahnaa. Maxaa yeelay, waxay kaalin ka qaadanaysaa  in mashruucani guulaysto, isla markaana uu noqdo mid muddo dheer socda (sustainable), oo tratami kara (competitive). waa laba qodob oo muhiim u ah ganacsiga.

Xikmaddu sida la wada fahmi karo waxa weeye in Itoobiya ay taa beddelkeeda ay qayb laxaad leh oo ka mid ah waxyaabaha ay dibadda ka ka soo degsanayso amaba dhoofinayso uu marinkeedu noqdo Berbera. Sidaas haddii ay dhacdo waxa kordhaya dhaqdhaqaaqa badeecada, marka korodhkaasu yimaadana waxa la rajaynayaa in dakhliga cashuuraha kastamaduna kor u kaco oo iyana ka dhigan in miisaaniyadda Somaliland korodho. Xukuumadda arrintaa waynu ku bogaadinaynaa.

Maadaama Itoobiya qayb ka noqotay, heshiiska maalgashiga dekadda Berbera waxa la rajaynayaa inay taas barbar socoto in guud aaan dib loogu noqdo ganacsiga lada dal u kala gudba oo waxyaabo badan la fududeeyo, sida in badeecaduhu si fudud oo sharci ah xuduudaha isaga gudbaan, meeshana looga saaro kootarabaanka iwm. Waxaa kaloo la rajaynayaa inay tani ibafurto in ganacsigu labada dhinacba u socdo oo aanu dhinac qudha u socon, metelan qaadka oo lacag badani Somaliland kaga baxdo, waa in dhinaca kalena (Ethiopia) qaadato badeecadaha Somaliland, sida kalluunka oo kale.

Waxaa la rajaynayaa in dhismihii dekadda ballaadhinteedii bilaabmo si dhakhso ah iyo mashaariicdii kale ee la socotayba.

Hambalyo mar labaad xukuumadda KULMIYE iyo madaxweynahaba.

Cabdiraxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com

May 11, 2017


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada